Guddoomiyaha Gobalka benaadir oo shacabka muqdisho ka dalbadey in ay la shaqeeyaan maamulkiisa.

Date:

Munaabasad si heer sare loo soo agaasimey oo lagu soo dhaweynayey Guddoomiyaha cusub ee gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa xalay lagu qabtay Beerta Nabadda, waxana ka soo qeyb galay, Wasiirro, Xildhibaano, Saraakiil, siyaasiyiin caan ah iyo qeybaha bulshada.

Munaasabadda ayaa waxaa heeso wadani ah ka qaaday fanaaniinta qaranka, Abwaano ka tiriyey gabayo iyo geeraaro kala duwan, iyo majaajilaystayaal ku cabirayey suugaantooda marxalada uu dalku marayo iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in ummadda Soomaaliyeed ay gacmaha is qabsadaan, gaar ahaan dadka  Muqdisho.

Furitaanka Munaasabadda waxaa hadal isugu jiray guubaabo iyo soo dhaweyn ka jeediyey Guddoomiyihii hore ee gobolka Benaadir Mudane Maxamuud Axmednuur Tarsan, waxuuna ka codsaday shacabka ku dhaqan Caasimadda in lala shaqeeyo maamulka cusub, isagoo ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay Muqdisho iyo horumarinta adeegyada danta guud, sida dhismaha jidadka, jardiimooyinka iyo gaarsiinta maamul hufan degmooyinka gobolka Benaadir.

Ugu danbayntii Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho  oo soo xiray munaasabadda ayaa ka mahadceliyey soodhaweynta loo sameeyay. Waxuna ku baaqay midnimo iyo wadajir lagu gaarayo danta guud iyo in magaalada Muqdisho oo ah astaanta midnimada qaranka Soomaaliyeed loo baahan yahay in tartan ay la gasho caasimadaha kale ee caalamka, taasina ay tahay waxa kaliyee lagu gaari karo in dadka degan ay la shaqeeyaan maamulkooda, isla markaana ay bixiyaan canshuurta oo qeybta ugu weyn ka qaadan karta dhismaha iyo bilic-soo celinta, maamulkiisuna si dhow uga shaqeynayo baahida gobolka Benaadir.

Eng. Yarisow ayaa soo hadal qaaday dhulalka danta guud, waxuuna hoosta ka xariiqay in wax walba oo dan guud ah aan loo adeegsan doonin dano gaar ah, isla markaana arrimaha dhulalka loo magacaabi doono guddi si gaar ah  uga shaqeeya. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay barakacayaasha ku nool magaalada sidii xal loogu heli lahaa, tani oo qeyb ka ah qorshaha waqtiga dhow ee maamulka cusub.

Dhanka kale,Guddoomiye Yariisow ayaa ka Mahad celiyay Xaflad soo dhoweyn ah oo loogu sameeyay magaalada London ee dalka Ingiriiska,kaasoo oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliaydda Soomaaliyeed ee magaalada London.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale u Mahad celiyay Fanaaniinta qeybta weyn ka qaatay Xaflada gaar ahaan Fanaanada Ikraan Caraale oo si weyn Xaflada kaga muuqatay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan...