Ra’iisul Wasaare Khayre “Ciyaaraha waxay ka qeyb qaataan Nabadda iyo Horumarka dalka”

Date:

Waxaa si habsami ah u bilowday ciyaarihii maamul goboleedyada iyo Gobolka Benaadir, iyadoo sanadkan ciyaaraha ay martigalisay maamulka gobolka banaadir, ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.

Dawaashada Cayaartan oo aheyd mid aad u xiiso badneyd ayaa waxaa ka soo qayb galay dadwayne aad u fara badan oo kala taageersanaa labada kooxood ee maanta lagu daahfuray tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada ee kala ahaa gobolka banaadir iyo Jubaland, Sidoo kale waxaa Garoonka ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolleedka Jubaland.

Ra’isal wasaare Xasan Cali Kheyre oo ka hadlayay munaasabada daahfurka ciyaaraha ayaa sheegay muhimada ay ummadda u leedahay ciyaaraha iyo is dhex galka bulshada, wuxuuna ra’isal  wasaaraha dhiirigaliyay dhalinyarada Soomaaliyeed iyo doorka ay ku yeelan karaa ciyaaraha, wuxuna sheegay in cayaaruhu ay ka qeyb qaadanayaan nabadda iyo horumarka bulshada.

“Ciyaaraha waxay ka qeyb qaataan Nabadda iyo Horumarka dalka. Ciyaaruhu waxay gacan ka geysan karaan sidii dhalinyaradu uga weecan lahayd fikradaha qalafsan iyo colaadaha, isla markaana kaalin weyn ugu yeelan lahayd horumarka iyo dib-u-dhiska dalka”.Ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ra’isal wasaare Xasan Cali Kheyre, Wuxuu u mahadceliyey Wasaaradda dhalinyarada iyo Cayaaraha oo xil wayn iska saartay qabsoomida tartankan iyo gobolka Benaadir ee martigeliyey sanadkan ciyaaraha.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...