Home Blog Page 1411

Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo Garoowe uga qeybgalay kulankii 4-aad ee baarlamaanka Puntland

0

Magaalada Garoowe ayaa waxaa maanta ka furmaya kulanka 40-aad ee kalfadhiga Baarlamaanka Puntland kaasi oo ay ka qeybgalayaan Guddoomiyaasha labada Aqal ee baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Qaban qaabo ku aadan qabsoomidda kulankaasi ayaa ka soconaysa howlka shirarka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland ee magaalada Garoowe,iyadoo siweyn loo adkeeyey ammaanka magaaladaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  ahna ku simaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jaawri  iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi oo ay wehliyaan xildhibaano katirsan labada Gole ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalaya furitaanka kalfadhigan.

Wafdigan ayaaa shalay markii ay gareen magaalada Garoowe waxaa ay la kulmeen soo dhaweyn diiran ay oo ay u sameeyeen madaxda maamulka Puntland iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada.

Gadiidka Dabdamiska Magaaladda Boosaaso oo ku howlan daminta dab ka kacay gudaha Magaalada Boosaaso

0

Sida aan wararka ku heleyno Magaalada Boosaaso dab xoogan ayaa ka kacay kaalin shidaal oo ku taalla halka loo yaqaano Afar Irdoodka.

Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in Fuustooyin Shidaal ah ay sameynayaan qaraxyo waxaana bulshada ku dhaqan Magaalada Boosaaaso soo wajahay cabsi ku aadan in uu Dabka sii faafo

Lama garanaayo waxa dhaliyey dabkaan Waxaana Goobta gaaray oo ku mashquulsan Baabuurta dabdamiska ah iyadoo ay howl gurmad xoogan ah ay wadaan Dhamaan Madaxda iyo Masuuliyiinta Magaalada Boosaaso iyo Kuwa Dowladda Goboleedka Puntland.

Wixii warar ah ee kusoo kordho kala soco Wararkeena danbe Insha Allah.

 

Mid kamid ah Dhacdooyinkii ugu Xanuunka badnaa ee laga Dhaxlay Qaraxii Soobe

0

Ma yara Murugada iyo xanuunka uu reebay qaraxii xooganaa ee 14-kii bishan ka dhacay Isgooska Soobe ee magaalada Muqdisho, waxaa qaraxaasi noloshooda ku waayay dad ku dhaw 400-qof oon qaarkood la helin hilbahooda.

Qaraxan ayaa xanuun badan ku reebay qoysas badan oo Soomaaliyeed, marka laga soo tago xanuunka iyo murugada uu reebay qaraxan ayaa hadana ahaa mid dadkii uu dhibku kasoo gaaray xanuunka uu u kala duwanaa.

Allah u naxariistee Cabdilaahi Maxamuud Siyaad (Yariisow) waxa uu kamid ahaa dadkii faraha badnaa ee ku dhintay qaraxii Soobe, aabahan waxa uu ahaa nin ka xoogsan jiray dalaalnimo gaar ahaan waxa uu dalaal ka ahaa Geella lagu iibiyo Afgooye.

Cabdulaahi Yariisow ayaa dhimashadiisa aheyd mid aad u xanuun badan, waxaa xusid mudan in xitaa aan la helin hilbihiisa iyadoona ugu dambeyn eheladiisa markii ay meel walbo ka waayeen iska quustay una xisaabiyay geeri.

Naxtinta geeridiisa reebtay Marxuunkan ma aheyn mid aad u yar, waxa uuna ifka kaga tagay 30-Caruur ah uu dhalay una badan kuwa aad u yar yar oon qaangaarin iyo Waliba 4-xaas oo labo kamid ah Xaamilo yihiin halka mid kalana ay wali Umul ku jirto.

Waxaana maanta ku booqday 27-kamid ah caruurtii uu ka dhintay C.Laahi Yariisow Xaafada Raadeelka ee Degmada Dayniile, waxaa sidoo kale halkaasi ku sugnaa afar kamid ah xaasiiskii uu ka geeriyooday iyo waliba kuwa ay kala tageen oo iyana caruur kala duwan u hayay.

