Home Blog Page 1409

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo maanta Baydhabo ka dhagax dhigaya Xabsi cusub

0

Baydhabo(SONNA) Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta magaaladaasi kaga qeyb galaya munaasabad lagu dhagax dhigayo Xabsi cusub oo laga dhisayo magaalada Baydhabo.

Xabsiga oo qeyb ka ah mashaariicda Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed ay kala kaashaneysa Beesha caalamka ayaa laga dhisayaa duleedka Waqooyi ee magaalada Baydhabo halkaasi oo uu maanta ka dhagax dhigayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa dhagax dhiga xabsiga cusub ee laga dhisayo magaalada Baydhabo waxaa ku wehlinaya Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka,maamulka Koonfur Galbeed iyo madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Wariyaha Warbaahinta Dowladda ee ku sugan magaalada Baydhabo Siraaji Sheikh Isxaaq oo ka hadlay ujeedka laga leeyahay dhismaha xabsiga cusub ayaa sheegay in baahi weyn oo dhanka xabsiga ah ay ka jirto deegaanada Koonfur galbeed,islamarkaana xabsiga hadda dhisan uu qaadeyn tiro badan oo maxaabiis ah hadana uu la ciir ciirayo kuwa ku xiran.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay lagu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo isagoo lugta soo mariyay meelo badan muhiim ah oo ka tirsan magaalada Baydhabo gaar ahaan xarumaha maamulka uu ku shaqeeyo.

Ra’iisul Wasaar Khayre “Waxaa la furayaa jidka isku xira Muqdisho iyo Baydhabo

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo xalay kulan la qaatay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan degmada Baydhabo ayaa ku baaqay iney dadku ka qeyb qaataan dagaalka looga xoreynayo shabaab dhulalka kooban ee ay maamullaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in la isku furi doono wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baydbao, si deegaanka looga saaro go’doonka. isagoo tilmaamay kooxaha shabaab dhibaatada ay wadaan darteed uu maamulku u guuri la yahay xaruntiisii Baraawe.

 

 

Ra’iisul Wasaaraha oo Safar shaqo ku tegay Magaalada Baydhabo

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa safar shaqo oo u-kuurgelid ah ku tegay magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meelgaarka ah ee Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golayaasha Dawladda Federaalka, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Axmed Shiikh Aadan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dadweynaha Koonfur Galbeed soo dhaweynta diiran ee ay u sameeyeen, wuxuna sheegay inta uu deegaanka ku sugan yahay inuu wax badan ka baran doono.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booqday Jaamacadda Khayre ee degmada Baydhabo, waxana halkaasi uu kula hadlay ardeyda Jaamacadda dhigata oo ku dhiirigeliyey iney sii wataan waxbarashadooda.

Inta uu joogo magaalada Baydhabo, Ra’iisul Wasaare Khayre waxa uu la kulmi doonaa golayaasha, waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

–DHAMMAAD—

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda oo u Hanbalyeeyey Madaxweynaha la Doortay ee Somaliland

0

Muqdisho, 22 November,2017—-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ugu hanbalyeeyey guusha uu ka soo hoyayey doorashadii madaxtooyada ee dhowaan ka qabsoontay Somaliland. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay in doorashadu ay ku dhacday si nabad ah oo daahfuran, isagoo tilmaamay in taasi muujinayso bisayl siyaasadeed ee madaxda iyo shacabka Somnaliland.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa axsaabta mucaaradka ku bogaadiyey sida ay ugu hoggaansameen natiijada doorashada, isagoo xusay in dhammaan dhinacyada siyaasadda ee Somaliland ka wada shaqeeyaan nabadda iyo horumarka Somaliland.

Ugu danbayeyntii, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi u rajeeyey in uu ku guuleysto xilka culus ee

–DHAMMAAD–

Wasiir ku xiggeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS oo dhagax dhigay dhismaha  Xarunta degmadda Gaalkacyo “Sawirro”

0

Gaalkacyo (SONNA), Wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada Dowlada Fadaraalka Soomaaliyeed, Mudane C/llaahi Sheekh Cali Qaloocoow iyo masuuliyiin ka tirsan kuwa maamulka Gobalka Mudug ee Puntland, ayaa maanta dhagax dhigay xarun la doonayo in ay ku shaqeeyaan Maamulka dagmada Gaalkacyo ee Puntland, dhismaha xaruntaan ayaana Qeyb ka ah Mashaariicda horumarineed ee ay wasaarada maaliyadda dowlada dhexe ee Soomaaliya ay ka wado GobaladaDalka.

 

Munaasabada Dhagax dhiga xarunta Degmadda Gaalkacyo ee puntland, ayaa waxaa ugu horeeyn ka hadlay Duqa dagmadda Galkacyo, Maxamuud Yaasiin  Axmed Tumeey, waxaana uu sheegay in ay aadugu faraxsan yihiin in loo dhiso xarun cusub oo uu yeesho maamulka degmadda, maadaama tii horay ay ugu shaqeeyn jireen ay ku bur burtay weerar kooxda argagixisidaa ee Al shabaab ay ku qaadeen xaruntoodii iyo goobo ay lahaayeen dad shacab ah, isagoona sidoo kale uga mahad celiyay dowladda federaalka ah ee  Soomaaliya dadaalka ay wado.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada Dowlada Fadaraalka Soomaaliyeed, Mudane  C/llaahi Sheekh Cali Qaloocoow, ayaa ugu danbeyntii goobta dhagax dhiga kula hadlay warbaahinta, waxaana uu sheegay in dhismaha xarunta dagmada Gaalkacyo ee Puntland ay qeyb ka tahay mashruucyo horumarineed oo ay wasaaradda Maaliyadu ka wado qaar ka mid ah Gobalada Dalka

wasiirka, ayaa ugu baaqay dhalinyarada reer galkacyo in ay hormuud ka noqdaan sara u qaadista horumarka iyo ammaanka Gobolka Mudug.

 

 

 

Shirkad Soomaaliyeed oo ku guuleysatay abaal marinta hal abuurka dhaqan wanaagga maaliyadeed

0

DUBAI(SONNA)Adeegga caalamiga ee maal gelinta yar yar ee  Kaah (KIMS) ayaa loo magacaabay ku guuleystaha abaal marinta hal abuurka dhaqan wanaagga maaliyadeed (EFICA AWARD) ee wareegga 2017, taasoo ah abaal marin sanadeed aad u sharaf badan oo ay isla qaban qaabiyaan Thomson Reuters iyo Bankiga Islaamiga Abu-Dhabi (ADIB).  Abaal marinta ayaa lagu aqoonsadaa “xalka ugu wanaagsan ee la fullin karo horumarinta dhaqan wanaagga maaliyadeed ee caalamiga ah”

Seddexda isu soo hartay ee kala ah shirkadda maamulka hantida ee Arabesque ee fadhigeedu yahay Ingariiska, (UK-based asset management firm Arabesque), sanduuqa keydka howl gabka ee Malaysia (Malaysia’s retirement savings fund) iyo Kaah International Microfinance Services (KIMS) ayaa guddi ka kooban khuburo anshaxa maaliyadeed ka dhax doorteen in ka badan boqol tartame oo ka kala yimid dhamaan daafaha dunida.

Kadib markii la dhageystay daawadayaal 450 ah oo kasoo qeyb galay xaflada casha sharafta ah ee EFICA Gala, waxaa codka aqlabiyadda ee kasoo qeyb galayaasha ku guuleystay KIMS, iyadoona heshay abaal marinta ugu sareysa ee Boqol kun oo doolar ($100,000).

KIMS waa hay’adda kaliya ee gaarka loo leeyahay oo si xirfadaysan uga shaqaysa bixinta adeegga maal gelinta yar yar, iyadoona ganacsiyada yar yar ee Soomaaliyeed siineysa maal gelinta iyo keydinta yar yar ee mas’uuliyadda ku dhisan; isla markaana shareecada waafaqsan.

Tan iyo markii la bilaabay 2014kii, waxey KIMS maal galisay 8,000 oo Soomaali ah oo isugu jira qaxooti soo laabtay, barakacayaal gudaha lagu bara kiciyay  (IDPs) iyo qeybo kale oo halis ugu jiray in ay dalka uga tagaan shaqo la’aan u fidisay maal gelin noloshooda wax ka badashay oo gaareysa $8 million.

Isagoo faallo ka bixinayo ku guuleysiga abaal marinta EFICA, Guddoomiyaha KIMS mudane Mustafa Ali, ayaa wuxuu yiri “waan ku faraxsanahay in dadaaladeena aan ku caawineyno dadka ugu nugul Soomaaliya caawa la aqoonsaday. Abaal marinta EFICA ee KIMS waxey aad muhim ugu tahay cadeynta in aan ku taaganahay wadada saxda ah, waxeyna nagu dhiiri gelineysaa in aan sii ballaarino dadaalkena”

Justin Sykes, oo xubin ka ah guddiga maamulka ee KIMS ayaa ku amaanay qaban qaabiyeyaasha EFICA Award in ay kor u qaadeen mabaadi’da anshaxa iyo casriyeynta adeegyada maaliyadeed, wuxuuna yiri “ ku guuleysiga abaal marintan waxey ka tarjumeysaa aqoonsiga sii kordhay ee baahida loo qabo xalalka mudada fog ee ku saleysan suuqa ee wadamada nugul iyo kuwa khilaafaadku saameeyay.

Wuxuu barnaamijka KIMS ee maal gelinta ganacsatada yar yar iyo kuwa dhax dhaxaadka ah (SME) awood u siiyay bulshada nugul in ay noqdaan jilayaal dhaqaale. KIMS ayaa sii wadi doonta sare u qaadida awoodeda waxeyna kordhineysaa adeegyada maaliyadeed si ay shacabka Soomaaliyeed ugu xaqiijiso in ay helaan ilo dakhli oo waara”.

Cabdullaahi Cawad oo ah Agaasimaha Maamulka KIMS ayaa yiri “ Sharaf ayey noo tahay in aan ku guuleysanay abaal marinta EFICA, waxaana Thomson Reuters iyo Bankiga Islaamiga Abu-Dhabi  uga mahad celineynaa fursadda ay kusoo bandhigeen adeegyada maaliyadeed oo casriga ah oo lagu hogaaminayo mabaadi’da dhaqan wanaag ah isla markaana lagu kicinayo dadka ugu nugul faqriga laguna abuurayo dib usoo kabasho dhaqaale”.

Inta lagu guda jiray abaal marinta EFICA AWARD, KIMS waxey soo bandhigtay qorshaheeda ay wax ugu qabaneyso dadka dhaqaalohoodu hooseeyo oo ay ka mid yihiin qaxootiga ku soo laabtay dalka guud ahaan gaar ahaana magaalo xeebeedka Kismayo ee koonfurta Soomaaliya kuwaas oo ka yimid xerada qaxootiga UNHCR ee Dadaab iyagoo intooda badan labaatameeyo sano dalka ka maqnaa.

KIMS waxey xaqiijisay in lacagta abaal marinta EFICA AWARD ay u adeegsan doonto in ay tababaro iyo maal gelino nolosha wax ka badala ku bixin doonto si ay 100 qof oo dheeraad ah ugu caawiso in ay bilaabaan mashaariic ganacsi.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Safar shaqo ku tegay Magaalada Baydhabo ‘Sawirro”

0

 

Baydhabo (SONNA), 21 November, 2017—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa safar shaqo oo u-kuurgelid ah ku tegay magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meelgaarka ah ee Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golayaasha Dawladda Federaalka, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Axmed Shiikh Aadan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dadweynaha Koonfur Galbeed soo dhaweynta diiran ee ay u sameeyeen, wuxuna sheegay inta uu deegaanka ku sugan yahay inuu wax badan ka baran doono.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booqday Jaamacadda Khayre ee degmada Baydhabo, waxana halkaasi uu kula hadlay ardeyda Jaamacadda dhigata oo ku dhiirigeliyey iney sii wataan waxbarashadooda.

Inta uu joogo magaalada Baydhabo, Ra’iisul Wasaare Khayre waxa uu la kulmi doonaa golayaasha, waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

 

 

–DHAMMAAD—-

 

R/Wasaare Khayre oo goor dhow u amba baxay Baydhabo

0

Muqdisho(SONNA) Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo  ayaa goor dhow ka amba baxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda magaalada Baydhabo.

Ujeedad socdaalka Raiisul Wasaare Khayre ayaa ah u kuurgalka xaaladaha guud ee deegaanada Koonfur Galbeed iyo xogwareysiga bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo,oo uu kula kulmayo bulshada iyo waxgaradka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaasi kula soo kulmi doono madaxda Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed,waxaa sidoo kale lafilayaa in uu la kulmo saraakiisha iyo ciidanka Xoogga Dalka oo kusugan deegaanadaasi

 

Ku xigeenka G.Banaadir oo xariga ka jaray Dugsi lagu baranayo Computer-ka +Sawirro

0

Muqdisho(SONNA)–Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gbolka Benaadir Cabdullahi Cilmi Xaaji Ereg ayaa Maanta xariga ka jaray Qeyb ka mid ah iskuulka Macallin jaamac oo lagu baranayo Xirfada computerka.

Barnaamijkaan ayaa waxaa suura galiyay Hey,adda help yateem, waxaana lagu wadaa inay ka faa iideysan doono Caruurta Agoonta ah iyo Caruurta an awoodin in ay iska Bixiyaan Waxbarashada.

hadal halkaasi laga soo jeediyay ayaa Madaxdii ka hadashay waxay dul joogsadeen sida uu Dugsigan uga faa’ideyn doono dhallinta soo koreysa, gaar haan kuwa tabarta daran iyo aqoontaba.



Emirson Mnangagwa oo loo dhaarinayo xilkii uu katagay Robert Mogabe

0

Wixii ka dambeeyey iscasilaadii Madaxweynihii hore ee Dalka Zimbabwe Robert Mogabe waxaa sii kordhayay dabaal degyada ay sameynayaan dadweynaha wadankaasi oo ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsanyihiin wareejinta Awoodda oo uu sameeyay madaxweyne Mogaabe.

Xalay ilaa iyo maanta magaalooyinka waaweyn ee Dalka Zimbabwe waxaa ka soconaya dibadbaxyo nabadeed oo siweyn loogu soo dhaweynayo go’aankii Mogabe uu qaatay,xili ay jireen xisado siyaasadeed iyo cabsi dadku ay qabeen,waddooyinka magaalada Haraare ee xarunta Dalkaasi waxaa buux dhaafiyay dadweyne aad u farabadan.

Waraaq uu soo qoray Mugabe ayuu ku sheegay inuu iskii u gaaray go’aankaas, si uu u fududeeyo awood wareejinta.

Waxaa uu horey u diiday Mugabe in uu xilka iska casilo, ka dib markii ay awooddii la wareegeen ciidammadu toddobaadkii hore,waxaana ilaa xiligaasi soconayay dadaalo ku aadan sidii loo soo afjari lahaa kacdoonka siyaasadeed ee taagna,kaasi oo ugu dambeyntii soo gunaanuday iscasilaadii Madaxweyne mogabe.

Theresa May oo ah Ra’iisul Wasaarah Britain ayaa sheegtay in iscasilaadda Mugabe ay dalka Zimbabwe u horseedayso fursad iyo jid cusub oo xor ka ah caburintii maamulkiisa wehelisay.

Sidoo akle Waxay sheegtay in Britain oo ah “saaxiibka ugu wakhtiga dheer ee Zimbabwe” in uu gacan ka gaysan doono taageeridda doorasho xor iyo xalaal ah iyo dib u dhiska dhaqaalaha Zimbabwe.

Madaxweynaha xilka ka degay ee Dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa xilka hayay tan iyo markii uu dalkaasi xornimada qaatay 1980kii.

Waxaa lafilayaa in maanta loo dhaariyo xilkaasi si KMG ah Emirson Mnangagwa oo ah ku xigeenkii Robert Mogaabe oo horey xilka looga ereyay.