Home Blog Page 1415

Xukuumadda oo sheegtay in Baarlamaanka la horgeyn doono Guddiga madax banana ee la-dagaalanka musuqmaasuqa

0

Muqdisho, 19 November 2017—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormoor shaqo oo uu ku tagey xafiiska Hanti-dhowrka guud ee qaranka ka sheegay in Xukuumaddu ay xooga saareyso la-dagaalanka musuq-maasuqa, maadaama barnaamijka dawladda ay ugu muhiimsan tahay isla-xisaabtanku.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay Hanti-dhowrka guud ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) iyo hawl-wadeenadiisa ayaa sheegay in dawladdu ay qaaday tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu la dagaalamayo masuqa, dhawaana baarlamaanka la horgeynayo guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa, loona baahan yahay in  cid waliba ay arrintaa masuuliyad gaar ah iska saarto.

“Waxaa dawladdu ku talaabsatey horumar dhinacyada la-dagaalanka musuqmaasuqa ah. Si loo hiigsado horumar waa inaan meel cad iska taagnaa cid walba oo sameynaysa musuqa ama dhiiragelineysa. Dhawaan waxaa baarlamaanka horgeyn doonnaa Guddiga madaxa banaan ee la-dagaalanka musuqmaasuqa, horumarinta iyo tayeynta hey’adaha ka-hortagga musuqa waa naga go’an tahay.”Ayuu yiri R/Wasaaraha.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in tallaabooyin wax-ku-ool ah oo loo qaado dhinaca la dagaallanka musuqmaasuqa, laguna horumariyo hufnaanta iyo isla xisaabtanka, ay taasi fure u noqoneyso horumar bulsho oo taabbagala.

R/Wasaare Khayre “Wadan kasta waxaa jihada wanaagsan u kaxeeya aqoon yahanka iyo siyaasiyiintiisa”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa galabta kulan kula qaatay xafiiskiisaa aqoon yahanada Soomaaliyeed ee (Tallo-Wadaag) oo xaruntoodu tahay magaalada Muqdisho.

Kulan kan ayaa qayb ka ah dadaalada xukuumadu ku dhagaysanayso fikradaha aqoon-yahanka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo sameeyo barnaamij dhamaystiran oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka dalka ka jira.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horayntii ku baraarujiyey aqoonyahanada iyo xubnaha bulshada ee kulanka ka qaybgalay iney qaataan kaalintooda ku aadan dawladnimada. Mudane Khayre waxa uu xusay in albaabada madaxda sare ee qaranka ay u furan yihiin cid walba oo talo iyo tusaale wanaagsan ku biirineysa, isagoo uga mahadceliyey tallooyinka waxtarka leh ee ay soo gudbiyeen.

“Wadan kasta waxaa jihada wanaagsan u kaxeeya aqoon yahanka iyo siyaasiyiintiisa, maantana waxaa jira yidi-diilo fiican, marka la eego marxaladihii adkaa ee dalku soo maray, loogana soo gudbay wadatashi iyo tanaasul.”Ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ugu danbayntii aqoonyahanka Soomaaliyeed ee kulanka ka qeyb galay ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha sida uu ugu dhega-nugul yahay bulshada qeybaheeda kala duwan, diyaarna ugu yahay inuu dhageysto cid walba oo dalka ku biirin karta talo wanaagsan oo wax dhiseysa.

Wasiir Beyle”Miisaaniyadda waa tii ugu horeysay oo lagu daro qoondada Caafimaadka iyo waxbarashada Dadweynaha+Sawiro

0

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Maaliyadda XFS Md C/raxmaan Ducaale ayaa maanta Baarlamaanka JFS horgeeyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2018 ka oo dhawaan Golaha Xukumadu ay ansixiyeen.

Miisaaniyadaan oo mareysa akhrinta Koowaad ayaa waxaa Xildhibaanada faahfaahin kooban ka siiyay Wasiirka Maaliyadda Dr Bayleh, isagoo sheegay in Miisaaniyaddaan ay tahay tii ugu horeysay ee lagu daro Qoondada Caafimaadka iyo Waxbarashada Dadweynaha.

“Mudanayaal waxaan idiin sheegayaa in Miisaaniyaddaan ay ka duwantahay kuwii hore, maxaayeelay waxaa ku jirta $3Milyan oo Caafimaadka Dadweynaha iyo ku dhawaad $6Milyan oo Waxbarashada Dadweynaha aan ugu talagalnay” ayuu Xildhibaanada  ka hor yiri Wasiir C/raxmaan Ducaale Bayleh.

Akhrin iyo ka doodid kadib waxaa la sugayaa go’aanka Baarlamaanka ee ku aadan meelmarinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2018ka.

Akhriso: Warsaxaafadeed Maalinta Carruurta Adduunka

0

Maanta 20ka Nofeembar, 2017 Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay kula dabaaldegaysaa adduunka intiisa kale xuska Maalinta Carruurta ee Caalamiga ah. Waxaanu is xusuusineynaa in 20kii Nofeembar, 1989 Golaha Qaramada Midoobay ay ansixiyeen Heshiiska caalamiga ah ee Xuquuqda Carruurta (CRC)

si ay u muujiyaan in dunidu ay aqbaleen in xuquuqda carruurta ay tahay xuquuqda bini’aadamka. Isla markaana ay xuquuqdoodu u qalanto in la difaaco oo ay kor u qaadaan dhammaan dawladaha adduunku.

Soomaliya waxay ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyay ee saxiixay Heshiiska caalamiga ah ee xuquuqda caruurta 9-kii Maajo, 2002. Bishii Janaayo, 2015, waddanka Soomaaliya wuxuu si rasmi ah u ansixiyay Heshiiska xuquuqda caruurta. Dawladda Soomaaliya waxaa waajib ku noqonaya iney diyaariso

warbixinta hordhaca ah labo sano ka dib markii la ansixiyey Heshiiska Caalamiga ah ee xuuuqda caruurta.

Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha oo ah Wasaaradda mas’uulka ka ah xuquuqda caruurta, ayaa ka hawlgashay isku duwidda howlaha laga hirgaliyay wasaaradaha safka hore iyo ururrada bulshada rayidka ah ee heerarka Federaalka iyo dawlad goboleedyadaba si looga helo macluumaad dhameystiran oo ku saabsan hirgalinta heshiiska xaquuqda caruurta oo lagu daro

warbixinta horudhaca ee heshiika xuquuqda caruurta.

Carruurta, dhalinyarada, waalidiinta iyo daryeelayaasha kale ee carruurta ayaa sidoo kale qayb ka ahaa hannaanka isku soo aruurinta warbiximaha ku aadan hirgalinta heshiiska, waxayna bixiyeen macluumaad qiimo sare u leh warbixinta. Hannaanka qoraalka warbixinta horudhaca ah ayaa billaabatay

iyadoo laga tixgalinayo daneeyayaasha oo idil ugu dambaystana loo gudbinayo warbixinta Guddiga QM ee Xuquuqda Carruurta.

Hannaanka qorista warbixinta waxay siinaysaa ubad kasta oo Soomaali ah, dadka da’da yar, dadka waaweyn iyo dhammaan dowladda in ay isku hawlaan sidii ay u hubin lahaayeen in ilmo kasta oo Soomaaliya jooga uu awood u yeesho inuu ku raaxeysto xuquuqdiisa sida ku cad Heshiiska xuquuqda caruurta.

Waa hawl adag, laakiin si tartiib tartiib ah ayaan ku gaari karnaa tan.

Wasaaraddu waxay anbaqaaday talaabooyin ay ku soo bandhigayso, kuna hirgelinayso Heshiiska xuquuqda caruurta iyada oo la billaabay habka diyaarinta Sharciga Xuquuqda Carruurta ( Child Rigts Act), daahfurka hiigsiga hannaankaan ayaa wasaaraddu billowdey.

Dhammaan xilsidayaasha oo ay ugu horeyaan Waalidiinta, Mas’uuliyiinta  Dowladda iyo Dhammaan daneeyayaasha xuquuqda carruurta iyagana wuxuu u noqon doonaa habraaca ay ku ilaalin doonaan xuquuqdaas.

Mustaqbalka, marka ay dowladda Soomaaliya soo gudbiso warbixinno wakhti go’an ah oo ku saabsan hirgelinta Xeerka Xuquuqda Carruurta ayaa waxay abuuri doontaa qayb muhiim ah oo ku saabsan habka warbixinta.

gaar ahaan sanadkaan waxaan la dabaaldegaynaa dhammaan carruurta ku nool Soomaaliya, iyadoo ay jiraan caqabado laga soo gudbay iyo xaaladaha colaadaha , in ay noo cadahay in aan dhinac iska dhigi karno kala duwanaanshaheena aragtiyeed si aan uga shaqeyno daryeelka carruurta, WHHXA waxaa ka go’an meelmarinta xuquuqda ilmo kasta oo Soomaali ah, iyo in la hubiyo in ay gaaraan awoodooda buuxda mid waxbarasho, caafimaad, deegaan iyo bulsho.

