Madaxweyne Farmaajo oo Maanta ka qeyb galaya Caleemasaarka Uhuru Kenyaata

Date:

Muqdisho (SONNA)ย Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeyb galaya Xaflad Caleemasaarka Madaxweynaha Kenya oo ka dhaceysa Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid ah Madaxda lagu marti qaaday xafladan, iyadoo sidoo kale ay ka qeyb galayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Cismaaciil Cumar Geelle,Uganda Yoweri Museveni, Ian Khama madaxweynaha dalka Botiswana,Paul Kagame madaxweynaha Rwanda, John Pombe Magufuli Tanzania, Edgar Lungu Zambia,Namibia Hage Geingob, Faure Gnassingbรฉ Togo, iyo Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Xaflada lagu caleema saarayo Madaxweyne Uhuru Kenyaata ayaa si weyn looga dareemayaa guud ahaan dalka gaar ahaan Magaalada Nairobi oo si weyn lo adkeeyay amaankeeda.

Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhaxeeya xiriir iskaashi oo dhinacyada ammaanka, ganacsiga iyo horumarinta ah, iyada oo uu shaqeeyo guddi wadajir ah oo labada dhinac u qaabilsan dhaqan-galinta heshiisyada is-kaashi ee u dhaxeeya labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...