Ciidamada Xoogga dalka oo Hawlgalo Jidgooyooyin lagu sifeynayay ka sameeyay Shabeelaha dhexe

Date:

Muqdisho (SONNA) Ciidamadda xoogga dalka ayaa hawlgalo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobalka Shabeellaha dhexe waxay ku sifeeyeen Jidgooyooyin ay dhigteen kooxo hubeysan.

Deegaanada ay ciidamada hawgalada ka sameeyeen waxaa ka mid ah Cadale, Warshiiq, Raagaceele, iyo deegaano kale, waxayna dadka shacanka sheegeen in Kooxo hubeysan ay ku dhibaaateeyn jireen dadka safarka ee gawaarida saaran.

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa gaaray deegaanada ciidamada ka qaadeen Jidgooyooyinka wuxuuna sheegay meelaha laga ceyriyay kooxaha hubeysan ee dadka dhibaateyn jiray in la keeni doono ciidamo amaanka sugaya si ay dadka deegaanka iyo kuwa safarka ay nabad galyo ugu noolaadaan.

Ciidamada xoogga dalka ayaa si dhaqso ah kaga jawaabay cabasho maalmahanba kasoo yeereysay shacabka ku safra deegaanadaas oo dhibaato badan ku qabay kooxaha hubeysan dadka baaran jiray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...