Home Blog Page 1403

R/wasaare Khayre oo safarkiisii Turkiga soo gaba gabeeyay

0

Ra’isul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa soo gabagabeeyey safar shaqo oo seddex maalin qaatay oo uu ku joogay dalka Turkiga.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa inta uu joogay dalka Turkiga waxa uu la kulmay Madaxda dalkaasi Turkiga iyaga oo ka wada hadlay sidii loo xiijin lahaa xiriirka labada dal isla markaana iskaashi badan loo sameyn lahaa.

Ra’isul Wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa la filayaa in ay maanta dalka dib ugu soo laabtaan si uu uga qeyb galo shirka Dowladda Federaalka ah iyo Madaxda Dowlad Goboleedyadda Dalka.

Mudane Xasan Cali kheyre ayaa sidoo kale booqday dhaawacyadii Musabadii Qaran ee 14 oktoobar ee loo qaaday dalka Turkiga.

Shirka Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Dowladd Goboleedyadda oo Maanta Muqdisho ka furmayo.

0

Maanta ayaa lagu wadaa sida Qorshu yahay in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka madaxda dolwadda Federaalka Soomaaliya iyo Kuwa Dowlad Gobaleedyada Dalka.

Shirkaan ayaa horay waxaa u iclaamiyay in maata oo taariikhudu tahay 28-ka Bisha October uu magaalada Muqdisho ka furmo madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Shirkaan ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgali doono Guddoomiyaha Gobalka banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed.

Waxaa looga hadli doonaa Shirkaan wadashaqaynta Dowladda Dhexe ee dalka iyo Dowlada gobaleedyada iyo sidoo kale Dagaalka lagaula jiro Maleeshiyada Argagixisada ah ee Al-Shabaab in la sii xoojiyo.

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegay in loo baahanyahay in loo midoobo dagaalka lagula jiro Argagixisada Al-Shabaab kuwaas oo u taagan dhibaartaynta Shacabka Soomaaliyed.

Ardayda Soomaalida ee South Africa ayaa ka qeybgalay barnaamij hido iyo dhaqan ah oo lagu qabtay South Afria.

0
Waa barnaamij hido iyo dhaqan ah oo ay soo agaasintay Jaamacada Johannesburg waxaa ka qeybgalayay ardayda dhigata jaamacadaasi ee ka kala yimid dalalka dunida waxaa ka  mid ahaa ardayda Soomaalida ee jaamacadaasi wax ka barta.
Arday walba waxaa ay soo bandhigayeen hidaha iyo dhaqanka dalkooda sida cunnada ay dhaqan ahaan leeyihiin,dharka dhaqanka oo ay xertaan ,cayaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo wax waliba oo ay lasoo shirtagi karaan si ay u muujiyaan in ay ka dhax muuqdaan dhaqamada kala duwan ee halkaasi lagu soo bandhigayay.
Dhalinyarada ka socotay in ay soo bandhigaan hidaha iyo dhaqanka Soomaalida ayaa goobta soo galay waxaana durbadiiba is qabsaday sawan iyo sacab muujinayay in lagu soo dhaweynayo kooxda soo gashay masraxa waxaa ay ahaayeen afar wiil iyo afar  gabdhood   oo kusoo labistay dharka iyo hidaha dhaqanka Soomaalida kadibna waxaa ay halkaasi kusoo bandhigeen cayaaro iyo hido dhaqan ah.
Inta aysan garoonka soo galin waxaa maqr qura loo aamusay in lagu tacsiyeeyo dadkii ku dhintay qaraxii waxuushnimada ahaa ee kooxda shabaabku ku gumaadeen shacabka Masaakiinta ahaa 14-kii bishaan isgoyska Zoobe.
Suldaan Ibraahim qaxwo waa muwaadin Somaali ah oo inta badan xil iska saaray ilaalinta dhaqanka Soomaalida kaalin weyna ka qaata marka timaado barnaamijyada noocaan oo kale Radio muqdisho waxaa uu u sheegay cunooyinka ay soo bandhigeen maanta ay aad u jecleysteen dad waynahii kasoo qeybgalay isla markaana la dhameystay.
Markii ay soo dhamaatay cayaarta ayaa guddiga garsoorka ee qiimaynayay dhaqamada kala duwan kooxaha soo bandhigayay waxaa ku dhawaaqeen natiijada cayaarta waxaana Soomaaliya ay soo gashay kaalinta labaad.
Waxaa Sido Kale Soomaaliya ay  kaalmo ugu horeeya ka heshay qurxinta iyo diyaarinta waxaa ay ka haleen kaalinta kowaad,cayaarta ay soo bandhigeeen kaalinta labaad halka sido kale kaalinta labaad ay ka galeen dharka iyo hidaha iyo dhaqanka.
Links-ka Muuqaalka halkaan kala daga:
 

Cabdullahi Maxamuud Amiin.

C/laahi Qorshe

Johannesburg-South Africa.

Guddoomiye Jawaari iyo wefdi uu hoggaaminayo oo u amba baxay Dalka Suudaan “Sawirro”

0

Suudaan(SONNA) Wefdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha SHacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawari ayaa u amba baxay dalka Suudaan kadib markii uu casuumaad ka heley dhigiisa.

Waxaa ku wehliya safarkiisa guddoomiye Jawaari xildhibaano katirsan Golaha SHacabka,iyadoo ay halkaasi ku sii sagootiyeen mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya.

Guddoomiayah Golaha SHacabka iyo wefdigiisa ayaa kulamo la yeelan doonaan madaxda dalkaasi Suudaan oo uu ugu horeeyo guddoonka baarlamaanka Dalkaasi oo casuumaad rasmi ah u fidiyay wefdigan.

Mas’uuliyiinta ayaa lafilayaa in ay ka wada hadlaan xiriirka iskaashiga ah ee ka dhexeey alabada baarlamaan iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashigooda.

 

Marconi:Aasaasaha Raadiyaha Casriga ah ee maanta.

0

Sanadihii 1874-1937-dii  intii u dhaxeysay Guglielmo  Marconi , Waxa uu ahaa muhandas Talyaani ah iyo Injineer sahmiye ah oo wax ku bartay dugsiga farsamada magaalada Bologna ee dalkaasi ,wuxuuna soo bandhigay,isla markaana suuqa soo dhigay guushii ugu horeysay ee Isgaarsiin Radiyaha bilaa xarkaha  ah (wireless),

Sanadkii 1901-dii wuxuu hawada galiya Raadiyihii ugu horeeyay ee ku shaqeeya shucaaca Transatlantic, kaasoo  gaarayey fogaan dheer.

Isku daygii ugu horeeyay ee la doonayey in lagu hindiso Radiyaha,waxa uu yimid xilli ay jireen ama ay shaqeynayeen Isgaarsiinta loo yaqaano Taarka ,ee fariimaha ku gudbin jiray habka qoraalka.

Dad badan ayaa ka qeybgalay ama lug ku lahaa hindisaha Radiyaha Sida aan ognahay ,wuxuuna soo maray tijaabooyin kala duwan. Qalabka Radiyaha iyo sida uu u  shaqeeyo xagga  isku xirka qulqulka maayadda korontada iyo qalabka isgaarsiinta  waxa ay bilowdeen 1820-kii,iyadoo ay arimahaasi horseed ka ahaayeen Hans Christian Ørsted ,waxaana sii daadihiyayAndré-Marie Ampère, Joseph Henry, Michael Faraday, James Clerk Maxwell,Tesla , Sir Williams Pree  iyo kuwo kale .

Sanaadkii 1873-dii waxaa soo baxday aragti ku saabsan in  fikrad wanaagsan oo laga qabo Radio Magnetism-ka, jiritaanka hirarka electromagnetic-ga  iyo shaqadooda

Sanadkii 1894-tii Profasoor Augusto Righi oo bare ka ahaa Jaamacadda Bologna ee dalka Talyaaniga ayaa warqad qoraal ah gaarsiiyay Mac-hadka Boqortooyada ee London,kaas oo uu kaga hadlaayey  sida loo gudbiyo shucaaca korontada ee bilaa xarkaha ah,waxaana islasanadkaasi  Mr. Lodge oo kamid ahaa aqoonyahanadauu sharaxaad kabixiyay shaqada ay qabtaan awoodda korontada ee loo yaqaanno Hertz iyo guusha laga gaaray horumarka dhinaca quwadda krontada.

Markoni oo ka faaideysanaaya waayoaragnimada khibradda iyo tijaabooyinka la xiriira shaqada Telegraphka iyo qulqulka maayadda,waxa uu sanadkii 1880-kii bilaabay in uu dabagal ku saameeyo arimahaasi,isagoo fahmay in shucaaca Raadiyaha ee xagga korontada loo isticmaali karo bilaa xarig(wireless).

