Home Blog Page 1379

Wakiilka Q.M ee Soomaaliya oo xusay in Soomaaliya ay cagta saartay dhabadii horumarka

0

Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxa uu kulan kula qaatay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cade wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michal Keating.

Kulanka ayaa looga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin Fadaraaliisamka Soomaaliya, heshiiskii dhexmaray 05 November 2017 Dawladda Federelka Soomaaliya iyo dawladdaha xubnaha ka ah, amniga Qaranka Soomaaliya, isku dhafka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo horumarinta nidaamka xisbiyada badan ee dawladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horeyn sheegay in heshiiskii dhexmaray Madaxda Qaranka Soomaaliyeed uu ahaa mid guul, wadajir iyo midnimo ku soo dhammaaday, isla markaana tilmaamay in DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ahiba ay ku heshiiyeen sidii shacabka Soomaaliyeed ay umidayn lahaayeen uguna horseedi lahaayeen in la helo Soomaali oo mida oo ka midaysan xoraynta dalkooda hooyo iyo horumarka dalkaba.

Sidoo kale Mudane Cabdiweli Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in qodobadii laga guul gaaray ay kamid ahaayeen siyaasadda, amniga, fadaralisamka, dastuurka iyo gulluf colaadeed ee loodhan yahay kaas oo dalka lagaga xoraynaayo argagixisada Al-shabaab,

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa tilmaamay in isku dhafka ciidamada Qaranka Soomaliyeed loo-saaray guddi gaar ah, gudigaas oo dhowaan soo dhamaystiri doona qorshaha isku dhafka ciidamada, kuwaas oo Soomaaliya ka xorayn doona cadawga arxan darada ah ee kooxaha Al-shabaab.

Danjire Michal Keating ayaa dhankiisa Madaxda Qaranka Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyaba ku amaanay uguna hambalyeeyey hishiiska Qaran ee ay ka yeesheen arrimahooda Qaran ee u baahnaa wada tashiga, isla markaana waxa uu xusay in Soomaaliya idilkeed cagta saartay dhabadii horumarka, wada jirka, midnimada iyo iskutashiga iyagoon cidna ka dhawraynin tageero iyo gacan qabashoba.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dawladdoodaba u rajeeyey midnimo, wadajir, nabad, xasilooni iyo horumar ay ku naaloodaan.

Shir ku saabsan Tamarta Dalka oo laga soo saaray qodobo muhiim ah

0

Muqdisho (SONNA), Shirka Horumarinta Tamarta dalka oo ee u dhexeeyay dowladda Soomaaliya, ganacsato iyo deeqbixiyeyaasha caalamka oo labo cisho ka socday magaalada Muqdisho, ayaa gunaanadkiisa waxaa la isku afgartay dhowr qodob oo ay ugu muhiimsan yihiin, kuwaasi oo kala ah  in la helo siyaasad iyo sharci jaangooynaya horumarka, in la helo shirkadihii fulin lahaa howshaas, in la helo maalgelin gudaha iyo dibadda ah iyo qorshe gundhig u ah horumarinta Tamarta.

Cabdiqaadir Rafiq, Madaxa mashruuca deegaanka iyo Tamarta ee hey’adda UNDP waxaa uu warbahinta qaranka u sheegay in mashruucan uu wax badan u tari doono shacabka Soomaaliyeed, ayna ku faraxsanyihiin qodobada muhiimka ah ee ka soo baxay shirkooda.

Wasiirada iyo xubnaha kale ee matalayay maamul goboleedyada dalka ayaa si wada jir ah u tilmaamay in qodobada ka soo baxay shirka ay dhamaantood yihiin kuwa loo baahnaa, ayna diyaar u yihiin dhankooda inay dhaqan geliyaan.

Sidoo kale, ganacsatada ayaa shirkan qeyb ka ahaa waxayna dhankooda sheegeen in ay soo dhaweynayaan qorshaha lagu horumarinayo Tamarta wadanka.

Hanaanka dhalinta Tamarta wadanka ayaa ah mid matoor loo adeegsado ka sokow in qiimo ahaan sareeyana waxaa uu leeyahay saameyn kale.

Mashruucan oo ay maalgelinayaan hey’adaha iyo dalalka Soomaaliya taageera ayaa loo qorsheeyay in uu socdo shanta sano ee soo aadan, horumarinta Tamarta dalka ayaana ka mid ah waxyaabihii looga hadlay shirkii London ee bishii May la qabtay.

 

Wakiilka Q.M ee Soomaaliya oo xusay in Soomaaliya ay cagta saartay waddadii horumarka

0

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta waxa uu kulan kula qaatay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cade wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michal Keating.

