Home Blog Page 1408

Madaxweyne Farmaajo “Musiibadii ka dhacday Soobe si aysan mar kale noogu soo noqon, waa in aan u wada istaagnaa difaaca dalkeenna”

0

Muqdisho(SONNA), 25 Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in madaxda dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti ay isku soo afgarteen in la dar-dar geliyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dhiggiisa Mudane Yoweri Museveni, Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay ka aqbaleen in ay kordhiyaan dadaalada dalalkooda ay kaga qayb qaadanayaan dagaalka lagaga xoraynayo Alshabaab guud ahaan dalka.

“Waxaan u safarnay sidii aan garab ugu heli lahayn dar-dar gelinta dagaalka aan dalka kaga xoraynayno Alshabaab, Alle waa nagu guuleeyey. Madaxdu waxa ay ballan qaadeen in ay ka jawaabaan codsigeenii ahaa in la xoojiyo ciidamadeenna oo qalab iyo agabka ay u baahanyihiin nagu gacansiiyaan.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u istaagaan la dagaalanka argagixisada Alshabaab ee had iyo jeer ku howllan xasuuqa iyo gumaadka umaddeena.

“Murugadii ka dhacday Soobe si aysan mar kale u soo noqon, waa in aan u wada istaagnaa difaaca dalkeenna, lana dagaallano cadawga si aysan fursad dambe ugu helin dhibaatada ay nagu hayaan.”

Madaxweynaha ayaa ku howllan qorsheyaal lagu dabargooynayo khatarta Alshabaab, isagoona safarkiisa kahor Xarunta Ciidanka ee Jasiira ku saagootiyey Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo u ambabaxayey howlgallo ka dhan ah argagixisada Alshabaab.

 

DHAMMAAD

Maxkamadda G/banaadir oo  guri  muddo si sharci darro ah lagu heystay ku wareejisay qoyskii lahaa “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Maxkamadda Gobolka Banaadir, ayaa waxay maanta gurigooda ku warreejisay qoys Soomaaliyeed, kuwaasi oo in muddo ah si sharci darro ah gurigaasi looga heystay, waxaana Guriga uu ku yaalaa Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Aweys Sh C/laahi Wehliye, ayaa sheegay in Maxkmadda Gobolka ay  ku guuleysatay in Gurigan dib ay ugu celiyaan qoyskii lahaa, oo ay wakiil ka ahaayeen C/rashiid Xariir Odawaa iyo C/wali Cali Claahi .

” Maxkmadda Gobolka Banaadir, waxay ku guuleystay maanta oo ay taariikhdu tahay 25-10-2017, iyaddoo kaashaneysa Booliska Gobolka Banaadir in si buuxda loogu warreejiyo hanti ma guurto ah guri aad u weyn oo ay laheyd Aamino Cumar Ileeye oo wakiilo ay u ahaayeen C/rashiid Xariir iyo C/wali Cali” ayuu yiri Guddoomiye Aweys

C/rashiid Xariir Odawaa iyo C/wali Cali Claahi, ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir uga Mahadceliyey sida wanaagsan ee  Gurigooda ay dib ugu soo celisay, iyagga oo wakiil ka ah Qoyskii Guriga lahaa ee muddada dheer sida sharci darrada ah looga heystay.

Sidan oo kale dhowr jeer oo hore Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa waxay dib Guryahooda ugu cellisay dad in muddo ah laga heystay.


 

 

 

Dowladaha Soomaaliya iyo Morocco oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya

0

Muqdisho, October 25, 2017 – Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud oo howlo shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa uu halkaasi kula kulmay wafdi ka socday Boqortooyada Morocco oo uu hoggaaminayay Agaasimaha guud ee Iskaashiga Caalamiga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi Ambassador Mohamed Methqal.

Dowladda Boqortooyada Morocco ayaa Soomaaliya uga tacsiyeysay falkii argagaxisanimo ee dhiigga badan ku daatay ee October 14, 2017 ka dhacay Isgoyska 14 October “Zope” ee Muqdisho, kaasi oo gallaaftay nolosha 358 ruux iyo dhaawaca boqolaal rayid ah oo u badnaa xoogsato, dad socoto ah iyo arday.

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Morocco u dhexeeya, istiraatiijiyad wax wadaagid dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ammaanka iyo bulshada.

Soomaaliya iyo Morocco waxa ay isla garteen in booqashooyin heerkoodu sarreeyo la is dhaafsado.

Kulankan oo jawi guul leh ku idlaaday ayaa waxaa goobjoog ka kala ahaa Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Kenya Mr. Ali Mohamed Sheikh iyo Safiirka Safaaradda Morocco ee Kenya Dr. Mokhtar Ghambou.

Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare oo warbixin ka dhageystay Wasiirka Kalluumeysiga

0

Kulankan oo ka dhacay xarunta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa uu dhexmaray Guddiga khayraadka Qaranka,kaabayaasha dhaqaalaha  iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare iyo Wasiirka Wasaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ujeedada kulanka ayaa waxaa uu ahaa warbixin guddigaasi uu ka dhageysanayay Wasiirka Kalluumeysiga oo isagu faah faahin ka siiyay guddigan howlaha horyaala Wasaaradda iyo waxyaabihii u qabsoomay.

Xubnaha guddiga ayaa mudadii kulankaasi uu socday waxaa ay su’aalo weydiinayeen Wasiirka kuwaasi oo la xiriiray waxqabadka Wasaaradda iyo qorshe howleedyada horyaala,iyadoo Wasiir kuxin uu ka jawaabayay.

Dr C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi Wasiirka Kalluumeysiga ayaa guddiga ka codsaday in ay wax ka qabtaan cabashooyin uu soo jeediyay oo Wasaarddu ay qabto.

Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Qaranka,Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare Mudane Ilyees Cali Xasan oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ka guddi ahaan ay kala shaqeyn doonaan Wasaaradda sidii ay wada shaqeyn u dhexmari lahayad,isagoo balanqaaday in waxbadan laga qaban doono cabashooyinka ay soo gudbisay Wasaaradda.

Guddigan iyo Wasiirka ayaa ugu dambeyn isla gartay in sedexdii biloodba mar warbixin qoraala ah Wasaaraddu ay la wadaagto guddiga si loo xoojiyo wadashaqeynta.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo Golaha Aqalka sare asy kula xisaabtamayaan  madaxada hay’adaha kaladuwan ee Dalka,waana Wasiirkii todobaad oo uu guddigan la xisaabtamo.

Dowladda Imaaraadka oo dhaawacyo u qaaday dalka Kenya

0

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta dalka dibadiisa uqaaday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Ku dhawaad toban ruux oo ay wehliyaan eheladooda ayaa loo qaaday dalka Kenya, halkaasi oo la geynayo isbitaallada ugu fiican ee wadanka Kenya, iyadoo lacagta iyo baxnaanintooda ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale dhaawacyada maanta loo qaaday dalka Kenya waxaa horey u sii raacay dhaqaatiir ka socday dalka Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo ka warqabi doono xaaladahooda caafimaad bukaanada la seexinayo isbitaalada dalka Kenya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa horey u balan qaaday inay qaadayso boqol ruux oo ka mid ah dadkii ku soo dhaawacmay weerarkii 14-kii bishan ka dhacay Muqdisho, iyadoo tani ay tahay wajiga koowaad ee dalka dibadiisa loo qaadayo dhaawacyada jiifa isbitaalka Sheekh Zaayid ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Waxbarashada oo magacaabay Agaasimeyaasha Waaxyaha ee Wasaaradda

0

Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Daahir Cismaan ayaa maanta wareegto ka soo baxday xafiiskiisa ku magaacabay agaasimeyaasha Waaxyaha ee Wasaaradda, iyadoo guddiga shaqada iyo shaqaalaha la siiyay wargelin.

Dhawaan ayay ahayd markii wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya uu shaqadii ka joojiyay Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha, kuwaasi oo lagu amray inay imtixaan u soo galaan shaqada.

Hadabala linkiga hoose ka akhriso magaabista agaasimeyaasha waaxyaha

Magacaabis Xilal

Madaxweyne Farmaajo “Musiibadii ka dhacday Soobe si aysan mar kale noogu soo noqon, waa in aan u wada istaagnaa difaaca dalkeenna”

0

Muqdisho, 25 Oktoobar 2017; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in madaxda dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti ay isku soo afgarteen in la dar-dar geliyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dhiggiisa Mudane Yoweri Museveni, Ra’iisul Wasaare Hailemariam Desalegn iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay ka aqbaleen in ay kordhiyaan dadaalada dalalkooda ay kaga qayb qaadanayaan dagaalka lagaga xoraynayo Alshabaab guud ahaan dalka.

“Waxaan u safarnay sidii aan garab ugu heli lahayn dar-dar gelinta dagaalka aan dalka kaga xoraynayno Alshabaab, Alle waa nagu guuleeyey. Madaxdu waxa ay ballan qaadeen in ay ka jawaabaan codsigeenii ahaa in la xoojiyo ciidamadeenna oo qalab iyo agabka ay u baahanyihiin nagu gacansiiyaan.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u istaagaan la dagaalanka argagixisada Alshabaab ee had iyo jeer ku howllan xasuuqa iyo gumaadka umaddeena.

“Murugadii ka dhacday Soobe si aysan mar kale u soo noqon, waa in aan u wada istaagnaa difaaca dalkeenna, lana dagaallano cadawga si aysan fursad dambe ugu helin dhibaatada ay nagu hayaan.”

Madaxweynaha ayaa ku howllan qorsheyaal lagu dabargooynayo khatarta Alshabaab, isagoona safarkiisa kahor Xarunta Ciidanka ee Jasiira ku saagootiyey Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo u ambabaxayey howlgallo ka dhan ah argagixisada Alshabaab.

 DHAMMAAD

Wasiir Warfaafinta Koonfur Galbeed “Sedex Shabaab ah ayaa la dilay, Jab xoogana waa la gaarsiiyay”

0

Muqdisho (SONNA) Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyay Howlgal ciidamada xooga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ka sameeyeen deegaan 50-km u jira magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada xooga dalka ay dagaal xoogan la galeen Maleeshiyada Argagaxisada Al shabaab, waxayna ka dileen 3 maleeshiyo, halka ay mid kalena dhaawaceen, waxaana saldhiga lagu weeraray Al shabaab lagu gaarsiiyay Jab xoogan.

Khasaaraha soo gaaray dhinaca ciidamada xooga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayuu ku sheegay wasiirka Hal askari oo geeriyooday iyo Labo dhaawacyo ay soo gaareen.

Weerarkaasi ka dib Al shabaab way iskaga carareen deegaankaasi waxaana hada gacanta ku haya ciidamada xooga dalka, iyadoo xaalada ay degan tahay, shacabkana ay si weyn u soo dhaweynayaan ciidamada.

Afhayeenka AMISOM “Hal askari ayaa nooga dhintay, mid kalena wuu ku dhaawacmay”

0

Muqdisho (SONNA) Afhayeenka Ciidamada AMISOM Wilson Rono oo la hadlay Wakaalada Wararka SONNA ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ciidamada AMISOM ka soo gaaray qarax iyo dagaal toos ah oo ay kula kulmeen deegaanka Carbiska oo u dhow degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM uu askari kaga dhintay weerarkaasi ay ku soo qaadeen Maleeshiyada Argagaxisada Al shabaab, halka mid kale uu kaga dhaawacmay, sidoo kale wuxuu sheegay in labo ruux oo shacab ah ay ku geeriyoodeen weerarka.

Wilson rono ayaa beeniyay warar uu sheegay in baraha bulshada ay ku faafiyeen Maleeshiyada Al shabaab oo ku saabsanaa in dad badan oo rayid ah lagu dilay goobta uu dagaalka ka dhacay.

Dhinaca kale Maamulka Gobolka Shabeelaha hoose ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan ay faahfaahin ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay weerarka iyo sida ay wax u dhaceen, iyagoo wali wada baaritaano ku aadan arintaasi.

Madaxweynaha JFS oo goor dhow dib ugu soo laabtay Dalka

0

Muqdisho(SONNA) Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro shaqo uu ku kala bixiyay wadamada Jabuuti, Itoobiya iyo Uganda oo ciidamadooda joogaan Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in guulo ay ku soo dhamaadeen dhamaan safaradii dalalkaasi uu ku tagay waxaana uu sheegay in ay ka aqbaleen sidii ay Soomaaliya uga gacan siin lahaayeen dagaalka cusub oo lala galayo maleeshiyaadka Argagixisada SHabaab.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in marna Dowladda Soomaaliya aanay u dulqaadan doonin gumaadka Shabaab ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed,isagoo muujiyaya sida dowladdu ay uga go’antahay in maleeshiyada Shabaab laga xoreeyo guud ahaan Dalka.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa Madaxda Dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti kala hadlay sidii ay kaalin uga geysan lahaa ladagaalanka argagixisada,waxaana uu ka dambeyeey safarkiisa maalmo kadib markii kooxda Shabaab ay xasuuqeen boqolaal shacab ah oo aan waxba galabsan.