Home Blog Page 1406

Shirka Golaha Wasiirada oo diirada lagu saaray Masiibada Qaran, Geeridii Jeneral Maxamed Abshir Muse, Geedisocodka Deyn-Cafiska iyo arrimo kale

0

 Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Mahdi Mohamed Guled (Khadar). Arrimaha diirada lagu saaray shirkan waxaa ka mid ahaa Masiibadii Qaran ee 14kii Oktoober 2017, Geeridii General Maxamed Abshir Muuse, Geedisocodka Deyn-Cafiska iyo arrimo kale.

Ugu horreyntii Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dhacdadii 14ka Oktoober ay aheyd dhacdo xannuun badan kana codsaday Guddiga Gurmadka Qaran inay warbixin ka siiyaan golaha wasiirada Masiibadii Qaran ee 14kii Oktoober 2017.

Sidoo kale waxaa warbixin laga dhageystay Guddiga Dhalinyarada Is-xilqaamay ee Gurmad Qaran oo ka warbixiyey howlaha muhiimka ah oo ay qabtaan tan iyo 14kii Oktoober oo ay abaabuleen dhalinyarada dalka gudihiisa iyo dibadiisa, isla markaasna si hagar la’aan ah ugu gurmaday dadkii waxyeeladu soo gaartay.

Guddiga ayaa u mahadceliyey dhammaan cidwalba oo gurmadka ka qeyqaadatay gaar ahaan dhalinyarada, Guddoomiyaha Gooblka Benaadir, Bahda warbaahinta, gaar ahaan SNTV oo si toos ah bulshada uga soo tabineysey xarunta gurmadka.

Sidoo kale waxaa la ammaanay doorka Soomaalinimada ah ee la muujiyey oo ay Dowlada Federaalka hormuud ka aheyd.

Agaasimaha Socdaalka & Jinsiyadaha oo dhaawacyada u diyaariyey baasabooro lagu qaaday. Sidoo kale waxaa la ammaanay dhaqaale ururinta ka socota dalka iyo gudihiisa, gaar ahaan Boosaaso iyo Nairobi oo dhaqaale looga aruuriyey.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Sii Hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ka warbixiyey safarkii Madaxweynaha uu ku tagey Uganda, Ethiopia iyo Djibouti oo si guul ah ku soo dhammaaday, laguna heshiiyey in ciidamda Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM ay si wadajir ah uga wada qeybqaataan dib u xoreynta dalka si kooxaha argagaxisada ah looga sifeeyo dalka oo dhan.

Wasiirka Maaliyada ayaa ka warbixiyey geedisocodka deyn-cafiska oo ay Dawladda Federaalka mudo kala shaqeyneysay hay’ada Lacagta Adduunka (IMF). Wasiirka Maaliyada iyo Wasiirka Kalluumeysiga ayaa ku qanciyey IMF in Somalia laga cafiyo deymaha si dalka looga hirgeliyo mashaariic horumarineed.
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa ka warbixiyey kulanka sanadlaha ah ee hay’ada Isgaarsiinta Adduunka (ITU) oo uu ka qeybgalay, iyadoo Somalia ay ka mid noqotay xubin buuxda oo leh codeyn.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inuu xiriir wanaagsan la soo sameeyey wadamo badan.

Golaha Wasiirada ayaa tacsiyo qaran u diray shacabka Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka geeriyooday marxuum Jeneral Maxamed Abshir Muuse oo ku geeriyooday dalka Mareykanka. Marxuumka ayaa ahaa Taliyihii ugu horreeyey ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kana mid ahaa xildhibaanadii Dawladii lagu soo yageleelay Carta, kana soo qeybqaatay xornimda dalka, isla markaasna ku guuleystay in Soomaaliya ay yeelatay Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ahaa ciidan dishibiliin leh, bulshada la shaqeeya, sugayna amniga iyo kala danbeynta dalka, caana ka ahaa Afrika. Dawladda Federaalka ayaa guddi u saareysa qabanqaabiyey baroordiiq sidii loogu sameyn lahaa oo loo xusi lahaa doorkiisii wadaninimada, xil-kasnimada, waaayo-aragnimada ee uu ku soo hoggaamiyey ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa ka hadlay casuumada uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo u fidiyey Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada Puntland, GalMudug, HirShabelle, Koofur-Galbeed, Jubbaland iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo lagu wado inuu shirkooda qabsoomo 28ka Oktoobar 2017. Xukuumada ayaa wada qabanqaabada shirkaas, oo looga hadli doono xoojinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorashooyin hal-cod iyo hal-qof ah.
DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska

Taariikh Nololeedka Gen: Max’ed Abshir Muuse+Sawirro

0

Muqdisho-(SONNA)-Taliyihii ugu horeeyay ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen: Max’ed Abshir Muuse ayaa Xalay ku geeriyooday Magaalada Minneapolis ee dalka maraykanka.

