Culumada Sufiyiinta Caalamka oo casho sharaf logu sameyay Muqdisho

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in marti gelinta shirka weynaha caalamiga ah ee Culummada Suufiyada oo lagu qabtay magaalada Muqdisho uu muujinayo kaalinta muhiimka ah ay u leedahay caalamka iyo sida loogu sii kalsoonaanayo.

Guddoomiyaha oo booqday Xarunta Macalin Nuur ee Magaalada Muqdisho oo marti gelisay culumada ka qeyb galay shir weynaha 7aad ee Suufiyada Caalamka ayaa sheegay in ay laf dhabar u yihiin dadaallada dib u dhiska dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

“Magaalada Muqdisho in ay marti geliso culimmo ka socota dhowr iyo toban dal waxa ay tilmaan u tahay hor u socodkeenna iyo sida ay inoo ka go’antaahy in aan soo ceshanno kaalinta iyo maqaaamka aan ka joognay magaalooyinka kale ee Caalamka.”

Guddoomiyaha Gobolka ayaa booqashada kaddib waxa uu xalay casho sharaf u sameeyey Guddiga qaban qaabada Shirka 7aad ee Suufiyada iyo dhammaan culummadii ka qeyb gashay, isagoona kula dar daarmay in ay dar dar geliyaan dadaallada ay ku bixinayaan iftiiminta khatarta xagjirnimada iyo sida ay u marin habaabeen argagixisada Alshabaab.

“Dadka Soomaaliyeed aad ayey ugu nugul yihiin culamu-diinkooda, sidaas darteed waxaan rabnaa in aad xoojisaan kaalinta aad ku leedihiin baahinta amniga iyo nabadeynta bulshada oo labaduba udub dhexaad u ah tilmaamaha shareecada Islaamka iyo waajibaadka ina saaran.”

Casho sharafta loo sameeyey culummada ka qeyb gashay shir weynaha Suufiyada waxaa ka qeyb galay Wasiiru Dolwaha Madaxtooyada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Macalin Nuur, Xeer Ilaaliyaha Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir, Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Guddoomiyaha Majmaca Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo masuuliyiin kale oo heer Gobol iyo heer Federaal ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeyb-galay kulanka Wasiirrada Warfaafinta Carabta ee Kuwait

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb-galay Madasha Wasiirrada Caafimaadka Afrika 

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr....

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeyb-galay Shirka Carabta ee yareynta Khataraha Musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xaruumaha Adeegyadda Casriga ah ee Azerbaijan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...