Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamartaย 

Date:

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: โ€” Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha Xarunta dhexe ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS, oo laga hirgaliyey dhisme casri ah oo loogu adeegi doono shacabka Soomaaliyeed.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, waxa uu sheegay in dhismaha xaruntani uu qeyb ka yahay horumarinta kaabeyaasha nolosha bulshada iyo kobaca dhaqaalaha dalka iyada oo xaruntani ay dabooli doonta baahidii dhanka xafiisyada ee Wasaaraddani ay qabtay.

Dhismahan casriga ah oo loo qalabayeeyey qaab ku habboon xarumaha shaqo ee hayโ€™adaha dowladda, ayaa qayb ka ah qorshaha Xukuumadda ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dowladda si kor loogu qaado hufnaanta iyo adeegga dadweynaha.

Xukuumadda DanQaran ayaa ku dadaalaysa sidii ay koronto bilaash ah u heli lahaayeen dhammaan xarumaha dowladda iyo kuwa danta guud sida goobaha caafimaadka, waxbarashada, iyo xafiisyada dowladda, iyada oo dhanka kale gacanta lagu hayo biyo-galinta in ka badan 20 magaalo oo ku kala yaala gobollada dalka.

Mudane Xamsa Cabdi Barre waxa uu adkeeyay in Soomaaliya ay u dhaqaaqday isku tashi bulsho iyo mid dowladeed maadama xilligan uu isbeddel ku yimid dhaqaalaha adduunka taasi oo keentay in mudnaan gaar ah ay Xukuumaddu iska saarto ku isku filaanshaha iyo wax-soo-saarka gaar ahaan dhanka Koronta, Biyaha iyo Khayraadka kale ee dalku leeyahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirkadda Diyaaradaha ee Soomaali Airlines oo dib loo bilaabayo

Dawlada Federaalka si rasmi ah ayay dib u soo...

Madaxweynaha oo kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta, Prof. Caddow ee magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare.

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii...