QM oo cambaareysay go’aanka Madaxweyne Trump

Date:

Newyork(SONNA) Kadib shir deg deg oo ay isugu yimaadeen Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa kaasi oo looga hadlayay Arinta Qudus ayaa dalalka xubnaha ka ah marka laga reebo Maraykanka waxay cambaareeyeen go’aankii uu madaxweyne Trump magaaladaasi ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Bariga Dhexe, Nickolay Mladenov, ayaa ka digay in tallaabada Maraykanka ay dhalin karto dhibaato aan la mahdin oo ka dhex billaabata Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Dhanka kale Danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay, Nikki Haley, ayaa ururkaasi ku dhaliishay inuu wax u dhimayo hannaanka nabadda looga dhalinayo Bariga Dhexe.

Sidoo kale, ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu wadaa inuu maanta ka shiro go’aanka Madaxweyne Trump ee ku aadan magaalada Qudus.

Go’aanka Trump ayaa waxaa dhaliilay dalal badan oo caalamka, ayna ka mid yihiin kuwo xulafo dhaw la ah dalka Maraykanka.

Dhanka kale, gantaal laga soo riday marinka Qaza ayaa ku dhacay magaalada Sderot ee koonfurta Israa’iil, ayadoo ay weli socdaan rabshadaha ka dhashay arrinta Qudus.

Lama sheegin khasaaro nafeed oo uu geystay gantaalkaasi, balse waxaa uu burburiyay gawaari dhowr ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...