Ku simaha Madaxweynaha oo si rasmi ah u daah furay Shirweynaha Qaran ee Dastuurka

Date:

Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaiya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan  ayaa maanta daah furay Shirweynaha Qaran ee geeddi socodka Dib U eegista Dastuurka, oo socon doona ilaa 15-ka Bishaan.

Shirweynahaan oo ay soo agaasintay wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya iyo Guddiyada Dastuurka ee labada Aqal ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra”iisu Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, xubno matalaya Baarlamaanada Dowlad-goboleedyada dalka iyo inkabadan 300-boqol oo qof oo isaga kala yimid gudaha daka iyo dibadiisa.

Shirkaan oo si gaar ah dhinacyada ka qeyb galaya ay diirada saari doonaan dib u eegista iyo turxaan bixinta Dastuurka KMG ah ayaa sida qorshuhu uu yahay socon doona 13-ka ilaa 15-ka bishaan May.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Dhameystirka dastuurka waa horutabin Qaran”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka wadatashigu waa furanyahay”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah-furay gogosha wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray gogosha...

Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhanka difaaca

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo booqasho...