Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo kulan la qaatay Danjiraha QM ee Soomaaliya

Date:

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaakulan la qaatey Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Michael Keating waxa ayna ka wada hadleen sidii xal waara loogu heli lahaa Barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha oo Xarunta Dawladda Hoose kula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa sheegay in maamulka gobolka Benaadir ay ka go’an tahay wax ka qabashada dhibaatooyinka ku xeeran nolasha barakacayaasha.

Mudane Yarisow ayaa tilmaamay in dhawaan guddi loo saari doona la socodka iyo wax ka qabashada caqabadaha barakacayaasha ku dhaqan degmooyinka Gobolka Benaadir, iyadoona maamulka Gobolka uu arrinkan iskaashi dhow kala yeelan doono Hay’adaha caalamiga ah.

“Danjire Keating waxaan ku adkeeyey in xal waara loo raadiyo dadka ku dhibaateysan xeryaha barakacayaasha, anaguna maamul ahaan waxaan qaadeynaa tallaabo kasta oo aan ku xaqiijin karno sidii aan kor ugu qaadi laheyn adeegyada asaasiga ah ee Gobolka iyo xaqiijinta ila dhaqaale oo shaqo abuur u noqon kara dhallinyarada.”

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Keating waxa uu xusay in markasta ay ku garab taaganyihiin maamulka Gobolka xal u helista dhibaatooyinka ku xeeran nolosha barakacayaasha iyo sidii loo yegleeli lahaa qorshe wada jir ah oo ay iska kaashanaayaan Hay’adaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Benaadir.

Kulankan waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha, ku xigeennadiisa Arrimaha Bulshada Basma Caamir Axmed, Arrimaha maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Howlaha Guud Mudane Aadan Sheekh Cali Fiidow iyo Xog-hayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay...

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....