Raa’iisulwasaare ku xigeenka soomaaliya oo la kulmay ra’iisul wasaaraha hindiya

Date:

Raโ€™iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Md Mahdi Mohamed Gulleed iyo wafdigiisa oo ku sugnaa Dalka Hindiya ayaa Kulan gaar ah la yeeshay Raโ€™iisal Wasaaraha Dalkaasi Hindiya Narendra Modi.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Raiisal Wasaaraha India Narendra Modi ayaa masโ€™uuliyiintan waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Hindiya iyo in Hindiya dal ku galkeeda u fududayso dadka Soomaaliyeed ee u soo safra Dalkeeda.

Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Raโ€™iisul Wasaaraha Hindiya gaarsiiyayย salaan uu uga sido Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md Mohamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raโ€™iisul wasaare Khayre.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka sheekeeyay taariikhda dhinaca dhaqanka ee Hindiya iyo Soomaaliya,isagoo ka dalbaday in Xukuumadda New Delhi ay Soomaaliya kala shaqayso taageeridda iyo sidii loo caawin lahaa dadka hayaanka dheer usoo gala badigoobka Waxbarasho iyo mid Caafimaadba,loona sahlo in ay si fudud u helaan dal ku galka India.

โ€˜โ€™Waxaan la kulanay Raโ€™iisul wasaaraha Dalka Hindiya Narendra Modi, runtii kulankaasi oo aad muhiim u ahaa waxaanu kaga wada hadalay siddii labbada dal Soomaaliya iyo Hindiya isaga kaashan lahaayeen dhinacyada arrimaha bulshada khaasatan Caafimaadka iyo waxbarashadda; Shacabka Soomaaliyeedna loogu fududayn lahaa dal ku galka Hindiyaโ€ayuu yiri mudane Mahadi Maxamed Guuleed R/wasaare ku-xigeenka Dalkaโ€™โ€™.ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Raโ€™iisul wasaare Modi, ayaa balan qaaday in Hindiya ay Soomaaliya si dhow ugala shaqaynayso xiriirka iskaashi ee arrimaha Bulshada iyo kuwa dibloomaasiyadeed, wuxuna tilmaamay in kulankani albaab cusub u furayo xiriir dhow oo dhex mara labada dal.

Wafdiga Raโ€™iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo weli ku sugan Hindiya ayaa ka qayb galay Shirka Caalamiga ahaa ee ka faaโ€™idaysiga khayraad dabiiciga ah ee Tamarta,kaasi oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Dowladaha India iyo Faransiiska.

Safarkan shaqo ee Hindiya oo qaadanaya mudo 4 cisho ah waxa Raโ€™iisal wasaaraha kuxigeenka ku wehelinaya Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka biyaha Pro. Saalim Caliyow Ibrow,Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah Abdulqadir Axmed Khayr, Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Waaxda Asiya Shirwac Abdulaahi iyo Xildhibaan Biixi Iimaan oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga...