Guddoomiye Jawaari Iyo R/Wasaare Khayre Oo Amaanay Waxqabadka Hay’adda Nabad Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka

Date:

Munaasbada ballaaran oo lagu xusayay sanad guuradii 48-aad ee ka soo wareegatay aas aaskii Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Somaaliyeed ayaa xalay ka dhacday Muqdisho,waxaana ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Shekh Cusmaan Jawaari,Ra’iisul Wasare Xasan Cali Khayre,Wasiiro xildhiobaano,saraakiil iyo marti sharaf kale.

Guddoomiye Jawaari ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray mas’uuliyiinta iyo ciidamada Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed,isagoo ku ammaanay waxqabadkooda,islamarkaana xusay in ay tahay hay’ada muhiimad gaar ah u leh dalka.

“Waxaan Hambalyo Leeyahay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka Soomaaliyeed NISA oo u dabaal dagaya Xuska Sanadguuraddii 48aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay sanadkii 1970, Howsha adage e qaranka aad u heysaan Alle ha idinla garab galo” ayuu yiri guddoomiye Jawaari.

Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaah SHacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa Hambalyo u diray Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida qaranka Soomaaliyeed ee NISA oo u dabaal dageysa Xuska Sanadguuraddii 48aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Hay’addaasi oo ku beegan Sanadkii 1970-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa oo hadal k ajeediyay munaasabadda ayaa ammaanay dowrka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

“Xukuumadda Soomaaliya waxay xoojinaysaa 2018 howlaha muhiimka ah oo ay haysay Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka,oo miisaaniyadda loogu daray qarash lagu xoojinayo Sirdoonka”,ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kahyre.

Mas’uuliyiinta kale oo u hambalyeyeysay Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka waxaa kamid ah Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale,Wasiir kuxigeenka C/naasir Siciid,Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka S/Gaas C/weli Jaamaca Xuseen(Gorod) iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Col. Maxamed Aadan Koofi kuwaasi oo dhamaantooda ammaanay waxqabadka iyo kaalinta ay dalka ku leedahay Hay’adda Nabad Sugidda iyo SIrdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida qaranka Soomaaliyeed ee NISA, ayaa kamid ah Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliyeed, waxaana lagu xasuustaa in ay ku guuleysatay soo afjarida dhacdooyin dhowr ah oo lagu dabar goynayo Maleeshiyada Kooxda Alshabaab ee laga itaalka roonaaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a special Iftar...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afur sharafeed u...

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...