Maleeshiyada Al-shabaab oo boobay hantida Shacabka Ceel cadde

Date:

Muqdisho(SONNA)–Maleeshiyaadka argagaxisada Al -shabaab ayaa boob u geystay, islmarkaana qaatay hanti ay lahaayeen ganacsatada Deegaanka Ceel cadde ee Gobolka Hiiraan.

kooxadaasi Al -shabaab ayaa la sheegay kadib markii ay boobeen goobaha ganacsi in ay hore u sii wateen afar Ruux oo ka mid ah ganacsataada ku dhaqan deegaankaasi Ceel cadde, in kastoo ay markii dambe soo daayeen, balse ay qaateen hantidii tiilalay deegaankaasi, lama oga ujeedada ay u qaateen, waxaase la sheegayaa in Shacabka deegaankaasi ay yihiin kuwa taageersan Dowladda Soomaaliya, kana soo horjeeda Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab, sidaasi daraadeed ayay ku baneysteen inay boobaan hantida Dadkaasi, iyadoo Hantida la boobay ayaa isugu jirta Raashin, bagaash iyo waliba shidaal, waxaana lagu soo waramayaa inay hantidaasi geysteen Tuulada Buq-aqable.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Hiiraan Ibraahim Maxamed Geeddi ayaa sheegaya in Dadka Deegaanka Ceel cadde dhawaanahaanba dagaal kula jiray Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab, waxayna ahaayeen kuwo iskood isku hubeeyay, kadib markii ay u adkeysan waayeen, doonayana inay ka hortagaan dhibaatada ay ku hayaan Dadweynaha ku dhaqan Deegaankaasi, iyadoo dhacdaasi kadib ay shacabku isku booriyeen in mar kale la is abaabulo, si aysan mar dambe ugu soo noqon dhibaatadaan oo kale.

Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab ayaa mar walba dhibaatooyin kala duwaan u geeysta shacabka ku nool Degaanada ay gacanta ku hayaan ama aan laga teegeersaneyn.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Jabriil oo booqasho shaqo ku tagay gobalka Lamu

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa qayb ka ahaa wafdi...

Madaxweynaha JFS oo tacsi u diray dowladda iyo shacabka Nigeria oo uu ka geeriyooday madaxweynihii hore

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Madaxweynaha JFS ku matalay Shirweynaha Dhexe ee Midowga Afrika ee ka dhacay Malabo

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiir Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin sare oo ka socda Booliiska caalamiga ah INTERPOL

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya General Cabdullaahi Sheekh...