Madaxweyne Gaas oo ka hadlay duqeyntii dhawaan lagu dilay horjooge Daacish ka tirsanaa

Date:

Puntland(SONNA) Iyadoo dhawaan diyaaradaha Mareykanka ay duqeyn ku dileen horjooge ka tirsanaa Maleeshiyada Daacish ee ku sugnaa Buuralayda Galgala ee Puntland,ayaa arrintaasi waxaa ka hadlay madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland.

Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo Daacish meelkasta oo ay joogaan uu soo dhaweynayo maamulkiisa,si loo ga dul qaado dhibaatada ay shacabka ku hayaan.

C/weli Gaas ayaa xusay in duqeyntii dhawaan lagu dilay horjooge ka tirsanaa Daacish oo ku sugnaa Gobolka Bari inta aan la qaadin ka hor  ay halkaasi howlgalo ka sameeyeen deegaano hoostaga Degmada Qandala oo duqeyntaasi ka dhacday,howlgalkaasi oo kaalin ka ahaa bartilmaameedka koxdaasi,waxaana uu hadalkan jeediyaya mar uu lahadlayaay BBCDA.

Mar uu ka hadlayay arrimaha ka taagan Dekedda magaalada Boosaaso ayuu sheegay in aysan jirin wax dhibaato ah ,islamarkaana ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin in ay la kulmaan gacnacsatada wax kala soo degta Dekedda si la iskula mel dhigo sidii meesha looga saari lahaa mad madowga jira.

Todoobaadyadii ugu dambeeyey deegaanada Puntland gaar ahaan gobolka Bari waxaa siweyn loo hadalhayay labo arrimood oo ay kamid yihiin duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyada Daacish iyo xisadihii ka taagnaa howlaha dekedda magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...