Raiisul-wasaare ku xigeenka oo ka qeybgalay maaalinta Qowmiyadaha Itoobiya +Sawirro

Date:

Addis abab(SONNA)-Raiisul-wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)  oo ka qeyb-galay xuska maalinta qowmiyadaha Itoobiya ayaa hambalyo u diray dhamaan Qoomiayadaha dalka Itoobiya oo xuska sanad guuradooda ku begneyd shalay.

Raiisul-wasaare ku xigeenka Dalka ayaa yiri, “Soomaaliya iyo Itoobiya waa labo dal oo jaar ah, kuwaasi oo dhinacyo badan iska caawiya, Shacabka labada dawladoodna waxaa ka dhaxeeya iskaashi dhan walba ah”.

Xafladaasi oo ka dhacday magaalada Samara ee gobolka Cafarta ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Haile Mariam Desalegn, Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madax kale.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa salaan uu kaga siday Madaxweyne Farmaajo u gudbiyay dhammaan Madaxda iyo Shacabka qowmiyadaha Itoobiya, isagoo ku boggaadiyay inay sanadkan kiisa kale ku gaaraan nabad iyo horumar.

Khadar wuxuuna intaasi raaciyay in Shacabka labada dawladoodna uu ka dhaxeeya ilaalinta amniga mandiqada Bariga Afrika iyo iskaashiga dhanka Ganacsiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo dhagax dhigay masjid laga dhisayo Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo seddax maalmood ah hoos u dhigtay Calanka Soomaaliya

Iyada oo la fulinayo Amarka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Dhuusamareeb uga qeyb galay Madasha Maan-tashano

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyadeeyay geerida Agaasime Ku-xigeenkii Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...