Waxaan ku dhiiragelinaynaa warbaahinta iyo daneeyayaasha kale in ay si joogta ah u booqdaan bogagga warbaahinta bulshada ee WHHXA si loogu soo cusbooneysiiyo wixii horumar ah ee ku saabsan horumarinta xuquuqda ubadka.

Warbaahintu waa daneeyaha muhiimka ah ee nala wadaagay ka guulgaarida safarkaan lagu horumarinayo hirgalinta Heshiiska xuquuqda caruurta.

Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha waxay ugu baaqeysaa dhamaan qeybaha dowlada , bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga in loo midoobo hirgalinta heshiiska axdiga caruurta si ubadka soomaaliyeed beri ugu naaloodaan mustaqbal wanaagsan.

Waxaan si gaar ah ugu mahad celineynaa intiis gacan naga siisay waajibaadkaan qaran.

Press Release – Maalinka Caruurta Aduunka

Dowladda Jabuuti oo 1 Milyen oo Dollar ugu deeqday dadkii ku waxyeeloobay musiibadii Soobe(Sawirro)

0

Muqdisho(SONNA) Deeqdani lacageed oo dowladda Jabuuti ay ugu talagashey in lagu gar gaaro dadkii ku waxyeeloobay mashaqadii 14kii October ka dhacday Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu wareejiyay Guddiga Qaran ee gurmadka,taasi oo cadadeedu dhan 1 Milyen oo Dollar.

Waxaa goob joog ka ahaa wareejinta deeqdaasi lacageed Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,waxaana Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan oo lacagtaasi ku wareejiyay guddiga gurmadka Qaran uu sheegay in ay tahay lacag ay iska soo uruuriyeen shacabka reer Jabuuti oo ka dambqaday walaalohoodi dhibaataysan.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan uu ku hadlay magaca guddiga ayaa sheegay in ay guddoomeen deeqdaasi lacageed islamarkaana lagu taakulayn doono dadkii musiibadaasi saameysay kana mahadceliyay.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ku hadlayay magaca dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka reer Jabuuti sida walaaltinimada leh oo ay u garab taagan yihiin Soomaaliya.

Dowladda Jabuuti ayaa kamid ah dowladihii ugu horeyeey oo gar gaar isugu jira dawooyin iyo dhaqaatiir gurmad ahba u soo direy Soomaaliya maalimo kadib markii uu dhacay qarixii Soobe,kaasi oo ay ku dhinteen boqolaal qof kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Dowladda Jabuuti oo 1 Milyen oo Dollar ugu deeqday dadkii ku waxyeeloobay musiibadii Soobe

0

Deeqdani lacageed oo dowladda Jabuuti ay ugu talagashey in lagu gar gaaro dadkii ku waxyeeloobay mashaqadii 14kii October ka dhacday Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu wareejiyay Guddiga Qaran ee gurmadka,taasi oo cadadeedu dhan 1 Milyen oo Dollar.

Waxaa goob joog ka ahaa wareejinta deeqdaasi lacageed Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,waxaana Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan oo lacagtaasi ku wareejiyay guddiga gurmadka Qaran uu sheegay in ay tahay lacag ay iska soo uruuriyeen shacabka reer Jabuuti oo ka dambqaday walaalohoodi dhibaataysan.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan uu ku hadlay magaca guddiga ayaa sheegay in ay guddoomeen deeqdaasi lacageed islamarkaana lagu taakulayn doono dadkii musiibadaasi saameysay kana mahadceliyay.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ku hadlayay magaca dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka reer Jabuuti sida walaaltinimada leh oo ay u garab taagan yihiin Soomaaliya.

Dowladda Jabuuti ayaa kamid ah dowladihii ugu horeyeey oo gar gaar isugu jira dawooyin iyo dhaqaatiir gurmad ahba u soo direy Soomaaliya maalimo kadib markii uu dhacay qarixii Soobe,kaasi oo ay ku dhinteen boqolaal qof kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

MAALINTA CARRUURTA ADDUUNKA 2017 WAR SAXAAFADEED

0

MAALINTA CARRUURTA ADDUUNKA 2017 WAR SAXAAFADEED

Maanta 20ka Nofeembar, 2017 Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay kula dabaaldegaysaa adduunka intiisa kale xuska Maalinta Carruurta ee Caalamiga ah. Waxaanu is xusuusineynaa in 20kii Nofeembar, 1989 Golaha Qaramada Midoobay ay ansixiyeen Heshiiska caalamiga ah ee Xuquuqda Carruurta (CRC)

si ay u muujiyaan in dunidu ay aqbaleen in xuquuqda carruurta ay tahay xuquuqda bini’aadamka. Isla markaana ay xuquuqdoodu u qalanto in la difaaco oo ay kor u qaadaan dhammaan dawladaha adduunku.

Soomaliya waxay ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyay ee saxiixay Heshiiska caalamiga ah ee xuquuqda caruurta 9-kii Maajo, 2002. Bishii Janaayo, 2015, waddanka Soomaaliya wuxuu si rasmi ah u ansixiyay Heshiiska xuquuqda caruurta. Dawladda Soomaaliya waxaa waajib ku noqonaya iney diyaariso

warbixinta hordhaca ah labo sano ka dib markii la ansixiyey Heshiiska Caalamiga ah ee xuuuqda caruurta.

Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha oo ah Wasaaradda mas’uulka ka ah xuquuqda caruurta, ayaa ka hawlgashay isku duwidda howlaha laga hirgaliyay wasaaradaha safka hore iyo ururrada bulshada rayidka ah ee heerarka Federaalka iyo dawlad goboleedyadaba si looga helo macluumaad dhameystiran oo ku saabsan hirgalinta heshiiska xaquuqda caruurta oo lagu daro

warbixinta horudhaca ee heshiika xuquuqda caruurta.

Carruurta, dhalinyarada, waalidiinta iyo daryeelayaasha kale ee carruurta ayaa sidoo kale qayb ka ahaa hannaanka isku soo aruurinta warbiximaha ku aadan hirgalinta heshiiska, waxayna bixiyeen macluumaad qiimo sare u leh warbixinta. Hannaanka qoraalka warbixinta horudhaca ah ayaa billaabatay

iyadoo laga tixgalinayo daneeyayaasha oo idil ugu dambaystana loo gudbinayo warbixinta Guddiga QM ee Xuquuqda Carruurta.

Hannaanka qorista warbixinta waxay siinaysaa ubad kasta oo Soomaali ah, dadka da’da yar, dadka waaweyn iyo dhammaan dowladda in ay isku hawlaan sidii ay u hubin lahaayeen in ilmo kasta oo Soomaaliya jooga uu awood u yeesho inuu ku raaxeysto xuquuqdiisa sida ku cad Heshiiska xuquuqda caruurta.

Waa hawl adag, laakiin si tartiib tartiib ah ayaan ku gaari karnaa tan.

Wasaaraddu waxay anbaqaaday talaabooyin ay ku soo bandhigayso, kuna hirgelinayso Heshiiska xuquuqda caruurta iyada oo la billaabay habka diyaarinta Sharciga Xuquuqda Carruurta ( Child Rigts Act), daahfurka hiigsiga hannaankaan ayaa wasaaraddu billowdey.

Dhammaan xilsidayaasha oo ay ugu horeyaan Waalidiinta, Mas’uuliyiinta  Dowladda iyo Dhammaan daneeyayaasha xuquuqda carruurta iyagana wuxuu u noqon doonaa habraaca ay ku ilaalin doonaan xuquuqdaas.

Mustaqbalka, marka ay dowladda Soomaaliya soo gudbiso warbixinno wakhti go’an ah oo ku saabsan hirgelinta Xeerka Xuquuqda Carruurta ayaa waxay abuuri doontaa qayb muhiim ah oo ku saabsan habka warbixinta.

gaar ahaan sanadkaan waxaan la dabaaldegaynaa dhammaan carruurta ku nool Soomaaliya, iyadoo ay jiraan caqabado laga soo gudbay iyo xaaladaha colaadaha , in ay noo cadahay in aan dhinac iska dhigi karno kala duwanaanshaheena aragtiyeed si aan uga shaqeyno daryeelka carruurta, WHHXA waxaa ka go’an meelmarinta xuquuqda ilmo kasta oo Soomaali ah, iyo in la hubiyo in ay gaaraan awoodooda buuxda mid waxbarasho, caafimaad, deegaan iyo bulsho.

Waxaan ku dhiiragelinaynaa warbaahinta iyo daneeyayaasha kale in ay si joogta ah u booqdaan bogagga warbaahinta bulshada ee WHHXA si loogu soo cusbooneysiiyo wixii horumar ah ee ku saabsan horumarinta xuquuqda ubadka.

Warbaahintu waa daneeyaha muhiimka ah ee nala wadaagay ka guulgaarida safarkaan lagu horumarinayo hirgalinta Heshiiska xuquuqda caruurta.

Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha waxay ugu baaqeysaa dhamaan qeybaha dowlada , bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga in loo midoobo hirgalinta heshiiska axdiga caruurta si ubadka soomaaliyeed beri ugu naaloodaan mustaqbal wanaagsan.

Waxaan si gaar ah ugu mahad celineynaa intiis gacan naga siisay waajibaadkaan qaran.

Press Release – Maalinka Caruurta Aduunka

Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka oo Booqday Saldhiga Turkiga ee Muqdisho+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Cabduweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa Maanta booqday Saldhiga Dowlada Turkiga ee Magaalada Muqdisho, halkaas uu ka socdo tababar tayo sare leh oo la siinayo ciidamo gaaraya 400 oo isugu jira Saraakiil, Saraakiil xigeen iyo ciidamo.

Taliyaha ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Turkiga ee Tababarka siineysa Ciidamada Xoogga dalka, wuxuuna ka dhageystay warbixin ku saabsan sida Tababarka uu u socdo, isagoo sidoo kale mid mid u kormeeray qeybaha Cuntada, Jiifka, Tababarka iyo Fasalada ay ku wax ku bartaan ciidamada.

Intaas ka dib Cabduweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa khudbad dheer u jeediyay Saraakiisha, Saraakiil xigeenada iyo Ciidamada Tababarka uu u socdo, isagoo ku booriyay in ay tababarka si wanaagsan kaga faa’iideystaan, maadaama uu yahay mid tayo fiican leh isla markaana ay tahay fursad qaali ah oo ay ciidamada u heleen inay ku tababartaan Saldhigan leh adeeg kasta oo ka jira Saldhigyada caalamka, wuxuuna ku dhiiri galiyay ciidamada inay yihiin Madaxda Mustaqbalka lagana doonayo inay si wadaniyad iyo dal jaceyl ku jirto wax u bartaan si ay dalka u hoggaamiyaan cadowga Nabad diidka ahna ula dagaalaan.

Taliya Ciidamada Xoogga ayaa sidoo kale u mahad celiyay Saraakiisha Dowlada Turkiga ee tababarka bixineysa, wuxuuna si guud dowlada Turkiga ugu amaanay doorka ay ku leedahay dib u dhiska ciidamada xoogga dalka, oo guud ahaan la doonayo inay la wareegaan amniga dalka.

Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka oo Booqday Saldhiga Turkiga ee Muqdisho

0

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa Maanta booqday Saldhiga Dowlada Turkiga ee Magaalada Muqdisho, halkaas uu ka socdo tababar tayo sare leh oo la siinayo ciidamo gaaraya 400 oo isugu jira Saraakiil, Saraakiil xigeen iyo ciidamo.

Taliyaha ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Turkiga ee Tababarka siineysa Ciidamada Xoogga dalka, wuxuuna ka dhageystay warbixin ku saabsan sida Tababarka uu u socdo, isagoo sidoo kale mid mid u kormeeray qeybaha Cuntada, Jiifka, Tababarka iyo Fasalada ay ku wax ku bartaan ciidamada.

Intaas ka dib Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa khudbad dheer u jeediyay Saraakiisha, Saraakiil xigeenada iyo Ciidamada Tababarka uu u socdo, isagoo ku booriyay in ay tababarka si wanaagsan kaga faa’iideystaan, maadaama uu yahay mid tayo fiican leh isla markaana ay tahay fursad qaali ah oo ay ciidamada u heleen inay ku tababartaan Saldhigan leh adeeg kasta oo ka jira Saldhigyada caalamka, wuxuuna ku dhiiri galiyay ciidamada inay yihiin Madaxda Mustaqbalka lagana doonayo inay si wadaniyad iyo dal jaceyl ku jirto wax u bartaan si ay dalka u hoggaamiyaan cadowga Nabad diidka ahna ula dagaalaan.

Taliya Ciidamada Xoogga ayaa sidoo kale u mahad celiyay Saraakiisha Dowladda Turkiga ee tababarka bixineysa, wuxuuna si guud dowladda Turkiga ugu amaanay Taliyaha doorka ay ku leedahay dib u dhiska ciidamada xoogga dalka, oo guud ahaan la doonayo inay la wareegaan amniga dalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweyinii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxana ay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalku marayo xiligan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ug  a mahadceliyey Madaxweyne Shariif booqashada uu maanta ugu yimid, wuxuna tilmaamay mudane shariif inuu yahay muwaadin dalkiisa wax badan u soo qabtay mudadii uu xilka hayay, xiligana diyaar u ah inuu wixii tallo ku biiriyo madaxda qaranka.

Waxaan maanta xafiiskayga ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, oo aan ka wada hadalnay arrimaha dalka”ayuu yiri R/Wasaare Khayre.