Kulanka, ayaa looga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin Fadaraaliisamka Soomaaliya, heshiiskii dhexmaray 05 November 2017 Dawladda Federelka Soomaaliya iyo dawladdaha xubnaha ka ah, amniga Qaranka Soomaaliya, isku dhafka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo horumarinta nidaamka xisbiyada badan ee dawladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland, ayaa ugu horeyn sheegay in heshiiskii dhexmaray Madaxda Qaranka Soomaaliyeed uu ahaa mid guul, wadajir iyo midnimo ku soo dhammaaday, isla markaana tilmaamay in DFS iyo dowladdaha xubnaha ka ahiba ay ku heshiiyeen sidii shacabka Soomaaliyeed ay umidayn lahaayeen uguna horseedi lahaayeen in la helo Soomaali oo mida oo ka midaysan xoraynta dalkooda hooyo iyo horumarka dalkaba.

Sidoo kale Mudane Cabdiweli Gaas, ayaa hoosta ka xariiqay in qodobadii laga guul gaaray ay kamid ahaayeen siyaasadda, amniga, fadaralisamka, dastuurka iyo gulluf colaadeed ee loodhan yahay kaas oo dalka lagaga xoraynaayo argagixisada Al-shabaab.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, ayaa tilmaamay in isku dhafka ciidamada Qaranka Soomaliyeed loo-saaray guddi gaar ah, gudigaas oo dhowaan soo dhamaystiri doona qorshaha isku dhafka ciidamada, kuwaas oo Soomaaliya ka xorayn doona cadawga arxan darada ah ee kooxaha Al-shabaab.

Danjire Michal Keating ayaa dhankiisa Madaxda Qaranka Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyaba ku amaanay uguna hambalyeeyey hishiiska Qaran ee ay ka yeesheen arrimahooda Qaran ee u baahnaa wada tashiga, isla markaana waxa uu xusay in Soomaaliya idilkeed cagta saartay dhabadii horumarka, wada jirka, midnimada iyo iskutashiga iyagoon cidna ka dhawraynin tageero iyo gacan qabashoba.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dawladdoodaba u rajeeyey midnimo, wadajir, nabad, xasilooni iyo horumar ay ku naaloodaan.

 

Ra’iisul wasaare ku xiggeenka XFS oo Magaaladda Sharma-sheekh kula kulmay R/wasaaraha Masar “Sawirro”

0

Muqdisho (SONNA), Raiisul wasaare ku xiggeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa Magaaladda Sharma-sheekh kula kulmay Raiisul Wasaaraha Dalka Masar Sherif Ismail Mohamed.

Labada masuul, ayaa waxay ka wada hadleen Arrimaha Amniga, beeraha, kalluumaysiga, caafimaadka iyo Waxbarashada.

Ra’iisul Wasaaraha Masar, ayaa ballan qaaday inay dawladdiisu ka caawin doonto Soomaaliya dhammaan arrimahaas ay ka wada hadleen, isagoo sheegay inay mar walba ay barbar istaagayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku xiggeenka Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader), ayaa horay ula kulmay Madaxweynaha Dowladda Masar, waxayna ay ka wada hadleyn dhinacyo badan oo arrimaha amaanka ay ugu muhiimsaneyd, waxaana R/wasaare ku xiggeenka Soomaaliya uu Masar kaga qeyb galayaa shirka dhalinyaradda adduunka oo halkaasi lagu qabanayo.

 

 

Dowladda Masar oo deeq waxbarasho u fidisay Soomaaliya.

0

Al-Qaahira (SONNA)- Guddoomiyaha Jaamacadda Banha ee dalka Masar Dr. Yusuf Al-qadi  ayaa shaaca ka qaaday inay Jaamacadiisu 5 deeq waxbarasho oo lacag la’aan u fidisay Jaamacadda Ummadda ee Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banha ee dalka Masar Dr. Al-Qaadi oo la hadlayay Jaridka, ayaa sheegay  in qaraarkaasi ay gaartay Jaamacadiisa  uu yahay mid astaan u ah heerka uu gaarsiisan yahay cilqaadka iyo xiriirka Taariikhiga ah ee Masar iyo Somalia oo qarniyo soo jiray iyo qadarin loogu muujinayo shacabka Soomaaliyeed isbarbartaga iyo saaxibtinimada ay u muujiyeen Masar.

Deeqdan waxbarasho oo ay Masar u fidisay Somalia,  ayaa ah marxaladda waxbarashada Sare ee Jaamacada Banha oo ka mid ah Jaamacadaha ugu tayo waanaagsan Xagga waxbarashada Tacliinta sare ee dalkaasi Masar.

