Madaxweyne Trump oo ka hadlaya maanta go’aankiisa ku aadan Qudus

Date:

Washington(SONNA) Iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu wado qorshe uu safaaradiisa Telaviv  ugu rarayo Magaalada Barakaysan ee Qudus ayaa waxaa sii kordhaya qeylo dhaanta dunida Islaamku ay arrintaasi ka muujinayso.

War ka soo baxay Aqalka cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay in madaxweyne Donald Trump uu ka hadli doono Arbacada maanta ah go’aankiisa ku aadan in safaarada Mareykanka ee Israil loo raro Qudus iyada oo ay soo wajaheyso dhaleeceyn caalami ah oo sii kordheyso.

Haweeneyda Afhayeenka ka ah Aqalka cad  ee Mareykanaka ayaa warbaahinta u sheegtay in madaxweyne Trump Uu aad ugu adkaa fikirkiisa arrintaan ku saabsan.

Qaar kamid ah Tiro hoggaamiyeyaasha  Dalalka Carabta ayaa madaxweynaha Mareykanka uga digay Donald  Trump in uu ku dhaqaaqo go’aankaasi oo ay u arkayaan in uu yahay mid qaldan o aan Washington ka fiirsanaynin.

Amiirka Boqrtooyada Sucuudiga Boqor Salmaan ayaa u sheegay Trump in tallaaba noocaan ah o la qaado ka hor inta aan laga gaarin heshiis nabadeed oo kama dambeys ah arrintaan ay dhalin karto falcelin ka timaada muslimiinta.

Madaxweyne Trump ayaa markii uu kujiray ololihiisa doorashada waxaa uu balanqaaday arrimo ay kamid tahay talaabadan oo uu mareykanka u qaadayo aqoonsiga Israel ,balse waxaa muuqataa in ay ka dhalankarto caro ka timaada guud ahaan caalamka Islaamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka...

Wasaaradda Qoyska oo daahfurtay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo kaashanaysa...

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo shahahaadada Master Degree ka qaatay dalka Ruushka

Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...