Home Blog Page 1408

Guddoomiyaha golaha Shacabka oo kulan la qaatay Wakiilka QM ee Soomaaliya “Sawirro”

0

Muqdihso (SONNA), guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa kulan kula qaatay wakiilka Ergayga gaarka ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Micheal Keating iyo Madax ka socotay Barnaamijka Horumarinta Qaramada  Midoobay ee UNDP qeybta taageerta Baarlamaanka Soomaaliya.

kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin  sidii Qaramada Midoobay ay usii xoojin laheyd taageerada ay siiso Soomaaliya iyo kordhinta mashaariicda ay ku taageerayaan Baarlamaanka Soomaaliya.

sidoo kale waxyaabaha inta kulanka uu socday aad looga hadlay waxaa ka mid ah ka qeyb qaadashada dadaalka Dowladda Soomaaliyeed ay wado oo ku aadan la socodka ,hir gelinta iyo sidoo kale  dhameystirka Dastuurka Dalka dadaalada ay beesha caalamka ku bixin karto si kaalinta  beesha caalamka iyo taageeradeedaba ay meesha uga muuqdaan, sida uu kulanka ka dib warbaahinta Qaranka u sheegay Xoghayaha guud ee golaha shacabka  Mudane C/kariin Xaaji Cabdi Buux.

 

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Masar

0

Muqdisho (SONNA), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyaggoo ku sii jeeda dalka Masar, halkaasi oo ay kaga qeyb gali doonaan shirka Ganacsiga Afrika oo lagu qabanayo Magaaladda Sharma Shiikh ee dalkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxaa safarkaan ku wehlinaya Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa shirka ay ka qeyb galayaan uu socon doonaa 7 ilaa iyo 9 Bishaan December, iyaddoo lagu gorfeyn doono horumarka ganacsiga qaaradda Afrika.

Marka laga soo tago Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kale waxaa shirkaas Masar ka dhacaya ka qeyb gali doona qaar kamid ah Madaxda wadamada Afrika, waxayna Madaxdasi shirka Gacansiga Africa 2017 Forum ka jeedin doonaan khudbado.

Wasiirka Amniga XFS oo shir Arrimaha Booliska looga hadlayay uga qeyb galay Doha+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA);– Wasiirka Wasaaradaa Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa kasoo qayb galay Shirka Shanaad ee Booliska Adduunka (INTERPOL ) oo looga hadlayey la dagaalanka ka ganacsiga Dadka iyo Tahriibka.

Shirka ayaa ka Qabsoomay magaalada Doxa ee Caasimada dalka Qatar 6-dii iyo 7-dii Bisha December, Waxaana Kasoo qayb galay Wufuud ka socotay dhamaan Dalalka Caalamka.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa Kulan la yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Qatar oo uu ka mid yahay Wasiirka Maamulka Horumarinta Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Arimaha Bulshada ee dalka Qatar,  Waxayna labada dhinac ka wada hadleen Sidii la isaga kaashan lahaa Xidhiidhka INTERPOLKA iyo Sida Shaqooyin iyo Tababar loogu samayn karo Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Soomaalida ayaa qeyb ka ah dadka dhibaatooyinka kala kulma Tahriibka, Waxaana shirkan kusoo beegmayaa Xili dhowaan ay siwayn usoo shaac baxday Dhibaatooyinka Baaxada ee dadka Mujaajiriinta ah loogu gaysanayo dalka Liibiya.

Dhageyso:- Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Qorshaha Amniga Qaranka 5-sano ee soo socota

0

Muqdisho(SONNA);– Kulanka Golaha Wasiirada ee maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxay kaga hadleen Arrimo badan oo ay ka mid yihiin Amniga,Dib u heshiisiintii ay gaareen Maamulka Galmudug iyo Ahlu suna,shirarkii ka qabsoomay magaalada Muqdisho iyo warbixino laga dhageystay Wasiirada qaarkood.

Kulanka Wasiirada uu shir guddoominayay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale inta uu socday waxaa lagu ansixiyay Qorshaha Amniga Qaranka ee shanta sano ee soo socoto,sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Ugu horeyn waxaa kulanka ka hadlay Wasiiru Dowlaha Amniga iyo Wasiir ku-xigeemka C/naasir,waxayna diirada saareen muhiimadda ay leedahay Qorshaha istiraatijiyada Amniga Gudaha ee 2017 ilaa iyo 2020,waxayna sheegeen in Arrimaha Amniga yoolka saareysa siyaasadda amniga dalka saldhigna u ah Qorshaha horumarinta dalka.

Halkaan Hoose ka Dhageyso shirka shiraa’id uu Wasiir Yariisow ku faah faahiyay

Kuuriyada Woqooyi oo ku macneysey dhoolatuska Maraykanka bilaw dagaal

0

Muqdisho(SONNA):– Wassaaradda Arrimaha dibada kuuriyada Woqooyi ayaa sheegtey dhoolatuska balaaran ee  ay wada jirka u samaynayaan Maraykanka iyo Kuuriyada koonfureed iyo sidoo kale hanjabaada Maraykanka ee ku aadan Pyongyang inay horseedayso dagaal ka qarxa gacanka Kuuriya.

Xiisada gacanka Kuuriya ayaa sii xumaanaysey bilihii u dambeeyey kadib markii kuuriyada Woqooyi si isdaba joog ah u tijaabisay nooca xambaara Madaxyada Nuclearka

Kuuriyada Woqooyi waxay sheegtey todobaadkii la soo dhaafey inay tijaabisey gantaalihii ugu badnaa  isla markaana horumar balaaran ka samaysey xaga gantaalaha qaaradaha iskaga gudba sidoo kalana waxay iska dhaga tirtay baaqyada iyo qaraarkii Qaramada Midoobey ee looga dalbanayay inay joojiso tijaabada gantaalaha

La-taliya amniga Qaranka Maraykanka HR Mcmaster ayaa sheegay in halista dagaal ka qarxa gacanka Kuuriya maalinba maalinta ka dambaysa soo dhawaanayo

Arbacadii la soo dhaafay dhoolatuska waxa kusoo biiray diyaarada casriga ah ee P1P waxaanu socon doonaa ilaa jimcaha.

Madaxweyne Erdogan oo shir deg deg ah isugu yeeray Hogaamiyaasha Dunida Muslimka

0

Muqdisho(SONNA);– Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan  ayaa cambaareeyay go’aanka madaxweynaha Mareynkanka Donald Trump uu Jerusalem ugu aqoonsaday caasimadaa Israel,wuxuuna Erdogan sheegay in Go’aankaan uu gobolka Gelinayo dagaal ahli ah.

” Qaadashada talaabadan oo kale waxay gaar u tahay Gobolkaan oo dagaal lala damacsan yahay,Maxaad Jeclaan lahayd inaad sameyso talaabadan oo kale Mr Trump? Talaabo noocee ah ayaa qaadeysaa?”,madaxweyne Erdogan ayaa maanta oo Khamiis ah sidaasi ka sheegay Garoonka diyaaradaha Esenboga ee caasimada Ankara waxyar ka hor intuusan u duulin Dalka Gariiga.

Hogaamiyaasha Beesha caalamka iyo kuwa Dunida Muslimka ah ayaa si isku mid ah uga carooday go’aanka uu Donald Trump uu Qudus ugu aqoonsaday Caasimadda rasmiga ee Israel.

” Waxaa la gaaray xilligii si rasmi ah Jeruslem ugu aqoonsan lahaa caasimadda Israel”, ayuu ku yiri Mr Trump hadal uu ka sheegay magaalada Washinton ee caasimadda Mareynkanaka.

Madaxweynaha Turkiga ayaa Hogaamiyaasha Siyaasadda ugu baaqay in si wada jir ah uga shaqeeyaan Nabada,wuxuuna uga digay iney Arintaan bariga dhexe ku lug yeeshaan.

Dhan kale,madaxweynaha dalka Turkiga ayaa isugu yeeray Hogaamiyaasha Dowladaha Ururka Iskaashiga Islaamka  ah si ay uga arinsadaan go’aanka madaxweynaha Mareynkanka uu gaaray,waxaana shirka uu ka dhacayaa magaalada Istanbuul ee dalkaasi Turkiga.

Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga Irbrahim Golen,oo shir jiraa’id qabtay ayaa hoosta ka xariiqay in shir madaxeedka looga hadli doono Qorshaha uu Mareynkanka ka damacsan yahay in Qudus uu u aqoonsado Caasimadda rasmiga ah ee Israel.

Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo wata gaari oo isku dhiibay Ciidamada Dowladda

0

Bay(SONNA) Maleeshiyaad ka tirsanaa argaggixisada Al-Shabaab oo wata gaari nuuca Cabdibilaha ah ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa K/Galbeed ee ku sugan Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay,kuwaasi oo ka soo cararay howlagalada ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka sida uu SONNA u sheegay Guddoomiyaha Degmada Diinsoor Maxmed Nuur Shikshigow

Maleeshiyaadkani oo katirsanaa arggagixisada Alshabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo ku sugan Degmada DiinSoor ee Gobolka Bay.

Guddoomiyaha Degmada Diinsoor Maxmed Nuur Shikshigow ayaa sheegay in maleeshiyadaasi is soo dhiibtay ay wateen gaari nuuca Cabdibilaha loo yaqaano iyo hubkooda.

“Waxaa is soo dhiibay maleeshiyaad katirsan Shabaab,waxaa ay wataan gaari Cabdibile ah iyo hubkooda,waxaa ay ka kooban yihiin darawalkii gaariga iyo 5 qof,waxay haatan ku sugan yihiin degmadan Diinsoor,way la socdaan guud ahaan maamulka Koonfur Galbeed iyo talisyada ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda Soomaaliya,” Ayuu yiri guddoomiye Ibraahim.

Maleeshiyaadkani ayaa ka soo tagay deegaan lagu magacaabo Carabow oo khayaas ahaantii 154 KM dhanka Koonfureed kaga began degmada Diinsoor ee Gobolka Bay,halkaasi oo ay ku dhuumaalaysanayaan arggagixisada Shabaab.

Is soo dhiibitaanka iyo kala cararka maleeshiyada SHabaab ayaa ku soo beegmaysa xili ay sii xoogaysanayaan howlgalada dalka looga sifeynayo Alshabaab,kuwaasi oo ay wadaan ciidamada Xoogga Dalka oo kaaashanaya AMisom iyo saaxiibada caalamka.

Dowladda Soomaaliya oo Sucuudiga ka guddoontay diyaarad gar gaar daawo ah keentay+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA) Diyaarad sidday deeq daawo ah oo dowladda Sucuudigu ay ugu deeqday Soomaaliya ayaa soo gaartay magaalada Muqdisho,taasi oo dowladda Soomaaliya lagu wareejiyay si loogu adeego bulshada.

Waxaa sidoo kale diyaaraddaasi saarna qaar kamid ah dad Soomaaliyeed oo dhaawacyo qabay kuwaasi oo muddo 6 bilood ah lagu daweynayay dalka Sucuudiga kadib markii ay ku dhaawcmeen qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho muddo laga joogo dhowr bilood.

Maxamed Cabdalla Almaajid oo ka mid ahaa wafdigii ka socoday dalka Sucuudiga oo si gaar ah ula hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay deeqdaasi dawada ah.

“Anagoo tixraacayna amarkii uu bixiyaya Malik Salmaan,ee Sucuudiya iyo Naa’ibkiisa in shacabka Soomaaliyeed la gaarsiyo gar gaarka ay u baahan yihiin,waxaa maanta timid  diyaarad sida gar gaar dawo ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo shacabka Soomaaliyeed,berina waxaa imaandoonta ilaa 3 diyaaradood oo gar gaar ah,”Xamdda Cabdalla.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda gargaarka Xukuumadda Soomaaliya ahna kusimaha Wasiirka Cilmi Cumar Ceynsanye ayaa uga mahadceliyay dowladda Sucuudiga sida ay u garab taagan tahay Soomaaliya.

“Waxaan halkani ku soo dhaweynaynaa wafdi ka socda Maliku Salmaan alkhayriyah,Waxaan uga mahadcelinaynaa dowladda Sucuudiga,gar gaarkan ay ina soo gaarsiisay,waxaan leenahay ku soo dhawaada dalkiina labaad,sidoo kale waxaan uga mahadcelinaynaa sida ay isaga xilsaareen gar gaarka caafimaad oo ay u fidiyeen dad Soomaaliyeed oo dhaawacyo qabay kuwaasi oo lagu soo daweeyey, sida Yuusuf Cabdi iyo Maxamed Yuusuf, oo 6b bilood ka ay ku dhaawacmeen qarax Muqdisho ka dhacay,” Ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Gargaarka.

Tan iyo markii uu dhacay qarixii 14kii Oct-waxaa sii kordhayay gurmad kaladuwan oo ka kala imaanaya wadamada Caalamka,Sucuudiga ayaa kamid ah wadamada sida aadka ah u taageera Soomaaliya, gaar ahaan dhanka gargaarka.

 

 

Shacabka Dhuusamareeb oo soo dhoweeyay Heshiiskii Maamulada Galmudug iyo Ahlu-suna

0

Muqdisho(SONNA);– Shacabka ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa soo dhoweeyay heshiiskii shalay ay magaalada Muqdisho  ku gaareen Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna Waljamaca.

Shacabka ayaa sheegay in Heshiiskaan uu dhabaha u xaarayo maamul dhameystiran oo awood u leh hanashada  guud ahaan deegaanada Galmudug.

Mid ka mid ah shacabka ku dhaqan Dhuusamareeb oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa Yiri” Haddii aan nahay shacabka Dhuusamareeb waxaan soo dhoweyneynaa heshiiskii shalay lagu gaaray magaalada Muqdisho,waxaana u mahad celineynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya,Walaalaha Jabuuti iyo Urur Goboleedka IGAD,waxaana Alle ka baryeynaa inuu noqdo Heshiiskaasi mid guuleysta”,

Sidoo kale,mid ka mid ah Haweenka Dhuusa-mareeb ayaa ku tilmaantay Heshiiska Ahlu sun iyo Galmudug mid meesha ka saaraya khilaafkii dhanka maamulka ah ee ka jiray deegaanada Galmudug,waxayna dhinacyada Heshiiska galay ugu baaqday iney siday tahay u dhaqan geliyaan.

Magaalada Dhuusamareb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ahna Caasimada Maamulka Gal-mudug ayaa laga dareemayaa diyaar garow ku aadan wafdiga ku soo wajahan, maadaama la xaliyey Qilaafkii Siyaasadeed ee Muddo soo jiitamayey.

Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Maamulka Gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa shalay heshiis taariikhi ah oo ay ku midoobayaan  ku kala saxiixday xarunta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca oo ku heshiiyey 14 qodob ayaa ku boggaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalkii dheeraa ee ay ku bixisay xallinta khilaafka u dhexeeyey, iyagoona muujiyeey sida ay uga go’an tahay ka-mira-dhalinta dadaalkaasi.

UK oo la wareegtay Hoggaanka ilaalinta Xeebaha Soomaaliya+Sawirro

0

Jabuuti(SONNA):– Dowladda Britain ayaa si rasmi ah ula wareegtay hoggaanka ciidamada Midowga Yurub ee ilaaliya xeebaha dalkeena Soomaaliya.

Munaasabad lagu qabtay Markab kuwa dagaalka ah oo ay leeyihiin ciidamada badda ee dowlada talyaniga oo ku sugan xeebaha dalka Djibouti ay dowladda Britain kula wareegtay xilkaasi,sida uu ku soo waramayo Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee dalka Jabuuti Makahiil Rashiid Barre.

Hoggaanka ciidamada Midowga Yurub ee ilaaliya xeebaha dalkeena Soomaaliya ayaa waxaa horay u hayay ciidamada badda ee dowladda Talyaniga, iyadoo taliyihii xilkaasi wareejiyay uu sheegay in sanadkii la soo dhaafay ay ciidamada la dagaallanka burcad badeedda ay xeebaha Soomaaliya ka soo qabteen ilaa 6 burcad badeed ah oo ay ka qabteen agagaarka xeebaha Puntland.

Wuxuu sheegay in si aad ah hoos ugu dhaceen weeraradii kooxaha Burcad badeeda ay ka geysan jireen xeebaha Soomaaliya iyo goobaha ka baxsan.

6-biloodba mar ayaa hogaanka ciidamada Midowga Yurub ee ilaaliya xeebaha dalkeena waxa la wareega mid ka mid ah dowladaha Midowga Yurub ee ay ciidamadu ka joagaan xeebaha Soomaalia.

Ilaalinta Xeebaha Soomaaliya ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa si KMG ah uga caawiya Wadamada Midowga Yurub,waxaana hadda Dowladda dadaal ku bixineysaa sidii loo tayeyn lahaa Ciidamada Badda Soomaaliya si ay ula wareegaan mas’uuliyadda amaanka Xeebaha dalka.