Madaxweyne Farmaajo oo booqday Taallada Shuhaddada Ciidamada Imaaraadka

Date:

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi “Farmaajo” oo booqasho ku jooga dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa booqday Taallada loo dhisay in lagu xasuusto Shuhadada Ciidamada Imaaraadka ee loo yaqaano Waaxatu Karaama.

Madaxweynaha ayaa waxaa booqashadiisa ku wehliyay Sheekh Khalifa Bin Dhahnuun bin Mahamed Alnahyan oo ah Agaasimaha arrimaha Qoysaska Shuhadada ee diiwaanka dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta, wuxuuna Madaxweynuhu halkaa salaan sharaf uu kaga qaatay ciidamada, kadibna waxa uu ubax xasuus ah dhigay Taallada Shuhadadaasi oo ah mid aad u balaaran kana kooban Alwaax Aluminihyom ah.

Taalladaasi uu Madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo Ubaxa xusuusta dhigay waxay kaloo ka tarjumaysaa midnimada hogaanka dalkaasi kan shacabka iyo Ciidamada geesiyaasha ah ee dalkaasi isutagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Soomaaliya intii uu kormeerayay Taaladaasi xusuusta ah wuxuu ku soo wareegay dhamaan qeybaha ay ka kooban tahay, wuxuuna warbxin ku saabsan qeybaha kala duwan ee Taaladaasi xushmada iyo qiimaha ay uga fadhido shacabka dalkaasi uu kaga dhageystay Sheekh Khalifa Bin Dhahnuun bin Mahamed Alnahyan oo ah Agaasimaha arrimaha Qoysaska Shuhadada ee diiwaanka dhaxal sugaha Imaaraadka Caraabra.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...