Marconi  wuxuu markii ugu horeysay qalabkiisa ku isticmaalay in loo adeegsado gudbinta maayadda korntada  ee xagga adeegga dhawaaqa gambaleelka ee la suro iridda ama albaabka guryaha ,isagoo ku shaeynaya qalab la farsameeyay oo qeybqeyb ah sida xaashi bir ah,receiver,conector iyo  qalab kale.

Markoni waxa uu dhamaadkii 1895-tii ku guuleystay in shucaaca korontada Raadiyaha uu gaaro masaafo dhan 1.5 miles oo u dhigma 2.4 km,waxaana tallaabadaasi abaal marin ku siiyay masuuliyiinta dowladda Ingiriiska.

Sanadkii 1897-dii Markoni waxa uu aasaasay shirkad lagu magacaabo Wireless Telegraph Trading Signal Company. Isagoo sidoo kale bilaabay dhismaha saldhig Raadiyo oo laga hirgaliyay Niton, Isle, Wight, England.

1898, Marconi wuxuu warshad sameysa qalabka Raadiyaha  ka furay Hall Street, Chelmsford, England,halkaasi oo ay shaqaale ka noqdeen ilaa 50-ruux oo shaqaale ah,oo aqoon durugsan u leh sameynta aaladaha uu ku shaqeeyo Radiyaha sida Transistors,diyodo,guluubbo,adapter,amplevier iyo kuwo kale.

Sanadkii 1899-kii Markoni waxaa xiriir wada shaqeyneyd oo xagga isgaarsiinta bilaa xarigga ah la yeeshay Julio Cervera Baviera, Kadib markii ninkaasi uu booqasho ku tagay xarun uu lahaa Marconi oo uu ku rakiban yahay Radio Telegraphic,waxayna bilaabeen in ay xal u helaan dhibaatooyin ay sababeen habka isgaarsiinta ee bilaa xarigga ah,iyagoo  arintaasi guusheeda ku helay abaalmarinno qaali ah .

Sanadkii 1900.Shirkadii Markooni waxa ay magacii u badashay Marconi’s Wireless Telegraph Company,isagoo  sanadkii 1901-dii  hawada geliyay shucaaca Radiyo mowjadiisu tahay 366,hirkiisuna yahay 820 KHz

Marconi waxa uu ku guuleystay in magaalada  England Canada iyo  mareykanka uu isaga gudbiyo wararka,wuxuuna sanadkii 1902-dii aasaasay xarun isgaarsiin oo uu ka hirgaliyay Jamhuuriyadda Ireland ,si loola socdo ama la isugu xiro maraakiibta ganacsiga iyo kuwa kale ee ka imaanaya Mareykanka

Marconi waxaa sanadkii 1909-kii lagu abaalmariyay biladda  Nobel Prize ee xagga cilmiga Fisigiska,kaaas oo ay bixiyaan Akadeemiyada Sayniska ee boqortooyada Swedishka,wuxuuna ku qaatay gacantii uu ka geystsy radio sciences.

1923-1927, Marconi waxa uu kordhiyay awoodda Raadiyaha Telegraphka ku shaqeeya mowjadaha  hirarka gaagaaban,isagoo qandaraas ka heysta boqortooyadii Ingiriiska,wuxuuna gaarsiiyay London ,Australia, India, South Africa iyo Canada

Kaalintii uu Markoni ku lahaa horumarinta isgaarsiinta ee xagga taariikhda,wax yar kadib markii la galay qarnigii 20-aad madaxda Mareykanka waxay abaal marin siiyeen Markoni ,taasoo sababtay in uu horay u sii riixo shaqadiisii hore.

Marconi waxa uu dhintay sanadkii 1937.,iyadoo 1943 maxkamadda sare ee Mareykanka ay xaqiijisay in hindisaha iyo qalabka Markoni ee dhinaca Radiyaha uu yahay mid la aqoonsaday oo dhaqangal ah,isla markaana heysta ogolaansho caalami ah.

Wax su’aal ah kama taagna in ay jiraan cid Markooni kaga wanaagsan hindisaha,hasa yeeshee Lodge, Tesla, iyo Stone ayaa lagu tiriyaa ragga gacanta weyn ku lahaa sameynta Radio Telegraph ,inkastoo aysan  helin abaalmarinno la mid ah kuwii uu qaatay Markooni.

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

 

Maxakamada kutaala Jarmalka oo xukun ku riday dad ku eedeysan falal argagixisanimo

0

Jarmalka(SONNA) Wadanka Jarmalka ayaa Maxkamad ku taala waxaa ay  xukun xabsi ah ku riday koox hubaysan oo la sheegay inay ka dagaalameen wadamada Syria iyo Soomaliya kuwaasi oo ay soo qabteen laamaha ammaanka Dalkaasi.

Waxaa kamid ahaa koxdaasi nin Soomaali ah oo qaatay dhalshada Dalkaasi Jarmalka, Xeerbeegtida ayaa soo jeedisay in ninkaan oo ku dhashay magaalada Muqdisho qaatay jinsiyada dalka Germany uu wajaho 3 sano iyo bar oo xabsi ah.

Maxkamadu waxay sheegtay in Abshir uu 4 bilood  ku tababaranayay saldhig ay maamulaayen Al-shabab 2012-ka,si uu uga qeyb qaato dagaalada y hurinayaan Shabaabka.

bayaan  ka soo baxay xafiiska  Qaadiga 1-aad,Maxkamada Farankfort ee Caasimadda Dalka Jarmalka ayaa lagu sheegay in Abshir Axmed oo 29 sano jir uu ka qeyb qaatay dagaaladii ka dhacaayay Soomaaliya intii u dhaxeeysay 2012-ka ilaa 2014 waxana ay ku riday xukun gaaraya 2 sano iyo 10 bilood oo xabsi ah.

Qareeniadii u doodayay ninkaan ayaa sheegay in Abshir uu xaalad caafimad uga soo baxay Al-shabaab uuna beeninayo inuu u dagaalamay dagaalamayaashoodi.

Sidoo kale   Maxkamada ayaa waxa ay xukun 2 sano iyo 8 bilood ay ku riday muwadin u dhashey dalka Turkiga,kaasi oo la sheegay in uu ka bar bar dagaalamay kooxda Daacish ee Syria ku sugan.

 

Dowladda Spain oo kala dirtay baarlamankii Catalonia

0

Iyadoo maamulka Catalonia uu ku dhawaaqey madax bannaani ayaa Mariano Rajoy Raii’sul wasaaraha Spain wuxuu kala diray baarlamaankii maamulkaasi.

Waxaa uu sidoo kale Raii’sul wasaaraha ku baaqay doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay taasi oo u muuqata mid jawaab u ah go’aankii baarlamaanka maamulkaasi uu qaatay.

Tillaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii baarlamaanka maamulka Catalonia ay u codeeyeen madaxbanaanida gobolka Catalonia.

Rai’sul wasaaraha Spain Mariano Rajoy ayaa sidoo kale xilka ka qaaday oo shaqada ka cayriyay hogaamiyihii Catalonia Carles Puigdemont.

Waxaa sidoo kale shaqada laga cayriyay taliyihii booliiska gobolka Catalonia.

Dhibaatada gobolka Catalonia ayaa bilaabatay ka dib markii gobolkaasi ay ka dhacday afti ay ku tilmaamtay sharci daro maxkamada dastuuriga dalkaasi.

Hogaamiyayaasha maamulka Catalonia ayaa waxay sheegeen in boqolkiiba 90 ay u codeeyeen aftida madaxbanaanida.

Soomaalida Koonfur AFrica kunool oo ka qeybgalay bandhig dhaqameed halkaasi lagu qabtay

0
Waa barnaamij hido iyo dhaqan ah oo ay soo agaasintay Jaamacada Johannesburg waxaa ka qeybgalayay ardayda dhigata jaamacadaasi ee ka kala yimid dalalka dunida waxaa ka  mid ahaa ardayda Soomaalida ee jaamacadaasi wax ka barta.
Arday walba waxaa ay soo bandhigayeen hidaha iyo dhaqanka dalkooda sida cunnada ay dhaqan ahaan leeyihiin,dharka dhaqanka oo ay xertaan ,cayaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo wax waliba oo ay lasoo shirtagi karaan si ay u muujiyaan in ay ka dhax muuqdaan dhaqamada kala duwan ee halkaasi lagu soo bandhigayay.
Dhalinyarada ka socotay in ay soo bandhigaan hidaha iyo dhaqanka Soomaalida ayaa goobta soo galay waxaana durbadiiba is qabsaday sawan iyo sacab muujinayay in lagu soo dhaweynayo kooxda soo gashay masraxa waxaa ay ahaayeen afar wiil iyo afar  gabdhood   oo kusoo labistay dharka iyo hidaha dhaqanka Soomaalida kadibna waxaa ay halkaasi kusoo bandhigeen cayaaro iyo hido dhaqan ah.
Inta aysan garoonka soo galin waxaa maqr qura loo aamusay in lagu tacsiyeeyo dadkii ku dhintay qaraxii waxuushnimada ahaa ee kooxda shabaabku ku gumaadeen shacabka Masaakiinta ahaa 14-kii bishaan isgoyska Zoobe.
Suldaan Ibraahim qaxwo waa muwaadin Somaali ah oo inta badan xil iska saaray ilaalinta dhaqanka Soomaalida kaalin weyna ka qaata marka timaado barnaamijyada noocaan oo kale Radio muqdisho waxaa uu u sheegay cunooyinka ay soo bandhigeen maanta ay aad u jecleysteen dad waynahii kasoo qeybgalay isla markaana la dhameystay.
Markii ay soo dhamaatay cayaarta ayaa guddiga garsoorka ee qiimaynayay dhaqamada kala duwan kooxaha soo bandhigayay waxaa ku dhawaaqeen natiijada cayaarta waxaana Soomaaliya ay soo gashay kaalinta labaad.
Waxaa Sido Kale Soomaaliya ay  kaalmo ugu horeeya ka heshay qurxinta iyo diyaarinta waxaa ay ka haleen kaalinta kowaad,cayaarta ay soo bandhigeeen kaalinta labaad halka sido kale kaalinta labaad ay ka galeen dharka iyo hidaha iyo dhaqanka.

Cabdullahi Maxamuud Amiin.

C/laahi Qorshe

Johannesburg-South Africa.

Wasiir Isloow oo Ankara kula kulmay Wasiirka Arimaha Gudaha Turkiga

0

Ankara(SONNA) Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiirka Arimaha gudaha Dowladda Turkiga Suleyman Soylu.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha Turkiga oo ku taalo magaalada Ankara ayaa Labada Wasiir waxay kaga wada hadleen xaaladda amni ee Soomaaliya iyo sidii loo ciribtiri lahaa Kooxda Argagixisada Al-Shabaab.

Ilo amaan oo soo xiganeysa Wakaalada wararka Turkiga Anadolu ayaa sheegaya in sidoo kale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Turkiga ay kulankooda diirada ku saareen iskaashi laga sameeyo amaanka iyo Heshiis laga gaaray in lagu dhaqaaqo dagaal ka dhan ah Argagixisada Al-Shabaab oo mar waliba caadeystay iney daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale,Labada Wasiir ayaa kulankooda ku soo hadal qaaday sidii tababar loo siin lahaa Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo in meel looga soo wada jeesto Ururka Fathula Gulan oo lagu eedeeyay iney ka danbeeyeen Afganibii dhicisoobay ee dhawaan ka dhacay dalkaasi Turkiga.

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku sugan dalka Turkiga halkaasi oo ay kulamo kula leeyihiin mas’uuliyiinta dalkaasi oo ay kala hadlayaan sidii loo taageeri lahaa Dowladda Soomaaliya oo dagaal adag kula jirta Argagixisada Al-Shabaab.

Burundi oo ka baxaysa Maxkamadda dembiyada dagaalka ee ICC

0

Bujumbura-(SONNA)-Dowladda Burundi ayaa lagu wadaa inay Maanta oo Jimca ah isaga baxdo xubinnimada Maxkamada caalamiga dambiyada dagaalka ee ICC-da.

27-kii Oktoobar  2016-kii ayay ahayd markii Burundi ay warqad u qortay xoghayihii hore ee Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa Ban Ki-Moon, taasi oo ku aaddanayd iney gebi ahaanba isaga baxayaan Maxkamadda Sanad ka dib.

Waxaa sidoo kale xilligaasi warqado ay ku saluugayaan ICC-da u diray Qaramada Midoobay wadamada Gambiya iyo koonfur Afrika, halka Kenya iyo Ugandhana ay ku gooddiyeen inay qaadayaan talaabadaasi mid la mid ah.

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Waddama Qaaradda Afrika ayaa Maxkamadda dembiyada dagaalka ee Hague ku eedeeyay iney ugaarsato oo qura madaxda Afrika taasina aan loo dulqaadan karin.