Home Blog Page 1318

R/wasaare Khayre oo xilki ka qaaday 3 wasiir isagoona magacaabay wasiiro cusub.

0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa 3 wasiir xilalkii ka qaaday, isla markaasna 3 wasiir oo cusub uu u magacaabay xilalkaas bannaanaaday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horreyn xilalkii ay hayeen ka qaaday Wasiirada kala ah:

 

  1. Mudane Yusuf Garaad Omar, Wasiirkii Wasaarada Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah
  2. Marwo Khadra Axmed Ducaale, Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha
  3. Mudane Abdi Farah Said (Juxa), Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay 3 wasiir oo cusub oo buuxiya xilalka bannaanaaday.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;

Markuu arkay Qodobka 97aad farqadiisa 3aad ee Dastuurka Ku Meel Gaarka ah;

Markuu arkay Qodobka 97aad, farqadiisa 2aad, xarfaha A & B ee Dastuurka KMG ah;

Markuu arkay Qodobka 100aad xarfaha A, B, & C ee Dastuurka KMG ah;

Markuu arkay Hawlaha Baaxadda leh ee Horyaala Xukuumadda JFS;

Markuu Tixgeliyey Talada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;

Markuu Garowsaday Baahida loo qabo Magacaabidda Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha; Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-Heshiisiinta;

Waxuu magacaabay:

Qodobka 1aad – Mudane Maxamed Cadi Xayir (Maareeye), Waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda JFS. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2018.

Qodobka 1aad – Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-Heshiisiinta ee Xukuumadda JFS. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2018.

Qodobka 2aad;

Qodobka 1aad – Danjire Axmed Ciise Cawad, Waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda JFS. Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/01/2018.

Qodobka 2aad;

Wasiirada cusub ee la magacaabay waxa la farayaa inay si deg-deg ah ula wareegaan xilalkooda

Qodobka 3aad;

Magacaabiddani waxa ay dhaqan-galeysaa marka uu saxiixo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya;

Kalfadhiga labaad ee Aqalka sare oo la soo xiray

0

Ajendaha Golaha waa dhageysiga warbixin ku saabsan Arrinta Xuduuda ee Degmada Beled-xaawo iyo Xiritaanka Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Aqalka Sare.

Senater Cabdullaahii Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa Golaha Siiyey Warbixin ku saabsan Xadka iyo Darbiga Dowlada Kenya ka dhiseyso Xadka Soomaaliya iyo Kenya.

“Arrintan Xadka waxaa sameeyey Dowladaha Talyaaniga iyo Ingiriis Sanadkii 1935 runtii waxaa nala socday qubaro dhanka dhulka ah kuwaas oo wax badan ka yaqaan arrinta, waxay qubarada noo sheegeen in dhowr mitir gudaha Soomaaliya u soo galay Siliga Dowlada Kenya Dhiseyso, 790 Guri Soomaaliya leedahay ayaa Siliga ay Kenya Dhiseyso dhinaca kale kamaray”.

Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C.llaahi ayaa sheegay in loo baahan yahay Soomaali oo mid ah dhulkeeda inay difaacato, dowladda hey’adaheeda ay quseysana looga baahan yahay in si deg deg ah uga jawaabbaan arrintan.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C.llaahi ayaa soo xiray Kalfadhigii labaad ee Golaha Aqalka Sare.

Labada Bil ee soo socota ayaa Mudanayaashu fasax galayaan balse waxaa jiri doonta Xaflad weyn taas oo si guud loogu soo xirayo kana qeyb-geli doonaan madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.

farriin ka timid duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed

0

Anigoo ku hadlaya magaca maamulka gobolka Benaadir iyo dowladda hoose ee Muqdisho, waxaan dhammaan ummaada Soomaaliyeed ee dunida dacalladeeda kala jooga, Muqdishaawiyiinta, Saaxiibadeenna gobolka iyo bah-wadaagteenna horomarineed u rajenayaa farxadda sanadka cusub, waxaana Illaah ka baryayaa in sanadkan uu inoo noqdo mid barwaaqaysan.

Haddii aan dib u milicsano sanadkii la soo dhaafay ee 2017kii, dhammaanteen waxaan marqaati ka nahay in uu ahaa sanad xanuun iyo caqabada badan,  balse waxaan qaadnay tallaabooyin wax gal ah.

Soomaaliya waxa ka dhacay weerarkii ugu xumaa oo lala beegsaday Muqdisho oo hooy u ah ku dhawaad saddex milyan oo qof. Xasuuqii 14kii Oktoober aad ayuu u murugo iyo xanuun badnaa, weerarka ma uusan saameynin dadka reer Muqdisho oo kaliya ee waxa uu saameeyay dhammaan Soomaalida dunida dacalladeeda kala jooga.

Dareenka iyo taageerada aan ka helnay walaalaheenna iyo saaxiibadeenna iyo bahwadaagteenna caalamka, waxa uu ahaa mid aan horay loo arag. Gurmadkan waxa uu ahaa tusaalaha midnimada aan la loodin karin, gaar ahaan xilligii adkaa ee naxdin iyo murugada badnaa.
Sidaas darted, waxaan barannay dadkana tusnay in midnimadu tahay furaha guusha wax walbo oo aan ku guuleysannay. Midnimadaas ayaan ugu shaqeynay si wadajir ah iyada oo hal-beeg u noqotay wixii aan qabannay 2017kii. Waxaan dib u haabeeynay wixii horay loo beddeli waayay, waxaan bixinnay adeegyada ay dadka reer Muqdisho u baahnaayeen.

Waxaan abuurnay dhaqanka daah-furnaanta innaga oo ka hortageyna maamul xumida iyo musuq maasuqa, waxaan dib u habeeynay maamulka maaliyadda oo ay kamid tahay nidaamka casriga ah ee aan warqadaha la isticmaaleynin oo si degdeg ah ay macaamiishu u heli karaan kaas oo ka mid ah adeygyada laga hirgeliyo Soomaaliya. Inaga oo shaqaaleeysiinnay kuwii u qalmay waliba si loo simanyahay. Waxaan diiradda saarnay maamul wanaag iyo la dagaallanka maamul xumida. Waxaa hubaal ah in uu saameyn ku leeyahay kobcinta dhaqaalaha wadankeena iyo baahinta adeegyada ay bulsahdeenna u baahan tahay.

Maamul xumida waxay carqaladeeysaa dhammaan dadaallada bulshada loogu daneeyo, sidaa darteed qof walba waxaa waajib ku ah inuu taageero daah-furnaanta, la dagaallanka maamul xumida, iyo ka faa’ideysiga awoodda oo carqaladeeya horumarka wadankeena.

Aniga oo ilaalinaya ballantii aan qaaday, waxaan markii ugu horreeysay ilaa 1991kii aan dejinnay miisaaniyad sanad barkii ah oo faah-faahsan laguna kalsoonaan karo oo lixdii bilood ee ugu dambeysay sanadka 2017ka aan hirgelinnay, taas oo maamulkeenna ka dhigeysa mid isku filan oo awooda inuu bixiyo adeegyada bulsho ee laga rajeeynayo, sidoo kale waxaan suurtagelinnay maalgelinta nidaamka cusub ee maamulka xogta maaliyadeed si loo hagaajiyo nidaamka dhaqaale ee maamulka, waxaana u diyaarsannahay inaan ku shaqeeyno nidaam daah-furan oo ay nagula xisaabtami karaan dadka aan u adeegeeyno.

Shaqaaleysiintu waa arrin muhiim u ah bulsahdeenna oo tiro ahaan koreysa, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ay ku noolyihiin tirada ugu badan ee dhallinyarada. Innaga oo ka jawaabeeyna shaqola’aanta dhallinyaradda, maamulkeygu waxa uu fursado shaqo u abuuray 3,000 oo dhallinyara ah oo ay ku jiraan wiilal iyo gabdho barakacayaal ah. Waxaan rumeeysannahay in ay jiraan dad fara badan oo hal abuur leh una qalmo shaqo in ay gobolkan ku nool yihiin, sidaa awgeed maamulka waxa uu ku soo daray barnaamijyada shaqo abuurka dhalinyaro sameynaayo kor u qaadista awooddeena shaqaalaha, waxaana rajeyneynaa inaan joogteyno barnaamijyada fursadaha shaqo lagu abuurayo sanadkan cusub.

