Home Blog Page 1380

Madaxweyne Trump oo hanjabaad hor leh u diray Kuuriyadda Waqooyi

0

Mareykanka(SONNA) Mr Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka  oo khudbad ka jeediyay baarlamaanka dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa ugu baaqay hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi in uu ka laabto hammigiisa ah inuu sameysto gantaalada iyo hubka Nuclear.

Madaxweyne Trump ayaa ammaan u jeediyay Kuuriyada Koonfureed, waxaana uu ku bogaadiyay horumarka iyo sida ay dalkaasi uu uga duwanyahay waxa uu ugu yeeray dal xabsi ah oo uu ula jeedo Kuuriyada Waqooyi,wuxuuna intaasi kudaray in ay tahay in wado sax ah lagu hogaamiyo Kuuriyada Waqooyi.

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa madaxweynaha xukuumadda Pyonyang Kim Jong Un uga digay in hubka uu horumarinayo uu khatar u kenayo dalkiisa, waxaan uu intaa ku daray in caalamka uusan marnaba u dulqaadan doonin ficilada dowladda Kuuriyada waqooyi.

Waxaa lagu wadaa Madxaweyne Donald Trump inuu usii gudbo dalka Shiinaha,balse Mr Trump waxaa uu baajiyay Safar uu ku tegi lahaa goob ka caagan milateriga ceriyaamo awgeed.

Madaxweynaha wadanka Mareykanka ayaa socdaal qaadan donna 11 maalmood waxaa uu ku maraya qaar kamid ah wadamada dhaca Qaaradda Asia,isagoo kulamo uu la qaadan doono madax kaladuwan.

Wasiir Eng. Yarisow oo hay’adaha QM ka codsaday inay xoojiyaan doorka dowladnimo ee Soomaaliya

0

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin kooban oo ku aadan horumarka warbaahinta dalka u gudbiyey hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan saraakiishooda warfaafinta u qaabilsan.

Wasiir Eng. Yarisow oo kulan la qaatay saraakiishan Qarmada Midoobey ayaa u sheegay in Soomaalidu ay yihiin dad aad u jecel warbaahinta, loogana baahanyahay inay dadaalkooda warbaahinta uu noqdo mid taageeraya qorsheyaasha dowlada federaalka ee ku aadan horumarinta warbaahinta dalka.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Waxaan idinkaga mahadcelinayaa dadaalkiina ku aadan sidii shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa waxqabadka hay’adaha Qaramada Midoobey iyo horumrka dalka ka jira. Hase yeeshee waxaa loo baahanyahay in dadaalkiina uu noqdo mid waafaqsan qorshaha iyo istraatejiyada warbaahinta dowladda Federaalka Soomaaliya si waxqabadkiina u noqdo mid dhiirigelinay hay’adaha dowliga ah si shacabka Soomaaliyeed u ogaadaan in Dowladooda ay horumar joogta ah sameyneyso.”

Shirkan ayaa ahaa mid labo cisho u socday saraakiisha warfaafinta u qaabilsan dhamman hay’adaha QM ee dalka k howlgala oo ay ku diyaarsanayeen qorshe sanadeedkooda.

Wasiir Yarisow ayaa ku ammaanay hay’adaha QM doorkooda ku aadan inay caalamka u soo jeediyaan sidii Soomaaliya loo nabadeyn lahaa iyo doorkooda adeegyada aasaasiga ah, kana codsaday in dhammaan adeegyada ay fuliyeen loo baahanyahay inay si dhow oo toos ah ugala shaqeeyaan hay’adaha Dowlada Federaalka ah si loo xoojiyo awooda dowlada Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa ugu danbeyntii siiyey warbixin faahfaahsan oo ku aadan horumarka warbaahinta dalka, qorsheyaasha iyo istraatejiyada Wasaarada Warfaafinta ee Dowlada Federaalka, kana codsaday inay si dhow ula shaqeeyaan Wasaarada Warfaafinta oo u xilsaaran horumarinta warbaahinta dalka.
DHAMAAD

R/Wasaare Ku-xigeenka “Waxaan ugu baaqayaa dhalinyarada inay taageeraan horumarka iyo Nabadda, kuna gacan seyraan afkaarta xambaarsan xagjirnimada”

0

Masar(SONNA) Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ka qeyb galay shirka Dhalinyarada adduunka, ayaa magaalada Sharm al-Sheikh ee dalka Masar uga qeyb galay dhowr doodood oo lagu falan-qeynayey caqabadaha haysta dhalinyarada adduunka iyo sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa fikradaha xagjirnimada ah.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday dhibaatada dhanka xagjirnimada ah ee haysta dhalinta Soomaaliyeed. Waxuuna ka mahadceliyey dadaalka la geliyey sidii xal loogu heli lahaa aafada xagjirnimada iyo muhiimadda ay leedahay abuurista fursado shaqo oo dhalinyarada la siiyo.

“Shirkani wuxuu muujinayaa in dhallinyaradu ay awood u leeyihiin inay billaabaan isbaddal waxtar leh. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhalinyarada Adduunka, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed inay taageeraan horumarka iyo Nabadda, kuna gacan seyraan afkaarta xambaarsan xagjirnimada”. Ayuu ku yiri R/Wasaare ku xigeenka dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa u xaqiijiyay dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka go’an tahay dawladda taageerista dhallinyarada. “Waxaan diyaar u nahay caawinta dhallinyarada annagoo siineyna waxbarasho wanaagsan iyo fursado shaqo oo uga maarmaan kooxaha Argagixisada. Waxaan ayaga ugu baaqayaa inay taageeraan nabadda iyo isku soo dhaweynta bulshada” ayuu yiri.

Shirka Dhallinyarada Adduunka oo ujeedkiisu yahay helitaanka nabadda, barwaaqada, isdhexgalka iyo horumarka adduunka oo dhan ayaa la qabtaa sanadkiiba mar, waxana sanadkan ka qeyb galaya 3,200 qof oo ka kala socda 113 waddan oo ay weheliyaan Madaxweynaha Masar, Madaxweynaha Chad, Ra’iisul Wasaaraha Equatorial Gunnie iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.

Madaxweyne Trump oo hanjabaad hor leh u diray Kuuriyadda Waqooyi

0

Mr Donald Trump Madaxweynaha Mareykanka  oo khudbad ka jeediyay baarlamaanka dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa ugu baaqay hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi in uu ka laabto hammigiisa ah inuu sameysto gantaalada iyo hubka Nuclear.

Madaxweyne Trump ayaa ammaan u jeediyay Kuuriyada Koonfureed, waxaana uu ku bogaadiyay horumarka iyo sida ay dalkaasi uu uga duwanyahay waxa uu ugu yeeray dal xabsi ah oo uu ula jeedo Kuuriyada Waqooyi,wuxuuna intaasi kudaray in ay tahay in wado sax ah lagu hogaamiyo Kuuriyada Waqooyi.

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa madaxweynaha xukuumadda Pyonyang Kim Jong Un uga digay in hubka uu horumarinayo uu khatar u kenayo dalkiisa, waxaan uu intaa ku daray in caalamka uusan marnaba u dulqaadan doonin ficilada dowladda Kuuriyada waqooyi.

Waxaa lagu wadaa Madxaweyne Donald Trump inuu usii gudbo dalka Shiinaha,balse Mr Trump waxaa uu baajiyay Safar uu ku tegi lahaa goob ka caagan milateriga ceriyaamo awgeed.

Madaxweynaha wadanka Mareykanka ayaa socdaal qaadan donna 11 maalmood waxaa uu ku maraya qaar kamid ah wadamada dhaca Qaaradda Asia,isagoo kulamo uu la qaadan doono madax kaladuwan.

Wasiir Eng. Yarisow oo hay’adaha QM ka codsaday inay xoojiyaan doorka dowladnimo ee Soomaaliya 

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin kooban oo ku aadan horumarka warbaahinta dalka u gudbiyey hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan saraakiishooda warfaafinta u qaabilsan.

Wasiir Eng. Yarisow oo kulan la qaatay saraakiishan Qarmada Midoobey ayaa u sheegay in Soomaalidu ay yihiin dad aad u jecel warbaahinta, loogana baahanyahay inay dadaalkooda warbaahinta uu noqdo mid taageeraya qorsheyaasha dowlada federaalka ee ku aadan horumarinta warbaahinta dalka.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Waxaan idinkaga mahadcelinayaa dadaalkiina ku aadan sidii shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa waxqabadka hay’adaha Qaramada Midoobey iyo horumrka dalka ka jira. Hase yeeshee waxaa loo baahanyahay in dadaalkiina uu noqdo mid waafaqsan qorshaha iyo istraatejiyada warbaahinta dowladda Federaalka Soomaaliya si waxqabadkiina u noqdo mid dhiirigelinay hay’adaha dowliga ah si shacabka Soomaaliyeed u ogaadaan in Dowladooda ay horumar joogta ah sameyneyso.”

Shirkan ayaa ahaa mid labo cisho u socday saraakiisha warfaafinta u qaabilsan dhamman hay’adaha QM ee dalka k howlgala oo ay ku diyaarsanayeen qorshe sanadeedkooda. Wasiir Yarisow ayaa ku ammaanay hay’adaha QM doorkooda ku aadan inay caalamka u soo jeediyaan sidii Soomaaliya loo nabadeyn lahaa iyo doorkooda adeegyada aasaasiga ah, kana codsaday in dhammaan adeegyada ay fuliyeen loo baahanyahay inay si dhow oo toos ah ugala shaqeeyaan hay’adaha Dowlada Federaalka ah si loo xoojiyo awooda dowlada Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa ugu danbeyntii siiyey warbixin faahfaahsan oo ku aadan horumarka warbaahinta dalka, qorsheyaasha iyo istraatejiyada Wasaarada Warfaafinta ee Dowlada Federaalka, kana codsaday inay si dhow ula shaqeeyaan Wasaarada Warfaafinta oo u xilsaaran horumarinta warbaahinta dalka.

Ra’isulwasaare Ku Xigeenka Soomaaliya oo Masar Uga Qeybgalay Shirka Dhalinyarada Aduunka

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ka qeyb galay shirka Dhalinyarada adduunka, ayaa maanta magaalada Sharm al-Sheikh ee dalka Masar uga qeyb galay dhowr doodood oo lagu falan-qeynayey caqabadaha haysta dhalinyarada adduunka iyo sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa fikradaha xagjirnimada ah.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday dhibaatada dhanka xagjirnimada ah ee haysta dhalinta Soomaaliyeed. Waxuuna ka mahadceliyey dadaalka la geliyey sidii xal loogu heli lahaa aafada xagjirnimada iyo muhiimadda ay leedahay abuurista fursado shaqo oo dhalinyarada la siiyo.

“Shirkani wuxuu muujinayaa in dhallinyaradu ay awood u leeyihiin inay billaabaan isbaddal waxtar leh. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhalinyarada Adduunka, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed inay taageeraan horumarka iyo Nabadda, kuna gacan seyraan afkaarta xambaarsan xagjirnimada”. Ayuu ku yiri R/Wasaare ku xigeenka dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa u xaqiijiyay dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka go’an tahay dawladda taageerista dhallinyarada. “Waxaan diyaar u nahay caawinta dhallinyarada annagoo siineyna waxbarasho wanaagsan iyo fursado shaqo oo uga maarmaan kooxaha Argagixisada. Waxaan ayaga ugu baaqayaa inay taageeraan nabadda iyo isku soo dhaweynta bulshada” ayuu yiri.

Shirka Dhallinyarada Adduunka oo ujeedkiisu yahay helitaanka nabadda, barwaaqada, isdhexgalka iyo horumarka adduunka oo dhan ayaa la qabtaa sanadkiiba mar, waxana sanadkan ka qeyb galaya 3,200 qof oo ka kala socda 113 waddan oo ay weheliyaan Madaxweynaha Masar, Madaxweynaha Chad, Ra’iisul Wasaaraha Equatorial Gunnie iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.

Wafdigii guddoomiye Jawaari ka qeybgalay furitaanka kalfadhigii 4aad ee baarlamaanka Jubbaland

0

Kismaayo(SONNA) Furitaanka Kalfadhiga afaraad fadhigiisa koowaad ee xildhibaanada Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubaland oo maanta ka furmay Xarunta golaha shacabka dowlad goboleedka jubaland ee Magaaladda Kismaayo ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ,madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland kuxigeenada Aqalka sare ,guddoonka golaha shacabka ee jubbaland iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed C/raxmaan oo ugu horeyn ka hadlay ayaa sheegay ln fadhiyadii hore ee golaha shacabka jubbaland ay wax badan u qabsoomeen isagoo soo dhaweeyey imaatinka wafdiga guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Abshir Bukhaari ayaa golaha Wakiilada jubaland ugu hambalyeeyay furitaanka kalfadhiga afaraad ee golaha shacabka jubaland.

Madaxweyanah Dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaaa u mahad celiyay wafdiga Baarlamaanka Soomaaliya ee ka qeyb galay furitaanka fadhiga Golaha shacabka dowlad goboleedka jubaland,wuxuuna muujiyay ah,iyadda ay leedahay in la wada shaqeeyo.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Soomaaliya oo u mahad celiyay shacabka iyo dowlad goboleedka Jubaland ayaa amaanay howlaha golaha shacabka Jubaland ay u hayaan dadka ku nool deegaanada jubaland.

 

Wasiirka Maaliyadda XFS” Waa been abuur in lacago dheeraad ah lagu kordhiyay canshuurta badeedada Dekedda Muqdisho”

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr C/raxmaan Ducaalle Bayle oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa kaga hadlay warar ay bulshada isla dhexmarayaan oo ah canshuur kordhinta gobolka Banaadir.

Wasiir C/raxmaan Beyle ayaa beeniyay in Wasaaradda ay lacag dheeraad ah ku kordhisay Canshuurtii  laga qaadi jiray badeecadaha  laga soo dejiyo Dekedda magaalada Muqdisho.

Wuxuu sidoo kale sheegay  in ay been abuur tahay wararka sheegayo in lacag dheeraad ay Wasaaradda dul saartay Canshuurta laga qaadi jiray ganacsatada wax kala soo degta Dekedda Muqdisho,taasi oo lagu baahiyay warbaahinta iyo baraha bulshada.

Warkan ka soo baxay maanta  Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa meesha ka saaraya wararka la isla dhexmarayay ee ahaa in wasaaraddu ay lacag ku kordhisay canshuurta laga qaado badeecadda Dekedda Muqdisho laga soo dejiyo.


Wafdigii guddoomiye Jawaari ka qeybgalay furitaanka kalfadhigii 4aad ee baarlamaanka Jubbaland

0

Furitaanka Kalfadhiga afaraad fadhigiisa koowaad ee xildhibaanada Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubaland oo maanta ka furmay Xarunta golaha shacabka dowlad goboleedka jubaland ee Magaaladda Kismaayo ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ,madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland kuxigeenada Aqalka sare ,guddoonka golaha shacabka ee jubbaland iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed C/raxmaan oo ugu horeyn ka hadlay ayaa sheegay ln fadhiyadii hore ee golaha shacabka jubbaland ay wax badan u qabsoomeen isagoo soo dhaweeyey imaatinka wafdiga guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Abshir Bukhaari ayaa golaha Wakiilada jubaland ugu hambalyeeyay furitaanka kalfadhiga afaraad ee golaha shacabka jubaland.

Madaxweyanah Dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaaa u mahad celiyay wafdiga Baarlamaanka Soomaaliya ee ka qeyb galay furitaanka fadhiga Golaha shacabka dowlad goboleedka jubaland,wuxuuna muujiyay ah,iyadda ay leedahay in la wada shaqeeyo.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Soomaaliya oo u mahad celiyay shacabka iyo dowlad goboleedka Jubaland ayaa amaanay howlaha golaha shacabka Jubaland ay u hayaan dadka ku nool deegaanada jubaland.

Wasiirka Maaliyadda XFS” Waa been abuur in lacago dheeraad ah lagu kordhiyay canshuurta badeedada Dekedda Muqdisho”

0

Muqdisho(SONNA) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr C/raxmaan Ducaalle Bayle oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa kaga hadlay warar ay bulshada isla dhexmarayaan oo ah canshuur kordhinta gobolka Banaadir.

Wasiir C/raxmaan Beyle ayaa beeniyay in Wasaaradda ay lacag dheeraad ah ku kordhisay Canshuurtii  laga qaadi jiray badeecadaha  laga soo dejiyo Dekedda magaalada Muqdisho.

Wuxuu sidoo kale sheegay  in ay been abuur tahay wararka sheegayo in lacag dheeraad ay Wasaaradda dul saartay Canshuurta laga qaadi jiray ganacsatada wax kala soo degta Dekedda Muqdisho,taasi oo lagu baahiyay warbaahinta iyo baraha bulshada.

Warkan ka soo baxay maanta C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa meesha ka saaraya wararka la isla dhexmarayay ee ahaa in wasaaraddu ay lacag ku kordhisay canshuurta laga qaado badeecadda Dekedda Muqdisho laga soo dejiyo.