kulan lagu qiimeynayo qaab dhismeedka iyo dib u casriyeeynta hey’adaha dowladda oo Muqdisho lagu qabtey.

Date:

Kulankan oo lagu qabtay xarunta Akadeemiyada cilmiga Fanka iyo Suugaanta waxaa ka qeybgalay R/wasaare ku xigeenka dalka, wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada,gudoomiyaha gudiga Qaran ee Shaqaalaha rayidka, agaasimayaal, madax waaxeedyo iyo mas’uuliyiin ka socotay hey’adaha dowladda.

Gudoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta oo kulankaasi ka hadlay ayaa codsaday in xafiisyada dowladda laga dhaqangeliyo afka Soomaaliga, isagoo tilmaamay in akadeemiyadu ay gogol u tahay hay’adaha dowladda.

Gudoomiyaha gudiga Qaran ee shaqaalaha rayidka ah Xasan Abshiroow ayaa tilmaamay in dib u habeyn lagu sameeyay 10 hey’adood,  isagoo xusay in haddana la qorsheynayo in dib u habeyn lagu sameeyo hey’adaha kale ee dowladda si loo tayeeyo shaqada ay u hayaan bulshada.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa sheegay in ujeeddada kulankan ay tahay tayeeynta hab maamulka hey’adaha dowladda.

R/wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed “Qadar” oo si rasmi ah u furay kulankaasi ayaa tilmaamay in xukuumaddu ay mudnaanta siineyso dib u habeynta hey’adaha, isagoo tibaaxay in sanadkan uu yahay sanadkii waxqabadka iyo fulinta.

Kulankan uu maanta furay R/wasaare ku xigeenka ayaa ah wajiga labaad qorshe ay dowladdu dib u habeyneyso qaab dhismeedka hey’adaha dowladda, Iyadoo xukuumaddu ku guuleysatay dhib u dhiska toban ka mid ah hey’adaha dowladda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...