Hogaamiyeyaasha Masar iyo Eretereeya oo isla eegay arimaha Gobolka xilli ay sii kordhayso mushkiladda webiga Nile.

Date:

Mogadishu, (SNTV)—Madaxweynaha Dalka Masar iyo dhiggiisa Eritrea ayaa ku kulmay magaalada Qaahira maalintii isniintii iyagoo ka wadahadlay xiisadda circa iskusii shareeraysa ee udhaxeysa dalalka Suudaan iyo Itoobiya oo kuwajahan muranka soohdinta iyo dhismaha darbiga webiga Nile.

Masar ayaa cabsi ka qabta in haddii dhaqso loo soo afjaro howsha dhismaha darbiga ee dhinaca Itoobiya ay goosan doonto qayb kamid ah webiga Nile halkaasi oo inta badan ay ka yimaadaan biyaha nadiifka ah ee webiga.

Eritrea iyo Itoobiya ayaa si ba’an isaga soo horjeeday iyagoo dabayaaqadii 1990-naadkii ku dagaalamay muran dhinaca biyo xireenka webiga.

Itoobiya ayaa iska fogeeysay eedeeymo loo soo jeediyay oo ku saabsan in ay damacsan tahay in ay goosato qaybta webiga oo ay leedahay Masar. Waxaana ay ku eedeeysaa Eritrea tababarka jabhadda si ay u fuliyaan weeraro ka dhan ah darbiga.

Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah el-Sissi ayaa ku martisooray dhiggiisa madaxweynaha Isaias Afwerki qasriga madaxtooyada.“labada dhinaca ayaa ku heshiiyay iskaashiga ballaaran ee dhammaan arimihii ay ka wada hadleen oo ku aadan xaaladaha taagan kuwaasi oo ay ka mid yihiin taageerada amniga iyo xasiloonida gobolka, ” Bassam Radi oo ah Afhayeen u hadlay Madaxweynaha Masar ayaa sheegay iyadoo loo eegaayo geeska Afrika iyo marin biyoodka Bab al-Mandab ee mara Badda Casa in ay yihiin labada meelood ee u baahan in xaaladahooda dhinaca amniga la xaqiijiyo.

Waxaa sii xumaanaya cilaaqaadka Masar ay la wadaagto Suudaan, kaasi oo taageero lagu amaahiyay Suudaan iyo muran Itoobiya ee webiga Nile siiyay ayaa haa mid sii xumaanayay.

Suudaan ayaa todobaadkii hore u yeeratay danjiraheeda si ay ugala tashato arimahan, waxaana ay sheegtay in heshiiskii 2016-kii ee xadeeynta biyaha webiga oo dhaxmaray Masar iyo Sucuudiga Carabiya uu ku xad-gudbayo xuquuqda biyaha caalamiga ah “(infringes on its territorial waters)”.

Biyaha ay su’aasha ka taagan tahay ayaa ah kuwa ka baxsan xeebta ee soohdinta gobolka ay dowladda Masar haysato kaasi oo ay sheeganayso dowldada Suudaan.

Warbaahainta ku hadasha afka dowladda Masar ayaa ku eedeeysay Suudaan in ay maleegayso Shirqool ka dhan ah Qaahira.

Itoobiya ayaa sheegtay in xiritaanka biyaha oo ay ku kacayso adduun dhan $5 billion uu muhiim u yahay horumarka dhaqaalaha, iyadoo ay ugu badnaan tirade dadka 95-ka milyan gaaraya ay la’yihiin Koronto.

Darbiga biyaha Nile laga dhex dhisayo ayaa waxaa uu dhalin karaa dab gaarsiisan in ka badan 6,400 megawatts oo Koronto ah, kaasi oo ah mid kor loogu qaadaayo koboca hadda la damcsan yahay ee dhinaca awoodda wax soosaarka ballaaran ee korontada kaasi oo dhan 4,000 megawatts.

Dowladda Masar oo leh dad tiradoodu aysan ka yareeyn tirade dadka Itoobiya, ayaa noloshoodu waxa ay ku xiran tahay qaybta ay kuleeyihiin biyaha webiga, waxaana jiray heshiisyo dhexmaray labada wadan sanadihii 1929-kii iyo 1959-kii heshiiskaasi oo aysan wadamada kale ee webigan uu maro ay sheegayaan inuu ahaa mid ka fog cadaaladda islamarkaana layska indho tiraybaahiyaha ay webiga u qabaan qaybaha bulshooyinka soo koraya ee wadamada kale.

Waxaa Tarjumay diyaariyay: Hamdi//M.ednur Mucalim

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...