Dhowaan ayey aheyd markii Garoonka diyaaradaha Magaaladda muqdisho ay ka ambabaxeen 76 arday, kuwaas oo deeq waxbarasho ka helay Dalka Masar, waxaana Garoonka ku sagootiyay  masuuliyiin uu horkacayey Ra’isul wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guleed Qadar.

 

Madaxweyne Farmaajo oo ugu Hambalyeeyay Ciidamada Xoogga dalka guulaha ay gaareen

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay ciidamada xoogga dalka ee guulaha ka gaaray dagaalada todobaadyadii ugu dambeeyay ay la galeen Nabad diidka Al shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad uu shalay u jeediyay Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ayuu ku amaanay ciidanka qaranka sida ay ula dagaaleen cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab oo meelo badan laga saaray iyo guulaha ay ka gaareen dagaaladii ay la galeen argagaxisada, isagoona sheegay in dagaalka lagula jiro Argagaxisada lagu guuleysan doono.

“Waxaan rabaa inaan ugu hambalyeeyo ciidankeena aagaga dagaalka ku jira guulaha ay gaareen iyo sida ay ula dagaaleen qolada shabaabka ah ayna uga saareen meelahii ay ku jireen, iyadoo waliba ciidamada ilaa iyo hada dhufeyso ay ku jiraan roobkana uu korkooda ku da’ayo, waxaan aaminsanahay inaan ka guuleysaneyno Al shabaab, qibradeeda waad leedihiin, wadaniyadeeda waad leedihiin oo waad soo aragteen dowlad xoog leh, dowlad wanaagsan oo diyaar u ah inay hormuud u idin noqoto waad heysataan oo anaggaa diyaar idin ah inaan idin horkacno, shacab wanaagsana waad heysataan oo baraarugsan soo jeeda garabna idin siinaya” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Ciidamada xoogga dalka inay ka foogaadaan wax kasta oo dhib u keeni kara shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay si wadajir ah isaga qabtaan cid kasta oo dooneysa inay dalka burburiso, isagoo u balanqaaday ciidamada in la siin doono Bilado iyo waxyaabo kale oo lagu dhiiri galinayo, inta ku dhimatana loo sameyn doono Daljir si loo xasuusto.

 

Madaxweyne Farmaajo oo ugu Hambalyeeyay Ciidamada Xoogga dalka guulaha ay gaareen

0

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay ciidamada xoogga dalka ee guulaha ka gaaray dagaalada todobaadyadii ugu dambeeyay ay la galeen Nabad diidka Al shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad uu shalay u jeediyay Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ayuu ku amaanay ciidanka qaranka sida ay ula dagaaleen cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab oo meelo badan laga saaray iyo guulaha ay ka gaareen dagaaladii ay la galeen argagaxisada, isagoona sheegay in dagaalka lagula jiro Argagaxisada lagu guuleysan doono.

“Waxaan rabaa inaan ugu hambalyeeyo ciidankeena aagaga dagaalka ku jira guulaha ay gaareen iyo sida ay ula dagaaleen qolada shabaabka ah ayna uga saareen meelahii ay ku jireen, iyadoo waliba ciidamada ilaa iyo hada dhufeyso ay ku jiraan roobkana uu korkooda ku da’ayo, waxaan aaminsanahay inaan ka guuleysaneyno Al shabaab, qibradeeda waad leedihiin, wadaniyadeeda waad leedihiin oo waad soo aragteen dowlad xoog leh, dowlad wanaagsan oo diyaar u ah inay hormuud u idin noqoto waad heysataan oo anaggaa diyaar idin ah inaan idin horkacno, shacab wanaagsana waad heysataan oo baraarugsan soo jeeda garabna idin siinaya” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Ciidamada xoogga dalka inay ka foogaadaan wax kasta oo dhib u keeni kara shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay si wadajir ah isaga qabtaan cid kasta oo dooneysa inay dalka burburiso, isagoo u balanqaaday ciidamada in la siin doono Bilado iyo waxyaabo kale oo lagu dhiiri galinayo, inta ku dhimatana loo sameyn doono Daljir si loo xasuusto.

Khuburo arimaha Baasaboorada oo ka socda Midowga Yurub oo muqdisho soo gaaray+Sawirro

0

Muqdisho (SONNA) Khubaro arimaha hubinta dukumentiyada u qaabilsan dalka Norwey ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho si ay u arkaan habka qaadashada Baasaboorka Soomaaliya.

Imaanshaha wafdiga khubarada ah ayaa ka dambeysay ka dib safaro uu agaasimaha guud ee HSJ ku tagay dalalka reer yurub oo uu kala hadlay in ay aqoonsadaan kuna kalsoonaadaan Basaboorka Soomaaliya. Ujeedada ayaa ah in shakiga iyo kalsooni darada laga saaro dalalka hore u joojiyey in dalalkooda lagu soo galo baasaboorka Soomaaliga ah.

Wafdiga Khubarada ah oo ay wehlinayeen masuulyiin ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa la geeyay xarunta baarista dambiyada ee booliiska ( C I D ) si ay u arkaan habka loo baaro qofka Soomaliga ee raba in uu qaato Basaboorka Soomaaliga, waxayna xarunta C I D kula kulmeen  taliyaha laanta Danbi baarista booliiska Jenaral Saciid Cali Kadiye.

Sido kale khubarada ayaa waxaa la geeyay xarunta Dad dhigista ee Gobolka Banaadir waxaana la soo tusay hab-ka loo maro qaadashada Dhalashada iyo Sugnaanta.

Ugu dambeyn khubarada ayaa soo gaaray xarunta dhexe ee bixinta Baasaboorka Muqdisho waxayna mid mid u tageen xafiisyada Hay’adda si ay u arkaan habka bixinta Baasaboorka.

Agaasimaha guud ee HSJ Col. Koofi ayaa casho sharaf u sameeyay wafdiga khubarada marka ay soo dhameysteen howlihii ay Soomaliya u yimaadeen, waxaana wafdiga ay agaasimaha guud u sheegeen in hormar weyn uu ka muuqdo dhamaan xafiisyada loo maro qaadashada Baaaboorka isla markaana ay Soomaliya ugu horeyso wadamo badan oo afrika ah oo ay horay u tageen.

R/wasaare Xasan Cali” waa guulaystay Qaranka Soomaaliyeed

0

R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre oo Xalay ka qeyb galay Munaasabad lagu qabtay Xaruunta Dowlada Hoose ee Xamar oo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ku wareejinayay lacag laga soo Ururiyay Deegaanada Puntland ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay sameeyeen Gurmad qaranka oo lagu Caawinaayay Muwadiniintii Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasooo gaartay Qaraxii 14 Octobar ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Mudane Xasan Cali R/wasaaraha XFS ayaa kaga mahad celiyay dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan in ay door-wayn ka qaateen Caawinta iyo garab istaaga dadkii dhibaatadu kasoo gaartay Musiibadii qaran ee 14 Octobar ka dhacday Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho gaar ahaan isgoyska Ex Soobe.

R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre XFS ayaa tilmaamay in ay dhacdadaasi ay ahayd mid dhamaan midaysay bulshada Soomaaliyeed oo kaashanaaya Dowladdooda ayna tustay in ay hal meel kaga soo wadajeestaan Gumaadka maleeshiyada nabad iyo nolal diidka ah ee Al shabaaab ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Hasa-yeeshee taas laga qaatay go’aan midaysan oo ku aadan la dagaalanka nabad iyo nolal diidka ee Al shabaab ayna ka dhigan tahay in uu guulaystay Qaranka Soomaaliyeed maadama ay fahmeen gumaadka ay wadaan Al shabaab “ayuu yiri” Mudane Xasan Cali R/wasaaraha XFS.

R/wasaare Xasan Cali” waa guulaystay Qaranka Soomaaliyeed

0

Muqdisho (SONNA) R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo Xalay ka qeyb galay Munaasabad lagu qabtay Xarunta Dowlada Hoose ee Xamar oo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ku wareejinayay lacag laga soo Ururiyay Deegaanada Puntland ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay sameeyeen Gurmad qaran oo lagu Caawinaayay Muwadiniintii Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasooo gaartay Qaraxii 14 Octobar ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Mudane Xasan Cali R/wasaaraha XFS ayaa kaga mahad celiyay dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan in ay door-wayn ka qaateen Caawinta iyo garab istaaga dadkii dhibaatadu kasoo gaartay Musiibadii qaran ee 14 Octobar ka dhacday Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho gaar ahaan isgoyska Ex Soobe.

R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre XFS ayaa tilmaamay in ay dhacdadaasi ay ahayd mid dhamaan midaysay bulshada Soomaaliyeed oo kaashanaaya Dowladdooda ayna tustay in ay hal meel kaga soo wadajeestaan Gumaadka maleeshiyada nabad iyo nolal diidka ah ee Al shabaaab ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Midnimada Dowlada iyo shacabkeeda waxaa ka dhashay go’aan wadajir ah oo ku aadan la dagaalanka nabad iyo nolal diidka ee Al shabaab ayna ka dhigan tahay in uu guulaystay Qaranka Soomaaliyeed maadama ay shacabka fahmeen gumaadka ay wadaan Al shabaab “ayuu yiri” Mudane Xasan Cali R/wasaaraha XFS.