đ–đšđŹđšđšđ«đšđđđš đ‚đšđšđŸđąđŠđšđšđđ€đš 𝐹𝐹 đȘ𝐚𝐛𝐚𝐭𝐚đČ 𝐩𝐼𝐧𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐚𝐝 đ„đšđ đź đ±đźđŹđšđČo đ“đšđđšđ›đšđšđđ€đš đ‚đšđšđ„đšđŠđąđ đš 𝐚𝐡 𝐞𝐞 đ“đšđ„đ„đšđšđ„đ€đš

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Yuusuf Xassan Isaaq ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray munaasabad ballaaran oo lagu xusay Todobaadka Caalamiga ah ee Tallaalka, kaas oo ah olole sannadle ah oo caalamka oo dhan laga hirgeliyo si kor loogu qaado wacyiga bulshada loona muujiyo doorka muhiimka ah ee tallaalku ku leeyahay badbaadinta nolosha, gaar ahaan carruurta da’doodu ka yar tahay shanta sano.

Ololahan caalamiga ah ayaa diiradda saaraya dhiirrigelinta bulshada si ay uga faa’iideystaan adeegyada tallaalka, iyadoo la xasuusinayo in tallaalku yahay mid ka mid ah hababka ugu waxtarka badan ee looga hortagi karo cudurrada faafa ee halista ah. Hal-ku-dhigga sanadkan ayaa ah: “Jiil kasta, tallaalku waa difaac la isku halleyn karo,” taasoo muujineysa muhiimadda ay leedahay in jiil kasta helo tallaal dhammaystiran si loo xaqiijiyo caafimaadkooda mustaqbalka.

Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda, agaasime waaxeedyo kala duwan, Agaasimaha Isbitaalka Banaadir, iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah ee taageera adeegyada caafimaadka sida WHO iyo UNICEF. Sidoo kale waxaa goobta joogay khubaro caafimaad, dhakhaatiir iyo xubno ka tirsan bahda Caafimaadka Soomaaliyeed.

Intii ay socotay munaasabadda, waxaa la soo bandhigay warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan horumarka laga gaaray adeegyada tallaalka dalka, iyadoo la tilmaamay in dadaallada wadajirka ah ee Wasaaradda iyo hay’adaha la shaqeeya ay keeneen koror muuqda oo ku yimid tirada carruurta la tallaalay, isla markaana si weyn hoos loogu dhigay cudurrada faafa ee halista ah. Waxaa si gaar ah loo xusay cudurrada sida jadeecada, dabeysha (polio) iyo gowracatada oo hore saameyn weyn ugu lahaa bulshada balse hadda si weyn loo xakameeyay.

Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay wacyigelinta bulshada, gaar ahaan waalidiinta, si ay u fahmaan in tallaalku yahay badbaado nololeed oo carruurta ka difaaca cudurro sababi kara naafo ama dhimasho. Mas’uuliyiinta ayaa caddeeyay in adeegyada tallaalka ay yihiin kuwo bilaash ah oo laga heli karo xarumaha caafimaadka ee dalka oo dhan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay xoojinta iyo ballaarinta adeegyada tallaalka si loo gaaro dhammaan carruurta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada fog-fog. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in la sii laba jibbaarayo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka guud ahaan dalka.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ayaa ugu baaqay waalidiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan hooyooyinka, inay si joogto ah carruurtooda ugu geeyaan xarumaha caafimaadka si ay u helaan tallaallada lagama maarmaanka ah, isagoo xusay in tallaalku yahay difaac sugan oo lagu badbaadin karo nolosha carruurta laguna xaqiijin karo bulsho caafimaad qabta oo mustaqbal leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay munaasabad lagu soo dhaweynayay Duqa cusub ee magaalada Bristol

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed...