Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqday Xarunta Wasaaradda Caafimaadka

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeer booqsho ah ku tagay Wasaaradda Caafimaadka, Waxaan xarunta Wadaaradda ku soo dhaweeyay Wasiir Caafimaadka Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur iyo qaar Ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u kuur galay howlaha shaqo ee wasaaradda iyo adeegyada caafimaad ee ay siiso shacabka, isagoona madaxda wasaarada ka dhagaystay warbixino ku saabsan sida ay wasaaradu u shaqayso. Sidoo kalena wuxuu booqday dhammaan xafiisyada Wasaaradda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa boggaadiyay sida ay shaqada u wadaan howl-wadeenada Wasaaradda Caafimaadka taas oo ah, shaqo muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna kula dardaarmay in ay balaariyaan howlahooda shaqo.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay ahmiyada ay Wasaaradani u leedahay shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay ka mid tahay Wasaaradaha loogu baahi qab badan yahay, mar-walbana ay muhiim tahay in lagu dadaalo sidii shacabka loo gaarsiin ahaa adeegyada caafimaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...