Hore u socod:

Sanadka 2018, waxaan daadajaneynaa qaab-helista adeegyada bulsho iyada oo dadka ku nool 17ka degmo ee gobolka ay ku heli doonaan nidaam casri ah, waxa uuna qeyb ka yahay hagaajinta nidaamka bixinta adeegyada ee aan ku xirneyn xarunta dhexe oo kaliya. Adeegyada ay ka mid yihiin; kaararka aqoonsiga shakhsiyadeed, dhalashooyinka, shattiyada, fasaxyada dhismayaasha iyo adeegyada kale ayaa la gaarsiinayaa dhammaan 17ka degmo ee gobolka Benaadir waliba iyaga oo tayo sare leh si degdeg ahna loo heli karo.

Argtideenna fog waxa ay diiradda saareysaa joogteynta inaan dadka gaarsiinno adeegyadda bulshada innaga oo hormarineyna  tayada howsha dowladda hoose, waa na sii joogteyneynana sanadkan cusub. Dhinacyada adeegyadaas muhiimka ah ee aan ku dadaaleyno inaan gaarsiinno 17ka degmo waxaa kamid ah:

Hagaajinta ammaanka iyo qeybaaha caddaaladda.
Dhiirigelinta dakhliga.
Dhisidda awooda hay’adaha dowladda hoose iyo maamulka gobolka.
Maalgashiga kaabayaasha horumarka (waddooyinka, biyaha, tubbooyinka qashinka qaada IWM).
Hurumarinta iyo ballaarinta adeegyada bulsho sida waxbarasho iyo caafimaad lacag la’aan ah.
Waxa ugu weyn ee aan diiradda saareyno 2018 waa in ammaan iyo caddaalad ay ehlaan bulshadda ku nool gobolka Benaadir, waxaana fahansannahay in horumarku uusan arrin siyaasadeed ahayn balse uu ku xiran yahay ammaanka iyo caddaaladda. Maamulkeygu waxa uu si adag ugu shaqeynayaa bulshada magaaladan iyo gobolkaan innaga oo horseedeeyna aasaaska hormurka. Qorshayaasha aan dejinnay waxa uu diiradda saarayaa nidaamka deriseynta si looga faa’ideysto sugidda ammaanka.

Sida aad ogtihiinba, waxaan dhammeystirnay wada tashiyo aan ka qabannay 17ka degmo oo ku aaddan aragtida Muqdisho iyo gobolka Benaadir. Waxaan diyaar u nahay inaan dadka la wadaagno wadatashiga ka soo baxay 17ka degmo oo loo yaqaan “Aragti-wadaaga Muqdishaawiga”, waxaana ku soo bandhigeynaa waxyaabaha ka soo baxay shirka 7da Janaayo oo aan rajeyneyno in ay ka soo qeyb galaan bulshada qeybaheeda kala duwan si ay qeyb uga noqdaan go’aannada muhiimka ah.

Iskama indha tireyno in ay na horyaalaan caqabado, balse inaan feejignaanno oo aan mideysnaano ayaan ku wajahi karnaa caqabad walba oo na soo food saarto mustaqbalka dhow, innaga oo is wada kaashaneyna.

Waxaan u mahad celinayaa dhammaan dadka ku nool magaaladda, Ganacsatada iyo dhammaan bah-wadaagteenna iyo cid walba oo Muqdisho ay hooy u tahay. Dhamaan qeybaha bulshada waxaan ugu baaqayaa in ay sii wadaan howsha adag ee ay bulshada u hayaan si aan u noqonno garbaha hurumarka. Waa inaan horseednaa tilmaamta is bedelka aan raadineyno si aan ugu bedelno bulshada caddaalad, sinnaan iyo guulo aan wadajir u gaarno. Joogteynta huromurka ayaa ku imaan kara wada shaqeyn iyo midnimo si aan u gaarno nabad waarta.

Gebogabada, waxaan rabaa inaan u sheego bulshada gobolka Benaadir in ay ogaadaan maamulkeenna iyo  howl-wadeennadeena in ay mar walba idiin heellan yihiin, haddii aad u baahataanna aad marwalba nala soo xiriiri kartaan heer degmo iyo heer gobolba, innaga oo aan wada xallin karin dhammaan dhibaatooyinkiinna haddana waxaan isku dayeynaa wax walba oo aan awoodno si aan u qabano wax wanaagsan oo la taaban karo. Waxaan rajeynayaa inaan horay u soconno sanadkan anigoo ku faraxsan inaan idiin adeego. Aniga oo fursaddaan ka faa’ideysanayo waxaan idiin rajeynayaa sanadka 2018 caafimaad, nabad iyo baraare.

