Home Blog Page 1410

Madaxweyne Farmaajo “Heshiisyada horumarineed ee aan la galnay Mareykanka iyo Qatar waxa ay si xoojinayaan xiriirka haatan naga dhaxeeya Dowladahaas”

0

Muqdisho, Disembar 6, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in heshiisyada horumarineed ee Soomaaliya ay la saxiixatay dowladaha Maraykanka iyo Qatar ay yihiin kuwa ka tarjumaya horumarka ay dowladdu ka samaysay dhanka xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa yiri “Heshiisyada horumarineed ee aan la galnay Mareykanka iyo Qatar waxay si xoojinayaan xiriirka haatan naga dhaxeeya dowladahaas, waxa ayna caddayn muuqata u tahay sida uu u sii xoogaysanayo iskaashiga iyo xirriirka aan caalamka la leenahay iyo kalsoonida lagu qabo hay’adaha dowladda.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyey heshiisyada horumarineed ee dhawaan ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Dowladda Mareykanka u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah (USAID) oo lacag dhan $300 milyan ku bixineysa arrimaha maamul wanaagga, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada iyo caafimaadka.

Sidoo kale, Sanduuqa Horumarinta iyo Hay’adda Gargaarka ee Dowladda Qatar ayaa iyagana sameynaya maalgelin ay ku kaceyso lacag dhan $200 milyan oo loo qorsheeyay dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, xarumaha dowladda iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

“Maal-gelinta iyo taageerada horumarineed ee intaa le eg ma ahan mid ku kooban dib-u-dhiska dalka oo kaliya ee waa mid kor u qaadaysa kaabayaasha dhaqaalaheenna, taas oo dhabaha u xaareysa in nolol wanaagsan ay helaan shacabka Soomaaliyeed. Waxay markhaati u tahay dadaalka aan ku bixineyno in ay Soomaaliya ka hana qaado nabad iyo barwaaqo la isku halleyn karo.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay Xukuumadda uu hogaamiyo Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre dadaalka ay ku bixinayso dhammaysitrka heshiisyadan isagoona guul weyn ku tilmaamay in muddo hal toddobaad gudihiis ah ay Soomaaliya la saxiixato dowladaha Mareykanka iyo Qatar maalgelinta mashaariic horumarineed oo isku darkoodu ay ku baxaysa lacag dhan 500 oo milyan oo Doolar.

Munaasabad looga hadlayay ka Hortaga Askareynta Caruurta oo Muqdisho lagu qabtay

0

Muqdisho (SONNA) Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay maanta Munaasabad looga hadlayay ka hortaga Askareynta Caruurta da’dooda ka yar tahay 18-sano, waxaana soo qaban qaabisay Waaxda Wasaaradda Gaashaandhiga u qaabilsan Ka Hortaga Askareynta Caruurta.

Munaasabada waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Mursal, Xubno ka kala socda Labada Aqal, Saraakiil sar sare iyo Masuuliyiin kale, iyadoo halkaasi laga jeediyay Khudbado looga hadlayay Dhibaatooyinka Caruurta Soomaaliyeed kasoo gaara Askareynta iyo sida looga hortagi karo.

Abaanduulaha Taakuleynta Ciidamda Xoogga Dalka General Bile Ibraahim Aadan oo Goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la raaco Shuruucda u degsan Ciidamada, Dambi weyna ay tahay in la askareeyo caruurta da’dooda ka yar tahay 18-sano, wuxuu sheegay in iyaga ay ku dhaqmi doonaan Shuruucda Askareynta, ayna ka hortagi doonaan cid kasta oo falkaasi ku kacda.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa uga digay Talisyada ciidamadda Xoogga inay askareeyaan Caruurta yar yar, isagoo balanqaaday in Wasaaradda Gaashaandhiga ay xoojin doonto la dagaalanka dadka caruurta Askareeya.

Faallo :-Madaxda Soomaaliya oo cagta saaray wadadii horumarka.

