Warka Caalamka 11.01.2018,,,,,,,,Hal qof ayaa ku dhintay boqolaal kalena waa loo xiray dibadbaxyada ka soconaya Tuunisiya,,,,,

Date:

Ra’iisul Wasaaraha waddanka Tuuniisiya, Yuusuf Shaahid, ayaa waxa uu cambaareeyay dibadbaxyada loogaga soo horjeedo barnaamijka gunti isku giijiska, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay saameeyay ku dhawaad 20 magaalo oo waddankaasi ku yaal.

Waxa uu dibadbaxyada ku tilmaamay kuwo qalalaase salka ku haya oo aanan la aqbali karin, waxa uu sheegay in kuwo qaswadayaal ah ay isku dayayaan inay curyaamiyaan qaranka.

Magaalada caasimadda ah ee Tuunis iyo magaalada u dhaw ee Dhabirbah halkaas oo Isniintii uu ku dhintay qof dibadbax sameynayay, ayaa waxa ay dibadbaxyo ka dhacayeen habeenkii saddexaad oo xiriir ah booliskuna waxa ay dadkaasi la dhaceen sunta dadka kaga ilmaysiisa.

Dadka dibadbaxaya ayaa dalbanaya in lasoo afjaro gunti-giijiska dhaqaale

Dibadbaxyada cusub ee habeenkii la qabtay ayaa ka dhacay oo kaliya magaalooyinka Tuunis iyo Dhabirbah hasayeeshee magaalooyin kale ayaa waxa ay dadku gubeen taayiro sidoo kalana waxa ay tuurayeen bambooyin batrool laga sameeyay.

Mas’uuliyiinta waddankaasi ayaa sheegaya in tobannaan ka tirsan ciidammada booliska shalay la dhaawacay, halka ku dhawaad 200 oo qof oo dibadbaxayayna la xiray.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dibadbaxayaasha ku eedeeyay inay isticmaalayaan carruur si ay wax u xadaan oo ay u boobaan.

Dhanka kale Riim Maxjuub oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka waddankaasi ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dadka dibadbaxaya ay mudaharaadyada sharciga ah u isticmaalayaan inay ku gaystaan falal dambiyeed.

Iyadoo ay sii kordhayso carada dadweynaha ayaa waxaa la qorsheynayaa in Jimcaha la qabto isu soo baxyo ballaaran oo loogaga soo horjeedo barnaamijka gunti isku giijiska.

Tuuniisiya ayaa udub dhexaad u aheyd dibadbaxyadii ku caan baxay Gu’gii Carabta kuwaas oo todoba sanno ka hor halkaasi ka bilowday, waana dalka kaliya ee guul dimuqraadiyadeed gaaray dibadbaxyada kaddib, hasayeeshee dhibaatooyinka dhaqaale gaar ahaan sare u kaca qiimaha nolosha iyo kororka canshuuraha ayaa ah kuwo Saro U kacey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...