Home Blog Page 1410

Warbixin: Dhamaadka Al-shabaab!!!

0

Qaraxii Ka dhacay magaalada Muqdisho ee ugu dhimashada badnaa inta taariikhda la xusuusan yahay, waxa uu ahaa kii ka dhacay 14-ka oktoobar meesha loo yaqaan isgooyska Zope,kaas oo galaaftay in ka badan nolosha 300 oo ruux , islamarkaana la la’yahay 56 ruux sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda F S.

Qaraxaas waxa uu gilgilay quluubta dad fara badan oo ku nool dunida gaar ahaan Soomaaliya, waxaana dhacdadaasi lagu tilmaamay Musiibo Qaran.

Waxaana dadkii dhibkaasi ku habsaday looga soo kala gurmaday dalal ay kamid yihiin Turkiga,Qatar, Sudaan, Jabuuti ,Kenya, Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxay qaateen kaalin muhiim ah oo aan la iloobi Karin.

Dad dadnimada qiimeeya iyo kuwo dareen diineed leh ayaa falkaasi ay ka dambeeyeen Alshabaab ku tilmaamay fal waxashnimo ah oo ka hor imaanaya caqliga saliimka ah iyo sharciga, waxayna ku baaqeen in wuxuushata sidaas wax yeelaysa gacan milatari looga hortago si looga cirib tiro meelaha ay ka joogaan dalka Soomaaliya.

Arintaas ka hortageeda waxaa markii u horaysay isu taagay Madaxweynaha Dawladda F S. Mud: Max’ed C/laahi Max’ed kaas oo iclaamiyay in dalka uu galayo dhawaan dagaal lagu cirib tirayo kooxda Alshabaab ee umadda soomaaliyeed laf dhuun gashay ku noqotay horumarkeeda.

Wuxuuna dhawr maalmood ka dib booqoshooyin ugu kicitimay dalalka ay ciidamadooda soomaaliya u joogaan nabad ilaalinta waxa uuna mas’uuliyiintooda kala hadlay sidii umadda soomaaliyeed looga gacan siin lahaa dagaalka ay la galayaan cadawga Alshabaab shacbiga soomaaliyeed.

Sida runta ahna booqoshooyinka Madaxweynaha iyo wadahadalada uu la galay Madaxweynaha mas’uuliyiinta dalalkaas waxa uu ku soo afmeermay guul iyo in lala wada dagaalami doono argagixisada alshabaab.

Arintaas oo ay farxad gelisay Shacabka soomaaliyeed isla markaan sugi la’aa dabargooynta cadawga umadda soomaaliyeed ee Alshabaab si loo dhiso ammaan iyo dhaqaale hufan oo wax ka tara dhibaha haatan jira.

Waxaan hubaa qof ahaan in Al-shabaab falkoodaas ugu dambeeyey ay mideeysay quluubta umadda oo tafaraarukh aan sidaas u buurnayn ku kala jirtay, waxaana guud ahaan dalka iyo gaar ahaan magaalada Muqdisho laga dareemayaa in ay dul heebhaabayso neecaw xornimo oo sii saadinaysa guusha laga gaari doono Argagixisada alshabaab.

Waxaa la yiraahdaa wax kasta oo biloowda waxay leeyihiin dhamaad aan soo noqod lahayn, sidaas darteed waa hubanti in Argagixisada ay soo bilaabatay waqti mucayin ah oo la isla wada yaqaan, waa dhab in ay umadda isugu muujiyeen in ay yihiin dad diinta islaamka u nusraynaya oo doonaya in la isku xukumo, laakiin waxaa manta shacabka soomaaliyeed u cadaatay in ay Alshabaab yihiin dad diinta islaamka magaceeda quruxda badan wax yeelaynaya, oo umadda la doonaya meel madaw.

Waxaa kaloo cadaatay in ay Alshabaab doonayaan daadinta Dhiigga umadda Soomaaliyeed dana ay ka lahayn wixii baaba’aya,

Bal eeg: Al-shabaab bartilmaameedkoodu waa qof kasta oo Soomaali ah. Waxaadna ka garan kartaa Qaraxyadda saf mareenka ah ee ay Shacabka ku laynayaan. Tiiyoo ay u dheer tahay dilalka hoose iyo dibindaabyooyinka kale ee ay sida qarsoon ugu waxyeelaynayaan dadka Soomaaliyeed,,, Haddana wali dadka Soomaaliyeed ma aysan ku baraarugin cadawga dalka, dadka iyo diinta.

Miyeeysan ku haboonayn inaan meel uga soo wada jeesano Cadawga. Inta loo caqli celin karana aan kala soo baxno illeyn waa caruurteeniyee inta kalana aan wadajir ula dagaalano,

Guntii iyo gabagabadii Al-shabaab waa la isla gartay in ay yihiin cadaw waxaana qof ahaan u jeedaa in lagu jiro Dhamaadkooda Haddii Alle Yiraahdo.

W/Q:-Tifaftiraha Wakaaladda SONNA 

Madaxweyne Gaas oo si rasmi ah u furey kalfadhigii 40-aad ee baarlamaanka Puntland

0

Munaasabada lagu furayay kalfadhigii 4aad ee baarlamaanka Puntland ayaa manta lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Dowlada Goboleedka Puntland,taasi oo ay ka qeybgaleen guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo si rasmi ah u furay kalfadhigii 40-aad ee baarlamaanka maamulkaasi ayaa ka hadlay waxqabadka Puntland,Madaxweyne C/weli Gaas ayaa sheegay in Dowlad Goboleedka Puntland uu ku talaabsaday horumaro dhinacyo badan leh,sida Ammaanka hanaanka dowlad Goboleed dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyuada bulshada ee deegaanada Puntland.

Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay maamulka Puntland madaxdiisa sida wanaagsan oo wafdigoodi ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Garoowe bogaadiyayna wadashaqeynta labada dhinac.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankaasi ka sheegay in baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu waa cusub u baryay,wuxuuna muujiyay ahmiyadda ay leedahay xoojinta wadashaqeynta Baarlamaanka Federaalka ah iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.

Afhayeenka AMISOM “Kolonyo ciidamadeenna ah ayaa waxay la kulmeen qarax iyo dagaal”

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Carbiska oo u dhow degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in Qarax khasaare dhaliyay lala eegtay ciidamo kolonyo AMISOM ah oo Roondo sameynayay.

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo la xiriirtay Afhayeenka Ciidamada AMISOM Wilson Rono, wuxuu xaqiijiyay in qarax iyo dagaal toos ah ay la kulmeen ciidamada AMISOM, laakiin wuxuu sheegay inuusan xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi.

“Kolonyo ciidamadeena oo marayay meel u dhow degmada Afgooye ayaa waxay la kulmeen qarax iyo dagaal toos ah, iyadoo ciidamada ay sameeyeen iska caabin, lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay weerarka, dib ayaan ka soo sheegi doonaa macluumaadka saxda ah” ayuu yiri Wilson Rono,

Mas’uuliyiinta dowlada ee Gobolka Shabeelaha hoose oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in wali aan la kala cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay qaraxa iyo dagaalka balse ay wadaan baaritaan ku aadan sida ay wax u dhaceen.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo u Ambabaxay Dalka Turkiga

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa u ambabaxay dalka Turkiga, isagoo casuumaad rasmi ah ka helay dowlada aan walaalanahay ee Turkiga.

Mudane Xasan Cali Kheyre waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale, isagoo inta uu joogo dalka Turkiga lagu wado inuu kulamo la qaato madaxda dalkaasi.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa kulan gaar ah la qaadan doona Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, iyadoo ay ka wada hadli doonaan xaaladihii ugu dambeeyay Soomaaliya, sida dowlada Turkiga ay kaga qeyb qaadan karto dagaalka dalka looga xureynayo Argagaxisada Al shabaab.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare ayaa uga mahad celin doona Madaxweynaha Turkiga gurmadka shacabka iyo dowlada Turkiga ay u sameeyeen shacabka Soomaaliyeed ee waxyeelada ay ka soo gaartay Qaraxii Musiibada ahaa ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Xooga dalka oo Al shabaab kala wareegay Deegaano ka tirsan Bakool

0

Muqdisho (SONNA) Wararka ka Imaanaya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ay la wareegeen deegaano ka tirsan Gobolka Gobolka Bakool ee Koonfurta Soomaaliya.

