Madaxweyne Farmaajo oo Baladweyn booqdey

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriaydda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baladweyne oo xarunta gobolka Hiiraan.

Ujeedada socdaalka madaxweynaha dalka ee Baladweyne ayaa ah in uu u kuurgalo xaaladda ay ku sugan tahay magaalada iyo dadka ka barakacay ee duleedka magaalada ku sugan kaddib markii ay guryahooda qaadeen daadad xoog leh oo ka dhashay Roobabka iyo Fatahaadda Webiga Shabeelle.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqday Kaamam ay ku jiraan dad dan yar ah oo Fatahaadda ka soo barakacay, waxa uu ballan qaaday in si deg deg ah ay dowladda uga jawaabeyso xaaladda ay ku jiraan, gurmadna la soo gaarsiinayo dhowaan oo ay imaan doonaan guddigii ay Xukuumadda u xil saartay gurmadka arrintaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulammo la qaatay madaxweynaha Hir-shabeelle iyo saraakiisha ciidammada Xoogga iyo kuwa AMISOM, una sheegay in si deg deg ay uga qeyb-qaataan gurmadka una fududeeyaan hey’adaha gargaarka iyo guddiga ku howlan gurmadka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...