Caruurta qaarkood aan la hadlay murugu badan ayaa wajiyooda ka muuqatay, qaarkood wayba ku adkeyn in ay hadlaan ilmo ayaana indhahooda ka socotay, waxaana caruurta qaarkood iyaga uu hadalku dhibayay sheegeen in ay dareemayaan xanuun badan kadib geeridii aabahood oo noloshooda gacanta ku hayay.

Ma jirin wax hanti ah uu ka dhintay Allaha u Naxariistee C/Laahi Yariisow, waxa uuna subax kasta u kalihi jiray sidii dabkooda uusan u dami laheyn 30-ka caruurta ah uu dhalay iyo hooyooyinkooda, caruurta ayaana isugu jira kuwa iskuulo dhigta iyo kuwa dugsiga Quraanka dhigta.

Caruurta Aabahan Soomaaliyeed ka dhintay hada qaarkood iskuulkii iyo Dugsigii wey isaga hareen, waayo ma heestaan cid damaanad qaaday oo ka bixineysa lacagta laga rabo, waxa ayna maanta dareemayaan xanuunka agoonimadu leedahay aysan horey u aqoon.

Maxamed Maxmuud Siyaad (Dhagaweyne) oo la dhashay Marxuunka geeriyooday ayaa ii sheegay in ay dareemayaan murugo aad u badan oo ka dhalatay geerida walaalkis, waxa uu sheegay in Walaalkii uu gacanta ku hayay nafaqeynta 30-caruur ah uu dhalay iyo sideed hooyo uu afar kamid ah qabay kuwa kalana kala tageen.

Waxa uu ugu baaqay Dowlada Soomaaliya iyo guud ahaan Umada Soomaaliyeed in ay garab siiyaan caruurtan agoonta ah uu ka dhintay Aabihii u xamaali jiray, waxa uuna tilmaamay in walaalkiis culees badan hayay balse maanta qadartii eebe ku timid kuna samrayaan.

Qaraxii Soobe ayaa indhaha ka riday qoysas badan oo Soomaaliyeed, waxa uuna qaraxan ahaa kii ugu xanuunka badnaa ee ka dhaca Soomaaliya ee galafta nolosha boqolaal qof oo masakaiin ah, qaraxan ayaana ahaa mid si weyn looga dareemay meelo badan .

 

Hadaba Cidii dooneysa ilmaha agoonta ah u gar gaaraan hakala xariiraan

Maxamed Maxamuud Siyaad (Dhagaweyne)

Tell 252615507901

Ama Nadiifo Daahir Iidow

Tell: 252615980134

W/Q Wariyaha Arimaha Bulshada Gacal Ayman

 

Madaxweyne C/weli Gaas”Waan soo dhaweynaynaa casuumaadii uu noo fidayay madaxweynaha Soomaaliya”

0
Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa soo dhaweeyey Casuumadda uu u fidiyey Madaxweynaha Soomaaliya Madaxda Maamul Goboleedyadda , Mudane Gaas ayaa haddalkaan ka sheegay mar uu soo dhaweynayey Gudoomiyeyaasha Baarlaamka Soomaaliya.Madaxweynaha Puntland iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa soo dhaweeyey imaatinka wafuudaasi iyagoo sheegay in muhiimad gaar ah ay leedahay wadashaqeynta hay’adaha Dowladda Heer Federaal iyo heer Maamul Goboleed.

Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay muhiim tahay in wada shaqeyn dhow ay yeeshaan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad goboleedyada si  loo horumariyo howlaha horyaala Dowladda,wuxuu sidoo kale sheegay in ay aqbaleen casuumaad uga timid madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo u mahad celiyay madaxda maamulka Puntland ayaa sheegay in Golaha Aqalka sare uu xiriir gaar ah la yeelan doono baarlamaanka Dowlad goboleedyada.Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaar ayaa u mahad celiyay madaxda iyo Shacabka Dowlad goboleedka Puntland sida ay ugu soo dhoweeyeen magaaladda garoowe,wuxuuna muujiyay in ay diyaar u yihiin Golaha Shacabka in la iska kaashado horumarinta danaha umadda Soomaaliyeed.

Xaalado bani’aadanimo oo kataagan deegaanka Koogaar+Sawirro

0

Shabeelada Dhexe(SONNA) Waxaan halkan idinku soo gudbineynaa warbixin gaar ah oo aan kaga hadleyno  saameynta  Colaadda iyo abaarta ay ku yeelatay  dadka degan deegaanka Koogaar, gaar ahaan dadka  barakacayaasha ah ee ka soo barakacay  deeegaanka  Koogaar  oo ka tirsan Degmada Cadale  ee Gobolka Shabeelaha Dhexe  oo Dagaal beeleed ku dhex maray laba beelood oo walaala ah, taasi oo heshiis horudhac ah laga gaaray, waxaana  ka  muuqday  dadka iyo   duunyada  dhibaatooyin  ka dhashay dhinacyada  abaarta iyo  colaadda, iyadoo  dhulka uu yahay  mid aad  u kulul  oo aan wax roob ah  ka  di’in  seddexdii sano ee la soo dhaafay.

Balse waxaa soconaya dadaalo loogu gurmanayo dadkaasi iyadoo boqolaal qoys ay ka faa’idaysteen deeq gar gaar ah oo isugu jirta nuucyada kaladuwan ee quutul daruuriga taasi oo loogu talagalay in lagu kaabo nolosha dadkaasi

Dadka ku nool deegaannada hoos taga  Degmada Cadale ayaa waxa ay la daala dhacayaan abaarta saameysay noloshooda” maadaama ay ku xoolo beeleen waxaana  dadka degan deegaanka  Koogaar ka muuqato daruufo adag oo xagga nolosha ah.

Dadka ku nool deegaannada iyo tuulooyinka hoos taga Degmada Cadale ayaa  waxa ay  noloshooda ku tiirsantahay Xoolaha, Beeraha  iyo kalluunka.

Qaar ka mid ah dadkii ka  faa,iideystay deeqdaasi raashiinka ayaa ka  mahad celiyay  deeqda la soo gaarsiiyay  waxeyna  ugu baaqeen dowladda dhexe soomaaliya iyo maamulka  hir shabeele  in ay soo eegaan xaalada ddakaasi ay ku noolyihiin

Nabadoon Maxamed Xuseen  Howl laawe  iyo Nuur Ciyow Geesey oo ka  mid ah odayaasha deegaanka  ayaa ka hadlay  xaalada nololeed ee dadka barakacayaasha  ah.

Gudoomiye ku xigeenka  arrimaha Siyaasadda iyo Amniga  ee degmada  Cadalle ee  Gobolka  shabeelaha dhexe  Xuseen Muxyadiin Cabdulle  ayaa ka warbixiyay baahiya ay qabaan dadka barakacayaasha  iyo waxyaabaha ay soo gaarsiiyeen  cod

dadkan lu nool deegaano hoos taga degmada cadalle  ayaa waxaa saameyn xoogan ku yeeshay  abaarta  iyo colaada  ka taagan Gobolka  waxaadna ka  dareemeysaa  deegaanadaasi biyo la ,aan iyo  Caafimaad daro haysata dadka deegaanka

Waxaa halkaas dhawaan Safar shaqo ku tagay  Wariye Muuse Cismaan Abtow oo ka tirsan Warbaahinta Qaranka Soomaaliya Warbixintaana ka diyaariyay.

Wasiirka arrimaha Gudaha XFS oo Muqdisho ka furay shir ku saabsan daadejinta Awoodda Dowladda

0

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Saciid (Juxa) ayaa maanta furay   Wajiga  sadaxaad  iskaashi  wadajirka ah ee baahinta awooda dowladda  shanta sano ee soo aadan 2018-2022 ee JPLG waxaana uu Wasiirku  sheegay in Baahinta Awooda dowladda ay muhiim u tahay  howlaha horyaala Dowladda Federaalka Soomaaliya.

WAxaa shirkani ka qeybgalaya Wasiirada arrimaha gudaha  dowlad goboleedyada iyo hey’adaha taageera Dowladda Soomaaliya,kuwaasi oo kaalin ka qaadanay afududaynta howlahaasi.

Madoobe Nuunoow Maxamed  Wasiirka Arrimaha gudahaa ee maamulka koofur Galbeed oo ku hadlayaya magaca dowlad goboleedyada ayaa sheegay in talada maraysa waqtigan in laga soo bilaaba dadweynaha oo ah meeshii loo baahnaa, wasaaradda arimaha gudaha ee Soomaaliya ayuuna ku amaanay doorka wanaagsan ay ka qaadanayso daadajinta awooda dowladda.

Sodoo kale waxaa halkaasi kahadlay Xoghayaha Guud ee Maamulka gobolkaa Banaadir Subeyda Maxamed Mukhtaar waxayna xustay in Muhiim ay tahay in la cadeeyo doorka Gobolka Banaadir ugu Aadan Barnaamijkan looga tala galay in lagu wajaho  baahinta awooda dowladda ee 5 ta sano ee soo aadan .

Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Federaalak Soomaaliya oo furay shirkaasi ayaa ku amaanay dowlad goboleedyada Koofur Galbeed iyo Jubbaland u  dhaqaaqidooda dhismaha dowladaha Hoose, isaga oo ku dhiira galiyay inay dardar galiyaan sameynta sharciga dowladaha hoose dowlad goboleedyada Hirshabeele iyo Galmudug.

Wasiirka ayaa soo jeediyay in muhiimad la siiyo Gobolka Banaadir, Beesha Caalamka ayuuna ka codsaday inay kordhiyaan dhaqaalaha ay ugu tala galeen daadajinta awooda dowliga ah taasi oo qeyb ka ah horumarinta hanaanka Federaalka.

Qeybo kamid ah deegaanada Gobolada Dalka waxaa ka bilowday nidaamka dhismaha Dowladaha Hoose,iyadoo Gobolka Bokool uu kamid yahay meelaha ay dadaaladaasi ka soconayaan

Madaxweyne Farmaajo “waxaan idin ka filaynaa in aad nagala shaqaysaan in aan alshabaab ka tir tirno guud ahaan dalka.”

0

 

Jabuuti, 24, Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku maraya qaar ka mid ah wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa Magaalada Jabuuti waxa uu kulan kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sida labada dal ay isaga kaashan lahaayeen amniga, iyagoona isla qaatay in la dardar geliyo howlgallo lagu dabargoynayo kooxda alshabaab ee dhibaatada ku haysa shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Geelle kaalinta uu ka geysto nabadeynta iyo dib u kabashada Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan dowladda iyo shacabka Jabuuti sida ay mar walba u garab taaganyihiin.

Madaxweynaha waxa uu si gaar ah u xusay gurmadkii caafimaadka degdega ahaa ee Jabuuti ay u fidisay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Soobe.

“Jabuuti waxa ay noo tahay hiil aan isku hallayn karno. Wakhtiyadii adkaa sida aad noo garab istaagteen waa idiin ogsoonnahay. Soomaaliya maanta cadawga kaliya ee ay leedahay waa alshabaab. Sidaas darteed waxa aan idin ka filanynaa in aad nagala shaqaysaan in aan cadawgaas aan ka tir tirno guud ahaan dalka.”

Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dalkiisu uu garab ku siinaayo Soomaaliya tallaabo kasta oo u horseedaysa xasillooni waarta iyo amni buuxa.

“Dhabtii waa noo muuqataa dhibaatada argagixisada alshabaab ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed. Qof waliba waa arkay khasaarihii ka dhashay qarixii Soobe, waxaanse idiin caddaynayaa in aanan idin ku fiirsanayn cadawgaas. Mar kasta Jabuuti waxa ay idinla garab taagantahay hiil iyo hoo.”

Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maalinimada berri ah waxa uu soo gabagabaynaaya safarro shaqo oo qaatay mudo 3 cisho ah kuwaas oo uu ku tagay dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti.

Tababar ku saabsan buraarujinta shacabka oo Muqdisho lagu qabtay

0

Muqdisho(SONNA) Tababarkaan  Oo Ay Soo Qaban Qaabisay Wasaarada Awaqaafta iyo Arrimahan Diinta Dowlada Federaalka Soomaaliya  oo ujeedkiisa Ahaa Sidii Ay Culuma’udiinka  Somaaliyeed uga Qeyb Qaadan Karaan Baraarujinta Shacabka Somaaliyeed.

