Wasiirka Bey’ada iyo Hormarinta Hirshabeelle oo Booqday deegaano uu saameeyay Fatahaada wabiga Shabeelle

Date:

Muqdisho (SONNA) Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Bey’ada iyo Hormarinta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdi Kariin Nuur ayaa booqday deegaano uu saameeyay Fatahaada wabiga Shabeelle, iyagoo shacabka kaashanayana waxay sameeyeen biyo xireeno ay dadka deegaanka iskaaga moosaan fatahaada uu wabiga sameeyay.

Wasiirka ayaa u balanqaaday dadka Beeraleyda ah ee ku nool deeganadaasi in Maamulka Hirshabeelle uu wax badan ka qaban doono fatahaadaha uu sameeyo wabiga Shabeelle, isagoo sheegay in arintaasi kala hadli doonaan Hay’adda FAO oo Qaramada Midoobay u qaabilsan beeraha si ay kaga caawiso ka hortaga saameynta Fatahaada.

Wabiga Shabeelle ayaa dhawaan fatahaado ku sameeyay deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha dhexe, wuxuuna saameyn xoogan ku yeeshay dadka beeraleyda ah ee ku nool gobolkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

MUQDISHO | 05 Maarso 2026 – Wasaaradda Hawlaha Guud,...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dhameystirka Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo...