Home Blog Page 1389

Shacabka Dhuusamareeb oo soo dhoweeyay Heshiiskii Maamulada Galmudug iyo Ahlu-suna

0

Muqdisho(SONNA);– Shacabka ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa soo dhoweeyay heshiiskii shalay ay magaalada Muqdisho  ku gaareen Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna Waljamaca.

Shacabka ayaa sheegay in Heshiiskaan uu dhabaha u xaarayo maamul dhameystiran oo awood u leh hanashada  guud ahaan deegaanada Galmudug.

Mid ka mid ah shacabka ku dhaqan Dhuusamareeb oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa Yiri” Haddii aan nahay shacabka Dhuusamareeb waxaan soo dhoweyneynaa heshiiskii shalay lagu gaaray magaalada Muqdisho,waxaana u mahad celineynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya,Walaalaha Jabuuti iyo Urur Goboleedka IGAD,waxaana Alle ka baryeynaa inuu noqdo Heshiiskaasi mid guuleysta”,

Sidoo kale,mid ka mid ah Haweenka Dhuusa-mareeb ayaa ku tilmaantay Heshiiska Ahlu sun iyo Galmudug mid meesha ka saaraya khilaafkii dhanka maamulka ah ee ka jiray deegaanada Galmudug,waxayna dhinacyada Heshiiska galay ugu baaqday iney siday tahay u dhaqan geliyaan.

Magaalada Dhuusamareb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ahna Caasimada Maamulka Gal-mudug ayaa laga dareemayaa diyaar garow ku aadan wafdiga ku soo wajahan, maadaama la xaliyey Qilaafkii Siyaasadeed ee Muddo soo jiitamayey.

Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Maamulka Gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa shalay heshiis taariikhi ah oo ay ku midoobayaan  ku kala saxiixday xarunta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca oo ku heshiiyey 14 qodob ayaa ku boggaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalkii dheeraa ee ay ku bixisay xallinta khilaafka u dhexeeyey, iyagoona muujiyeey sida ay uga go’an tahay ka-mira-dhalinta dadaalkaasi.

UK oo la wareegtay Hoggaanka ilaalinta Xeebaha Soomaaliya+Sawirro

0

Jabuuti(SONNA):– Dowladda Britain ayaa si rasmi ah ula wareegtay hoggaanka ciidamada Midowga Yurub ee ilaaliya xeebaha dalkeena Soomaaliya.

Munaasabad lagu qabtay Markab kuwa dagaalka ah oo ay leeyihiin ciidamada badda ee dowlada talyaniga oo ku sugan xeebaha dalka Djibouti ay dowladda Britain kula wareegtay xilkaasi,sida uu ku soo waramayo Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee dalka Jabuuti Makahiil Rashiid Barre.

Hoggaanka ciidamada Midowga Yurub ee ilaaliya xeebaha dalkeena Soomaaliya ayaa waxaa horay u hayay ciidamada badda ee dowladda Talyaniga, iyadoo taliyihii xilkaasi wareejiyay uu sheegay in sanadkii la soo dhaafay ay ciidamada la dagaallanka burcad badeedda ay xeebaha Soomaaliya ka soo qabteen ilaa 6 burcad badeed ah oo ay ka qabteen agagaarka xeebaha Puntland.

Wuxuu sheegay in si aad ah hoos ugu dhaceen weeraradii kooxaha Burcad badeeda ay ka geysan jireen xeebaha Soomaaliya iyo goobaha ka baxsan.

6-biloodba mar ayaa hogaanka ciidamada Midowga Yurub ee ilaaliya xeebaha dalkeena waxa la wareega mid ka mid ah dowladaha Midowga Yurub ee ay ciidamadu ka joagaan xeebaha Soomaalia.

Ilaalinta Xeebaha Soomaaliya ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa si KMG ah uga caawiya Wadamada Midowga Yurub,waxaana hadda Dowladda dadaal ku bixineysaa sidii loo tayeyn lahaa Ciidamada Badda Soomaaliya si ay ula wareegaan mas’uuliyadda amaanka Xeebaha dalka.

Wasiir Yariisow oo ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Gaduudo Carwo

0

Muqdisho(SONNA):– Wasiirka wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Eng: C/raxman Cumar Cismaan “Yariisoow” ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Allaha u naxariistee Shamis obokar oo loo yaqaanay “Gaduudo Carwo” taasoo saaka ku geeriyootay magaalada Hargeysa.

“Innaa Lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun, waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladi iyo qoyskii ay ka baxday Allaha u naxariistee Gaduudo Carwo oo ka mid aheyd fanaaniinta ugu magaca dheer dalkeenna Soomaaliya” Ayuu yiri Eng: Yariisoow oo saaka ka hadlayay telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.

Gaduudo Carwo oo ka mid aheyd gabdhihii ugu horeeyay fanka Soomaalida ayaa in muddo ah ku xanuunsaneysay magaalada Hargeysa, iyadoo ugu dambeyn waaberigii saaka ku geeriyootay isla magaaladaasi Hargeysa.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Sidee Hogaamiyeyaasha Beesha Caalamka iyo kuwa Dunida Muslimka uga jawaabeen Go’aankii Trump?

0

Muqdisho(SONNA);– Hogaamiyaasha Dunida Muslimka ayaa si caro leh uga jawaabay go’aanka ka soo baxay madaxweynaha Mareynkanka Donald Trump ee  magaalada Qudus ugu Aqoonsaday caasimadda rasmiga ah ee Israa’il.

Mareynkanka ayaa doonaya in Safaaradiisa uu ka soo raro Tel Aviv una soo raro Jerusalem,waxaana sidaasi Khudbadiisa ku cadeeyay madaxweyne Trump oo Telefishinka ka hadlayay.

Halkaan waxaan  idin kugu soo gudbineynaa sida Hogaamiyaasha caalamka iyo kuwa Dunida Muslimka ugu jawaabeen Go’aanka Trump:-

Hogaamiyeyaasha dunida muslimka iyo guud ahaan beesha caalamka oo dhan ayaa si weyn u dhaleeceeyay tallaabada uu qaaday Trump, waxa ayna ka digeen halista rabshado ka dhasha arrintaan iyo in ay horseedo dhiig daato.

Xoghayaha guud ee hay’adda Qaramada Midoobay Antonio Guterras, ayaa sheegay in aysan jirin wax lagu beddelo xal u raadinta Israa’il iyo Falastiin, waxa uuna ku tilmaamay mowqifka Mareykanku mid laga murugoodo.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, oo booqasho ku jooga dalka Aljeria ayaa isna ku tilmaamay hadalka Trump wax laga xumaado, waxa uuna ku baaqay dadaalo nabadeed iyo in laga fogaado rabshado.

Michel Aoun, madaxweynaha Lubnaan ,ayaa sheegay in go’aanka Mareynkanka uu yahay mid qatar gelinaya hanaanka Nabad galyada iyo xasiloonida Bariga dhexe.

Sidoo kale, Dowladda Jordan oo war ka soo saartay Go’aanka Trump ayaa ku tilmaantay mid sharcidaro ah oo xaqsiinaya dhulka ay Isra’il xooga kaga heysato Falastiin ee Bariga Jeruslem.

Wasiirka Arimaha Dibada Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay” In go;aanka Trump uu gaaray yahay mid ciqaab dhimasho ku ah dhamaan dadaalada nabada lagu doonayo iyo Qatar hor leh oo soo wajahda Bariga dhexe”.

Jeremy Corbyn, oo ah hogaamiyaha Xisbiga Shaqada ee dalka UK, ayaa ugu yeeray go’aanka Trump uu Qudus ugu aqoonsaday caasimada rasmiga ee Isra’el mid qatar ku ah Nabada.

Benjamin Netanyahu, Ra’iisal wasaaraha Israel,ayaa sheegay in maalin taariikhi u tahay wadanka.

Hay’adaha u dooda xuquuda Aadanaha ayaa cambaareeyay go’aanka ka soo baxay Madaxweyne Trump ee uu ku muujiyay in Qudus ay tahay caasimada rasmiga ah ee Isra’el.

Dalka Turkiga, dibadbaxayaal ayaa isugu tagay banaanka hore ee safaarada Mareykanku ku leeyahay magaalada Istanbuul. Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa waxa uu isna ku tilmaamay go’aanka Mareykanka geyru mas’uulnimo.

Saraakiisha Aqalka Cad waxa ay dhankooda sheegeen in go’aanka Madaxweyne Trump uu yahay “Ictiraaf waaqica haatan jira iyo taariikhdaba” balse ma ahan bayaan siyaasadeed oo rasmi ah, mana beddeli doonto xuduudaha iyo siyaasadda magaalada Qudus.

