Home Blog Page 1409

Wasiirka Waxbarashada oo magacaabay Agaasimeyaasha Waaxyaha ee Wasaaradda

0

Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Daahir Cismaan ayaa maanta wareegto ka soo baxday xafiiskiisa ku magaacabay agaasimeyaasha Waaxyaha ee Wasaaradda, iyadoo guddiga shaqada iyo shaqaalaha la siiyay wargelin.

Dhawaan ayay ahayd markii wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya uu shaqadii ka joojiyay Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha, kuwaasi oo lagu amray inay imtixaan u soo galaan shaqada.

Hadabala linkiga hoose ka akhriso magaabista agaasimeyaasha waaxyaha

Magacaabis Xilal

Madaxweyne Farmaajo “Musiibadii ka dhacday Soobe si aysan mar kale noogu soo noqon, waa in aan u wada istaagnaa difaaca dalkeenna”

0

Muqdisho, 25 Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in madaxda dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti ay isku soo afgarteen in la dar-dar geliyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dhiggiisa Mudane Yoweri Museveni, Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay ka aqbaleen in ay kordhiyaan dadaalada dalalkooda ay kaga qayb qaadanayaan dagaalka lagaga xoraynayo Alshabaab guud ahaan dalka.

“Waxaan u safarnay sidii aan garab ugu heli lahayn dar-dar gelinta dagaalka aan dalka kaga xoraynayno Alshabaab, Alle waa nagu guuleeyey. Madaxdu waxa ay ballan qaadeen in ay ka jawaabaan codsigeenii ahaa in la xoojiyo ciidamadeenna oo qalab iyo agabka ay u baahanyihiin nagu gacansiiyaan.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u istaagaan la dagaalanka argagixisada Alshabaab ee had iyo jeer ku howllan xasuuqa iyo gumaadka umaddeena.

“Murugadii ka dhacday Soobe si aysan mar kale u soo noqon, waa in aan u wada istaagnaa difaaca dalkeenna, lana dagaallano cadawga si aysan fursad dambe ugu helin dhibaatada ay nagu hayaan.”

Madaxweynaha ayaa ku howllan qorsheyaal lagu dabargooynayo khatarta Alshabaab, isagoona safarkiisa kahor Xarunta Ciidanka ee Jasiira ku saagootiyey Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo u ambabaxayey howlgallo ka dhan ah argagixisada Alshabaab.

 DHAMMAAD

Wasiir Warfaafinta Koonfur Galbeed “Sedex Shabaab ah ayaa la dilay, Jab xoogana waa la gaarsiiyay”

0

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyay Howlgal ciidamada xooga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ka sameeyeen deegaan 50-km u jira magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada xooga dalka ay dagaal xoogan la galeen Maleeshiyada Argagaxisada Al shabaab, waxayna ka dileen 3 maleeshiyo, halka ay mid kalena dhaawaceen, waxaana saldhiga lagu weeraray Al shabaab lagu gaarsiiyay Jab xoogan.

Khasaaraha soo gaaray dhinaca ciidamada xooga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayuu ku sheegay wasiirka Hal askari oo geeriyooday iyo Labo dhaawacyo ay soo gaareen.

Weerarkaasi ka dib Al shabaab way iskaga carareen deegaankaasi waxaana hada gacanta ku haya ciidamada xooga dalka, iyadoo xaalada ay degan tahay, shacabkana ay si weyn u soo dhaweynayaan ciidamada.

Afhayeenka AMISOM “Hal askari ayaa nooga dhintay, mid kalena wuu ku dhaawacmay”

0

Muqdisho (SONNA) Afhayeenka Ciidamada AMISOM Wilson Rono oo la hadlay Wakaalada Wararka SONNA ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ciidamada AMISOM ka soo gaaray qarax iyo dagaal toos ah oo ay kula kulmeen deegaanka Carbiska oo u dhow degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM uu askari kaga dhintay weerarkaasi ay ku soo qaadeen Maleeshiyada Argagaxisada Al shabaab, halka mid kale uu kaga dhaawacmay, sidoo kale wuxuu sheegay in labo ruux oo shacab ah ay ku geeriyoodeen weerarka.

Wilson rono ayaa beeniyay warar uu sheegay in baraha bulshada ay ku faafiyeen Maleeshiyada Al shabaab oo ku saabsanaa in dad badan oo rayid ah lagu dilay goobta uu dagaalka ka dhacay.

Dhinaca kale Maamulka Gobolka Shabeelaha hoose ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan ay faahfaahin ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay weerarka iyo sida ay wax u dhaceen, iyagoo wali wada baaritaano ku aadan arintaasi.

Madaxweynaha JFS oo goor dhow dib ugu soo laabtay Dalka

0

Muqdisho(SONNA) Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro shaqo uu ku kala bixiyay wadamada Jabuuti, Itoobiya iyo Uganda oo ciidamadooda joogaan Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in guulo ay ku soo dhamaadeen dhamaan safaradii dalalkaasi uu ku tagay waxaana uu sheegay in ay ka aqbaleen sidii ay Soomaaliya uga gacan siin lahaayeen dagaalka cusub oo lala galayo maleeshiyaadka Argagixisada SHabaab.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in marna Dowladda Soomaaliya aanay u dulqaadan doonin gumaadka Shabaab ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed,isagoo muujiyaya sida dowladdu ay uga go’antahay in maleeshiyada Shabaab laga xoreeyo guud ahaan Dalka.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa Madaxda Dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti kala hadlay sidii ay kaalin uga geysan lahaa ladagaalanka argagixisada,waxaana uu ka dambeyeey safarkiisa maalmo kadib markii kooxda Shabaab ay xasuuqeen boqolaal shacab ah oo aan waxba galabsan.

Madaxweyne Gaas oo si rasmi ah u furey kalfadhigii 40-aad ee baarlamaanka Puntland+Sawirro

0

Garowe(SONNA) Munaasabada lagu furayay kalfadhigii 4aad ee baarlamaanka Puntland ayaa maanta lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Dowlada Goboleedka Puntland,taasi oo ay ka qeybgaleen guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo si rasmi ah u furay kalfadhigii 40-aad ee baarlamaanka maamulkaasi ayaa ka hadlay waxqabadka Puntland,Madaxweyne C/weli Gaas ayaa sheegay in Dowlad Goboleedka Puntland uu ku talaabsaday horumaro dhinacyo badan leh,sida Ammaanka hanaanka dowlad Goboleed dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyuada bulshada ee deegaanada Puntland.

Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay maamulka Puntland madaxdiisa sida wanaagsan oo wafdigoodi ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Garoowe bogaadiyayna wadashaqeynta labada dhinac.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankaasi ka sheegay in baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu waacusub u baryay,wuxuuna muujiyay ahmiyadda ay leedahay xoojinta wadashaqeynta Baarlamaanka Federaalka ah iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.

Afhayeenka AMISOM oo ka hadlay weerar ka dhacay meel u dhow degmada Afgooye

0

Muqdisho (SONNA) Wararka ka imaanaya deegaanka Carbiska oo u dhow degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in Qarax khasaare dhaliyay lala eegtay ciidamo kolonyo AMISOM ah oo Roondo sameynayay.

Wakaalada SONNA oo la xiriirtay Afhayeenka Ciidamada AMISOM Wilson rono, wuxuu xaqiijiyay in qarax iyo dagaal toos ah ay la kulmeen ciidamada AMISOM, laakiin wuxuu sheegay inuusan xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi.

“Kolonyo ciidamadeena oo marayay meel u dhow degmada Afgooye ayaa waxay la kulmeen qarax iyo dagaal toos ah, iyadoo ciidamada ay sameeyeen iska caabin, lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay weerarka, dib ayaan ka soo sheegi doonaa macluumaadka saxda ah”

Masuuliyiinta dowlada ee Gobolka Shabeelaha hoose oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in wali aan la kala cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay qaraxa iyo dagaalka balse ay wadaan baaritaan ku aadan sida ay wax u dhaceen.

Madaxweynaha JFS oo goor dhow dib ugu soo laabtay Dalka

0

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro shaqo uu ku kala bixiyay wadamada Jabuuti, Itoobiya iyo Uganda oo ciidamadooda joogaan Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in guulo ay ku soo dhamaadeen dhamaan safaradii dalalkaasi uu ku tagay waxaana uu sheegay in ay ka aqbaleen sidii ay Soomaaliya uga gacan siin lahaayeen dagaalka cusub oo lala galayo maleeshiyaadka Argagixisada SHabaab.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in marna Dowladda Soomaaliya aanay u dulqaadan doonin gumaadka Shabaab ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed,isagoo muujiyaya sida dowladdu ay uga go’antahay in maleeshiyada Shabaab laga xoreeyo guud ahaan Dalka.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa Madaxda Dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti kala hadlay sidii ay kaalin uga geysan lahaa ladagaalanka argagixisada,waxaana uu ka dambeyeey safarkiisa maalmo kadib markii kooxda Shabaab ay xasuuqeen boqolaal shacab ah oo aan waxba galabsan.’

Ra’iisul wasaare Kheyre oo u Ambabaxay Dalka Turkiga

0

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa u ambabaxay dalka Turkiga, isagoo casuumaad rasmi ah ka helay dowlada aan walaalanahay ee Turkiga.

Mudane Xasan Cali Kheyre waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale, isagoo inta uu joogo dalka Turkiga lagu wado inuu kulamo la qaato madaxda dalkaasi.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa kulan gaar ah la qaadan doona dhigiisa Turkiga Binali Yıldırım, iyadoo ay ka wada hadli doonaan xaaladihii ugu dambeeyay Soomaaliya, sida dowlada Turkiga ay kaga qeyb qaadan karto dagaalka dalka looga xureynayo Argagaxisada Al shabaab.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare ayaa uga mahad celin doona Madaxweynaha Turkiga gurmadka shacabka iyo dowlada Turkiga ay u sameeyeen shacabka Soomaaliyeed ee waxyeelada ay ka soo gaartay Qaraxii Musiibada ahaa ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa wuxuu booqan doonaa Isbitaalada la geeyay dhaawacyada dadkii waxyeelada ay ka soo gaartay qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho, 14-kii bishan, sidoo kale wuxuu kulamo la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga.

Dhamaadka Alshabaab!!!

0

Muqdisho(SONNA):—Qaraxii Ka dhacay magaalada Muqdisho ee ugu dhimashada badnaa inta taariikhda la xusuusan yahay, waxa uu ahaa kii ka dhacay 14-ka oktoobar meesha loo yaqaan isgooyska Zope,kaas oo galaaftay in ka badan nolosha 300 oo ruux , islamarkaana la la’yahay 56 ruux sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda FS.

Qaraxaas waxa uu gilgilay quluubta dad fara badan oo ku nool dunida gaar ahaan Soomaaliya, waxaana dhacdadaasi lagu tilmaamay Musiibo Qaran.

Waxaana dadkii dhibkaasi ku habsaday looga soo kala gurmaday dalal ay kamid yihiin Turkiga,Qatar, Sudaan, Jabuuti ,Kenya, Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxay qaateen kaalin muhiim ah oo aan la iloobi Karin.

Dad dadnimada qiimeeya iyo kuwo dareen diineed leh ayaa falkaasi ay ka dambeeyeen Alshabaab ku tilmaamay fal waxashnimo ah oo ka hor imaanaya caqliga saliimka ah iyo sharciga, waxayna ku baaqeen in wuxuushata sidaas wax yeelaysa gacan milatari looga hortago si looga cirib tiro meelaha ay ka joogaan dalka Soomaaliya.

Arintaas ka hortageeda waxaa markii u horaysay isu taagay Madaxweynaha Dawladda F S. Mud: Max’ed C/laahi Farmaajo kaas oo iclaamiyay in dalka uu galayo dhawaan dagaal lagu cirib tirayo kooxda Alshabaab ee umadda soomaaliyeed laf dhuun gashay ku noqotay horumarkeeda.

Wuxuuna dhawr maalmood ka dib booqoshooyin ugu kicitimay dalalka ay ciidamadooda soomaaliya u joogaan nabad ilaalinta waxa uuna mas’uuliyiintooda kala hadlay sidii umadda soomaaliyeed looga gacan siin lahaa dagaalka ay la galayaan cadawga Alshabaab shacbiga soomaaliyeed.

Sida runta ahna booqoshooyinka Madaxweynaha iyo wadahadalada uu la galay Madaxweynaha mas’uuliyiinta dalalkaas waxa uu ku soo afmeermay guul iyo in lala wada dagaalami doono argagixisada alshabaab.

Arintaas oo ay farxad gelisay Shacabka soomaaliyeed isla markaan sugi la’aa dabargooynta cadawga umadda soomaaliyeed ee Alshabaab si loo dhiso ammaan iyo dhaqaale hufan oo wax ka tara dhibaha haatan jira.

Waxaan hubaa qof ahaan in Alshabaab falkoodaas ugu dambeeyey ay mideeysay quluubta umadda oo tafaraarukh aan sidaas u buurnayn ku kala jirtay, waxaana guud ahaan dalka iyo gaar ahaan magaalada Muqdisho laga dareemayaa in ay dul heebhaabayso neecaw xornimo oo sii saadinaysa guusha laga gaari doono Argagixisada alshabaab.

Waxaa la yiraahdaa wax kasta oo biloowda waxay leeyihiin dhamaad aan soo noqod lahayn, sidaas darteed waa hubanti in Argagixisada ay soo bilaabatay waqti mucayin ah oo la isla wada yaqaan, waa dhab in ay umadda isugu muujiyeen in ay yihiin dad diinta islaamka u nusraynaya oo doonaya in la isku xukumo, laakiin waxaa manta shacabka soomaaliyeed u cadaatay in ay Alshabaab yihiin dad diinta islaamka magaceeda quruxda badan wax yeelaynaya, oo umadda la doonaya meel madaw.

Waxaa kaloo cadaatay in ay Alshabaab doonayaan daadinta Dhiigga umadda Soomaaliyeed dana ay ka lahayn wixii baaba’aya,

Bal eeg: Al-shabaab bartilmaameedkoodu waa qof kasta oo Soomaali ah. Waxaadna ka garan kartaa Qaraxyadda saf mareenka ah ee ay Shacabka ku laynayaan. Tiiyoo ay u dheer tahay dilalka hoose iyo dibindaabyooyinka kale ee ay sida qarsoon ugu waxyeelaynayaan dadka Soomaaliyeed,,, Haddana wali dadka Soomaaliyeed ma aysan ku baraarugin cadawga dalka, dadka iyo diinta.

Miyeeysan ku haboonayn inaan meel uga soo wada jeesano Cadawga. Inta loo caqli celin karana aan kala soo baxno illeyn waa caruurteeniyee inta kalana aan wadajir ula dagaalano,

Guntii iyo gabagabadii Alshabaab waa la isla gartay in ay yihiin cadaw waxaana qof ahaan u jeedaa in lagu jiro Dhamaadkooda Haddii Alle Yiraahdo.

W/Q:-Tifaftiraha Wakaaladda SONNA