Furtaanka Tababarka Ayaa Waxaa Ka Qayb Galay Wasiir Kuxigeenka Wasaarad Awaqaafta Iyo arrimaha Diinta Dowlada Fadaraalka Somaaliya Iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Cadaalada Dastuurka Awqaafta Iyo Arimaha Diinta Dowlada Gobaleedka Jubaland Iyo Xoghayaha Joogatad Wasaarada Awaqaafta Iyo Arimaha Diinta Dowalada Fadaraalka.

Wasaaradda awqaafta dalka ayaa tababarkaan horay uga soo qabatay dowlad gobolleedyada kale ee dalka kasoo lagu baranayay dhibatooyinka gudniinka fircooniga iyo furitaanka deg deg ah.

Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Cadaalada Dastuurka Awqaafta Iyo Arimaha Diinta Jubaland  Aadan Inshaar  Cumar  oo Ka Hadalay Furtaanka Tababarka Ayaa sharaxad kambaxshay waxyeelada gudniinka fircooniga iyo diinta islaamka waxa ay kaqaybto

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wasaaraddu isku xiro doonta culuma’udiinta soomaaliyeed ee jubbaland iyo qaybaha bulshada si looga hor tago dhibaatooyinkaasi.

Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Awqaafta Iyo Arimaha Diinta Dowlada Federaalka Soomaaliya Cusmaan Maxmed Dhuboow oo Daaha Furay Tababarkaan  ayaa Culuma’udiinka Somaaliyeed Usheegay In Ay Ka gayb qaataan wacyi galinta bulshada si looga hor tago wax walba oo diinta lidi ku ah bulshadana saameyn kara.

Guddoomiyaha G/banaadir oo tababar usoo xiray maamulada Degmooyinka Gobolka “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaaladda Muqdisho, Mudane Taabit Cabdi Maxamed, ayaa maanta tababar ku saabsan wada shaqeynta dhanka amniga u soo xiray qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka banaadir.                                                              .                                                                                       Guddoomiyaha oo ka hadlay munaasabaddii tababarkan lagu soo xirayey, ayaa dhiiri galiyey maamulada degmooyinka Gobolka banaadir, isagoo ugu baaqay in ay dardar galoyaan Howaha adag ee ay hayaan.                                  .                                                                                       Guddoomiye Taabit, ayaa shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Maamulka gobolka Banaadir, ayna ka qeyb qaataan sugida amniga.

Madaxweyne C/weli Gaas”Waan soo dhaweynaynaa casuumaadii uu noo fidayay madaxweynaha Soomaaliya”

0
Garowe(SONNA) Hadalkan uu jeediyay madaxweyne C/weli Gaas ayaa ka dambeeyey markii uu la kulmay Guddoomiyaasha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Garoowe,kuwaasi oo markii ay gaareen magaalada Garoowe soo dhaweeyey madaxda Dowlad Goboleedka Puntland iyagoo si wada jir ah saxaafadda ula hadlay kadib kulan ay ku yeeshey madaxtooyada Garoowe.
Madaxweynaha Puntland iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa soo dhaweeyey imaatinka wafuudaasi iyagoo sheegay in muhiimad gaar ah ay leedahay wadashaqeynta hay’adaha Dowladda Heer Federaal iyoi heer maamul Goboleed.
Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay muhiim tahay in wada shaqeyn dhow ay yeeshaan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad goboleedyada si  loo horumariyo howlaha horyaala Dowladda,wuxuu sidoo kale sheegay in ay aqbaleen casuumaad uga timid madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo u mahad celiyay madaxda maamulka Puntland ayaa sheegay in Golaha Aqalka sare uu xiriir gaar ah la yeelan doono baarlamaanka Dowlad goboleedyada.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaar ayaa u mahad celiyay madaxda iyo Shacabka Dowlad goboleedka Puntland sida ay ugu soo dhoweeyeen magaaladda garoowe,wuxuuna muujiyay in ay diyaar u yihiin Golaha Shacabka in la iska kaashado horumarinta danaha umadda Soomaaliyeed.