Home Blog Page 1377

Guddiyada joogtada ah ee golaha shacabka JFS oo maanta kulan isugu yimid

0

Kulanka 14 aad ee guddiyada joogtada ah golaha shacabka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta waxaa shir guddoomiyay guddoomiyaha golaha shacabka, mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, waxaana goob joog ahaa guddoomiye ku xiggeenka koowaad ee golaha, mudane Cabdi wali Muudey, iyaddoo looga hadlay kulanka maanta dib u eegista qabyo qoraalka xeer hoosaadka golaha shacabka.

kulanka oo xubnaha guddiyadu ay dood ka yeesheen xeerka, ayaa waxaa gaba gabadii la hadlay saxaafada xoghayaha guud ee golaha shacabka mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo sheegay in la isla gartay in qabyo qoraalka xeer hoosaadka golaha shacabka ay xubanaha guddiyadu soo aqristaan,  isla markaana la isku soo laabto maalinta axada ah si talo soo jeedin loo sameeyo.

guddiyadda, ayaa qaadan doona waqti kooban oo ay ku soo akhristaan xeerkaan qabyada ah waxaana aqrinta ka dib la horgeyn doonaa golaha shacabka si loo ansixiyo oo uu u noqdo xeer ay ku shaqeeyaan goluhu.   

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga Hadlay Amniga iyo Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku Xiran qaar kamid ah Dalalka Caalamka

0

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Arrimaha diirada lagu saaray shirkan waxaa ka mid ahaa: arrimaha amniga dalka, maxaabiista Soomaaliyeed ee dalalka caalamka ku xiran, iyo ansixinta siyaasado qaran.

Ugu horreyntii Golaha wasiirradu waxay warbixin la xiriirta ammaanka dalka ka dhegeysteen Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, isagoo wasiirku sheegay in xaaladda ammaanku ay aad u wanaagsan tahay, isla markaana, la qaaday tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga, iyadoo la qabtay kooxo ku howllanaa falal liddi ku ah ammaanka. Wasiirka ayaa xusay in waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda lagu xuray kaamiradaha ammaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku amray Wasaaradda Maaliyadda inay si degdeg ah u bixiso lacag dhan hal malyuun oo doollar oo dawladdu ugu yaboohday dadkii waxyeelladu ka soo gaartay weerarkii argagaxiso ee 14-kii October ka dhacay magaalada Muqdisho.

Golaha Wasiiradda ayaa warbixin la xiriirta xaaladda maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran caalamka ka dhegeystay Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Caddaalada Mudane Yuusuf Garaad Cumar iyo Mudane Xasan Xuseen Xaaji, waxayana sheegeen in dhinaca Soomaaliya dhammeeyeen tallaabooyinka loo baahan yahay si loo meelmariyo heshiis ku saabsan maxaabiista oo ay la galeen dalka Hindia, balse, ay dhiman tahay in dhinaca dalka Hindia uu mariyo heerarka iyo hanaanka dawladnimo si loo fuliyo heshiiskaasi. Sidoo kale, wasiiraddu waxay warbixintooda ku sheegeen inay wada-hadal la fureen dalal kale oo ay ku xiran yihiin maxaabiis Soomaaliyeed, kana mid yihiin Imaaraadka, Tansaaniya, Suudaan, Yuugaandha, Liibiya iyo Cummaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa Golaha Wasiirada warbixin ka siiyey shirkii Madaxda dawladda Federaalka iyo kuwa maamul Gobolleedyada ee ka dhacay Muqdisho, wuxuna tilmaamay in guul iyo is-afgarad uu ku dhammaaday, isagoo dhinaca kale tilmaamay in uu meel wanaagsan marayo dhismaha golayaasha deegaanka iyo dawladaha hoose ee dalka si loo daadajiyo maamulka.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa markii ay dhegeysteen, isla markaana ay ka doodeen meelmariyey siyaasadaha qaran ee dhalinyarada iyo maareynta musiibooyinka, oo ay soo gudbiyeen wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo wasaaradda maaraynta masiibooyinka.Siyaasadahan ayaa wax-badan ka tari doona wax ka qabashada dhibaatooyinka haysta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo aafooyiinka soo noq-noqda ee dalkeena halakeeya.

