Kumanaan Israa’iiliyiin ah oo mudaaharaadyo ka sameeyay Tel Aviv.

Date:

Muqdisho -(SONNA)- Isu soo bax looga soo hojeedo maamul xumida
Xukumadda Israa’iil ayaa ka socoda Magaalada Tel Aviv, iyadoo ay ka
qeyb galeen kumanaan qof oo Israa’liliyiin ah oo wato  boorar ay kaga soo
horjeedeen kuna  qornaayeen erayo ka tarjumaya sida ay uga so horjeedaan
maamul xumida iyo Musuqa Xukuumada R/wasaare Benjamin Netanyahu.

Boorarka ay dibad-baxyaashaasi wateen ayaa waxaa ku qornaa Midig iyo
bidix midna maya,balse waxaa codsdanaynaa inTalaabo laga qaado Mamulka
Xukuumadda R/wasaare Benjamin Netanyahu.

Isu soo baxaasi oo galay Todobadkiisi Labaad waxay banaan-baxyaashaasi
ka cabanaya wax isdabamarinta iyo musuqa Xukuumadda Benjamin Netanyahu.

Benjamin Netanyahu ayaa beeniyay iskana fogeeyay musuqa lagu eedayay Xukuumadiisa,balse dibadbaxyaasha ayaa ka codsaday R/wasaaraha  inuu xilka iska casilo.

Dhanka kale Xisbiga Likud oo uu ka tirsan yahay Benjamin Netanyahu
ayaa ku eedayay dadka dibabaxa sameyynaya inay doonayaan kala qeybinta
xukuumadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...