Home Blog Page 1422

Hay’adda Samsam oo maanta deeq lacageed gaarsiisay qaar ka mid ah Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Soobe

0

Masuuliyiinta Hey’adda Samsam Foundation ee magaaladda Muqdisho waxaa ay maanta deeq gaarsiiyeen qaar kamid ah Bukaanada ku jira Isbitaaladda kuwaas oo dhibaatado kasoo gaartay Qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho Sabtidii aan soo dhaafnay.

Dr Maxamed Yuusuf Agaasimaha Isbitaalka Madiina ayaa sheegay in dhawaacyadda u baahan yihiin in lagarab istaago, maadaama qaarkood ay ka soo jeedaan qoysas aad u dan yar.

Madaxa Hay’adda Samsam Sheceyb C/ladiif Sheekh Bashiir ayaa waxaa uu tilmaamay in Qorshuhu yahay inay tagaan inta badan Isbitaaladda lajiifiyey Dadkii u dhaawacmay Musiibadda ka dhacday Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya sidoo kalena kamid ah Guddiga Gurmadka Qaran C/raxmaan Cumar Cismaan  ayaa waxaa uu sheegay in dadku inay isgarab istaagaan ay aad muhiim u tahay waxaana uu u mahadceliyey Madaxda Hey’adda Samsam Foundation sidda ay dadka u garab taagan yihiin.

Boosaaso oo si weyn looga dareemayo gurmadka loo fidinayo dhibanayaasha Qaraxii Soobe

0
Magaalada Boosaaso waxaa si xowli ah uga socda gurmadka loo sameynayo dadkii waxyeelada ka soo gaartay masiibadii ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho,waxaana gurmadka uu ka socdaa Masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Xalay ayaa Boosaaso laga uruuriyey lacag kor udhaafeysa 300.000 oo doolar (Saddex Boqol Oo Kun Oo dollar)  waxaana lacagtan isku daray shacabka, Ganacsada, Xukuumada Puntland iyo shaqsiyaad kale taasi oo loogu gurmanayo dadkii ku dhaawacmay qaraxii Muqdisho iyo kuwii eheladooda ku waayey.

Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo Boosaaso kahadlayey ayaa dalbaday in loo gurmado Walaalaha dhibaatada kala kulmay qaraxii Soobe.

Sidoo kale,Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland c/laahi Cali Xirsi (Tima cadde) oo ka hadlay saameynta Qaraxa ayaa sheegay in loo baahan yahay dhaqaalo looga jawaabo si loo taageero dhaawacyada Cisbitaalada lagula tacaalayo.

Shirkadaha Ganacsiga, Shacabka magaalada iyo Ganacstada waxay weli wadaaan dadaalada loogu gurmanayo walaalaha dhibaatada ka soo gaartay Soobe ee 14-kii bishan dhacay.

Wakaaladda SONNA iyo Midowga Wakaaladdaha Wararka Dalalka Islaamka oo Hishiisyo taariikhi ah kala saxiixday

0
Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, Mudane Cbadullaahi Sh. C/raxmaan Heybe, ayaa maanta Magaaladda Jiddah ee xarunta Boqotooyada Sacuudiga Hishiis Taariikhi ah kula saxiixday Agaasimaha Midowga Wakaaladdaha wararka Dowladdaha Islaamka, Mudane Ciise Kheyre Rooble, Hishiiskaas oo ka koobnaa dhowr qodob.
Qodobadii ay ku hishiiyeen Midowga wakaaladdaha Wararka Dalalka Islaamka iyo Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa waxaa kamid ah:-
1- in la iska kaashado isdhaafsiga Wararka Labada dhinac.
 
2- in Wariyeyaasha labada dhinac ay booqashooyin ku kala tagaan Xarumaha Midowga Wakaaladdaha Wararka Islaamka iyo Wakaaladda SONNA.
 
3-Isdhaafsiga Warar maalmeedka  ku qoran luuqadaha Carabiga iyo Ingiriiska, si loo siiyo Warbaahinta gudaha.
 
4-sidoo kale waxay ku hishiiyeen in ay isdhaafsadaan Labada dhinac Sawirada, Muuqaalada, Qoraalada iyo IWM.
 
Waa markii ugu horreeysay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ay ka qeyb gasho Shirka Wakaaladaha Wararka Islaamka oo kulankii 25aad sanadkan lagu qabtay Magaaladda Jiddah.
 
Hishiiskaasi waxaa dhanka Wakaaladda SONNA u saxiixay Agaasimaha SONNA Mudane Cabdullaahi Sh. C/raxmmaan Heybe, iyaddoo dhanka kale Hishiiska uu u saxiixay Agaasimaha Midowga Wakaaladaha Wararka Islaamka Mudane Ciise Kheyre Rooble.
Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka soomaaliyeed ee SONNA, ayaa dadaalo xooggan ugu jira siddii ay wax ula qeybsan laheyd wakaaladdaha Wararka dunida oo muddo ay kadib dhacsaneyd, waxaana Hishiiskan uu noqonayaa  kii ugu horreeyey 27sano kadib ee dhex mara Wakaaladda Wararka SONNA iyo Midowga Wakaaladdaha Wararka Dalalka Islaamka ah, iayddoo ay xusid mudan tahay in dhowaan hishiis lamid midkaan uu dhex maray Qaar kamid ah Wakaalddaha Dunida iyo  Wakaaladda SONNA.
  

R/Wasaare Khayre “dhalinyarada haka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Shabaab”

0

Muqdisho(SONNA) :-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed iney u istaagaan sidii dalka looga xoreyn lahaa kooxaha gumaadka ku haya shacabka Soomaaliyeed, xili uu la hadlayay dhalinyarada Gurmad Qaran oo maanta uu kulannlan la qaatay.

Ra’iisul Wasaare Khayre wuxuu tilmaamay in aan marnala fiirsan karin xasuuqa lagu hayo shacabka, loogana baahan yahay dhalinyaradu in ay qaataan doorkooda xoreynta dalka, si jawaab adag looga bixiyo dhibaatadii ka dhacday isgoyska Zoobe 14kii bishan.

“ Cuddadda ugu badan ee dalku leeyahay waa idinka maanta haddii aan isku geyno awooddeena waxaa hubaal in dhib danbe aysan shabaab noo geysan karin” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegya in marna aan la aqbali karin in magaalo madaxda dalku wehel u noqoto xasuuq joogto ah, taas baddelkeedana la rabo kooxaha argagixisads in loogu tago meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Khayre ayaa u sheegay dhalinyarada Soomaaliyeed in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo uu isagu hoggaamin doono dagaalka, waxa uuna dhalinyarada ku booriyay in ay muujiyaan wadaniyad, kana difaacaan cadowgga dalka iyo dadkooda.

“Dhiigga aan ku bixinayno Isbtlitaallada insha allahu waxaan ku bixin doonnaa furimaha dagaalka. Madaxweynaha ayaa nagu hoggaaminaya dagaalka idinkuna u diyaar garooba difaaca dalkiina hooyo, kana qeyb qaata in ay nabad ku seexdaan caruurteena iyo hooyooyinka maalin walba barooranaya”. Ayuu raaciyey Ra’iisul Wasaaraha.

 

Wakaaladda SONNA iyo Midowga Wakaaladdaha Wararka Dalalka Islaamka oo Hishiisyo taariikhi ah kala saxiixday “Sawirro”

0
 
Jiddah (SONNA)  Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, Mudane Cbadullaahi Sh. C/raxmaan Heybe, ayaa maanta Magaaladda Jiddah ee xarunta Boqotooyada Sacuudiga Hishiis Taariikhi ah kula saxiixday Agaasimaha Midowga Wakaaladdaha wararka Dowladdaha Islaamka, Mudane Ciise Kheyre Rooble, Hishiiskaas oo ka koobnaa dhowr qodob.
Qodobadii ay ku hishiiyeen Midowga wakaaladdaha Wararka Dalalka Islaamka iyo Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa waxaa kamid ah:-
1- in la iska kaashado isdhaafsiga Wararka Labada dhinac.
 
2- in Wariyeyaasha labada dhinac ay booqashooyin ku kala tagaan Xarumaha labada Wakaaladooda,islamarkaana Wakaaladda Wararka Islaamka ay si gaar ah ay uga taageeri doonto dhanka tababarada shaqaalaha Wakalaadda SONNA si tayadooda aqooneed kor loogu qaado.
 
