Home Blog Page 1422

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha dalka Seychelles+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha dalka Seychelles  (Mr.  Danny Faure)  ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Yuusuf Garaad Cumar, waxayna ka wada hadleen arimaha soo socda:

1: Soo celinta Maxaabiista Soomaalida ee ku xiran Seychelles, si kuwa xukumani ugu dhamaystaan Soomaaliya xukunnadooda , kuwa lasii daynayana lagu celiyo dalkooda.

2.Xoojinta iskaashiga Amniga Badda Indean Ocean oo ka dhaxaysa labada dal iyo marinada biyaha ee ganacsiga aduunku isaga goosho, lagana hortago falalka Bucad-badeednimada.

3.In Soomaaliya iyo Seychelles iska kaashadaan dhinacyo kala duwan sida Ganacsiga, Dalxiiska, iyo in Khibradda Seychelles ee xagga badaha loo gudbiyo Soomaaliya.

Dhanka Dalka Seychelles waxaa goob joog ka ahaa kullanka , Xoghayaha Arrimaha Dibadda (Ambassador Barry Faure) iyo madax kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Madaxtooyada, dhanka Soomaaliya waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Dhamaan arrimahaas wa laysku afgartay, Madaxweynaha Seychelles-na waxa uu bogaadiyay horumarka dhinac kasta ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya gaartay waxa uuna sheegay in Seychelles markasta garab taagan tahay Soomaaliya.

Hindisaha Telefishinka & marxaladihii uu soo maray.

0

 

In la hindiso Telefishin oo sawir maqal iyo muuqaal ah loo diro xagga hawada ma aheyn wax cajiib ah  ,marka loo eego dhegeysiga Idaacadaha iyo daawashada Aflaamta oo farsamo ahaan la tilmaamay in ay ka horeeyeen soo ifbixii Tv-ga oo ah aalad laga daawado muuqaalada iyo maqalka ay soo gudbiyaan xarumaha tlefishinada .

Ma jirin cid u howlgashay hindisaha aaladda TV-ga  ilaa laga soo gaaray dhamaadkii qarnigii 19-aad iyo bilowgii qarmigii 20-aad,waxaana Hindisaha telefishinka uu yimid xilli aqoon durugsan loo lahaa sameynta qalabka biraha ee farsamo ahaan loo adeegsado aaladaha wax soo saarka, barashada cilmiga iyo Habka gudbinta farsamada.

Aqoonyahano badan ayaa  ka qeybgalay dhismaha aaladda TV-ga,waxaana ka mid ahaa Alexander Bain,Frederick Bakewell, Giovanni Caselli , J. Thomson , Karl Ferdinand Braun, Boris Rosing ,Vladimir Zworykin iyo kuwo kale , kuwaas oo sanadihii u dhexeeyay 1843-dii ilaa 1911-kii soo bandhigay farsamo iyo fikrado keenay in khuburro kale ay dhameystiraan qalabka telefishinks.

Khuburadaasi oo ahaa farsamo yaqaanno,waxa ay diiradda saareen farsameynta aalad yar oo  tv-ah oo wadata miraayado qabta  dhaqdhaqaaqa muuqaalka ay soo gudbiyaan kaamerooyinka ,iyagoo qaabeeyay  awoodda korontada iyo sida ay u saameeyaan muuqaalka ay gudbinayaan telefishinka ku shaqeeya xargaha Kaamerada .

Sanadkii 1920-waa markii ugu horeysay ee muhandas Scottish oo lagu magacaabo John Logie Baird  uu soo bandhigo aalad yar oo telefishin ah oo lagu habeeyo muuqaalka sawirada fidiyowga ah ,isagoo gacan ka helaya Nipkow, Waxaana fikradda aaladddaasi kaga  horeeyay, Georges Rignoux iyo A. Fournier oo iyaguna sanadkii 1909-kii daahfuray habka gudbinta  muuqaalka.

Horay u dhaqaajintii qalabka korontada ee uu ku shaqeeyo telefishinka ,waxa ay calaamad u noqdeen bilowga dhameystirka habka farsamada telefishinka,waxaana la daahfuray markii ugu horeysay duni uu ka shaqeyo hab telefishin oo la isku halleyn karo.

Philo Tylor Farnsworth oo xilligisu agaa (1906 –1971-kii) waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa aabihii ama aasaasihii Television-ka casriga ah,isagoo noqday qofkii ugu horeeyay ee soo bandhiga telefishin uu ka muuqdo muuqaalka sawirka biniaadamka ,kaas oo ahaa muuqaal yar oo ka kooban 3-inch iyo bar ,isla markaana laga qaaday xaaskiisa Elma

Mr. Justin Tolman ayaa ka mid ahaa macalimiinta  gacanta ka geystay in Fransworth oo ku xeel dheeraa  cilmiga xisaabta,fisigiska iyo kimisteriga uu ku dhiirado dabagalka fikradaha cilmiga ah ee u suuragaliyay in uu hindiso Telefishin dhameystiran.

1927, isagoo ah 21-sano jir waxa uu soo saaray Tv-ku shaqeeya awoodda korontada ee loo adeegsado gudbinta sawirada ama muuqaalada,wuxuuna hawada u diray sawir ama muuqaal aan dhameystirneyn oo go’go’aya, iyadoo tallaabadaasi keentay in la galay xilli cusub ,isla markaana la helay madadaallo iyo qalab soo jiidasho leh.

Intii u dhaxeysay sanadkii 1927-1930-kii Fransworth waxa uu noqday ninkii sida buuuxda uga shaqeysiiyay soo uruurinta qeybaha muqaallada,awoodda korontada iyo kaamerooyinka fiidiyowga ee la  shaqeeya telefishinka,isagoo sidoo kale dhameystiray kala go’go’ii muuqaaalada ee habka korontada iyo sawiradii ama muuqaaladii mugdiga ahaa ee laga daawanaayey aalada tv-ga.

1938-1951,waxaa kordhay farsamada aaladda Tv-ga,xarumaha Tv-ga,sameynta diishashka,xarkaha korontada ee la shaqeeya  Tv-ga iyo Kaamerooyinka la shaqeeya aaladdaasi,waxaaana suurtagalay in ay abuurmaan shirkado ganacsi oo wada shaqeeya sida :Television and Radio Corporation,kuwaas oo ku baahay  deegaanno uu ka mid yahay  Fort Wayne oo ka tirsan  gobolka Indiana ee dalka Mareykanka iyo kuwo kale.

Sanadkii  1954-tii  waa markii ugu horeysay ee la soo bandhigay habka  midabada telefishinka,taasoo dunida ka dhigtay ama u saafi gareeysay is-badal xagga dabeecadda ah iyo ilbaxnimada casriga ah.walow ilaa bartamihii 1970-kii ay sii jireen ama ay yaraayeen telefishinada Caddaanka iyo Madowga ah

Farnsworth markii uu gaaray da’da 64-sano jir Waxa uu helay in ka badan 3-boqol oo isugu jira abaalmarinno,billad sharafeed iiyo aqoonsi ku aadan wax soo saarkiisa ,kuwaa oo ay bixiyeen dowladda Mareykanka,Ingiriiska iyo dalal kale,kadib kolkii loo aqonsaday in uu qaabeeyay ama aasaasay  Telefishinka ku haboon ganacsiga.

Fransworth oo geeriyooday 1971-dii  waxaa Sanadki 1988, matxaf  ku yaalla magaalada Rigby ee gobolka  Idaho ee Mareykanka uu u aqoonsaday in uu ahaa nin u go’ay horumarinta iyo sameynta aaladda telefishinka,waxayna ku magacaabeen halyeeyga aasaasaha Television casriga ah.

May 2, 1990, waxaa taallo lagu sharfayo looga dhisay xarunta ama hoolka caasimadaa Washington ee D.C,iyadoo taalladii labaad laga hirgaliya gobolka Utah ee Mareykanka,inkastoo maamuuskii ugu horeeyaay uu ka dhacay Jaamacadda Brigham Young oo uu Fransworth wax ku soo bartay yaraantiisii.

Inkasta oo loo yiqiinnay horumariyihii  habka hindisaha Telefishinka ,Farnsworth waxa uu ka qeybqaatay ama lug ku lahaa sahminta aalado badan sidas Microscopka,Wuxuuna helay magac iyo maamuus mudadii uu ku jiray howsha hindisaha Telefishinka

Horumarinta isgaarsiinta telefishinka iyo telefishinka ku shaqeeya Satelite-ka sanadkii 1970-kii waxay ogolaadeen in kanaalo badan oo gudbiya telefishina ay dhiirigeliyeen  in ganacsato badan ay muhiimadda saaraan barnaamijyo ku socda  dhageystayaal gaar ah,waxayna kaloo ay awoodeen in ay sare u kacaan dadka doonaya in ay rukuntaan ama la macaamilaan kanaalada telefishinada,sida  Home Box Office  (HBO), Showtime oo ka jiray Mareykanka iyo , Sky Television oo isna ka jiray Ingiriiska.

