Madaxweyne Farmaajo oo qadka teleefanka kula hadlay ciyaartooyda 17 jirada

Date:

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa teleefoonka Magaalada Gitega ee Dalka Burundi kula hadlay Macalimiinta iyo Ciyaartoyda Xulka da’yarta Soomaaliya ee Galabta qeybta ka ah ciyaarta kulanka ka dambeysta ee Ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika.Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu horreyn la hadlay Macalinka hoggaaminaya Xulka 17 jirada Soomaaliya Macalin Salaad Faarax Xasan, waxa uuna ugu hambalyeeyay dadaalka uu ku bixiyay in xulkeenna uu heerkaan soo gaaro, waxaana uu sidoo kale kula dardaarmay in dadaalka uu meeshiisa kasii wado.

“Waxaan ilaaheey idinkaga rajeynayaa guul in aad Koobka soo qaadaan oo aad dalkiina usoo hoysaan magac wanaagsan, dhallinyarada waa ku dhiirigallineynaa in ay si wanaagsan u cayaaraan maxaa yeelan magacii iyo astaanta dalka ayay hayaan” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Ciyaartoyda iyo Macalimiinta oo maqlay farriinta Madaxweynaha ayaa qaaday heesta astaanta qaranka ee Soomaaliyeey toosoo, Macalin Salaad oo ku hadlayay Magaca Xulka qaranka ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay dhiirigallinta iyo garab istaaga uu u muujiyay waxa uuna intaas raaciyay in waqtigii ciyaarta uu dhawyahay oo ay garoonka sii aadayaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu dambayn kusoo gabagabeeyay hadalkiisa duco iyo niyad dhis uu u muujiyay xulka da’doodu ka yartahay 17 sano.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...