Home Blog Page 1404

Wasiir Isloow oo Ankara kula kulmay Wasiirka Arimaha Gudaha Turkiga

0

Ankara(SONNA) Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiirka Arimaha gudaha Dowladda Turkiga Suleyman Soylu.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha Turkiga oo ku taalo magaalada Ankara ayaa Labada Wasiir waxay kaga wada hadleen xaaladda amni ee Soomaaliya iyo sidii loo ciribtiri lahaa Kooxda Argagixisada Al-Shabaab.

Ilo amaan oo soo xiganeysa Wakaalada wararka Turkiga Anadolu ayaa sheegaya in sidoo kale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Turkiga ay kulankooda diirada ku saareen iskaashi laga sameeyo amaanka iyo Heshiis laga gaaray in lagu dhaqaaqo dagaal ka dhan ah Argagixisada Al-Shabaab oo mar waliba caadeystay iney daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale,Labada Wasiir ayaa kulankooda ku soo hadal qaaday sidii tababar loo siin lahaa Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo in meel looga soo wada jeesto Ururka Fathula Gulan oo lagu eedeeyay iney ka danbeeyeen Afganibii dhicisoobay ee dhawaan ka dhacay dalkaasi Turkiga.

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku sugan dalka Turkiga halkaasi oo ay kulamo kula leeyihiin mas’uuliyiinta dalkaasi oo ay kala hadlayaan sidii loo taageeri lahaa Dowladda Soomaaliya oo dagaal adag kula jirta Argagixisada Al-Shabaab.

Burundi oo ka baxaysa Maxkamadda dembiyada dagaalka ee ICC

0

Bujumbura-(SONNA)-Dowladda Burundi ayaa lagu wadaa inay Maanta oo Jimca ah isaga baxdo xubinnimada Maxkamada caalamiga dambiyada dagaalka ee ICC-da.

27-kii Oktoobar  2016-kii ayay ahayd markii Burundi ay warqad u qortay xoghayihii hore ee Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa Ban Ki-Moon, taasi oo ku aaddanayd iney gebi ahaanba isaga baxayaan Maxkamadda Sanad ka dib.

Waxaa sidoo kale xilligaasi warqado ay ku saluugayaan ICC-da u diray Qaramada Midoobay wadamada Gambiya iyo koonfur Afrika, halka Kenya iyo Ugandhana ay ku gooddiyeen inay qaadayaan talaabadaasi mid la mid ah.

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Waddama Qaaradda Afrika ayaa Maxkamadda dembiyada dagaalka ee Hague ku eedeeyay iney ugaarsato oo qura madaxda Afrika taasina aan loo dulqaadan karin.

Wasiir Beyle” Canshuurta waa inaan bixinaa si aan u helno Amni,Caafimaad iyo Waxbarasho”,

0

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney bixiyaan canshuurta si ay u fududaato helida adeegyada muhiimka ah ee Dowladda uga baahan yihiin.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in canshuurta oo la bixiyaa ay sahleyso in horay loo dhaqaaqo,islamarkaana dalka uu ku talaabsado horumaro la taaban karo,sida dib u dhiska,kabcida kaabayaasha dhaqaalaha iyo iney shacabka si joogta uga helaan Dowladda adeegyada asaasiga ay u baahan yihiin.

“Canshuurta waa in aan bixinaa si aan u helno Amniga, Caafimaad & Waxbrashada. Canshuur la’aan ma socon karto,Soomaliyeey gacmaha aan is qabsano”,ayuu ku yiri Wasiir Beyle Qoraalka uu bartiisa Twitterka soo dhigay.

Dowladda uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa balan qaaday iney xoogga saareyso in sare loo qaado daqliga soo gala dalka iyo in shacabka la tuso kalsooni ay ku bixin karaan canshuurta looga baahan yahay.

Ugu danbeyntii,Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa wada dadaalo ku aadan sidii lagu hormarin lahaa dhaqaalaha dalka,waxaana si loo hubiyo canshuuraha dalka soo galaya uu dhowr mar kormeeray Dekadda Muqdisho iyo Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Wasiir Isloow oo Ankara kula kulmay Wasiirka Arimaha Gudaha Turkiga

0

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiirka Arimaha gudaha Dowladda Turkiga Suleyman Soylu.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha Turkiga oo ku taalo magaalada Ankara ayaa Labada Wasiir waxay kaga wada hadleen xaaladda amni ee Soomaaliya iyo sidii loo ciribtiri lahaa Kooxda Argagixisada Al-Shabaab.

Ilo amaan oo soo xiganeysa Wakaalada wararka Turkiga Anadolu ayaa sheegaya in sidoo kale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Turkiga ay kulankooda diirada ku saareen iskaashi laga sameeyo amaanka iyo Heshiis laga gaaray in lagu dhaqaaqo dagaal ka dhan ah Argagixisada Al-Shabaab oo mar waliba caadeystay iney daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale,Labada Wasiir ayaa kulankooda ku soo hadal qaaday sidii tababar loo siin lahaa Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo in meel looga soo wada jeesto Ururka Fathula Gulan oo lagu eedeeyay iney ka danbeeyeen Afganibii dhicisoobay ee dhawaan ka dhacay dalkaasi Turkiga.

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku sugan dalka Turkiga halkaasi oo ay kulamo kula leeyihiin mas’uuliyiinta dalkaasi oo ay kala hadlayaan sidii loo taageeri lahaa Dowladda Soomaaliya oo dagaal adag kula jirta Argagixisada Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee doorashooyinka Dalka Kenya

0

Nairobi-(SONNA)-Golaha Dowladda dhexe u qaabilsan warbaahinta Kenya ee (MCK) ayaa ku baaqay in meesha laga saaro tabinta tooska ah ee shirarka jaraa’id oo uu tilmaamay kuwo xasaasi ah xilligaan.

Ku simaha madaxa fulinta ee Golaha MCK CEO David Omwoyo ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in warbaahinta laga doonayo inay diiradda saarto waxyaabaha ku soo kordhaya howlaha doorashada ku celiska ah.

Dhanka kale Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa bannaan ee Dalka Kenya  IEBC Mr Wafula Chebukati ayaa sheegay in 50-degaan Baarlamaaneed laga codeeyay waloow 5,319 oo ah goobaha codbixinta anan laga soo gudbinin wax farriin ah, taasi oo uu ku micneeyay  inaysan codeyn ka dhicin ama ay saameysay cillad dhanka khadka ah.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in arrimo dhowr ah laga baaraandegay ka hor inta anan la shaacinin in doorashada madaxtinimo ee ku celiska ah ay maalinta sabtida ka dhaceyso ismaamulada kala ah Kisumu, Migori, Homa Bay iyo Siaya oo shalay laga soo tabiyay caqabado dhanka amaaanka ah.

Waxaa uu intaasi ku daray in haddii ay dibadbaxyada sii socdaan guddiga doorashooyinka uu qaadanayo go’aan la xariira maamul goboleedyadaasi iyo natiijada doorashooyinka.

Natiijada hor dhaca ah ayaa muujinaysa in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku hogaaminayo codadkii la dhiibtay 442,052 oo cod, halka Raila Odinga oo ah hogaamiyaha mucaaradka Nasa uu helay 6, 321 cod.

Raila Odinga, oo horay u shaaciyay inuu is bahaysigiisu qaaddacay doorashooyinka haddana loollanka loo adeegsanayo Magaciisa iyo Sawirradiisa.

Saaka oo Jimca ahna waxaa lasoo sheegayaa iney sii lixaadsanayaan rabshadaha ka socda goobaha ay mucaaradku ku xooggan yihiin halkaasi oo sida ay Boliisku sheegeen lagu dilay Afar Qof, halka tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen

Madaxweyne Waare Oo Xalay Meel Fagaaro ah Kula Hadlay Bulshada Degmada Warsheekh+(Sawiro)

0

Muqdisho)SONNA) Munaasabadani oo lagu soo dhoweynayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu qabtay Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelah dhexe, iyadoo Xalay xili habeennimo uu soo gaaray Madaxweynaha iyo Wafdi uu hogaaminayay.

Waxaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa degmada ku soo dhoweeyay qeybaha kale duwan bulshada ku nool Degmada, Ra’isul Wasaarihii hore Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde, Musharax Madaxweyne Jibriil, Xildhibaanno heer Qaran ah, Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada oo ugu horeeyo Guddoomiyaha Degmada Mudane Shiidka, iyo marti sharaf kale.

Goobta munaasabadda ay ka dhaceysay ayaa waxaa heeso  ka turjumaya wadaniyadda iyo kheyraadka dalkeena iyo sida loogu baahanyahay in laga faa’deysto ku soo bandhigay fanaaniin ay ka mid eheyd fanaanada Nadar Axmed Cilmi, heesahaasi oo ay u riyaaqeen ka qeyb galayaasha munaasabadda.

Waxaa munaasabadda ku sugnaa oo wafdiga madaxweynaha qeyb ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Xubno ka tirsan labada gole ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Marwada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Marwo Maryan iyo saraakiisha Ciidamada Hirshabelle.

Munaasabadda intii ay socotay ayaa dadkii ka hadlay waxa ay muujiyeen sida lagama maarmaanka ay u tahay in la garab istaago Dowlad Goboleedka Hirshabelle la iskuna tashto.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe oo munaasabadii xalay ka hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhoweyntii loo sameeyay, waxaana reer warsheekh uu ku ammaanay nabadda ay heystaan iyo ilbaxnimada ay u leeyihiin marti soorida.

Sidoo kale  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa isna muujiyay sida ay uga go’antahay in la isku garab istaago nidaamka dowliga ah lagana shaqeeyo sidii loo horumarin lahaa deegaanada maamulkani uu ku abtirsado, waxaana Madaxweyne Waare oo xaqiijiyay in dhowaan Warsheekh ay ka furi doonaan warshada sameysa kaluunka gasaceysan maadaama Warsheekh uu ilaah ku maneystay Xeeb aad u qurux badan oo dhex caagaagan Nimcada ilaahay.

Madaxweyne Waare oo sii hadlay ayaa ka codsaday Qurbo joogta Soomaaliyeed iyo kuwa ku abtirsada maamulka in ay maalgashadaan deegaanada Hirshabelle, waxaana ka maamul ahaan uu balanqaaday In ay la shaqeyn doonaan, waxaana carabka ku adkeeyay in dhowan ay dhisi doonaan Wadooyinka isku Xira Muqdisho iyo Jowhar, Warsheekh Iyo Balcad, iyo dhamaan Wadooyinka Maamulka ee bur bursan.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde, Musharax Madaxweyne Jabriil, Xildhibaanad Muna Xasan Shibis, Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose Mudane Maxamed Caadle oo iyagana munaasabadda ka hadlay ayaa ka sheekeeyay qiimaha ay leedahay in la iska kaashado sidii loo horumarin lahaa Dowlad Goboleedka Hirshabelle, waxaana Madaxweyne Waare ay u rajeeyeen in ilaah uu ka dhigo kii dadka dalka horumar gaarsiiya waxaana ay balanqaadeen in ay la shaqeyn doonaan Madaxweynaha.

Wararkii ugu dambeeyay ee doorashooyinka Kenya

0

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka madaxa bannaan ee Dalka Kenya (IEBC) Mr Wafula Chebukati ayaa ku dhowaaqay in la joojiyo shir saxaafadeedyada ku saabsan doorashooyinka.

Mr Chebukati ayaa taasi ku macneeyay suurta galnimada rabshada ka dhasha shaacinta natiijada horudhaca ah ee doorashooyinka ku celiska ah ee Dalka Kenya.

Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyay in 50-degaan Baarlamaaneed laga codeeyay waloow 5,319 oo ah goobaha codbixinta anan laga soo gudbinin wax farriin ah, taasi oo uu ku micneeyay  inaysan codeyn ka dhicin ama ay saameysay cillad dhanka khadka ah.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in arrimo dhowr ah laga baaraandegay ka hor inta anan la shaacinin in doorashada madaxtinimo ee ku celiska ah ay maalinta sabtida ka dhaceyso ismaamulada kala ah Kisumu, Migori, Homa Bay iyo Siaya oo shalay laga soo tabiyay caqabado dhanka amaaanka ah.

Waxaa uu intaasi ku daray in haddii ay dibadbaxyada sii socdaan guddiga doorashooyinka uu qaadanayo go’aan la xariira maamul goboleedyadaasi iyo natiijada doorashooyinka.

Natiijada hor dhaca ah ayaa muujinaysa in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku hogaaminayo codadkii la dhiibtay 442,052 oo cod, halka Raila Odinga oo ah hogaamiyaha mucaaradka Nasa uu helay 6, 321 cod.

Raila Odinga, oo horay u shaaciyay inuu is bahaysigiisu qaaddacay doorashooyinka haddana loollanka loo adeegsanayo Magaciisa iyo Sawirradiisa.

Saaka oo Jimca ahna waxaa lasoo sheegayaa iney sii lixaadsanayaan rabshadaha ka socda goobaha ay mucaaradku ku xooggan yihiin halkaasi oo sida ay Boliisku sheegeen lagu dilay Afar Qof, halka tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Madaxweyne Waare oo Xalay Meel Fagaaro Ah Kula Hadlay Bulshada Bulshada Degmada Warsheekh

0

Munaasabad  lagu soo dhoweynayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay lagu qabtay Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelah dhexe, iyadoo Xalay xili habeennimo ay soo gaareen degmada Madaxweynaha iyo Wafdi uu hogaaminayay .

Waxaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa degmada ku soo dhoweeyay qeybaha kale duwan bulshada ku nool Degmada, Ra’isul Wasaarihii hore Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde, Musharax Madaxweyne Jibriil, Xildhibaanno heer Qaran ah, Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada oo ugu horeeyo Guddoomiyaha Degmada Mudane Shiidka, iyo marti sharaf kale.

Goobta munaasabadda ay ka dhaceysay ayaa waxaa heeso  ka turjumaya wadaniyadda iyo kheyraadka dalkeena iyo sida loogu baahanyahay in laga faa’deysto ku soo bandhigay fanaaniin ay ka mid eheyd fanaanada Nadar Axmed Cilmi, heesahaasi oo ay u riyaaqeen ka qeyb galayaasha munaasabadda.

Waxaa munaasabadda ku sugnaa oo wafdiga madaxweynaha qeyb ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Xubno ka tirsan labada gole ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Marwada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Marwo Maryan iyo saraakiisha Ciidamada Hirshabelle.

Munaasabadda intii ay socotay ayaa dadkii ka hadlay waxa ay muujiyeen sida lagama maarmaanka ay u tahay in la garab istaago Dowlad Goboleedka Hirshabelle la iskuna tashto.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe oo munaasabadii xalay ka hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhoweyntii loo sameeyay, waxaana reer warsheekh uu ku ammaanay nabadda ay heystaan iyo ilbaxnimada ay u leeyihiin marti soorida.

Sidoo kale  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa isna muujiyay sida ay uga go’antahay in la isku garab istaago nidaamka dowliga ah lagana shaqeeyo sidii loo horumarin lahaa deegaanada maamulkani uu ku abtirsado, waxaana Madaxweyne Waare oo xaqiijiyay in dhowaan Warsheekh ay ka furi doonaan warshada sameysa kaluunka gasaceysan maadaama Warsheekh uu ilaah ku maneystay Xeeb aad u qurux badan oo dhex caagaagan Nimcada ilaahay.

Madaxweyne Waare oo sii hadlay ayaa ka codsaday Qurbo joogta Soomaaliyeed iyo kuwa ku abtirsada maamulka in ay maalgashadaan deegaanada Hirshabelle, waxaana ka maamul ahaan uu balanqaaday In ay la shaqeyn doonaan, waxaana carabka ku adkeeyay in dhowan ay dhisi doonaan Wadooyinka isku Xira Muqdisho iyo Jowhar, Warsheekh Iyo Balcad, iyo dhamaan Wadooyinka Maamulka ee bur bursan.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde, Musharax Madaxweyne Jabriil, Xildhibaanad Mina Xasan Shibis, Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose Mudane Maxamed Caadle oo iyagana munaasabadda ka hadlay ayaa ka sheekeeyay qiimaha ay leedahay in la iska kaashado sidii loo horumarin lahaa Dowlad Goboleedka Hirshabelle, waxaana Madaxweyne Waare ay u rajeeyeen in ilaah uu ka dhigo kii dadka dalka horumar gaarsiiya waxaana ay balanqaadeen in ay la shaqeyn doonaan Madaxweynaha.

