Home Blog Page 1407

Madaxweynaha oo ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Janaraal Maxamed Abshir Muuse

0

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Janaraal Maxamed Abshir Muuse oo xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka.

“Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan qaranka, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay, Alle ha u naxariistee, Janaraal Maxamed Abshir Muuse.”

“Janaraalku waxa uu ahaa shakhsi karti, dhawrsanaan, daacadnimo iyo dal jacayl ku sifoobay. Waxaa lagu xasuustaa kaalintii uu ka geystay dhismaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo muddo 10 sano ku dhaw uu hoggaaminayay. Waxaan Alle (S.W.T) uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, ehelkii iyo qoyskii uu ka baxayna sabar iyo iimaan haka siiyo. Aamiin”

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka oo ka tacsiyadeeyey Geeridii Jeneral Maxamed Abshir Muuse

0

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Jen, C/wali Jaamac Gorod ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Jeneral Maxamed Abshir Muuse oo hore u soo noqday Taliyihii ugu horreeyey ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo dalka Mareykanka ku geeriyooday.

Generaal C/wali Jaamac Gorod ayaa qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed kaga tacsiyasideeyay geeridii ku timid Jeneral Maxamed Abshir Muuse,wuxuuna taliyaha uu qiray in Alle ha u naxariistee Jeneral Maxamed Abshir Muuse uu ahaa waddani dhab ah oo waddanka xornimadiisa kaalin ka soo qaatay, mudadii uu xilalka kala duwan hayeyna lagu tilmaami jirey shaqsi waddankiisa jecel oo daacad ah.

Taliyaha Ciidamada Ciidamada Xoogga dalka Generaal C/wali Jaamac Gorod ayaa yiri “Geeridu waa xaq, Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhu Raajicuun, Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoyska Marxuumka Jeneral Maxamed Abshir Muuse waxaan u dirayaa tacsi, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan ka siiyo. AAMIIN.”

Dhamaan Madaxda ugu sareysa dalka ayaa marxuum Jeneral Maxamed Abshir Muuse ku tilmaamay halyeeyay ka baxay ummada Soomaaliyeed oo mar walba niyada ay ku heyn doonaan howlihii muhiimka ahaa ee uu Qaranka u soo qabtay.

Ku-simaha R/wasaaraha oo ka tacsiyeeyay geeridii Jeneral Maxamed Abshir Muuse

0

Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Jeneral Maxamed Abshir Muuse oo hore u soo noqday Taliyihii ugu horreeyey ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo dalka Mareykanka ku geeriyooday.

Marxuum Jeneraal Maxamed Abshir Muuse waxuu ahaa waddani dhab ah oo waddanka xornimadiisa kaalin ka soo qaatay, mudadii uu xilalka kala duwan hayeyna lagu tilmaami jirey shaqsi waddankiisa jecel oo daacad ah.

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa yiri “Geeridu waa xaq, Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhu Raajicuun, Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoyska Marxuumka Jeneral Maxamed Abshir Muuse waxaan u dirayaa tacsi, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan ka siiyo. AAMIIN.”

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Jeneral Maxamed Abshir Muuse uu ahaa shaqsi sumcad iyo sharaf ku dhex leh bulshada oo xilligii uu Taliyaha Booliiska ahaana kaalin weyn ka qaatay sidii ciidanka Booliiska u noqon lahaa hay’ad sugta amniga, shacabkana wada shaqeyn dhow la leh. Taariikhda Booliiska Soomaaliyeed waa mid aan ku faano, waxaana mahadaas iska lahaa Marxuum Jeneraal Maxamed Abshir Muuse. Allaha u naxariisto marxuumka.

Doorashada ku celiska ah ee madaxtinimada oo saaka ka billaabatay dalka Kenya

0

Dalka Kenya waxaa maanta sirasmi ah uga bilaabatay doorashada madaxtinimo ee ku celiska ah  iyadoo Ammaanka Dalkaasi aad loo adkeeyay dadka reer Kenya ayaa u  dareeray codaynta doorashada lagu murmay , taas oo uu qaadacay xisbiga mucaaradka ugu wayn ee Dalka Kenya.

Magaalooyinka iyo guud ahaan Gobolada Dalkaasi Kenya ayaa waxaa lagu arkayaa saakay dad aad u farabadan oo safuuf dhaadheer ugu jira sidii looga qeyb qaadan lahaa codbixinta doorashada.

Uhuru Kenyatta oo horey ugu guuleystay doorashada ayaa  raadinaya in mar labaad xilka loo soo doorto,wuxuuna  Kenyatta uu ugu baaqay dadka in ay codeeyaan islamarkaana la adkeeyo nabad geliyada guud ahaan dalka gaar ahaan goobaha doorashooyinkaasi ay ka socodaan.

Balse arrinta shakiga leh ayaa ah in uu Hoggaamiyaha mucaaradka Dalkaasi Kenya Raila Odinga  isaga haray doorashada ku celiska ah, wuxuuna ugu baaqay taageerayaashiisa in aysan ka codeyn doorashadaasi bilaabatay.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati  ayaa  sheegay in xorumaha coddayntu ay furmi doonaan 6:00 subaxnimo, kaddib markii ay xukuumadu damaanad qaad siisay taasi oo keentay in dorashadu ay bilaabato.

Ciidamo aad u farabadan oo gaaraya Tobannaan kun oo booliis ah iyo xubnaha kale ee laamaha ammaanka ayaa la geeyayy goobaha codbixinta si ay u sugaan Amniga guud ee  goobaha laga codaynayo iyo xarrumaha codka laga dhiibanayo dhamaantoodaba.

Kenyatta oo dadka ugu baaqaya in ay codeeyaan ayaa sheegay in awoowa yalkood ay u soo dagaalameen una dhinteen xaqa in dadka Afrikaanka ah ay codkooda dhiibtaan.

Tan iyo markii Maxakamadda sare ee dalkaasi ay laashay guushii uu horey u gaaray Mr Kenyatta waxaa soconayay olole siyaasadeed iyadoo uu jiray jahawareer arintaasi ka dhashay, xubin ka mid ah guddiga ayaa horey isku casishey, markii khilaafka uu sii fogaaday,balse la arkidoonee qaabka ay u dhacdo doorashada iyo natiijada ka soo baxda.

Madaxweynaha oo ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Janaraal Maxamed Abshir Muuse

0

Muqdisho, 26ka Oktoobar, 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Janaraal Maxamed Abshir Muuse oo xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka.

“Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan qaranka, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay, Alle ha u naxariistee, Janaraal Maxamed Abshir Muuse.”

“Janaraalku waxa uu ahaa shakhsi karti, dhawrsanaan, daacadnimo iyo dal jacayl ku sifoobay. Waxaa lagu xasuustaa kaalintii uu ka geystay dhismaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo muddo 10 sano ku dhaw uu hoggaaminayay. Waxaana Alle (S.W.T) uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, ehelkii iyo qoyskii uu ka baxayna sabar iyo iimaan haka siiyo. Aamiin”

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo si diiran loogu soo dhaweeyay Turkiga “SAWIRRO”

0

Ankara(SONNA):-  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga, halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Madaxda dowladda Turkiga iyo mas’uuliyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Ankara.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay Ankara, waxaana uu tilmaamay in madaxda Turkiga uu kala hadli doono xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab.

“Waxaan uga mahad celinayaa Dawladda Turkiga iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga sidii diirranayd ee ay iigu soo dhaweeyeen magaalada Ankara, maalmaha aan joogo Dalkani Turkiga waxaan kala hadli doonaa Madaxda ugu sarreysa dalka sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dawladood, isla markaana Dawladda Turkigu uga qeyb qaadan lahayd horumarka Soomaaliya ka socda iyo la dagaallanka argagixisada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa qeyb ka ah Wasiirka Amniga gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo xubno kale.

Soomaaliya iyo Morocco oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA), October 25, 2017 – Wasiir kuxiggeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud oo howlo shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa uu halkaasi kula kulmay wafdi ka socday Boqortooyada Morocco oo uu hoggaaminayay Agaasimaha guud ee Iskaashiga Caalamiga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi Ambassador Mohamed Methqal.