—DHAMMAAD—-

Guddiyada joogtada ah ee golaha shacabka JFS oo maanta kulan isugu yimid

0

Muqdisho (SONNA) Kulanka 14 aad ee guddiyada joogtada ah golaha shacabka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta waxaa shir guddoomiyay guddoomiyaha golaha shacabka, mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, waxaana goob joog ahaa guddoomiye ku xiggeenka koowaad ee golaha, mudane Cabdi wali Muudey, iyaddoo looga hadlay kulanka maanta dib u eegista qabyo qoraalka xeer hoosaadka golaha shacabka.

kulanka oo xubnaha guddiyadu ay dood ka yeesheen xeerka, ayaa waxaa gaba gabadii la hadlay saxaafada xoghayaha guud ee golaha shacabka mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo sheegay in la isla gartay in qabyo qoraalka xeer hoosaadka golaha shacabka ay xubanaha guddiyadu soo aqristaan,  isla markaana la isku soo laabto maalinta axada ah si talo soo jeedin loo sameeyo.

guddiyadda, ayaa qaadan doona waqti kooban oo ay ku soo akhristaan xeerkaan qabyada ah waxaana aqrinta ka dib la horgeyn doonaa golaha shacabka si loo ansixiyo oo uu u noqdo xeer ay ku shaqeeyaan goluhu.                     

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo sheegay in wax badan laga bedalayo sugida Amniga Muqdisho

0

Muqdisho(SONNA) Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Mukhtaar Xuseen Afrax oo warbaahinta kula hadlayay Xaunta Tabarka Ciidanka Booliska ee General kaahiye ayaa sheegay in sugida amaanka magaalada Muqdisho wax badan laga badalayo.

General Muqtaar Afrax ayaa sheegay in Ciidanka Boolisku la imaanayaan qorshayaal cusub si kor loogu qaado amaanka Magaaladda, Shacabka ayuu ka codsaday inay gacan siiyaan Booliska taasina wax kasta ku hagaagi karaan,.

Wuxuu sheegay in looga baahan yahay Ciidanka Booliska inay kashaqeeyaan isdhexgalka Ciidanka iyo Shacabka oo door muhiim ah ka qaadan karta hagaagsanaanta amniga magaalada.

Dhanka kale, Ku simaha Ciidanka Booliska Soomaaliya General Muqtaar Afrax ayaa sheegay inay sameyn doonaan saanaadiiq ay dadka ku ridayaan figradahooda iyo qaabka hormarinta Amaanka .

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa wada howlgalo lagu sugayo Amaanka Muqdisho iyo sidoo kale qeybo badan oo kamidda Goboladda Dalka .

Ciidamada Ciraaq oo qabsaday magaaladii ugu danbeysay ee gacanta ugu jirtay Daacish

0

Muqdisho(SONNA) Ila wareedyo rasmiya oo laga helayo dalka suuriya ayaa xaqiijiyay in ciidamada suuriyo iyo xulfadoodu si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalada Albu Kamal,oo ah fadhiisinkii ugu dambeeyey  ay haysteen ururka Daacish.

Hay’adda xuquuqul insaanka dalka suuriya ayaa sheegtey in magaaladu wali go’doonsan tahay xaalada nololeedn aad u adag tahay.

Wakaalada wararka suuriya ee ( S AN A ) ayaa qortay in goor sii horeysay gacanta lagu dhigay magaalada Albu Kamal  hadana ay wadaan sidii looga nadiifin lahaa kooxaha Daacish deegaanada ku dhow dhow.

Waxay intaa ku dartey wakaaladu in ciidanka suuriya uu gaadhey xadka uu la wadaago wadanka ciraaq islamarkaana  halkaaasi ku wada kulmeen ciidamada Ciraaq

Magaalada Albu Kamal  waxay dhacdaa xadka suuriya ay la wadaagto Ciraaq deegaanka loo yaqaano Deyri Suur oo Hodan ku ah shidaalka.

Albukamaal waxay ahayd magaaladii ugu dambeysey ee gacanta ugu jirtay ururka Daacish waqtiyadaan ugu dambeeyeyna ay ka dhacayeen dagaalo qadhaadh oo u dhexeeyey ciidamada dalka Suuriyoo gacansiinayaa kuwa isbahaysigu iyo ururka Daacish

Guddomiyaha golaha shacabka oo xafiiskiisa kula kulmay Safiirka midowga Yurub.

0

Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliyeed ayaa maanta xafiiskiisa Muqdisho ku qaabilay safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique  Lorenzo oo ay ka wada hadleen dhowr arrimood oo ku qotoma xaaladaha dalka.

arrimaha ay ka wada hadleen Guddoomiyaha iyo Safiirku waxaa ka mid ah dhameystirka Dastuurka Qaranka iyo sidoo midowga Yurub uu door muuqda uga qaadan lahaa guddomiye jawaari ayaana u sheegay Danjiraha in dowladda Soomaaliya ay dib u egista dastuurka ku saleyn doonto baahida iyo rabitaanka Bulshada Soomaaliyeed.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Yurub ay ka go,antahay in Soomaaliya ay la garab istaagaan taageero dhinacyo badan sida in Qubaro loo soo diro Soomaaliya iyo taageero maaliyadeed intaba si dastuurka loo dhameystiro.

Gudoomiyaha golaha shacabka Mr Jawaari ayaa sidoo kale la kulmay Safiirka dowladda Ingiriiska u Qaabilsan Soomalaiya oo uu kala hadlay sidii dowladda Britain usii kordhi lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya.

Guddiyada joogtada ah ee golaha shacabka oo maanta kulan isugu ymid

0

Kulanka 14 aad ee guddiyada joogtada ah golaha shacabka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa shir gudoomiyay gudoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari waxaana goob joog ahaa gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha mudane Cabdi wali Muudey waxaa looga hadlay kulanka maanta dib u eegista qabyo qoraalka xeer hoosaadka golaha shacabka.

kulanka oo xubnaha guddiyadu ay dood ka yeesheen xeerka ayaa waxaa gaba gabadii la hadlay saxaafada xoghayaha guud ee golaha shacabka mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo sheegay in la isla gartay in qabyo qoraalka xeer hoosaadka golaha shacabka ay xubanah guddiyadu soo aqristaan isla markaana la isku soo laabto maalinta axada ah si talo soo jeedin loo sameeyo.

guddiyadda ayaa qaadan doona waqti kooban oo ay ku soo aqristaan xeerkaan qabyada ah waxaana aqrinta ka dib la horgeyn doonaa golaha shacabka si loo ansixiyo oo uu u noqdo xeer ay ku shaqeeyaan goluhu.

Qoysas Hantidii ay lahaayeen ku waayay gacanta Kooxda Al-Shabaab oo codsi u diray Dowladda+(Sawiro)

0

Dhuusamareeb(SONNA) Dadkaan oo gaaraya 450-Qof  kana kooban 170-Qoys una badan Haween iyo Carruur ayaa dhowaan soo gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud kuwaasoo ka soo barakacay Kooxaha Dabad-diidka ah ee Al-Shabaab ka dib markii ay dheceen Hantidoodii Dadkiina Qaar dileen, Meelaha ugu badan ee dadkani lagu dhibaateeyay waxaa ka mid ah Deegaano Hoostaga degmooyinka Ceel-huur, Hobyo iyo Xarar-dheere Dadka ayaana inta badan Lug ku soo galay Magaalada Dhusamareeb waxaayna soo gooyeen Masaafo dhan 500Km.

Dadkaan ayaa waxa ay codsanayaan in laga Gacansiiyo Hooyga, Cuntada, Dawada iyo waxbarashada waxaana Hadda si ku meel-gaar ah loo dajiyey Iskuulka Hoose ee Xaafadda Waabare kuwaasoo dhibaato xoogan ku qaba halkaasi.

Sh C/raxmaan Cali Maxamuud Baraka-qabe oo ah Hor-joogaha Dadkaan dhibaataysan ayaa waxa uu ka warbixinayaa sida ay ku soo gaareen Magaalada Dhuusamareb oo ay soo Miciinsadeen ka dib dhibaatadii Cadawga Al-shabaab u gaystay.

Wuxuu sheegay in dadkani oo daruufo dhanka nolosha ah ka muuqato ay ka soo carareen Hantidoodii ka dib markii ay u dul qaadan waayeen culeys xoogan oo ay saareen kooxda Nabad diidka Al-Shabaab.

Haweeney ka mid ah dadkaani oo ka hadashay dhibaatada ugu daran ee hadda heysata ayaa waxay ku sheegtay Hooy la’aan iyo waliba waxyaabo kale oo nolosha muhiim u ah,waxayna ka codsaday Dowladda Soomaaliya iyo cid walba oo wax u awoodi karta iney si dhaqsi ah ula soo gaaraan.

Sawir Qaaade:Maxamed Deeq Cabdi Maxamed

Maleyshiyaad ka tirsan Argagixisada Al shabaab oo lagu dilay Shabelaha Dhexe

0

Degaanka Basra ee gobolka Shabelaha dhexe ayaa saaka howlgal balaaran oo ay ka sameeyeen ciidammada xoogga dalku waxaa ay ku dileen tiro ka tirsan maleyshiyaadka argagixisada ah ee Al shabaab kuwa kalena waa ay dhaawacmeen kuwaas oo isku dayay in ay ka horyimaadaan gulufka balaaran ee ciidanku ay halkaa ka wadeen.

inta la xaqiijiyay 3 ka mid ah maleyshiyaadka la marin habaabiyay ayaa dhimatay afar kalena waa ay dhaawacmeen ka dib weerar ay ciidanka xoogu ku qaadeen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen oo ku taalaa degaankaas Basra waxaana jira maleyshiyaad nolosha lagu qabtay.

“ciidanku waxaa ay sameeyeen howl gal lagu sifeynayo cadawga waxaa ay dileen sadax maleyshiyo afar kalena waa ay dhaawaceen waxaana hadda wali ay sii baacsanayaan firxadka kuwii cararay waxaa jira tiro maleyshiyo ah oo aan qabanay intii howl galku socday”ayuu yiri Abaan duulaha ciidanka xoogga dalka Gen Cabdullahi Cali Caanood.

waxaa uu qayb ka yahay howl galo balaaran oo ciidanku dhawanahaanba ay ka wadeen Gobolada shabeelooyinka sida uu sheegay abaan duuluhu waa sii soco doonaa ilaa la cirib tirayo cadawga dhibaateynaya shacbiga Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay xeerka siyaasada dhalinyarada Qaranka

0

Shirka Khamiislaha ah ee golaha wasiirada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka qabsoomay Magaalada Muqdisho waxaana shir gudoomiyey Mudane Xasan Cali Kheyre Ra,iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Shirka waxaa goluhu ay ku ansixiyeen labo xeer oo kala ah xeerka siyaasada Qaranka iyo xeerka Maareynta musiibooyinka oo golaha ay u soo gudbiyeen wasaaradaha ay quseyso waxaa sidoo kale xubnaha golaha loo qaybiyay  miisaaniyada dowladda ee 2018 ka waxaa sidoo kale warbixin laga dhageystay hay’ada amniga dalka.

Siyaasada dhalinyarada Qaranka ee maanta goluhu ansixiyay ayaa lagu cadeeyay xaquuqaadka dhalinyaradu ku leedahay dalka . Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya oo la hadashay warbaahinta Qaranka ka dib ansixinta xeerka ayaa sheegtay in dhalinyarada oo %70 ka ah bulshada Soomaaliyeed uu xaquuqdooda ilaalinayo isla markaana wax badan uu ka badali doono qaabkii hore .

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis ayaa u sheegay tvga Qaranka in goluhu soo dhaweeyay go’aanadii ka soo baxay shirkii madaxdu Muqdisho ku yeesheen.