Taariikh Nololeedka Taliyaha:-

General Max’ed Abshir Muuse waxaa uu ku dhashay Magaalada Xaradheere ee Gobolka Mudug Sanadkii 1926dii, wuxuuna Ciidamada Booliiska ku biirey isagoo dhalinyara ah wuxuuna tababarkiisii ugu horeeyay ku soo qaatay dalka Talyaaniga.

Allaha u Naxariistee Gen: Max’ed Abshir wuxuu Noqday Taliyihii ugu horeeyay ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya 1960kii, xilkaasi oo uu hayay muddo sagaal sano ah.

1969kii markii Millatarigu la wareegay talada dalka, waxaa marxuumku ka mid ahaa masuuliyiintii la xiray, wuxuuna Xabsiga ku jiray muddo Toban sano ah.

A.U.N General Max’ed Abshir Muuse markii xabsiga laga soo daayay wuxuu aad xoogga u saaray barashada Culuumta Daraasaadka Islaamka,wuxuuna ka mid ahaa culumadii ka aflaxday Tafsiirka Qur’aanka ee uu aqrin jiray Shiikhii waynaa Shiikh Max’ed Macallin Xasan, taasi oo uu meel sare ka gaaray.

Dhamaadkii 1991dii  wuxuu marxuumku dib ugu laabtay Gobollada Punt land, halkaasi oo uu ka noqday hogaamiyaha garabka Siyaasadda ee Jabhaddii S.S.D.F xilkaasi oo uu hayay illa 1998dii.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisal wasalwasaaraha X.F.S  Md Xasan Cal Khayre, Raiisal wasaare ku xigeenka X.F.S,Md, Mahdi Max’ed Guuleed (Khadar) Wasiirka wasaaradda Wasaaradda Warfaafinta Md: C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow iyo Agaasimaha Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA Md:- C/llaahi.Sh. C/raxmaan (Haybe) ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Janaraal Maxamed Abshir Muuse oo xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Masuuliyiinta Qaranka ayaa sheegay in Jeneral Maxamed Abshir Muse uu ahaa shaqsi sumcad iyo sharaf ku dhex leh bulshada oo xilligii uu Taliyaha Booliiska ahaana kaalin weyn ka qaatay sidii ciidanka Booliiska u noqon lahaa hay’ad sugta amniga, shacabkana wada shaqeyn dhow la leh. Taariikhda Booliiska Soomaaliyeed waa mid aan ku faanno, waxaana mahadaas iska lahaa Marxuum Jeneraal Maxamed Abshir Muse. Allaha u naxariisto marxuumka.

 

Ururo Soomaali oo ka shaqeeya Arimaha Bulshada oo Turkiga uga mahad celiyay taageerada Soomaaliya

0

Muqdisho(SONNA) Ururo Soomaali oo ka shaqeeya Arimaha Bulshada ayaa booqday safaarada Turkiga ay ku leedahay dalka Holand si ay mas’uuliyiinta safaarada Turkiga uga mahad celiyaan doorka muuqda ee Turkigu ku leeyahay taageerada Shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliya.

Faadumo Faarax oo u hadashay Ururka HIRDO oo ka shaqeeya Arimaha Horumarinta iyo gargaarka ayaa mas’uuliyiinta safaarada Turkiga ee Holand ay booqdeen marka hore ugu mahad celisay dadaalka lixaadka leh ay Dowladda Turkiga ku bixisay sidii loogu gurman lahaa dadkii waxyeelada ka soo gaartay Qaraxii Wuxuushnimada ahaa ay Argagixisadu 14-kii bishan  ka fulisay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale,Faadumo Faarax ayaa sheegtay iney Muqdisho ku sugneyd xilligii uu dhacayay Qaraxii Soobe,islamarkaana goob joog u ahayd doorka muuqda uu Turkiga ku lahaa sidii loo caawin lahaa dadkii ay masiibadu haleeshay.

Dowladda Turkiga ayaa diyaarad gargaar caafimaad ah u soo dirtay Muqdisho halka tiro ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Soobe loo qaaday dalkaasi si loogu soo daaweeyo.

Madaxweynaha Turkiga Receb Tayib Erdogan ayaa balan qaaday inuu si dhab ah u garab istaagi doono shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliya si looga adkeeyo horumarada dalka ka socda.

Dowladdo badan ayaa ka soo jawaabay baaqii Dowladda ee ahaa inaan loo kala harin u gurmashada dadkii wax ku noqday Qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Soobe oo ah goob aad u mashquul badan oo ganacsi badan ay ku yaalaan halkaasi oo ruux naftii halige ah oo waday gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa isku qarxiyay.

Akhriso: Taariikh nololeedkii Jeneraal Maxamed Abshir Muuse

0

Taliyihii ugu horreeyay ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Max’ed Abshir Muuse ayaa xalay ku geeriyooday Magaalada Minneapolis ee dalka maraykanka.

Allaha u naxariistee waxaan halka idinkugu soo gudbineynaa Taariikh Nololeedka Jeneraal Maxamed Abshir Muuse.

Jeneraal Max’ed Abshir Muuse waxaa uu ku dhashay Magaalada Xaradheere ee gobolka Mudug Sanadkii 1926dii, wuxuuna Ciidamada Booliiska ku biirey isagoo dhalinyara ah wuxuuna tababarkiisii ugu horreeyay ku soo qaatay dalka Talyaaniga.

Allaha u Naxariistee Jeneraal Max’ed Abshir wuxuu noqday Taliyihii ugu horeeyay ee ciidanka Booliiska Soomaaliya 1960kii, xilkaasi oo uu hayay muddo sagaal sano ah.

1969-kii markii Millatarigu la wareegay talada dalka, waxaa marxuumku ka mid ahaa mas’uuliyiintii la xiray, wuxuuna xabsiga ku jiray muddo Toban sano ah.

Allaha u naxariistee Jeneral Max’ed Abshir Muuse markii xabsiga laga soo daayay wuxuu aad xoogga u saaray barashada Culuumta Daraasaadka Islaamka, wuxuuna ka mid ahaa culumadii ka aflaxday Tafsiirka Qur’aanka ee uu aqrin jiray Sheekh Max’ed Macallin Xasan, taasi oo uu meel sare ka gaaray.

Dhamaadkii 1991 dii  wuxuu marxuumku dib ugu laabtay Gobollada Puntland, halkaasi oo uu ka noqday hogaamiyaha garabka Siyaasadda ee Jabhaddii S.S.D.F xilkaasi oo uu hayay illa 1998-dii.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisal wasalwasaaraha X.F.S  Xasan Cal Khayre, Raiisal wasaare ku xigeenka X.F.S,  Mahdi Max’ed Guuleed (Khadar) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) iyo Agaasimaha Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA  C/llaahi.Sh. C/raxmaan (Haybe) ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Jeneraal Maxamed Abshir Muuse oo xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Mas’uuliyiinta Qaranka ayaa sheegay in Jeneral Maxamed Abshir Muse uu ahaa shaqsi sumcad iyo sharaf ku dhex leh bulshada oo xilligii uu Taliyaha Booliiska ahaana kaalin weyn ka qaatay sidii ciidanka Booliiska u noqon lahaa hay’ad sugta amniga, shacabkana wada shaqeyn dhow la leh.

  

R/wasaaraha Soomaaliya oo dhiggiisa Turkiga kula kulmay Ankara

0

R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyrre ayaa maanta oo khamiis ah dhiggiisa Dalka Turgiga Ben Ali Yildirim kulan kula qaatay Magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Mudane Xasan Cali khayre iyo dhiggiisa Turkiga ayaa si wadajir ah Salaan Sharaf uga qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Turkiga, waxaana loo tumay astaanka Qaranka Labada Dowladood.

Intaasi kaddib Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyrre iyo Ra’iisal wasaraaha Turkiga Ben Ali Yildirim ayaa kulan saacado qaatay wada yeeshay,waxayna si qoto dheer uga wada hadleen Xiriirka labada dal iyo sida lagu xoojin doono.

Kulanka Labada Ra’iisal wasaare ay yeesheen waxaa goob joog ka ahaa wasiirka Difaaca Turkiga iyo Xubno kale oo ka tirsan Dowladdaasi.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in kulan labaad ay isugu yimaadaan Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo dhiggiisa Turkiga Ben Ali Yildirim,kaasoo oo ah kulan qado sharaf ah oo loo sameeyay wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Qado sharafta kaddib ayaa Wafdiga Ra’iisal wasaare Kheyre iyo madaxda Turkiga waxay si qoto dheer uga wada hadli doonaan xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Labada dal iyo sidii Dowladda Turkiga u kordhin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya iyo sidoo kale iney iska xog wareystaan horumarka Goboleed iyo kan caalamiga ahba.

Dhanka kale Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa booqan doona dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Soobe ee dhawaan loo qaaday dalka Turkiga.

Dibadbaxyo lagu carqaladeynayo bilowga doorashada ku celiska oo Kenya ka bilowday

0

Muqdisho(SONNA) Dibadbaxyo lagu carqaladeynayo bilowga doorashada ku celiska madaxweynaha ayaa ka bilowday qeybo ka mid ah dalkaasi Kenya.

Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga oo isaga haray doorashada ku celiska ah ayaa ku baaqay in taageerayaashiisu aysan codaynin,maadama uu ka cago jiiday siday wax u dhigeen Guddiga doorashada Kenya oo uu ku tilmaamay inuu masuq maasuq hareeyay.

Kenyatta ayaa lagu dhawaaqay in uu ku guulaystay doorashadii 8 August, laakiin waxba kama jiraan ayaa laga soo qaaday ka dib markii lagu helay “wax isdabomarino”.

Sanaaqiida codbixinta ayaa la furay 6:00 subaxnimo,iyadoo ay balantu tahay in la soo xiro 5pm,waxaana is diiwaan gelisay si codkooda ay u dhiibtaan 19 million oo ruux oo Kenyan ah.

Banaanbaxyada rabshadaha wata ayaa ka bilowday deegaanada ay ku xoogan yihiin taaageerayaasha mucaaradka ee Kibera ,waxayna taageerayaasha Odinka ay gubayaan taayaro halka Booliska ay banaanbaxayaasha u adeegsanayaan sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala ceyriyaan.

Wararka ayaa intaasi ku darayaa in ugu yaraan hal xarun oo codbixinta doorashada ka socotay ay rabshado darteed u xirantay.

” Wax micno ah ma sameyneyso codbixinta,waa sharcidaro waxay sameynayaan,waxay doonayaan in mar kale wax xadaan,tani waa ceeb,marka ma doonayo inaan waqtigeyga ku lumiyo codbixin qaldan,” ayuu Alfred Otieno oo ka mid ah dadka mucaaradsan doorashada.

Marka la eego Kisumo,waa goob Odinka uu ku xoogan yahay,qaar ka mid ah xarumaha codbixinta wey furan yihiin balse ma jirto calaamad muujisa dad codkooda bixinaya.

Raila Odinka,ayaa taageerayaashiisa u sheegay ineysan ka qeyb qaadan codbixinta doorashada ka dib banaanbax ka dhacay magaalada Nairobi oo ay isugu yimaadeen taageerayaasha hogaamiyaha Mucaaradka Kenya

Gudoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati ayaa horay u sii sheegay in xorumaha coddayntu ay furmi doonaan 6:00 subaxnimo, ka dib markii ay xukuumadu damaanad qaad siisay.

Tobannaan kun oo booliis ah iyo xubnaha kale ee laamaha ammaanka ayaa loo daad gureeyay goobaha cod bixinta si ay u sugaan ammaanka goobaha laga codaynayo iyo xarrumaha codka laga dhiibanayo.

Kenyatta oo dadka ugu baaqaya in ay codeeyaan ayaa sheegay in awawyadood ay u soo dagaalameen una dhinteen xaqa in dadka Afrikaanka ah ay codkooda dhiibtaan. Waa in aynaan ku dhiiranin diiditaanka dhaxalkaas ayuuna sii raaciyay.

