Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo qaban-qaabineysa shirweynaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Jabuuti

Date:

 

(Muqdisho, Febraayo 6, 2018) Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada ayaa sheegay in wasaaraddu qabanqaabineyso shirweyne ay ka soo qeyb galayaan shirkadaha isgaarsiinta ee dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, kaas oo looga xaajoon doono sida la isaga kaashan karo mashruuca xarigga internetka ee Djibouti African Regional Express (DARE) oo ay fikraddiisa leedahay shirkadda Isgaarsiinta ee Jabuuti.

Wasiirka oo hadalkan sheegay ka dib markii uu soo gabagabeeyay socdaal 2 maalmood qaatay oo u ku tagay dalka Jabuuti ayaa sheegay inay shirkan ka wada shaqeynayaan Wasaaradda Isgaarsiinta ee dalka Jabuuti, ujeeddaduna tahay sidii looga arrinsan lahaa mashruuca DARE oo ah xarin internet oo isku xiraya Jabuuti iyo Mombasa, isagoo sii maraya Berbera, Boosaaso iyo Muqdisho.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ansixintii sharciga isgaarsiinta iyo tirada xargaha internetka oo ku yar dalka, ay fursado iskaashi oo heer gobol ah u furayaan shirkadaha isgaarsiinta Soomaalida.

Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan wuxuu sidoo kale xusay in Boostada Soomaaliya ay billowday in warqadaha loo soo marsiiyo dalka Jabuuti, iyadoo labada bilood ee soo socotana la qorsheynayo in warqadaha baxaya ay sii maraan dalka Jabuuti.

Safarka wasiirka ayaa imanaya qiyaastii 6 bilood ka dib markii uu dhiggiisa Jabuuti, Mudane Abdi Youssouf Sougueh, la saxiixday heshiis ay labada wasaaradood isaga kaashanayaan arrimaha isgaarsiinta iyo boostada.

“Waxaan jecelahay inaan u mahadceliyo wasiirka isgaarsiinta Jabuuti oo si wanaagsan noo soo dhoweeyay. Waxaana rajeyneynaa in marka ay Muqdisho noogu yimaadaan dhammaadka bisha dambe in aan go’aan ka wada gaari doonno arrimaha aan isku soo afgaranay,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...