Home Blog Page 1390

Madaxtooyada Soomaaliya oo been abuur ku tilmaantay warqad baraha bulshada la soo dhigay

0

Muqdisho(SONNA) Iyadoo saacadihi ugu dambeeyey baraha bulshada lagu arkayay warqad been abuur ah oo lagu sheegayay in madaxweynaha Soomaaliya uu magacaabay safiirka Soomaaliya ee Kenya,ayaa madaxtooyada Soomaaliya ku tilmaantay mid been abuur ah

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Madaxtooyada Soomaliya C/nuur Maxamed Axmed oo u warramay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in ay wax kama jiraan tahay warqadaasi oo baraha bulshada la isla dhexmarayo.

“Majirto wax magacaabis ah oo uu sameeyey madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ee ku aadan in Xasan Yuusuf Jaamaca uu madaxweynaha u magacaabay Safaarada Soomaaliya ee Kenya, waa warqad been abuur ah”Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka  Madaxtooyada Soomaaliya.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa ku soo badanayay baraha bulshada warqado ku qoran dukumintiyo looga been abuuranayo madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xaaladaha guud ee Dalka ,taasi oo  lagu tilmaamayo in ay tahay arrin aan u wanaagsanayn danta guud,horumarka iyo sharafta  Umadda Soomaaliyeed.

Dowladda Imaaraadka oo Dhaawacyo kala duwan maanta u qaaday Dalka Kenya  

0

Muqdisho (SONNA),  9 qof oo  dhaawcayo kala duwan qaba oo  dalka gudahiisa wax looga qaban waayey ayaa Dowladda Imaaraadka carabta,  waxey maanta  u qaaday  dalka Kenya, si halkaasi waxa looga qabto xaladooda caafimaad, iyaggoo ay wehlinayaan qaar ka mid ah Ehaladooda.

Dhaawacyadan loo qaaday dalka Kenya, ayaa isugu jiray kuwa uu sameeyey Musiibadii  qaran ee 14 bishi ocotober ka dhacday Ex Z oobe iyo dad ku soo  wax yeloobay Gobalada dalka,  kuwaasi oo  xaaladooda caafimad waxa looga qaban wayaay Dalka.

Ugu horeyn ,ayaa waxa madasha ka hadlay wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow,  isagoona ugu mahad celiyey taageerida Dowladda Imaaraadka carabta ay mar walibo siiso Soomaaliya.

Safiirka Dowlada Imaaraadka  Carabta u fadhiya Soomaaliya, Danjire  Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi oo isna madasha ka hadlay, ayaa shegaay iney mar walibo diyaar uu yahiin iney caawiyaan dadka Soomaaliyed ee dhibaateysan.

Wasiirka Wasaraadda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Marwo  Fowziya Abiikar Nuur oo ka hadashay halkaasi,  ayaa sheegtay iney in Dolwadda Imaaraadka ay yahiin kuwa mar walibo caawiyo dadka dhibateysan, iyaddoo ugu mahad celisay taageerida ay siiyaan Soomaaliya.

Guddiga Gurmad Qaran oo sheegay inay soo gabagabeeyeen  Wajiga koowaad ee gurmadka dadkii lagu Xasuuqay KM5

0

Muqdisho (SONNA) Iyadoo lasoo gaba gabagabeeyay wajiga  koowaad ee gargaarka deg dega ah, ayaa waxaa maanta deeq lacageed loo qeybiyay dad gaarayo 50 qof, Kuwaasi oo  waxyeelo ay kasoo gaartay  qaraxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad  iyo Sheekh Nuur Baarud gurxan oo ka hadlay gooobta gargaarka lagu qeybinayey, ayaa waxay sheegeen  in masiibadan Ummadda Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan ay wada dareemayaan, loona baahnayahay in la sabro oo ALLE la weydiisto Nimcooyinkiisa.

Qaar ka mid ah dadkii Deeqda la gaarsiyay, ayaa ugu mahad celiyay Guddiga Gurmad Qaran iyo Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay Ololaha Gurmadka.

Guddoomiyaha Guddiga Gurmad Qaran, Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo gabagabadii ka hadlay halkaasi, ayaa faafaain ka bixiyay howlaha gurmadka ah ee ay wadaan, waxuuna sheegay in uu soo dhamaaday gargaarka deg dega ah Wajigiisa  koowaad, ayna bilaabi doonaan wajiga labaad,

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo sheegay in dhowaan ku shaqeyn doonaan Xaruntoodii hore ee KM7 ku taalla

0

Muqdisho (SONNA) Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, S/gaas Xuseen Xasan Cismaan oo ay wehliyaan Taliye ku xiggeenka Koowaad S/guuto C/kariin Cali Afrax  iyo Sarkiil ka tirsan Ciidankaasi, ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta uu ku taalla Ex kontarool Afgooye oo dhismihiisu uu marayo meel gabo gabo ah, dhowaanna lagu wado in xarigga laga jaro.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Saraakiishii la socotay,  ayaa   kormeray Xafiisyadda ay ku shaqeen doonan hoggaanada Ciidanka iyo Saraakiisha, waxaana   kormeerka kadib uu xarigga ka jaray masaajid ay ku cibaadeystaan Ciidanka  oo dhismahiisu gacan ay ka geesatay  Hay’adda  Muno Dacwa Al islaamiya  oo laga leeyahay dalka sudaan.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  S/ gaas Xuseen Xasaan Cismaan, ayaa sheegay in dhowaan xaraga laga jari doono Dhismaha Taliska Guud ee Ciidankaasi, ayna Taliska KMG ay kusoo guuri doonaan, lagu shaqeyn doono xauntan markii xarrigga laga jaro.

 

 

Taliyahii hore ee Booliska oo maanta Xilka ku warreejiyey Taliye ku xiggeenka Ciidankaasi

0

Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Janaraal Kaahiye ee Magaaladda Muqdisho maanta waxaa lagu qabtay Munaasabad xilka taliyenimo ee Booliska kula wareegayo S/guud Mukhtaar Xuseen Afrax oo hore u ahaa Taliye ku Xiggeenka Ciidankaasi, waxaana uu xilka si ku meel gaar ah uu  kala wareegay Taliyihii Ciidanka Booliska Gen Saacid oo dhowaan Golaha Wasiiradda XFS ay xilka ka qaadeen.

Taliyahii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gen C/Xakiin Saciid Saacid oo Munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in Gen Muqtaar uu yahay howl kar kasoo bixi kara Shaqada Booliska, islamarkaana muddo badan uu  ka mid ahaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

S/guuto Muqtaar Xuseen Afrax, ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa u mahad celiyey Taliyahii hore ee Ciidanka, isagoo Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka codsaday in la garab istaago.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo Koorso waxbarasho ah loo furay

0

In ka badan 70 Sargaal oo ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya  ayaa maanta loo furay koorsooyin ay ku  baran doonaan luuqada Ingariiska iyo daryeelka Macaamiisha (costamer care).

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolajiyada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo  Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka Soomaaliya,  ayaa si wada jir ah u daahfuray aqoon kororsiga, waxaana uu agaasimaha guud sheegay in dhammaan saraakiisha HSJ loo tababari doono shaqooyinka ay qabtaan.

Koorsooyinkaan waxbarasho, ayaa lagu bilaabey saraakiisha ka howlgala Garoonka  caalamiga Aadan Cadde iyo kuwa ka howlgala xafiiska adeegga martida (Ajaanibta), waxaana si wada jir ah isaga kaashanaya Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya iyo Hay’adda Socdaalka  Aduunka ee (IOM), wuxuuna socon doonaa muddo lix bilood ah, iyadda oo la gaarsiin doono laamaha hay’adda ee ka howlagala qeybaha kale ee dalka.

Madaxtooyada Soomaaliya oo been abuur ku tilmaantay warqad baraha bulshada la soo dhigay

0

Iyadoo saacadihi ugu dambeeyey baraha bulshada lagu arkayay warqad been abuur ah oo lagu sheegayay in madaxweynaha Soomaaliya uu magacaabay safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa madaxtooyada Soomaaliya ku tilmaantay mid been abuur ah

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Madaxtooyada Soomaliya C/nuur Maxamed Axmed oo u warramay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in ay wax kama jiraan tahay warqadaasi oo baraha bulshada la isla dhexmarayo.

“Majirto wax magacaabis ah oo uu sameeyey madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ee ku aadan in Xasan Yuusuf Jaamaca uu madaxweynaha u magacaabay Safaarada Soomaaliya ee Kenya, waa warqad been abuur ah”Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka  Madaxtooyada Soomaaliya.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa ku soo badanayay baraha bulshada warqado ku qoran dukumintiyo looga been abuuranayo madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xaaladaha guud ee Dalka ,taasi oo  lagu tilmaamayo in ay tahay arrin aan u wanaagsanayn danta guud,horumarka iyo sharafta  Umadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha G/banaadir oo soo xiray Barnaamijka Aminiga iyo hormarinta Caasimadda “Sawirro”

0

Muqdisho (S0NNA) Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho, Mudane Taabit Cabdi Maxamed oo ay wehliyeen qaar kamid ah Masuuliyiin Maamulka Gobolka, ayaa soo xiray Barnaamij looga hadlayey Amniga iyo horumarinta Caasimadda.

Barnaamijkan oo ah mid lagu horumarinayo hanaanka sugida amaanka, ayaa waxaa lagu qabtay Aqalka Dowladda hoose ee Xamar, waxaana kasoo qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir, qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada qalabka sida iyo Ururada Bulshada rayidka ah.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Taabit Cabdi, ayaa halkaasi ka sheegay in loo baahan in si wadajir ah looga shaqeeyo sudiga amaanka caasimadda, qof kastana uu xil iska saaro siddii nabad loogu noolaan lahaa.

 

 

AKHRISO: Odayaasha dhaqanka oo war ka soo saaray xaaladda dalka

0

Muqdisho(SONNA) Odayaasha 135-ta Oday ee soo xulay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo ah Duubabka Qaranka Soomaaliyeed intooda ku sugan Gobolka Banaadir oo ka kulmay xaalada amni ee dalka Soomaaliya ayaa war ay soo saareen waxay ku sheegeen muhiimadda ay leedahay xasilinta amniga dalka gaar ahaan Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Odayaasha dhaqanka ayaa si gaar ah u soo qaatay dhacdooyinkii xanuunka lahaa ee 14-ka iyo 28-ka bishii la soo dhaafay ee October ka dhacay magaalada Muqdisho oo dad badan oo qiimo u lahaa Qaranka Soomaaliyeed lagu laayay.

Guddoomiyaha G/banaadir oo soo xiray Barnaamijka Aminiga iyo hormarinta Caasimadda

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho, Mudane Taabit Cabdi Maxamed oo ay wehliyeen qaar kamid ah Masuuliyiin Maamulka Gobolka, ayaa soo xiray Barnaamij looga hadlayey Amniga iyo horumarinta Caasimadda.

Barnaamijkan oo ah mid lagu horumarinayo hanaanka sugida amaanka, ayaa waxaa lagu qabtay Aqalka Dowladda hoose ee Xamar, waxaana kasoo qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir, qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada qalabka sida iyo Ururada Bulshada rayidka ah.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Taabit Cabdi, ayaa halkaasi ka sheegay in loo baahan in si wadajir ah looga shaqeeyo sudiga amaanka caasimadda, qof kastana uu xil iska saaro siddii nabad loogu noolaan lahaa.