Haweynka ku jira barlamaanka soomaaliya oo casho sharaf u sameyay hawenka ciidanka soomaliyeed

Date:

Qaar kamid ah xildhibaanada haweenka ah ee kujira Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,haween ka kala socday qeybaha bulshada iyo ciidanka qalabka sida ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu sagootinayay maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho,iyagoo ka hadlay dowrka ay haweenku ku dhex leeyihiin bulshada Soomaaliyeed.

Xubnaha ka socday baarlamaanka oo ka qeybgalay munaasabadaasi waxaa kamid ahaa Maryan Macalin isxaaq iyo Farxiyo Muumin oo ka socday Golaha Shacabka,Siciido Xasan Cusmaan iyo Jawahir Axmed Cilmi oo ka socday Aqalka Sare iyo xildhibaano kale,waxaana ay ka hadleen kaalinta ay ka geysan karaan horumarka dalka,dhinacyada dhaqaalaha,waxbarashada,Dowladnimada iyo Difaaca Dalka.

‘’Haweenka Soomaaliyeed meelkasto ay joogaan waxaa dadaal loo galay 30% in ay ka helaan baarlamaanka Soomaaliya,hadda waxaa soo socota doorasho kale oo dalka ka dhici doonta,marka hadii aan u diyaar garowno dadaal aan gelino aan midnimo muujino maal maskas iyo karti intuba waxbadan ayaa inoo qabsoomaya’haweenka Soomaaliyeed dowr muuqda ayay ka qaateen horumarka iyo dhismaha dowladnimo,taasi oo ku timid halgenkii aan bilownay lixdankii,maanta dalkeena wuxuu u baahanyahay badbaado iyo halgenkii in la soo celiyo,waxaa la rabaa in dhaqaalaha nalaka xiro,in aan dagaalano in aan isdilno,dalkaan anagaa iska leh,dalkaan hooyaa badbaado u ah’. Ayay tiri Senator Jawahir Axmed Cilmi.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa la aaminsanyahay in ay muujiyeen dowrkii ay ku lahaayeen bulshada,iyagoo muddadii dalka uu burbursanaa ay si gaar ah isaga xil saareen sidii loo bad baadin lahaa nolosha qoysaskooda oo ay la soo mareen duruufo adag.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo la qeyb galay Kalfadhiga Golaha Sare ee UN-Habitat ee Nairobi

Golaha Sare ee maamulka Hay’adda UN Habitat (Executive Board...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qeyb gashay Shir Caalami ah oo lagu xoojinayay Doorka QM

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Marwo Hodan Osman...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay furimaha dagaalka Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Askari lagu xukumay dil toogasho ah

Xukunka Askari u gacan qaaday Walaashiis soo korisay ka...