0

:Inta badan shirarka wadatashiga ee dhexmaray dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, waa kuwo u dhacay  si habsami leh oo ka tarjumaya  aayaha umadda, gaar ahaan marka loo eego kulankii ugu dambeeyay oo ay ka soo bexeen qodobbo xasaasi oo keeni kara musaqbal u ifaya dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Kulankii  wada tashiga ee magaalada Muqdisho ka socday  labadii cisho ee u dambeysay ,waxaaa la isla gartay in dardar hor leh loo galo xoojinta amniga,gaar ahaan sidii  meesha looga  saari lahaa  kooxaha nabad diidka ah,iyadoo sidoo kale lagu go’aamiyay in la kobciyo dhaqaalaha dalka oo xilligaan lagama maarmaan u ah in ay gacan ka geystaan bulsho weynta caalamka.

Kulankaasi oo ahaa mid xasaasi ah oo ka duwan shirarkii hore,waxaa lagu sii ambaqaaday dedejinta dhismaha ciidamada isku dhafka ah iyo qaabka ugu habboon ee loo suurtagelin karo dhameystirka dastuurka iyo qabsoomidda doorashooyinka soo socda.

Gunaanadka wajiga 2-aad ee shirkii London  ee looga hadlaaayey arrimaha Soomaliya, islamarkaana ay ka qeybgaleen  madaxda  Dowladda Fedraalka ah,  kuwa Maamul goboleedyada dalka  iyo Beesha caalamka ayaa u muuqda mid miro dhal ah Kadib kolkii dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay soo bandhigeen sida ay u arkaan in lagu gaari karo xalka Soomaaliya,gaar ahaan mustaqbalka dhow .

Madaxda dowladda dhexe,kujwadowlad goboleedyada iyo beesha caalamka ee ka hadlay furitaankii iyo gabagabadii ,waxa ay wada qireen sida ay uga go’an tahay soo celinta karaamadii iyo sumcadii ay lahaayeen dadka iyo dalka Soomaaliya.

Waa tallaabo muhiim ah oo  mudan soo dhoweyn dadaalka ku aadan arimaha Soomaaliya ee ay wadaan dhinacyada siyaasadda dalka iyo beesha caalamka,waxaana suurtogal noqotay in madaxa Soomaalida lagu aamini karo dhaqaalahaka soo xerooda dibadda oo loo soo marin jiray hey’adaha.

Biseylka siyaasadeed ee ka muuqda madaxda Soomaalida ayaa muujinaya in dadka Soomaaliyeed ay xilligaan ka gudbayaan  caqabadaha turaanturada ku ah geedi socodka arimaha dadka iyo dalka.

Wadatashiya xilligaan ee ka dhacay  gudaha dalka soomaaliya,waxa ay qeyb ka yihiin barnaamijyada wax ku oolka ah ee kor loogu qaadayo hammiga iyo niyadda dadka oo in muddo ah ka dhursugayey horumar guud gaar ahaan soo celinta sharaftii dadka iyo dalka.

Waaya aragnimada ay umadi u leedahay marxaladihiin kala duwanaa ee la soo maray ayaa waqtigaan ku dhiirigelinaya in loo hogaansamo,isla markaana gacan la siiyo dowladda  curdunka ah ee la doonayo in loo adkeeyo cagihii ay isku taagi laheyd.

Waxaa dhab ah in caalamka iyo hey’ado samofalku ay diyaar u yihiin soo nooleynta adeegyadii umadda ee lagama maarmaanka u ahaa jiritaanka dadka iyo dalka,waxayna afka ku ballaariyaan sida ay uga go’an tahay garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

Bulsho mideysan oo  diyaar u ah horumarkeeda ,isla markaana ku dhaqaaqda taageeridda dowlad sal adag oo u adeegta dadka iyo dalka,waxaa la gaari karaa marka la helo ,wax wada qabsi iyo kalsooni wadajir ah oo ka timaada dowlad goboleedyada iyo xukuumadda dhexe.

Dadka Soomaaliyeed waxay u arkaan in dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadu ay ku dhaqaaqeen  horumar badan oo taabanaya dhinacyada soo celintaa ammaanka,dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha,garsoorka iyo adeegyada kale ee bulshada,sidaa daraadeedna ay waajib tahay in shacbiga ay gacan ka geystaan dadalka ugu jiraan soo celinta nidaamka iyo kala dambeynta

 

W/Diyaariyay Shire Xasan Kulmiye

 

 

Mareykanka oo ugu Baaqay Muwaadiniintiisa inay Feejignaadaan ka dib Go’aanka Qudus

0

Wasaaradda arimaha dibada ee Mareykanka ayaa safaaradaha iyo Shaqaalahaba uga digtay jawaab celin careysan oo ka imaan karta goaanka Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump maanta laga sugayo kaas oo ah in Maraykanku Qudus uu u aqoonsado Caasimada Israa’iil isla markaana safaarada Mareykanka uu u raro Qudus.

Sidoo kale Wasaarada Arimaha Dibadu waxay ugu baaqdey safaaradaha inay galaan xaalad foojignaan ah amnigana adkeeyaan.

Sida ay kasoo xigatey Jariidada Politico oo kasoo baxda wadanka Maraykanka Wasaarada arimaha dibada ayaa cadaysey suura galnimda ah in rabshado ka qarxaan wadamada islaamka iyo carabta ku dhawaaqista Trump kadib.

Digniinta ayaa si qarsoodi ah oo loogu diray Safaaradaha Mareykanka iyo Qunsuliyadaha si loogu diyaariyo khatarta ka imaan karta weeraro lala beegsado safaarada Mareykanka iyo in la xoojiyo talaabooyinka ammaanka, sida uu Wargeysku sheegay.

Wargayska ayaa soo xigtay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo sheegay inuu aad uga warwarsan yahay weerar balaaran oo lagu soo qaado iyo aargoosi loo geysto muwaadiniintooda.

Ciidamada Xoogga dalka oo Hawlgalo Jidgooyooyin lagu sifeynayay ka sameeyay Shabeelaha dhexe

0

Muqdisho (SONNA) Ciidamadda xoogga dalka ayaa hawlgalo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobalka Shabeellaha dhexe waxay ku sifeeyeen Jidgooyooyin ay dhigteen kooxo hubeysan.

Deegaanada ay ciidamada hawgalada ka sameeyeen waxaa ka mid ah Cadale, Warshiiq, Raagaceele, iyo deegaano kale, waxayna dadka shacanka sheegeen in Kooxo hubeysan ay ku dhibaaateeyn jireen dadka safarka ee gawaarida saaran.

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa gaaray deegaanada ciidamada ka qaadeen Jidgooyooyinka wuxuuna sheegay meelaha laga ceyriyay kooxaha hubeysan ee dadka dhibaateyn jiray in la keeni doono ciidamo amaanka sugaya si ay dadka deegaanka iyo kuwa safarka ay nabad galyo ugu noolaadaan.

Ciidamada xoogga dalka ayaa si dhaqso ah kaga jawaabay cabasho maalmahanba kasoo yeereysay shacabka ku safra deegaanadaas oo dhibaato badan ku qabay kooxaha hubeysan dadka baaran jiray.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo Hawlgalo Miino saaris ah ka sameeyay Gobolka Hiiraan

0

Muqdisho (SONNA) Ciidmada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Hawlgalo ka dhan ah maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab dhanka kale Miinooyin lagu soo saaray ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan eee Bartamaha Dalka kana mid ah Deegaanada hoos yimaada Gobolkaasi.

Wariye Ibraahim Maxamed Geedi oo ka tirsan Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Hiiraan ayaa saaka soo sheegaya in Ciidmadu deegaano ka mida Hiiraan ka fuliyeen Hawlgalo lagu baacsanayo Maleeshiyada Argagaxisada Al shabaab.

