Munaasbada ballaaran oo lagu xusayay sanad guuradii 48-aad ee ka soo wareegatay aas aaskii Hayโadda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Somaaliyeed ayaa xalay ka dhacday Muqdisho,waxaana ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Shekh Cusmaan Jawaari,Raโiisul Wasare Xasan Cali Khayre,Wasiiro xildhiobaano,saraakiil iyo marti sharaf kale.
Guddoomiye Jawaari ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray masโuuliyiinta iyo ciidamada Hayโadda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed,isagoo ku ammaanay waxqabadkooda,islamarkaana xusay in ay tahay hayโada muhiimad gaar ah u leh dalka.
โWaxaan Hambalyo Leeyahay Hayโadda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka Soomaaliyeed NISA oo u dabaal dagaya Xuska Sanadguuraddii 48aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay sanadkii 1970, Howsha adage e qaranka aad u heysaan Alle ha idinla garab galoโ ayuu yiri guddoomiye Jawaari.
Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaah SHacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa Hambalyo u diray Hayโadda Sirdoonka iyo Nabad sugida qaranka Soomaaliyeed ee NISA oo u dabaal dageysa Xuska Sanadguuraddii 48aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Hayโaddaasi oo ku beegan Sanadkii 1970-kii.
Raโiisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa oo hadal k ajeediyay munaasabadda ayaa ammaanay dowrka Hayโadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
โXukuumadda Soomaaliya waxay xoojinaysaa 2018 howlaha muhiimka ah oo ay haysay Hayโadda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka,oo miisaaniyadda loogu daray qarash lagu xoojinayo Sirdoonkaโ,ayuu yiri Raโiisul Wasaare Kahyre.
Masโuuliyiinta kale oo u hambalyeyeysay Hayโadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka waxaa kamid ah Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale,Wasiir kuxigeenka C/naasir Siciid,Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka S/Gaas C/weli Jaamaca Xuseen(Gorod) iyo Agaasimaha Hayโadda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col. Maxamed Aadan Koofi kuwaasi oo dhamaantooda ammaanay waxqabadka iyo kaalinta ay dalka ku leedahay Hayโadda Nabad Sugidda iyo SIrdoonka Qaranka Soomaaliyeed.
Hayโadda Sirdoonka iyo Nabad sugida qaranka Soomaaliyeed ee NISA, ayaa kamid ah Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliyeed, waxaana lagu xasuustaa in ay ku guuleysatay soo afjarida dhacdooyin dhowr ah oo lagu dabar goynayo Maleeshiyada Kooxda Alshabaab ee laga itaalka roonaaday.