Bishii October 1984, aqalka Congress dalka Maretkamka waxa ay meel mariyeen qoraallo ku wajahan siyaasadda isgaarsiinta (Cable Communication ) oo la diyaariyay isla sanadkasi ,kaas oo kuwa isticmaala habka telefishinada u ogolaanaya in ay si xaq ah u helaan adeegsiga qalabka fududeeya isgaarsiinta la mariyo hawada.

Sanadkii 1986-dii waxaa la bilaabay in kaanaalada baahiya telefishinada qaarkood ay ku dhiiradaan isticmaalka aaladda Satelite-ka oo ah qalab awood u leh in isagoo ku sugan hawada sare uu qabto muuqaallo iyo maqal laga baahiyay dhulka,isla markaana loo gudbin karo qaarad illaa qaarad kale ,iyadoo la isticmaalayo diishash ama saxanno waa weyn oo ku shaqeeya qalabka korontada

Internet telefishin ama  online telefishin waa hab suurtagaliya in telefishinadu ay si  degdeg ah u adeeegsadaan  gudbiyaanna macluumaadka,iyagoo ku xiran aaladda Internetka,waxaana shaqada dhaqsaha leh ee  ay wadaagaan telefishinada ay dulucdeedu tahay in loo sii mariyo habka internetka,kaas oo gebi ahaan ka horjeeda hab dhaqameedkii  hore

Digital television waa telefishiada u shaqeeya sida dhaqsiyaha leh ee heerka sare,isla markaana awooda in uu baahiyo muuqaalada dhaqdhaqaaqa iyo maqalka.

Habka ditigaka waa kuwo  badiya macluumaadaka la qabtay ee la baahinayo haba kala duwanaadeen kanaalada telefishinada iyo  aaladda isku xirta muuqaalka,maqalka  iyo waxa kale ee la gudbinaayo

Digital TV waxa uu kaa caawini karaa wax ka badan hal barnaamij oo aad u isticmaasho kanaal teleshin oo keliya,waana xididada si dhow isugu xira in si fudud loo isticmaalo waxyaabaha jaban ee kombiyuutarada waxtarka leh

Sanadkii 1990 -kii iyo wixii ka dambeeyay digital TV waxa uu  noqday fursad dhaxalgal ah oo bulshada caalamka u horseeday in horumar laga gaaro isticmaalka ama adeegsiga qalabka warbaahinta .

W/Diyaariyay Shire Xasan Kulmiye

 

 

Wafdi uu hogaaminayo Wasiir Cabdi Xoosh oo gaaray Koonfur Afrika(SAWIRRO)

0

Johannesburg(SONNA):–Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jira xubno Wasaaradda ka tirsan iyo Guddiga La-socodka dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa gaaray magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Wafdiga ayaa waxaa qaybta VIPda ee Garoonka diyaaradaha ee Johannesburg ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika, Amb Jamal Barrow.

Safarkan shaqo ee qaadan doona muddo isbuuc ah ayaa ujeedadiiso tahay in Wasaaradda ay la tashi la sameeyso jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Afrika iyo sidoo kale in wax laga ogaado qibradda dalka Koonfur Afrika ee ku aaddan arrimaha Dastuurka.

Wasiir Cabdi Xoosh oo Muuqaal Baahiyaha Qaranka Soomaaliya la
hadlay ayaa ka mahadceliyay sida wanaagsan ee Safiir Jamaal Barrow iyo shaqaalaha Safaaradda ay u soo dhaweeyeen, waxa uuna sheegay in maalmaha soo socda ay kulan wadatashi ah oo ku saabsan Geedi-socdoka dib-u-eegista Dastuurka la qaadan doonaan Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, safarkan ayaa waxa uu biloow u yahay safaro ay Wasaaradda ku kala bixin doonto wadamo dhawr ah si dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa ay aragtidooda ugu darsadaan dib-u-eegista Dastuurka.

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Magalada Nairobi ee dalka Kenya ( Faah-faahin + Sawirro )

0

Nayroobi, Nofeembar, 27, 2017– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeybgalaya caleema-saarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa soo gaaray Maagalada Nayroobi.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya Danjire Aamina Maxamed, Sii-haya Safaaradda Soomaaliya ee Kenya Cali Maxamed Sheekh (Bagadi) iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda.

“Xiriirka ka dhaxeeya labada dal waa mid ku dhisan iskaashi iyo wax wada-qabsi. Madaxweyne Farmaajo bishii Maarso ee sanadkan ayuu booqasho rasmi ah ku yimid Kenya si loo xoojiyo xiriirkaas, haatanna waxa uu ka qeyb galayaa caleema-saarka Madaxweyne Kenyatta.” ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axemed.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa qaadan doona muddo hal maalin ah, waxaana berri oo Talaadada ah uu ku biiri doonaa hoggaamiyeyaal ka socda qaaradda Afrika iyo Caalamka oo ka qeyb galaya caleema-saarka.

Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhaxeeya xiriir iskaashi oo dhinacyada ammaanka, ganacsiga iyo horumarinta ah, iyada oo uu shaqeeyo guddi wadajir ah oo labada dhinac u qaabilsan dhaqan-galinta heshiisyada is-kaashi ee u dhaxeeya labada dal.

 

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Booqday Xarunta Safaraddda Soomaaliya ee Sucuudiga

0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta waxaa uu booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga, isagoo dhinaca kale gurigiisa ku booqday Cumar Carte Qaalib oo horey u xilal kala duwan oo kamid yahay Ra’iisul Wasaare uga soo qabtay dalkeena.

Mudane Khadar oo u joogo dalka Sucuudiga howllo shaqo ayaa u kuur galay qaabka ay u shaqeyso Safaaradda iyo howlaha ay u qabato bulshada Soomaaliyeed, kadibna waxaa uu kulan kula qaatay Xarunta Safaaradda Diblumaasiyiinta iyo Shaqaalaha. Isagoo ku boggaadiyey howlaha muhiimka ah ee dadka Soomaaliyeed u hayso safaaraddu.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyey madaxda iyo shaqaalaha safaaradda howlaha muhiimka ah ee u hayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Maanta waxaan fursad u helay inaan booqdo Safaaraddeena Soomaaliya ee ku taalla Boqortooyada Sucuudiga,waxaana la kulmay diblumaasiiyiin iyo madax u bisil una tababaran howsha loo idmaday, waana ku ammaanayaa dadaalkooda Soomaalinimo iyo sida ay uga go’an tahay iney kaalin mugleh ka qaataan soo celinta sharafkii iyo karaamadii ummadda”. Ayuu yiri R/Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Dhinaca kale, R/W ku-xigeenka Soomaaliya ayaa ku booqday gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Riyaad Mudane Cumar Carte Qaalib oo horey xilal kala duwan oo kamid yahay Ra’iisul Wasaare iyo Wasiir Arrimo dibedeed uga soo qabtay dalka. Wuxuuna uga mahad-celiyay tacabkii iyo dadaalkii uu geliyay dawladnimada iyo shaqadii uu ka qabtay xiriirka arrimaha Dibedda intii uu joogay Wasaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya.

Wafdiga Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa maalinta Berri ah u amba- bixi doona Jiddah oo ay uga sii gudbi doonaan Magaalada Barakaysan ee Makkah si ay u soo gutaan waajibaadka cumrada.

Wasiirka Warfaafinta oo ka qeyb galay Sanadguuradii 100-aad ee Xurnimada Finland oo Muqdisho lagu qabtay

0

Muqdisho (SONNA) Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa lagu qabtay Sanadguuradii 100-aad ee xurnimada dalka Finland, waxaana ka qeyb galay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare Mowliid Xuseen Guhaad.

Wasiirka Warfaafinta ayaa Safiiradda Finland ee Soomaaliya Tarja Fernandez kaga mahad celiyay in Muqdisho lagu xuso Sanad guuradii 100-aad ee xurnimada Finland, taas uu sheegay inay cadeyn u tahay sida Dowlada Finland ay u dooneyso in lasii xoojiyo xiriirka Taariikhiga ee u dhaxeeya Finland iyo Soomaaliya oo soo bilowday 1971-dii sida wasiirka sheegay.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow ayaa uga sidoo kale uga mahad celiyay Safiiradda sida Dowlada Finland ay u soo dhaweysay qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkaasi tagay, sida ay uga mid noqdeen Bulshada ku nool dalkaasi iyo sida ay ugu dhiiri galiyaan in dalkooda ay kusoo laabtaan oo ay ka qeyb qaateen dib u dhiskiisa.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in Dowlada Finland ay wada shaqeyn wanaagsan la leedahay wasaaradda warfaafinta, iyagoo fuliyay Mashruuc lagu qalabeeyay Telefishinka Qaranka Soomaaliya SNTV, sidoo tababaro siiyay saxafiyiinta Soomaaliyeed iyagoo u soo diray Soomaaliya khubaro dhanka Warbaahinta ah.

Safiiradda Finland ee Soomaaliya Tarja Fernandez ayaa balanqaaday in Mashruucyo badan oo hormarineed ay Soomaaliya ka fulin doonaan sanadaha soo socda.

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Dalka Kenya

0

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo si heer sare ah loosoo dhaweeyay wafdiga Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka Kenya Maalinta Beri ah kaga qeyb galaya Xaflada Caleema saarka madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyaata oo markale ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalkaasi.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ilaa iyo 11-Hogaamiye la xaqiijiyay iney ka qeyb gelayaan xaflada Caleemasaarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti oo heshiis kala saxiixday

0

Muqdisho(SONNA) Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ay heshiis ku kala saxiixanayeen baarlamaanada Soomaaliya iyo kan Dalka Jabuuti,kaasi oo ku dhisan wadashaqeyn iyo walaaltinimo.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Federaalak Soomaaliya Mudane Maxmed Sheekh Cusmaan Jawaari,guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare ahna kusimaha guddoomiyaha Abshir Axmed Maxmed(Bukhaari),guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti Maxmed Cali Xumud iyo xubno xildhibaano ah.

Heshiiskaasi waxaa u kala saxiixay Soomaaliya guuddooiye Jawaari iyo Abshir Bukhaari guddoomiye kuxigeenka Aqalka sare  ahna kusimaha guddoomiyaha,halka Baarlamaanka Jabuutina uu u saxiixay  Maxmed Cali Xumud.

Heshiiskan oo dhowr qodob ka kooban ayaa waxaa ka mid ah furista wada hadalo lagu xoojinayo wada shaqeynta labada Baarlamaan iyo sidoo kale sameynta guddiga saaxiibtinimada ee labada Baarlamaan,Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo ah habdhowraha golaha shacabka ayaa sheegay in heshiiskan uu muhiimad gaar ah u leeyahay labada wadan

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed ‘’Abshir Bukhaari’’ ayaa sheegay in xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo.

Waxaa kulanka intii uu socday la isku la soo hadal qaadey muhiimadda ay leedahay wadashqeynta iyo walaaltinimada barlamaanada labada dal ,iyadoo la ammaanay dowrka Jabuuti ay ku leedahay taageerada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumad ayaa sheegay in qodobada heshiiskan ku qoran sida ugu dhaqsiyaha badan u hir gelin doonaan.isagoona bogaadiyay xoojinta xiriirka labada wadan.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed iyo Dowladooda aysan marnaba iloobi doonin abaalkii ay u galeen shacabka reer jabuuti iyo dowladooda ,sidoo kalana Baarlamaanka Soomaaliya ay ka go’antahay xoojinta wada shaqeynta Baarlamaanka walaalaha Jabuuti.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo Kormeer ugu tagay Ciidamada ku sugan Waajid

0

Muqdisho (SONNA) Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa gaaray Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, si ay u dhiiri galiyaan Ciidamadda Xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka oo la hadlay wakaalada SONNA ayaa sheegay in ay u kuur galeen xaalada Ciidamadda oo diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira sidii maleeshiyada Al shabaab looga saari lahaa deegaanada yar ay ku dhuumaaleysanayaan, wuxuuna sheegay in talaabadan ay daba socoto dagaalkii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa dhinaca kale sheegay in sidoo kale ay booqasho ugu tageen Ciidamada ku sugan degmada Buurhakaba ee Gobalka Bay, wuxuuna sheegay in diyaar garow fiican uu ka muuqdo, isla markaana ay diyaar u yihiin Argagaxisada Al shabaab inay ku weeraraan Saldhigyada ay ku dhuumaaleysanayaan, wuxuuna sheegay in wax lagu farxo ay tahay sida ciidamada ay kaga muuqato Wadaniyada iyo kalsoonida ay ku qabaan in gabi ahaanba dalka ay ka saaraan Maleeshiyada Jid iyo Jihadiidka ee Al shabaab.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in Howlgaladda Xooggan oo ay wadaan ciidamadda Xoogga dalka iyo Saaxiibada Caalamka ay kordhisay baqdinta iyo walwalka ay qabaan Argagaxisada, iyadoo sababtay in maalmihii ugu dambeeyay ay Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed isku soo dhiibayeen Nabad diidka Al shabaab halka qaar kale oo badan ay iskaga carareen Koonfurta Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo u ambabaxay Dalka Kenya

0

Muqdisho(SONNA):–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor-dhow u ambabaxay dalka Kenya, ka dib casuumaad uu ka helay dhigiisa dalkaasi Kenya Uhuru Kenyata.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalinta beri oo talaado ah dalka Kenya kaga qeyb gelaya Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo mar kale ku guuleystay doorashadii dhawaan ka dhacday dalkaasi.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ilaa iyo 11-Hogaamiye la xaqiijiyay iney ka qeyb gelayaan xaflada Caleemasaarka Madaxweyne Uhuru Kenyatta.