Hawlgalkaan Ciidamada Xoogga Dalku ka sameeyeen Deegaanada ka Gobolka Hiiraan ayaa qeyb ka ah dadaalada maleeshiyaadka looga sifaynayo Guuda ahaanba Dalka.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

Khilaaf horleh oo soo kala dhex galay Horjoogayaasha ugu sareeya Al shabaab

0

Muqdisho (SONNA) Khilaaf aad u xoogan ayaa soo kala dhex galay Horjoogayaasha ugu sareeya Argagaxisada Al shabaab, taasoo sababtay in Horjoogaha ugu sareeya Nabad diidka Axmed Diiriye uu u baxsado Gobalka Gedo.

Taliyaha Qeybta 43 Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Ismaaciil Saxardiid ayaa Wakaalada SONNA u sheegay in Horjooge Axmed Diiriye oo ugu sareeya Maleeshiyada Jid iyo Jiha diidka ee Al shabaab ay isku dhaceen Horjooge la yiraahdo Fiidow oo inta badan Argagaxisada u qaabilsan Koonfurta Soomaaliya.

Horjooge Fiidow ayaa ka mid ah kuwa ugu sareeya Aragagaxisada Al shabaab, waana shaqsiyada ay ka go’do talada kooxda marka laga soo tago Axmed Diiriye oo ah Horjoogaha kooxda,Fiidow waa shaqsi Galaagal xoog badan ku dhex leh Al shabaab, taasoo keentay inuu Axmed Diiriye  Gobalka uu muddooyin badan ku noolaa ka cararo.

Taliyaha ayaa sheegay in ay heleen xogo ku aadan sababaha keenay Khilaafka Horjoogayaasha Al shabaab, waxaana ka mid ah, ka dib markii ay kordheen Hawgalada Dhulka iyo Cirka oo ciidamada xoogga dalka iyo Saaxibada Beesha Caalamka ay ku ciribtirayaan Maleeshiyada Al shabaab waxaa soo kala dhex galay kala shaki ah dhexdooda ah.

Ka dib markii uu dhacay Qaraxii Isgoyska Soobe 14-kii bishii Octoober ee sanadkan waxaa dagaalka guud ahaan dalka looga saarayo Argagaxisada Al shabaab ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, walwal iyo cabsi xoogan oo soo wajahday Maleeshiyada ayaa sidoo kale sababay Khilaafkooda oo gaaray heerkii ugu xumaa, waxaana ay isku mari la’yihiin deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan oo qaarkood ay cabsi ka qabaan in ay is shirqoolaan waana wax lagu yaqaano Maleeshiyada inay is dilaan.

Shacabka Soomaaliyeed oo fahmay Ujeedada guracan ee Nabad diidka Al shabaab ayaa sidoo kale walwal xoogan ku abuuray horjoogayaasha Argagaxisada, iyagoo ka walwalaya halkii ku noolaan lahaayeen maadaama shacabka ay u soo gudbinayaan Ciidamada Xoogga dalka macluumaad ku saabsan qorshaha ay maleegayaan iyo meelaha ay doonayaan inay u baxsadaan Al shabaab oo gabalkooda uu sii dhacayo.

Taliye ayaa dhinaca kale sheegay in waayihii ugu dambeeyay uu jiray khilaafkan wuxuuna kaliya ku koobnaa Awooda iyo Dhaqaalaha, iyadoo Horjoogayaasha Al shabaab ay isku fahmi waayeen sida loo maareynayo dhaqaalaha baada ah oo shacabka ay ka qaadaan iyo cida looga dambeynayo Talada guracan ee Nabad diidka oo sii daciifeysa, waxaana Horjooge Fiidow iyo Rag kale oo Maleeshiyada galaangal ku leh ku jira damac ah inay talada kala wareegaan Axmed Diiriye.

Madaxweyne Trump oo ka hadlaya maanta go’aankiisa ku aadan Qudus

0

Washington(SONNA) Iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu wado qorshe uu safaaradiisa Telaviv  ugu rarayo Magaalada Barakaysan ee Qudus ayaa waxaa sii kordhaya qeylo dhaanta dunida Islaamku ay arrintaasi ka muujinayso.

War ka soo baxay Aqalka cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay in madaxweyne Donald Trump uu ka hadli doono Arbacada maanta ah go’aankiisa ku aadan in safaarada Mareykanka ee Israil loo raro Qudus iyada oo ay soo wajaheyso dhaleeceyn caalami ah oo sii kordheyso.

Haweeneyda Afhayeenka ka ah Aqalka cad  ee Mareykanaka ayaa warbaahinta u sheegtay in madaxweyne Trump Uu aad ugu adkaa fikirkiisa arrintaan ku saabsan.

Qaar kamid ah Tiro hoggaamiyeyaasha  Dalalka Carabta ayaa madaxweynaha Mareykanka uga digay Donald  Trump in uu ku dhaqaaqo go’aankaasi oo ay u arkayaan in uu yahay mid qaldan o aan Washington ka fiirsanaynin.

Amiirka Boqrtooyada Sucuudiga Boqor Salmaan ayaa u sheegay Trump in tallaaba noocaan ah o la qaado ka hor inta aan laga gaarin heshiis nabadeed oo kama dambeys ah arrintaan ay dhalin karto falcelin ka timaada muslimiinta.

Madaxweyne Trump ayaa markii uu kujiray ololihiisa doorashada waxaa uu balanqaaday arrimo ay kamid tahay talaabadan oo uu mareykanka u qaadayo aqoonsiga Israel ,balse waxaa muuqataa in ay ka dhalankarto caro ka timaada guud ahaan caalamka Islaamka.

R/Wasaare Khayre “Soomaaliya waxay ku socotaa dariiqii saxda ahaa ee dib-u-dhiska”

0

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa bogaadiyey taageerada iyo mashaariicda horumarineed ee dawladda Mareykanku ay la garab taagan tahay Soomaaliya. Kadib heshiis horumarineed oo ay kala saxiixdeen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda USAID kaasoo ku kacaya lacag dhan 300 Milyan oo Dollar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay heshiiskan inuu yahay horumar iyo tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka dib-u- dhiska iyo dib-u-soo kabashada Soomaaliya, waxaana uu ku ammaanay dawladda Mareykanka sida ay uga go’an tahay taageeradooda aan shuruudu ku xirnayn.

“Maanta waa maalin kale oo macne ku yeelan doonta mustaqbalka, dawladnimada, nabadda iyo horumarinta Soomaaliya, waxaan uga mahadcelinayaa dawladaha aan saaxiibada nahay taageerada ay la garab taagan yihiin dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dawladdu ay xaqiijin doonto mashaariicda horumarineed ee heshiiskan in ay u fulaan si hufan oo daah-furan ayna gaari doonto dalka oo dhan.

“Soomaaliya waxaa ay ku socotaa dariiqii saxda ahaa ee dib-u-dhiska, waxaan leenahay hay’ado shaqeynaya oo adduunku kalsooni ku qabo diyaarna u ah isla-xisaabtan iyo daah-furnaan” ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

 

Madaxweyne ku xiggeenka Hirshabeelle oo kulan la qaatay Saraakiil Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka socday “Sawirro”

0

Jowhar (SONNA), Madaxweyne ku xiggeenka Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta  magaaladda Jowhar, kulan qado sharaf ah ugu sameeyey saraakiil Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka socday, kuwaasi oo uu kala hadlay arrimo ku saabsan amaanka  iyo tababarka Ciidanka amaanka ee ka howlgala deegaanada maamulka Hirshabeelle.

Mudane Cali guudlaawe, ayaa saraakiishii uu kulmay oo loo xilsaaray in hirshabeelle ay kala shaqeeyaan tababarka Ciidamada Booliska kula dardaarmay  inay  tababaro aqoontooda kor loogu qaadayo Ciidanka amaanka ay joogto u  siiyaan, ayna kaalin weyn ka qaataan nabadeynta deegaanada maamulkaasi.

Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka tirsan ee Hirshabeelle u aaday tababarka Ciidanka amaanka ee maamulkaasi, ayaa qeyb ah qorshaha Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya  ay wado ee ku aadan in Maamulada dalka ka jira laga caawiyo   tababarka  iyo qalabeynta  Ciidanka Nabad gelyada ee qaabilsan amaanka gudaha.