Madaxweynaha JFS oo shir guddoomiyay shirka hannaanka dib u eegista dastuurka+Sawirro

0

Muqdisho(SONNA):—Madaxweynaha Jamhuuriyaradda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay hannaanka dib u eegista dastuurka oo xalay lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Kulanka waxaana  ka soo qeybgalay guddoonka Labada aqal ee Barlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Madaxwehnayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka iyo guddiyada kormeerka arrimaha dastuurka ee labada aqal.

Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa in ay isku bartaan guddiyada arrimaha dastuurka ee Heer Federal iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada.

Dib u eegista dastuurka ayaa ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee horyaalla dowladda Soomaaliya, iyada oo ay xukuumaddu u qoondeysay miisaaniyad Lagu dhameystiro howlaha Dastuurka.

 

Madaxweynaha Mareykanka oo ku dhawaaqay in Qudus ay tahay Caasimadda Israel

0

Muqdisho(SONNA):–Madaxweyne Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa isagoo ka hadlayey Aqalka Cad wuxuu si rasmi ah u aqoonsaday in magaalada Quddus ay tahay caasimadda Israa’iil, go’aankaas oo ah mid meesha ka saaraya siyaasaddii uu Maraykanku ku socday tobanaan sano.

Donald Trump Wuxuu kaloo ku dhawaaqay in safaaradda Maraykanka laga rari doono magaalada Tel Aviv, islamarkaana loo rari doono Magaalada Quddus.

Falastiiniyiinta  marinka Qasa oo hadalkaas aad uga caraysan ayaa gubay sawirka Mr Trump, kan Ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo calanka Yuhuudda.

Madaxweynaha Mareykanka go’aankan uu qaatay ayaa waxaa cambaareeyay Inta Badan Madaxda Caalamka gaar  ahaan Madaxda Wadamada Islaamka  ,iyagoo Ku tilmaamay go’aankaas  mid ka hor imaanayo heshiisyada Caalamiga ah.

Galmudug iyo Maamulka Gobollada Dhexe oo heshiis midnimo ku kala saxiixday Muqdisho+(Sawirro)

0

Muqdisho, Disembar 06, 2017: Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Maamulka Gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa heshiis taariikhi ah oo ay ku midoobayaan  ku kala saxiixday xarunta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca oo ku heshiiyey 14 qodob ayaa ku boggaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalkii dheeraa ee ay ku bixisay xallinta khilaafka u dhexeeyey, iyagoona muujiyeey sida ay uga go’antahay ka-mira-dhalinta dadaalkas.

“Heshiskan aad iyo aad ayaan u soo dhawaynayaa, waana ku mahadsantahay dowladdu. Maanta kahor garoowshiyo ma helin, waxaanse leeyahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka waa in midnimada maanta ay garoowsho ku siiyaan Galmudug.“ ayuu yiri Madaxweynihii Maamulka Gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan.

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in uu u tanaasulay midnimada gobollada Gal-madug iyo in laga gudbo khilaafka soo jireenka ah ee rakaadiyey horumarka Galmudug.
“ Waa mahad Alle hadii arrin todobada sano soo soctay ay maanta soo gunnaanadantay, aad iyo aad baan ugu faraxsanahay, dadka reer Galmudug, umadda Soomaaliyeed iyo inta wanaagga jecelna waxaan rajaynayaa in ay aad ugu farxaan.“ ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambaliyeeyay maamulka iyo shacabka Galmudug heshiiskan taariikhiga ah, isagoona ugu baaqay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali ina ay u hoggaansamaan qodobada heshiskan, si buuxdana uga wada shaqeeyaan hirgelintiisa.

Madaxweynaha ayaa xusay in dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo mideynta gobollada Gal-mudug ay Dowladda Federaalka Soomaaliya bilowday dhammaadkii bishii 2aad ee sanadkan tan iyo wakhtigaasna ay ku howlanayd sidii ay u mideyn lahayd labada dhinac.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri: “Waxaan Alle uga baryeynaa in heshiiskan uu dhaqan galo, qof kastana uu u arko wax wanaagsan oo mira dhal ah, reer Galmudug waxaa laga rabaa in ay hir-geliyaan qodobada dib u heshiisiintan oo danta guud ay wax walba ka hormariyaan, sida madaxdoodu ay u muujiyeen taanuslka iyo xilkasnimada.”

Munaasabadda saxiixa heshiiskan waxaa goob joog ku ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hir-shabeelle, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Wakiillada Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya.

“AKHRISO” qodobada heshiiska Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca 

0

Muqdisho (SONNA), Maamulka Galmudug iyo Ahlusunna waljamaaca, ayaa maanta heshiis rasmi ah oo ka kooban 14 qodob ku kala saxiixday xarunta Madaxtooyada qaranka ee Magaaladda Muqdisho, iyaddoo ay goob joog ka ahaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Juxa oo hishiiska ay gaareen labada dhinac  qeyb ka saxiixay iyo masuuliyiin kale.

Halkaan hoose ka akhri qodobada Heshiiska Galmudug iyo Ahlusunna.

 

Heshiiska  maamullada Galmudug State (GMS) iyo MaamulkaAhlusuna Waljamaca (ASWJ) ee Muqdisho, 27 Nov – 6 December 2017

 

Wadatashi, falanqayn iyo kulamo gooni-gooni ah oo dhinac socday seminaarkii ku saabsanaa xallinta khilaafaadka iyo nabadaynta oo ay garwadeen ka ahayd Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dawladda Djabouti iyo IGAD kaddib, waxaa la gaaray heshiis ay ku midoobeen labada maamul, waxaana lagu heshiiyey qodobada soo socda:

 

 

  1. In Madaxwaynaha, Madaxwayne ku-xigeenka, Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Labadiisa ku-xiggen ee Galmudug ay sii haynayaan xilka.
  2. In magaca Galmudug iyo Calankaba loo daayo sida ay hadda yihiin.
  3. In la siiyo Madaxweynaha Maamulka Gobollada Dhexe (ASWJ) awood maamul oo ah madaxa xukuumadda (Chief of Ministers), oo awoodihiisana ay kamid yihiin:
    1. Horgaynta Golaha Shacabka Wasiirrada, Wasiiru Dowleyaasha, Wasiir Ku Xigeennada marka Madaxwaynuhu soo magacaabo.
    2. Guddoominta fadhiyada Golaha Wasiirrada.
    3. Waxa uu la tashadaa Madaxwaynaha iyo Madaxwayne Ku Xigeenkiisa mar walba.
    4. Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka ayaa magacaaba, xilkana ka qaada Wasiirada, Wasiiru Dowleyaasha, Wasiir Ku Xigeennada markuu la tashado Madaxwayne Ku Xigeenka iyo Madaxa Golaha Wasiirada (Chief of Ministers).
  4. Waxaa lagu heshiiyay in laysku daro labada Baarlamaan oo hadda jira , ayadoo la raacayo awood qaybsiga beelaha.
  5. In Golaha Wasiirada lagu qaybsado si heshiis lagu yahay oo ku salaysan habka awood qaybsiga iyada oo la raacayo awood qaybsiga beelaha.
  6. In ASWJ ay soo magacaabato Gudoomiyaha Maxkamada Sare.
  7. In la qaybsado Taliyeyaasha iyo Taliyaal Ku xigeenada ciidamada sida Daraawiishta, Nabadsugidda, Booliska iyo Ciidanka Asluubta iyada oo la raacayo awood qaybsiga beelaha.
  8. In Gudooomiyeyaasha Degmooyinka ee hadda jira ay sidooda usii shaqeeyaan inta laga dhisayo maamul dhameystiran.
  9. Waxaa la isla meel dhigay in la iswaafajiyo labada dastuur iyo labada astaan ee Maamullada Galmudug iyo Gobolada Dhexe ee ASWJ, si dan u ah maamulka dhismaya ayadoo loo saarayo guddi farsamo.
  10. Waxaa lagu heshiiyay in la abuuro ciidan isku dhaf ah oo dawlad-goboleedku leeyahay inta ka horaysana ciidan walba oo hada jira uu meshiisa ama goobtiisa uu sii joogo.
  11. Waxaa lagu heshiiyay qof lagu ogyahay inuu yahay argagaxiso ama la shaqeeya Argagisada ama Burcad badeed ah in uu san ka mid noqon karin maamuulka cusub ee dhismaya.
  12. Wixii kaloo farsama ah ama ka dhiman heshiiskaan waxaa lagu dhamayn doonaa fadhiyo kale.
  13. Deegaannada hoos yimaada mamulka ASWJ oo qaybta ka ah Gobolka Hiiraan waxaa looga hadli doonaa fadhi gaar ah si waafaqsan Dastuurka Qaranka.
  14. Waxaa la isla gartay in heshiiska lagu dhammaystiro, laguna fuliyo magaalo madaxda mamulka cusub ee Dhuusamareeb sida ugu dhaqsaha badan.

 

Mahadcelin:

  • Labada dhinac waxay u mahad celinayaan Dawlada Federalka Soomaliya hoggaankeeda sare oo waqti badan ku bixiyay ka gun gaarista heshiiskaan.
  • Waxaa sidoo kale loo mahadcelinayaa Dawlada Jabuuti, shacab iyo Madaxwaynaba, Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska, Ururka Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Ururka Iskaahsiga Khaliijka, Norway iyo Hay’adda Somali Stability Fund.

 

Hershiiskaaan waxaa lagu horsaxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

___________________                                                                                                              _____________________

 

 

 

 

 

 

 

Dowladda Soomaaliya oo qaaday talaabo muhiim ah

0

Muqdisho(SONNA) Markii ugu horeysay ayaa dowladda Federaalka  Soomaaliya waxaa ay bilowday qorshe muhiim u ah shacbka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwoodi oo kusugan Miyiga fog.

Maanta oo arboco ah ayaa Wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay daah furtay mashruuca biyo siinta reer Miyiga,taasi oo ah arrin muhiimadeeda leh.

Waxaa ka qeybgalay Munaasabadda mashruucan lagu daah furayey oo lagu qabtay magaalada Muqdisho Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo sidoo kale xubno ka socda Hay’adda IOM oo qeyb ka ah hirgelinta mashruucani.

Muuddo kusiman 3 sano ayuu socondoonaan,kaasi oo ku baxaysa lacag dhan11 Milyan oo dollar.

Sidoo kale waxaa laga shaqeyn doonaa dayactirka 70 ceel  biyood iyo sidoo kale nadiifinta ceelasha biyaha ee magaalooyinka iyo sidoo kale Wabiyada.

Mudane Saalim Caliyow Ibrow Wasiirka Tamarta iyo biyaha Xukuumadda Soomaaliya oo daah furay mashruucani ayaa sheegay in mashruucani uu muhiim u yahay shacabka Soomaaliyeed.

Dhaqaalaha ku baxaya mashaariicdani ayaa waxaa bixin doonta African Development, iyadoo la filayo in dad badan ay ka faa’ideystaan.

Mashruuca biyo siinta reer Miyiga ayaa waxaa uu jirey xiligii dowladdii dhexe ee Soomaaliya,balse uu meesha ka maqnaa tan iyo burburkii taasi oo keentay in gobolada dalku ay ka jiraan dhibaatooyin biyo la’aaneed maadaama dadku aysan haysanin keyd iyo ceelal nadiif ah.

Kulan lagu daah furayey wadatashiga siyaasadda tababarada qaranka oo Muqdisho ka dhacay

0

Muqdisho (SONNA), Kulankan,  ayaa ahaa wajigii koowaad ee lagu daahfuray Wadatashiga Siyaasadda TabaradDa Qaranka, kaasi oo muddo aad u fog ay ugu dambeysay in la isku howlo ama laga wada hadlo.

Madasha kulankan oo uu shir guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Xildhibaan Saalax Axmed jaamac,  ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Shaqada ee KG, Wasiirka Shaqada ee Hirshabeelle, La-taliyeyaasha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Agaasimeyaasha tabarada ee 26 ka Wasaaraddood ee XFS, iyo Xubno ka tirsan beesha caalamka.

Waxaa hadalka daahfuray Agaasimaha Waaxda Tabarada Shaqada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,  Ismaaciil Macalin Cabdullaahi, isagoo si diirran u soo dhoweeyay kasoo qeybgalayasha kulanka, waxuuna si kooban uga warramay ujeedka kulanka, kaasi oo uu ku sheegay inuu yahay daahfurka Wadatshiga Siyaasadda Tabarada Qaranka, caqabadaha shaqo ee soo laalaabtay owgeed ayuu sheegay Agaasimaha in la door biday in xal loo helo, lagana bilaabo qeybaha ugu muhimsan ee uu ugu horreeyo Tababarka Shaqaalaha Rayidka lana hirgeliyo Siyaasadda Tababarka Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac,  ayaa  salaan iyo soo dhoweyn kaddib waxuu yiri:-

“Maanta waxaan isugu imaanay inaan ka baaraan dagno ama aan isku afgaranno Siyaasadda Tababarada Qaranka, waxaan kasoo shaqeeyay Hay’adaha Dowladda kuwooda kala duwan, waxaana arki jiray tababarro cayyiman ee ujeedda gooni ah laga lahaa ee ma arkin Siyaasad Tababar ee jirtay ama la hergeliyay, Haddaba waa inaan isku afgarannaa sida loo heli lahaa Siyaasaddaas Tababar ee hirgasho, Shaqaalaha Rayidka waxey xaq u leeyihiin in kor loo qaado xirfaddooda” ayuu yiri wasiir Saalax