—- Dhammaad—

 

Qaramada Midoobe oo Dowadda Suuriya ku eedeeysay weerar hubka Kiimikada loo adeegsaday

0

Muqdisho(SONNA) War Qoraal ah oo ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Bishaar Al-asad ay ka danbeyso weerar Hub kiimiko loo adeegsaday oo ka dhacay dalka Suuriya.

Sidoo kale,Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu xusayn in dowladaa Suuriya ay ka dambeysay weerarkii Kimikada ee lagu qaaday magaalada Khan Sheikhoun horraantii sanadkan .

Sida wararka lagu helayo weerarka waxaa ku dhintay ku dhawaad 90-Qof halka tiro inraasi ka badan ay ku dhaawacantay.

Baarayaasha ayaa sheegay in Suntan waxyeelaysa neerfaha ee loo yaqaano Sarin,laga soo riday diyaarad.

Dowladda Suuriya ayaa horey u beenisay masuuliyada weerarkaasi.

Weerarkan kimikada oo dhacay bishii April ayaa sababay in Mareykanka ay weerar gantaalada kuruuska ku qaadaan saldhig ay leeyihiin ciidamada Suuriya.

Horaantii todobaadkan ayaa dowladda Rushka waxa ay codka diidmada qayaxan ku hor istaagtay qorsha ay wadeen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobee kaasi oo lagu doonayay in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo weerarkaasi kimikada ah ee ka dhacay Suuriya.

Danjiraha Qaramada midoobe u fadhida mareykanka Nikki Haley ayaa sheegtay in warbixintan ay xaqiijisay run ay horey u sii ogaayeen.

 

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo soo xiray shir looga hadlayay Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Soomaaliya

0

Muqdisho(SONNA) Xiritaanka shirkan loogaga hadlayay Horumarinta kalluumaysiga Soomaaliya waxaa ka soo qayb galay Madaxwayanah Puntland ,wasiir ku xigeenka kalluumeysiga iyo khayraadka badda Somaaliya,wasiirada kalluumaysiag ee Maamulada dalka ,is kaashatooyinka kalluumaysatada Soomaaliyeed ,Hay’adaha caalamiga ah ee taageera harumarinta kalluumaysiga Soomaaliya iyo marti sharaf kale  iyadoona gaba gabadii shirkan socday saddexda bari laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban lix Qodob.

Wasiirka kalluumeysiga iyo khayraadka badda Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi oo ka hadlayay gabagabadii shirkaani wuxuun farxad ka Muujiyay natiijada shirkan kalluumaysiga Soomaaliya siina raaciyay in uu ahaa Mid si dhab ah u taabtay

Wasiirka ayaa intaa raaciyay in uu ahaa shir dadka Soomaaliya oo dhan taabtay oo ay dadka soomaaliyeed aay maanta dhibatada baddeena ka taagan ay xog buuxada ka hayaan laguna gaaray war murtiyeed dadkii qaybaha kal duwan ee Soomaaliya matalyay ay si wada jira uga soo saareen loona guntaday sidii xaalada badda Soomaaliya wax looga qaban lahaa

C/laahi Cumar Abshirow wasiir ku xigeenka kalluumaysiga iyo khayraadka badda Soomaaliya waxa uu si  cad u sheegay in shirkaan ay ka soo baxeen waxyaabno muujinaya in si dhab ah looga faa’ideysto kheyraadka dhex ceegaaga Baddeena Soomaaliya.

C/laahi Cumar Abshirow  ayaa cadeeyay in kan Wasaarad ahaan ka go’an tahay iyagoo kaashanaya maamul Goboleedyada dallka in la sameeyo siyaasada iyo sharciga Kaluumeysiga dalka,islamarkaana la hormariyo niyad ahaan dadka kaluumeysatada ah.

Gabagabadii,waxaa shirka soo xiray madaxweynaha maamulka Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa soo xiray shirka,isagoo nasiib daro Qaran ku tilmaamay kaluumeysiga sharcidarada ah ee ka socda Baddena Soomaaliya oo aanay jirin cid wax ka qabaneysa.