Guddoomiye ku Xigeenka Maamulka Gobolka Bakool ahna ku Simaha Guddoomiyaha C/laahi Maxmed Nuur Xuseen oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay in Dagaal xooggan oo saf balaaran ah ay qaadeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ay kaga saareen Maleeshiyada Al shabaab deegaano ka tirsan Gobolka Bakool oo ay ku dhuumaaleysanayeen, isagoo xusay in Job xoogan la gaarsiiyay Argagaxisada.

Sidoo kale Guddoomiye ku Xigeenka wuxuu sheegay in hada ay degan tahay xaalada deegaanada ay la wareegeen Ciidamada Xooga dalka, dadka shacabka ay si weyn u soo dhaweeyeen.

C/laahi Maxmed Nuur Xuseen ku simaha Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Bakool Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee jooga Bokool in nabad diidka ah laga saaro Gobolka oo dhan.

Soomaaliya oo ka qeybgashay shir ku saabsan arrimaha Garsoorka oo Murataaniya ka dhacay+Sawirro

0

Murataaniya(SONNA) Shirkan  oo ay isugu yimaadaan Maxkamdaha Sare ee Wadamada ku jira  jamacda carabta oo sanadkii mar laqabto ayaa waxaa sanadkaan lagu qabtay Dalka muritaaniya Caasimadiisa Nwaakshood.

Soomaaliya waxaa  uga qayb galay shirkaasi mas’uuliyiin ka socotay hay’adaha Garsoorka Dalka waxaana kamid ahaa Garsoore Sheek Aabukar Cusmaan Daahir oo ah Garsoore Ka tirsan Makamadda Sare, Guddomiyaha Maxkamdda Racfaanka Gobalka Banaadir Ustaad Saalix Sheek Ibraahim Dhiblaawe.

Waxyaabaha ugu muhiimsan oo shirkaasi looga hadlayay ayaa waxaa kamid ahaa xoojinta wadashaqeynta Hay’adaha Garsoorka ee Dalalka Ku bohoobay Jaamacadda Carabta oo Soomaaliya ay kujirto.

Shirka waxaa uu socday muddo labo maalin ah 23-24/10/2017 kaasi oo laga soo saarey gebeba gebadiisa qodobo mihiim ah oo quseeeya xiriirka iskaashiga iyo wadshaqeynta hay’adahaasi Garsoorka.

Wefdigii Soomaaliya uga qeybgalay ayaa sheegay in waxyaabihii shirkaasi ka soo baxay ay ahmiyad weyn u leeyihiin Dalka Soomaaliya.

Maxakamadda sare ee Kenya oo go’aan hor leh ka soo saaraysa doorashada

0

Kenya(SONNA) Dalka Kenya waxaa kataagan jahwareer siyaasadeed,iyadoo Maxkamadda ugu sarreysa dalkaasina lagu wado inay maanta go’aan ka soo saarto in ay qabsoomi karto iyo in kale doorashada madaxtinnimada ee ku celiska ah ee loo ballansan yahay in dalkaasi ay ka qabsoonto  Khamiista beri ah.

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa isaga baxay tartanka, isagoo dhaliilay qaabka uu guddigu u abbaaray qabanqaabada doorashada ku celiska ah.

Waxaa lafilayaa in Maxkamaddu ay ka jawaabto dalab degdeg ah oo loo soo gudbiyay taasi oo ku aadan muranka ka taagan habsmi u socodka hanaanka doorashooyinka oo ay curyaaminayaa xarig jiitan siyaasadeen.

Uhuru Kenyatta Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee dalkaasi Kenya ayaa  ku adkeystay in doorashada ay qabsoonto Khamiista,taasi oo ilaa iyo hadda aan la xaqiijin Karin,waxaana dhici kartaa dib u dhac hor leh maadaama maxakamaddu ay sheegayso in ay ka jawaabayso soo jeedino deg deg ah oo soo gaaray.

Hay’adaha Caalamiga ah ee u dood xuqqul insaanka oo kiiskan geeyay maxkamadda ayaa sheegay in aysan Kenya diyaar u ahayn doorasho waxayna rajeynayaan in maxkamaddu ay joojiso doorashadan oo ay ku dhawaaqi doonto in doorasho hor leh la qabto.

Dhanka kale Isbaheysigiisa NASA ayaa ku dhawaad maalin kasta dalka ka dhigayay muddaaharaad ay uga soo horjeedaan guddiga doorashada,waxaana Booliska lagu eedeeyay inay isticmaaleen awoodo dheeraad ah ,Tobannaan qof ayaa ilaa iyo hadda ku dhimatay muddaarahaadyadaasi.

Isbuucii la soo dhaafay xubin sare oo ka tirsan guddiga doorashooyinka ayaa is casishay iyadoo sheegtay inaysan diyaar u ahayn waxay ugu yeertay ‘qeyb ka noqoshada’ doorasho aan si hufan loo qaban doonin. Waxay u carartay New York iyadoo sheegtay inay u baqday nafsadeeda.

Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo Garoowe uga qeybgalay kulankii 40-aad ee baarlamaanka Puntland

0

Garowe(SONNA) Magaalada garoowe ayaa waxaa maanta ka furmaya kulanka 40-aad ee kalfadhiga Baarlamaanka Puntland kaasi oo ay ka qeybgalayaan guddoomiyaasha labada Aqal ee baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Qaban qaabo ku aadan qabsoomidda kulankaasi ayaa ka soconaysa howlka shirarka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland ee magaalada Garoowe,iyadoo siweyn loo adkeeyey ammaanka magaaladaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  ahna ku simaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jaawri  iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi oo ay wehliyaan xildhibaano katirsan labada Gole ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalaya furitaanka kalfadhigan.

Wafdigan ayaaa shalay markii ay gareen magaalada Garoowe waxaa ay la kulmeen soo dhaweyn diiran ay oo ay u sameeyeen madaxda maamulka Puntland iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada.

Faah faahinta goor dhow kala soco SONNA

Soomaaliya oo ka qeybgashay shir ku saabsan arrimaha Garsoorka oo Murataaniya ka dhacay

0

Shirkan  oo ay isugu yimaadaan Maxkamdaha Sare ee Wadamada ku jira  jamacda carabta oo sanadkii mar laqabto ayaa waxaa sanadkaan lagu qabtay Dalka muritaaniya Caasimadiisa Nwaakshood.

Soomaaliya waxaa  uga qayb galay shirkaasi mas’uuliyiin ka socotay hay’adaha Garsoorka Dalka waxaana kamid ahaa Garsoore Sheek Aabukar Cusmaan Daahir oo ah Garsoore Ka tirsan Makamadda Sare, Guddomiyaha Maxkamdda Racfaanka Gobalka Banaadir Ustaad Saalix Sheek Ibraahim Dhiblaawe.

Waxyaabaha ugu muhiimsan oo shirkaasi looga hadlayay ayaa waxaa kamid ahaa xoojinta wadashaqeynta Hay’adaha Garsoorka ee Dalalka Ku bohoobay Jaamacadda Carabta oo Soomaaliya ay kujirto.

Shirka waxaa uu socday muddo labo maalin ah 23-24/10/2017 kaasi oo laga soo saarey gebeba gebadiisa qodobo mihiim ah oo quseeeya xiriirka iskaashiga iyo wadshaqeynta hay’adahaasi Garsoorka.

Wefdigii Soomaaliya uga qeybgalay ayaa sheegay in waxyaabihii shirkaasi ka soo baxay ay ahmiyad weyn u leeyihiin Dalka Soomaaliya.

Maxakamadda sare ee Kenya oo go’aan hor leh ka soo saaraysa doorashada

0

Dalka Kenya waxaa kataagan jahwareer siyaasadeed,iyadoo Maxkamadda ugu sarreysa dalkaasina lagu wado inay maanta go’aan ka soo saarto in ay qabsoomi karto iyo in kale doorashada madaxtinnimada ee ku celiska ah ee loo ballansan yahay in dalkaasi ay ka qabsoonto  Khamiista beri ah.