3-Isdhaafsiga Warar maalmeedka  ku qoran luuqadaha Carabiga iyo Ingiriiska, si loo siiyo Warbaahinta gudaha.
 
4-sidoo kale waxay ku hishiiyeen in ay isdhaafsadaan Labada dhinac Sawirada, Muuqaalada, Qoraalada iyo IWM.
 
Waa markii ugu horreeysay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ay ka qeyb gasho Shirka Wakaaladaha Wararka Islaamka oo kulankii 25aad sanadkan lagu qabtay Magaaladda Jiddah.
 
Hishiiskaasi waxaa dhanka Wakaaladda SONNA u saxiixay Agaasimaha SONNA Mudane Cabdullaahi Sh. C/raxmmaan Heybe, iyaddoo dhanka kale Hishiiska uu u saxiixay Agaasimaha Midowga Wakaaladaha Wararka Islaamka Mudane Ciise Kheyre Rooble.
Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka soomaaliyeed ee SONNA, ayaa dadaalo xooggan ugu jira siddii ay wax ula qeybsan laheyd wakaaladdaha Wararka dunida oo muddo ay kadib dhacsaneyd, waxaana Hishiiskan uu noqonayaa  kii ugu horreeyey 27sano kadib ee dhex mara Wakaaladda Wararka SONNA iyo Midowga Wakaaladdaha Wararka Dalalka Islaamka ah, iayddoo ay xusid mudan tahay in dhowaan hishiis lamid midkaan uu dhex maray Qaar kamid ah Wakaalddaha Dunida iyo  Wakaaladda SONNA.
 
 

Boosaaso oo si weyn looga dareemayo gurmadka loo fidinayo dhibanayaasha Qaraxii Soobe

0

Magaalada Boosaaso waxaa si xowli ah uga socda gurmadka loo sameynayo dadkii waxyeelada ka soo gaartay masiibadii ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho,waxaana gurmadka uu ka socdaa Masjidka Rowda ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Xalay ayaa Boosaaso laga uruuriyey lacag kor udhaafeysa 300.000 oo doolar (Saddex Boqol Oo Kun Oo dollar)  waxaana lacagtan isku daray shacabka, Ganacsada, Xukuumada Puntland iyo shaqsiyaad kale taasi oo loogu gurmanayo dadkii ku dhaawacmay qaraxii Muqdisho iyo kuwii eheladooda ku waayey.

Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo Boosaaso kahadlayey ayaa dalbaday in loo gurmado Walaalaha dhibaatada kala kulmay qaraxii Soobe.

Sidoo kale,Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland c/laahi Cali Xirsi (Tima cadde) oo ka hadlay saameynta Qaraxa ayaa sheegay in loo baahan yahay dhaqaalo looga jawaabo si loo taageero dhaawacyada Cisbitaalada lagula tacaalayo.

Shirkadaha Ganacsiga, Shacabka magaalada iyo Ganacstada waxay weli wadaaan dadaalada loogu gurmanayo walaalaha dhibaatada ka soo gaartay Soobe ee 14-kii bishan dhacay.

Janaraal Muungaab oo 3-kun oo dollar ugu deeqay dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Soobe+(Sawiro)

0

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo xalay ka qeyb galay kulan loogu baroordiiqayay dadkii Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay Qaraxii 14-kii bishaan maleeshiyaadka Al-Shabaab ugu geysteen dad shacab ah Isgoyska zoobe ee magaalada muqdisho deeq lacageed oo gaareysa 3 kun oo dollar ugu deeqay gudiga qaran ee gurmadka.

”Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa dhamaan Ummada Soomaaliyeed shacab iyo Dowlad gaar ahaan eheladii qaraabadii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen muwaadiniintii soomaaliyeed marxuumiinti lagu xasuuqay 14kii bishaan gumaadki ka dhacay isgoysa zoobe ee magaalada muqdisho, waxan lee yahay illahay ha u naxariisto intii dhimatay intii ku dhaawacatayna illahay ha bogsiiyo waxay ahayd musiibo qaran oo ay geysteen cadawga Soomaaliyeed cadowga hormarka Umadda Soomaaliyeed ayuu yiri Muungaab.

Mudane Maxamed Xuseen Muungaab aya saddex kun oo dollar ugu deeqay dadkii dhaawaca ka soo gaaray qarixii Soobe ee ay ka dambeeyeen kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan jaaliyadda reer qaahira ku baraarujinaya in walaalaheenna dhaawac ay maanta hiil inooga baahan yihiin sidaasi awgeed waxan halkaan ku cadeynaya oo aan jeclahay inan idiin bilaabo deeq aan ugu talo galay dhibanayaashii ka badbaaday xasuuqi kooxda guracan ee shabaabka waxana ugu deeqaya sadax kun oo dollar waxana rajeynaya insha allah iney jaaliyadda aad iyo aad isku xilqaamto”, ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

 Wariye: Mowliid Hassan 

 

Guddiga Shaqaalaha rayid Dowladda oo lacag deeq ah ku warreejiyey Guddiga gurmad qaran “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA)  Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Federalka Soomaaliya, ayaa maanta deeq lacageed oo gaareysa 5.000$ ku warreejiyey Guddiga Gurmad qaran ee Qaraxii Zoobe, waxaana lacagtaasi guddoomay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Eng C/raxmaan Cumar Yariisow oo wakiil ka ahaa Guddiga.

 
Guddoomiyaha Guddiga Shaqaallaha rayid ee Dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Abshiroow, ayaa sheegay in lacagta ay ku warreejiyeen guddiga Gurmad qaran ay iska soo arruuriyeen dhexdooda, waxaana Shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda uu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gargaarka loo sameynayo dadkii ku waxyeelooby qaraxii Zoobe.

 
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa uga mahad celiyey guddiga Shaqaalaha rayidka ee Dowladda lacagta ay ku warreejiyeen Guddiga gurmad qaran ee loogu talo galay in lagu caawiyo dadkii ku dhaawacmay Xasuuqii Zoobe ka dhacay sabtidii lasoo dhaafay.

Waddada Isgoyska Zoobe oo howl dib u dayactir ka bilaabatay “Sawirro”

0

Muqdisho(SONNA)–Guddoomiyaha Gobalka Benadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thabit Abdi Maxamed ayaa ka qeybgalay howl dib u dhis iyo dayactir ka bilaabatay Isgooska 14 October (Ex zobe) oo dhawaan ku bur buray Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay kaa oo sababay dhimashada dadbadan oo shacab ah.

 

Duqa Magaalada Muqdisho oo ka hadlay goobtu uu ka socday howashaasi dib u dayactirka ah ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dhiso waddadaasi, si ay u soo laabato isku socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha.ka kala goosha Isgoyskaasi.

 

Waddada Isgooska Zope ayaa 14-kii bishan ka dhacday musiibo aad u xun, taasi oo ay ku nafwaayeen Boqolaad Dad shacab ah, ayna ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

 

Sawirqaade:- Maxamed Feereysane

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo kulan mahadcelin ah la qaatay Wafdigii ka socday Djabuuti+(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka MahdiMaxamed Guuleed Khadar ayaa Maanta kulan mahadcelin ah la qaatay wafdigii ka socday Djabuuti, kuwaasi oo u yimid in ay ka qeyb qataan gurmadka Musiibdda 14-kii bishan ka dhacday Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenku waxa uu ka mahadceliyey sida Dowladda iyo shacabka Jabuuti had iyo goor u garab taagan yihiin Walaalahood Soomaaliyeed.

Dowladda Jabuuti ayaa maalmo ka hor magaalada Muqdisho u soo dirtay diyaarad siday gargaar caafimaad iyo dhaqaatiir oo lagu caawinayo dadkii ku dhaawacmay Qaraxii sabtidii la soo dhaafay ay Argagixisada ka fuliyeen Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Waxaana dhaqaatiirta hogaaminayay Wasiirka caafimaadka dalka Jabuuti oo Muqdisho ka sheegay in mar waliba Dowladda Jabuuti ka garab taagan tahay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Tageerada Jabuuti ay siiso Soomaaliya oo dhinacyo badan leh ayaa hadana waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidamo qeyb ka ah howlgalka AMISOM kuwaasoo loogu magacdaray Hiil Walaal oo dagaal adag kula jira Al-Shabaab.