Madaxweynaha Mareykanka oo ku dhawaaqay in Qudus ay tahay Caasimadda Israel

Date:

Muqdisho(SONNA):–Madaxweyne Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa isagoo ka hadlayey Aqalka Cad wuxuu si rasmi ah u aqoonsaday in magaalada Quddus ay tahay caasimadda Israa’iil, go’aankaas oo ah mid meesha ka saaraya siyaasaddii uu Maraykanku ku socday tobanaan sano.

Donald Trump Wuxuu kaloo ku dhawaaqay in safaaradda Maraykanka laga rari doono magaalada Tel Aviv, islamarkaana loo rari doono Magaalada Quddus.

Falastiiniyiinta  marinka Qasa oo hadalkaas aad uga caraysan ayaa gubay sawirka Mr Trump, kan Ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo calanka Yuhuudda.

Madaxweynaha Mareykanka go’aankan uu qaatay ayaa waxaa cambaareeyay Inta Badan Madaxda Caalamka gaar  ahaan Madaxda Wadamada Islaamka  ,iyagoo Ku tilmaamay go’aankaas  mid ka hor imaanayo heshiisyada Caalamiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka wadatashigu waa furanyahay”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah-furay gogosha wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray gogosha...

Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhanka difaaca

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo booqasho...

Wasiirka Ganacsiga oo la kulmay Safiirka Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya

Ganacsiga XFS Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa maanta kulan...