Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo maanta kormeeray xarunta Golaha Shacabka

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad C/lla Cawad iyo xoghaayaha guud ee golaha ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Golaha Shacabka oo ay soo kormeereen qeybaha xarunta ay ka koobantahay.

Waxay mid mid u booqdeen xafiiska waaxyaha kala duwan ee Golaha Shacabka, iyagoo xafiis walbana qofka mas’uulka ka ah uu Guddoomiyaha uga warbixinayay howlaha uu haayo, waxaana Guddoomiyaha la socday Injineero qiimeynaya dib u dayactirka lagu sameynayo xarunta.

Sidoo kale Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa isla xarunta kulan isugu jirtay isbarasho iyo ogaansho xaalada shaqada Golaha kula qaatay howl wadeenada Golaha Shacabka, waxaana Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad C/lla Cawad oo kulanka ka hadlay uu uga warbixiyay Guddoomiyaha shaqada howlwadeenada oo uu aad u amaanay, wuxuuna tilmaamay in ay yihiin laf dhabarta Golaha Shacabka ayna ku shaqeeyaan duruufo kala duwan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ku ammaanay howl wadeenada Golaha Shacabka shaqada ay golaha u hayaan, isagoo uga mahad celiyay u adeegida qaranka iyagoo waliba duruufo adag kusoo shaqeeyay.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa u balan qaaday shaqaalaha in qof walba xuquuqdiisa siduu u heli jiray u heli doono, wixii kale oo xuquuq ah oo ay leeyihiina ay heli doonaan, waxaana Guddoomiyaha sidoo kale uu sheegay in Golaha uu yeelan doono xarun caafimaad oo golaha shacabka u gaar ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...