“AKHRISO” qodobada heshiiska Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca 

Date:

Muqdisho (SONNA), Maamulka Galmudug iyo Ahlusunna waljamaaca, ayaa maanta heshiis rasmi ah oo ka kooban 14 qodob ku kala saxiixday xarunta Madaxtooyada qaranka ee Magaaladda Muqdisho, iyaddoo ay goob joog ka ahaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Juxa oo hishiiska ay gaareen labada dhinac  qeyb ka saxiixay iyo masuuliyiin kale.

Halkaan hoose ka akhri qodobada Heshiiska Galmudug iyo Ahlusunna.

 

Heshiiska  maamullada Galmudug State (GMS) iyo MaamulkaAhlusuna Waljamaca (ASWJ) ee Muqdisho, 27 Nov – 6 December 2017

 

Wadatashi, falanqayn iyo kulamo gooni-gooni ah oo dhinac socday seminaarkii ku saabsanaa xallinta khilaafaadka iyo nabadaynta oo ay garwadeen ka ahayd Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dawladda Djabouti iyo IGAD kaddib, waxaa la gaaray heshiis ay ku midoobeen labada maamul, waxaana lagu heshiiyey qodobada soo socda:

 

 

  1. In Madaxwaynaha, Madaxwayne ku-xigeenka, Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Labadiisa ku-xiggen ee Galmudug ay sii haynayaan xilka.
  2. In magaca Galmudug iyo Calankaba loo daayo sida ay hadda yihiin.
  3. In la siiyo Madaxweynaha Maamulka Gobollada Dhexe (ASWJ) awood maamul oo ah madaxa xukuumadda (Chief of Ministers), oo awoodihiisana ay kamid yihiin:
    1. Horgaynta Golaha Shacabka Wasiirrada, Wasiiru Dowleyaasha, Wasiir Ku Xigeennada marka Madaxwaynuhu soo magacaabo.
    2. Guddoominta fadhiyada Golaha Wasiirrada.
    3. Waxa uu la tashadaa Madaxwaynaha iyo Madaxwayne Ku Xigeenkiisa mar walba.
    4. Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka ayaa magacaaba, xilkana ka qaada Wasiirada, Wasiiru Dowleyaasha, Wasiir Ku Xigeennada markuu la tashado Madaxwayne Ku Xigeenka iyo Madaxa Golaha Wasiirada (Chief of Ministers).
  4. Waxaa lagu heshiiyay in laysku daro labada Baarlamaan oo hadda jira , ayadoo la raacayo awood qaybsiga beelaha.
  5. In Golaha Wasiirada lagu qaybsado si heshiis lagu yahay oo ku salaysan habka awood qaybsiga iyada oo la raacayo awood qaybsiga beelaha.
  6. In ASWJ ay soo magacaabato Gudoomiyaha Maxkamada Sare.
  7. In la qaybsado Taliyeyaasha iyo Taliyaal Ku xigeenada ciidamada sida Daraawiishta, Nabadsugidda, Booliska iyo Ciidanka Asluubta iyada oo la raacayo awood qaybsiga beelaha.
  8. In Gudooomiyeyaasha Degmooyinka ee hadda jira ay sidooda usii shaqeeyaan inta laga dhisayo maamul dhameystiran.
  9. Waxaa la isla meel dhigay in la iswaafajiyo labada dastuur iyo labada astaan ee Maamullada Galmudug iyo Gobolada Dhexe ee ASWJ, si dan u ah maamulka dhismaya ayadoo loo saarayo guddi farsamo.
  10. Waxaa lagu heshiiyay in la abuuro ciidan isku dhaf ah oo dawlad-goboleedku leeyahay inta ka horaysana ciidan walba oo hada jira uu meshiisa ama goobtiisa uu sii joogo.
  11. Waxaa lagu heshiiyay qof lagu ogyahay inuu yahay argagaxiso ama la shaqeeya Argagisada ama Burcad badeed ah in uu san ka mid noqon karin maamuulka cusub ee dhismaya.
  12. Wixii kaloo farsama ah ama ka dhiman heshiiskaan waxaa lagu dhamayn doonaa fadhiyo kale.
  13. Deegaannada hoos yimaada mamulka ASWJ oo qaybta ka ah Gobolka Hiiraan waxaa looga hadli doonaa fadhi gaar ah si waafaqsan Dastuurka Qaranka.
  14. Waxaa la isla gartay in heshiiska lagu dhammaystiro, laguna fuliyo magaalo madaxda mamulka cusub ee Dhuusamareeb sida ugu dhaqsaha badan.

 

Mahadcelin:

  • Labada dhinac waxay u mahad celinayaan Dawlada Federalka Soomaliya hoggaankeeda sare oo waqti badan ku bixiyay ka gun gaarista heshiiskaan.
  • Waxaa sidoo kale loo mahadcelinayaa Dawlada Jabuuti, shacab iyo Madaxwaynaba, Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska, Ururka Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Ururka Iskaahsiga Khaliijka, Norway iyo Hay’adda Somali Stability Fund.

 

Hershiiskaaan waxaa lagu horsaxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

___________________                                                                                                              _____________________

 

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...