Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo Xalay kormeer Amni ku sameeyay qaar kamid ah degmooyinka G/Benaadir

Date:

Muqdisho(SNTV):โ€“Raโ€™iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Xalay kormeer uu ugu kuur gelayay xaaladda amni ee caasimadda kusoo maray qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Benaadir.

Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay kormeerkiisa ku weheliyeen Wasiirka Amniga, Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka Nabad-sugidda iyo saraakiil kale ayaa ciidamadda xasilinta waxay la qaateen wakhti iyagoo kula dardaarmay inay laban-laabaan shaqada ay qaranka u hayaan.

Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ka warbixiyay kormeerka shaqo ee R/Wasaaraha Soomaaliya uu ku ย sameeyay Magaalada ayaa sheegay in uu ahaa mud loogu koor-galayay Amniga Magaalada Muqdisho

โ€œKormeerka shaqo waxuu ahaa in aan u koor galno Nabadgalyada magaalada muqdisho, waxaana ka bilownay dhanka Madaxtooyo ilaa waxaan sii tagnay Deyniile kor ayaan u sii dhaafnay ilaa Tareedisho ,waxaan ka sii aadnay ilaa Jasiira Kaxada meelahaas dhan ayaan kormeer Ku sameynayโ€ayuu yiri Wasiir Ducaale

Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo hadalkiisa siiwata ayaa yiri โ€œHadafka waxuu ahaa in Ciidamada aan la qeyb sano qabowga, Maadaama aan nahay Masโ€™uuliyiinta Qaranka sidaas ayuu R/wasaaraha nagu horkacayaa, marka shacabka Soomaaliyeed waxay ogaanayaan in har iyo habeen aan u taaganahay, hadda Waa Sedexdii Habeennimo Salaadda Subax ayaa dhalan rabto waxaana joognaa ilaa iyo Magaalada daafaheeda oo aan Kormeer ku soo marnay, Amniga magaalada wuu sugnaaโ€ ayuu yiri Wasiir Maxamed abuukar Islow Ducaale.

Kormeerkan Amni ee xalay Raโ€™iisul wasaaraha Soomaaliya saacadaha Badan Ku bixiyay ayaa qeyb ka ah qorshaha lagu xoojinayo Amniga Caasimadda Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay golaha xukuumadii hore ee maamulkaas.

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyey Amiirka Dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Shir looga hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha sifeysan oo Xarunta Gobolka Banaadir lagu qabtay

Mas'uuliyiinta Sheybaarka Gobolka Banaadir Ayaa Kulanka Ku soo bandhigay...