W/Q: Daahir Aadan Ali

Taliyaha Ciidamada xooga dalka oo ka tacsiyadeeyey Geeridii Jeneral Maxamed Abshir Muse

0

Muqdisho(SONNA) Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Jen, C/wali Jaamac Gorod ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Jeneral Maxamed Abshir Muse oo hore u soo noqday Taliyihii ugu horreeyey ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo dalka Mareykanka ku geeriyooday.

Generaal C/wali Jaamac Gorod ayaa qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed kaga tacsiyasideeyay geeridii ku timid Jeneral Maxamed Abshir Muse,wuxuuna taliyaha uu qiray in Alle ha u naxariistee Jeneral Maxamed Abshir Muse uu ahaa waddani dhab ah oo waddanka xornimadiisa kaalin ka soo qaatay, mudadii uu xilalka kala duwan hayeyna lagu tilmaami jirey shaqsi waddankiisa jecel oo daacad ah.

Taliyaha Ciidamada Ciidamada Xooga dalka Generaal C/wali Jaamac Gorod ayaa yiri “Geeridu waa xaq, Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhu Raajicuun, Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoyska Marxuumka Jeneral Maxamed Abshir Muse waxaan u dirayaa tacsi, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan ka siiyo. AAMIIN.”

Dhamaan Madaxda ugu sareysa dalka ayaa marxuum Jeneral Maxamed Abshir Muse ku tilmaamay halyeeyay ka baxay ummada Soomaaliyeed oo mar walba niyada ay ku heyn doonaan howlihii muhiimka ahaa ee uu Qaranka u soo qabtay.

Sagaal Ruux oo Soomaali ay ku jiraan oo Cudurka Malaariyada ugu geeriyootay Xerada Qaxootiga Kakuma

0

Muqdisho(SONNA) Sagaal Qof ayaa Cudurka Malaariyada (duumada) ugu geeriyootay  xerada qaxootiga Kakuma iyo degaanka Kalobeyei ee dalka Kenya ka dib markii cudurku ka dillaacay aaggaas.

War ka soo baxay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Qaxootiga ee UNHCR,ayaa lagu sheegay in kumanaan Kiisas malaariyo ah laga soo wariyay labadii bilood ee ugu danbeysay xerada Qaxootga Kakuma iyo deegaanka Kalobeyei ee dalka Kenya.

Xerada Qaxootiga ee Kakuma ayaa waxaa marti ku ah Qaxooti fara badan oo ka kala yimid dalalka Ethiopia,Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan kuwaasoo halkaasi ay ku taageeraan Hay’ado ka shaqeeya Arimaha bini-aadanimada.

Tiro dad lagu qiyaasay sagaal ruux ayaa ugu geeriyootay Cudurka deegaanka Kalobeyei iyo Xerada Qaxootiga Kakuma,sida warbixinta Hay’adda UNHCR lagu xusay.

Ku dhawaad 12,000-Kiisas malaariyo ah ayaa laga daweeyay Shacabka Qaxootiga ee ku dhaqan Xerada Kakuma iyo dadka ku nool deegaanka Kalobeyei tan iyo bishii Augusto ee sanadkaan 2017-ka.

UNHCR,ayaa sidoo kale sheegtay iney jiraan Kiisaska Cudurka Malaariyada oo kor u sii kacaya Xeryaha Qaxootiga iyadoo loo aaneynayo xilli roobaadka oo la guda galay.

Hay’adda ayaa Xustay in shaqsiyaadka uu sameeyay Cudurka Malaariyada (plasmodium falciparum),hadda lagu daweynayo xarumo caafimaad oo kala duwan oo ku yaalo Xerada Qaxootiga Kakuma.

Xarumaha caafimaadka ee ku yaalo Xerada Kakuma iyo deegaanka Kalobeyei ayaa lagu diyaariyay dawada malaariyada oo lagu daweynayo dadka xaaladooda yara roon tahay iyo kuwa sida ba’an uu cudurka u hayo.

Hay’adda Caafimaad Aduunka (WHO),ayaa xeryaha ka howlgelisay dhalinyaro loo carbiyeyay iney bulshada ka wacyigeliyaan halista uu leeyahay cudurkaan iyo qaabka ugu haboon ee looga hortagi karo.

W/Q: Daahir Aadan Ali

Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha oo ka tacsiyadeeyey Geeridii Jeneral Maxamed Abshir Muse

0

Muqdisho(SONNA) Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Jeneral Maxamed Abshir Muse oo hore u soo noqday Taliyihii ugu horreeyey ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo dalka Mareykanka ku geeriyooday.

Marxuum Jeneraal Maxamed Abshir Muse waxuu ahaa waddani dhab ah oo waddanka xornimadiisa kaalin ka soo qaatay, mudadii uu xilalka kala duwan hayeyna lagu tilmaami jirey shaqsi waddankiisa jecel oo daacad ah.

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guled (Khadar) ayaa yiri “Geeridu waa xaq, Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhu Raajicuun, Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoyska Marxuumka Jeneral Maxamed Abshir Muse waxaan u dirayaa tacsi, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan ka siiyo. AAMIIN.”

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Jeneral Maxamed Abshir Muse uu ahaa shaqsi sumcad iyo sharaf ku dhex leh bulshada oo xilligii uu Taliyaha Booliiska ahaana kaalin weyn ka qaatay sidii ciidanka Booliiska u noqon lahaa hay’ad sugta amniga, shacabkana wada shaqeyn dhow la leh. Taariikhda Booliiska Soomaaliyeed waa mid aan ku faano, waxaana mahadaas iska lahaa Marxuum Jeneraal Maxamed Abshir Muse. Allaha u naxariisto marxuumka.

Safaf dhaadheer oo loogu jiro codbixinta doorashada Kenya

0

Kenya(SONNA) Dalka Kenya ayaa waxaa sirasmi ah uga bilaabatay doorashadii madaxtinimo iyadoo Ammaanka Dalkaasi aad loo adkeeyaywaxaana  loo dareeray codaynta doorashada lagu murmay ee ku celiska ah, taas oo uu qaadacay xisbiga mucaaradka ugu way nee Dalka Kenya.

Magaalooyinka iyo guud ahaan Gobolada Dalkaasi Kenya ayaa waxaa lagu arkayaa saakay dad aad u farabadan oo safuuf dhaadheer ugu jira sidii looga qeyb qaadan lahaa codbixinta doorashada.

Uhuru Kenyatta oo horey ugu guuleystay doorashada ayaa  raadinaya in mar labaad xilka loo soo doorto,wuxuuna mar Kenyatta uu ugu baaqay dadka in ay codeeyaan islamarkaana la adkeeyo nabad geliyada guud ahaan dalka gaar ahaan goobaha doorashooyinkaasi ay ka socodaan.

Balse arrinta shakiga leh ayaa ah in uu Hoggaamiyaha mucaaradka Dalkaasi Kenya Raila Odinga  isaga haray doorashada ku celiska ah,wuxuuna ugu baaqay taageerayaashiisa in aysan ka codeyn doorashadaasi bilaabatay.

Waxaa horey uu Guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati  u sii sheegay in xorumaha coddayntu ay furmi doonaan 6:00 subaxnimo, ka dib markii ay xukuumadu damaanad qaad siisay taasi oo keentay in dorashadu ay bilaabato.

Ciidamo aad u farabadan o gaaraya Tobannaan kun oo booliis ah iyo xubnaha kale ee laamaha ammaanka ayaa la geeyayy goobaha codbixinta si ay u sugaan Amniga guud ee  goobaha laga codaynayo iyo xarrumaha codka laga dhiibanayo dhamaantoodaba.

Kenyatta oo dadka ugu baaqaya in ay codeeyaan ayaa sheegay in awawyadood ay u soo dagaalameen una dhinteen xaqa in dadka Afrikaanka ah ay codkooda dhiibtaan,Waa in aynaan ku dhiiranin diiditaanka dhaxalkaas ayuuna sii raaciyay.

Tan iyo markii Maxakamadda sare ee dalkaasi ay laashey guushii uu horey u gaaray Mr Kenyatta waxaa soconbayay olole siyaasadeed iyadoo uu jiray jahwareer arintaasi ka dhalatay,xubin kamid ah guddiga ayaa horey isku casishey,markii khilaafka uu sii fogaaday,balse la arkidoonee qaabka ay u dhacdo doorashada iyo natiijada ka soo baxda.