Ku simaha Madaxweynaha oo si rasmi ah u daah furay Shirweynaha Qaran ee Dastuurka

Date:

Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaiya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan  ayaa maanta daah furay Shirweynaha Qaran ee geeddi socodka Dib U eegista Dastuurka, oo socon doona ilaa 15-ka Bishaan.

Shirweynahaan oo ay soo agaasintay wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya iyo Guddiyada Dastuurka ee labada Aqal ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra”iisu Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, xubno matalaya Baarlamaanada Dowlad-goboleedyada dalka iyo inkabadan 300-boqol oo qof oo isaga kala yimid gudaha daka iyo dibadiisa.

Shirkaan oo si gaar ah dhinacyada ka qeyb galaya ay diirada saari doonaan dib u eegista iyo turxaan bixinta Dastuurka KMG ah ayaa sida qorshuhu uu yahay socon doona 13-ka ilaa 15-ka bishaan May.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...