Dowladda Boqortooyada Morocco, ayaa Soomaaliya uga tacsiyeysay falkii argagaxisanimo ee dhiigga badan ku daatay ee October 14, 2017 ka dhacay Isgoyska 14 October “Zope” ee Muqdisho, kaasi oo gallaaftay nolosha 358 ruux iyo dhaawaca boqolaal rayid ah oo u badnaa xoogsato, dad socoto ah iyo arday.

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Morocco u dhexeeya, istiraatiijiyad wax wadaagid dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ammaanka iyo bulshada, waxayna Soomaaliya iyo Morocco ay isla garteen in booqashooyin heerkoodu sarreeyo la is dhaafsado.

Kulankan oo jawi guul leh ku idlaaday ayaa waxaa goobjoog ka kala ahaa Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Kenya Mr. Ali Mohamed Sheikh iyo Safiirka Safaaradda Morocco ee Kenya Dr. Mokhtar Ghambou.

 

 

 

Dowladda Imaaraadka oo dhaawacyo u qaaday dalka Kenya “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA) Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta dalka dibadiisa uqaaday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Ku dhawaad toban ruux oo ay wehliyaan eheladooda ayaa loo qaaday dalka Kenya, halkaasi oo la geynayo isbitaallada ugu fiican ee wadanka Kenya, iyadoo lacagta iyo baxnaanintooda ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale dhaawacyada maanta loo qaaday dalka Kenya waxaa horey u sii raacay dhaqaatiir ka socday dalka Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo ka warqabi doono xaaladahooda caafimaad bukaanada la seexinayo isbitaalada dalka Kenya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa horey u balan qaaday inay qaadayso boqol ruux oo ka mid ah dadkii ku soo dhaawacmay weerarkii 14-kii bishan ka dhacay Muqdisho, iyadoo tani ay tahay wajiga koowaad ee dalka dibadiisa loo qaadayo dhaawacyada jiifa isbitaalka Sheekh Zaayid ee magaalada Muqdisho.

 

Akhriso: Wasiirka Waxbarashada XFS oo magacaabay Agaasimeyaasha Waaxyaha ee Wasaaraddaasi

0

Muqdisho (SONNA)  Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Daahir Cismaan ayaa maanta wareegto ka soo baxday xafiiskiisa ku magaacabay agaasimeyaasha Waaxyaha ee Wasaaradda, iyadoo guddiga shaqada iyo shaqaalaha la siiyay wargelin.

Hadabala linkiga hoose ka akhriso magaabista agaasimeyaasha waaxyaha

Magacaabis Xilal

 

 

Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare oo warbixin ka dhageystay Wasiirka Kalluumeysiga

0

Muqdisho(SONNA) Kulankan oo ka dhacay xarunta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa uu dhexmaray Guddiga khayraadka Qaranka,kaabayaasha dhaqaalaha  iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare iyo Wasiirka Wasaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ujeedada kulanka ayaa waxaa uu ahaa warbixin guddigaasi uu ka dhageysanayay Wasiirka Kalluumeysiga oo isagu faah faahin ka siiyay guddigan howlaha horyaala Wasaaradda iyo waxyaabihii u qabsoomay.

Xubnaha guddiga ayaa mudadii kulankaasi uu socday waxaa ay su’aalo weydiinayeen Wasiirka kuwaasi oo la xiriiray waxqabadka Wasaaradda iyo qorshe howleedyada horyaala,iyadoo Wasiir kuxin uu ka jawaabayay.

Dr C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi Wasiirka Kalluumeysiga ayaa guddiga ka codsaday in ay wax ka qabtaan cabashooyin uu soo jeediyay oo Wasaarddu ay qabto.

Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Qaranka,Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare Mudane Ilyees Cali Xasan oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ka guddi ahaan ay kala shaqeyn doonaan Wasaaradda sidii ay wada shaqeyn u dhexmari lahayad,isagoo balanqaaday in waxbadan laga qaban doono cabashooyinka ay soo gudbisay Wasaaradda.

Guddigan iyo Wasiirka ayaa ugu dambeyn isla gartay in sedexdii biloodba mar warbixin qoraala ah Wasaaraddu ay la wadaagto guddiga si loo xoojiyo wadashaqeynta.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo Golaha Aqalka sare asy kula xisaabtamayaan  madaxada hay’adaha kaladuwan ee Dalka,waana Wasiirkii todobaad oo uu guddigan la xisaabtamo.