Galmudug iyo Maamulka Gobollada Dhexe oo heshiis midnimo ku kala saxiixday Muqdisho+(Sawirro)

Date:

Muqdisho, Disembar 06, 2017: Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Maamulka Gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa heshiis taariikhi ah oo ay ku midoobayaan  ku kala saxiixday xarunta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca oo ku heshiiyey 14 qodob ayaa ku boggaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalkii dheeraa ee ay ku bixisay xallinta khilaafka u dhexeeyey, iyagoona muujiyeey sida ay uga go’antahay ka-mira-dhalinta dadaalkas.

“Heshiskan aad iyo aad ayaan u soo dhawaynayaa, waana ku mahadsantahay dowladdu. Maanta kahor garoowshiyo ma helin, waxaanse leeyahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka waa in midnimada maanta ay garoowsho ku siiyaan Galmudug.“ ayuu yiri Madaxweynihii Maamulka Gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan.

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in uu u tanaasulay midnimada gobollada Gal-madug iyo in laga gudbo khilaafka soo jireenka ah ee rakaadiyey horumarka Galmudug.
“ Waa mahad Alle hadii arrin todobada sano soo soctay ay maanta soo gunnaanadantay, aad iyo aad baan ugu faraxsanahay, dadka reer Galmudug, umadda Soomaaliyeed iyo inta wanaagga jecelna waxaan rajaynayaa in ay aad ugu farxaan.“ ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambaliyeeyay maamulka iyo shacabka Galmudug heshiiskan taariikhiga ah, isagoona ugu baaqay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali ina ay u hoggaansamaan qodobada heshiskan, si buuxdana uga wada shaqeeyaan hirgelintiisa.

Madaxweynaha ayaa xusay in dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo mideynta gobollada Gal-mudug ay Dowladda Federaalka Soomaaliya bilowday dhammaadkii bishii 2aad ee sanadkan tan iyo wakhtigaasna ay ku howlanayd sidii ay u mideyn lahayd labada dhinac.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri: “Waxaan Alle uga baryeynaa in heshiiskan uu dhaqan galo, qof kastana uu u arko wax wanaagsan oo mira dhal ah, reer Galmudug waxaa laga rabaa in ay hir-geliyaan qodobada dib u heshiisiintan oo danta guud ay wax walba ka hormariyaan, sida madaxdoodu ay u muujiyeen taanuslka iyo xilkasnimada.”

Munaasabadda saxiixa heshiiskan waxaa goob joog ku ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hir-shabeelle, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Wakiillada Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...