Thaabit Cabdi Maxamed
Duqa Mudisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Benaadir

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo socdaal ku maraya Sanaag iyo Sool

0

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Jamaal Xasan ayaa maalmahan socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Sool iyo Sanaag.

Wasiirka oo la hadlay Wakaalada SONNA ayaa sheegay in ay u kuur galayaan xaalada ay ku nool dadka ku sugan deegaano iyo Tuulooyin ka tirsan Sool iyo Sanaag, amniga iyo hormarka ka jira.

Mudane Jamaal Xasan ayaa sheegay in safarkooda ay ka bilaabeen Sool, iyagoo soo dhaweyn wanaagsan kala kulmay shacabka sidoo kalena soo dhageystay Warbixino ku saabsan dhinaca waxbarashada, Caafimaadka iyo Amniga, iyadoo ka dibna u sii gudban Gobalka Sanaag.

Wasiirka ayaa sheegay in xalay ay ku hoydeen Degamada Badhan halkaas oo ay kula kulmeen Maamulka, Odayaasha  iyo dadka deegaanka, waxayna soo kormeereen Mashaariicyo badan oo ka socda degmada.

Wasiir Jamaal ayaa dhinaca kale sheegay in maanta ay ku wajahan yihiin Magaalada Dhahar halkaas oo ay kula soo kulmi doonaan Maamulka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan, iyagoo safarkoodana soo gaba gabeynaya Maalinta Beri ah safarkooda qaatay Afarta Maalin.

Guddoomiye Thaabit oo la kulmay Culimada Muqdisho

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa xalay wuxuu kulan la qaatay Culimada ku nool Magaalada Muqdisho.

Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa Culimadda kala hadlay sidii door muuqda ay uga qaadan lahaayeen arrimaha ku aadan xal u helida xaaladda Gobolka Banaadir.

“Waxaan la kullanay Culimada Soomaaliyeed ee degan G/Benaadir waxaana ka codsanay in ay na garab-istaagaan si aan u nabadeyno una horumarino Gobolka Benaadir. Barnamijka Deriseynta ama Isha-Xaafadda waxaa qayb weyn ka qaadan kara wacyi-gelinta Culimada, si looga hortago sharta nabad-diidka ama argagixisada ee afkaaraha qaldan adeegsada.” ayuu yiri Duqa Magaalada Muqdisho

Guddoomiye Thaabit ayaa sheegay culimadda Soomaliyeed inay kala hadleen arrimaha ku aadan dib u heshiisiinta, maadaama Gobolka Banaadir dhawaan uu qabanaayo Shirka dib u heshiisiinta Bulshada degan Muqdisho.

“Waxaan sidoo kale kala hadalnay arrimaha dib-u-heshiisiinta, hanti-isucelinta iyo arrimaha cadaaladda & gar-soorka oo dhamaantood wacyigelin diini ah aad loogu baahi qabo.”

“Ugu dambeyntii waxaan ku casuunay Shirka Wadatashiga Nabadeynta & Horumarinta Gobolka Benaadir oo dhacaya 7-da Janaayo 2018, wayna naga aqbaleen in ay nagala soo qeybgalaan, doorka uga aadanna ka qaataan.” ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Duqa Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa wada dadaalo kala duwan oo lagu horumarinaayo Gobolka Banaadir, iyadoo laga eegaayo dhinacyada muhiimka u ah horumarka Gobolka.

Agaasimaha Guud ee HSJ oo Kormeeray xafiisyada Bixinta Baasaboorka & Kaarka Aqoonsiga ee Doolow iyo Beledxaawo

0

Col. Mohamed Adam Kofi Agasimaha Guud HSJ ayaa kormeer ku sameeyay xafiisyada Bixinta Baasaboorka iyo Kaarka Aqoonsiga ee Magaalooyinka Doolow iyo Balad Xaawo.

Agaasimaha ayaa saraakiisha ka howlagasha xafiisyadaas kula dardaarmay in ay bulshada si hufan ugu adeegaan isla markaana ay ilaaliyaan habka-ka lagu bixiyo Basaboorka iyo Kaarka Aqoonsiga Soomaliya.

Col. Mohamed Adam Kofi Agasimaha Guud HSJ ayaa kormeer ku sameeyay xafiisyada ku yaala magaalooyinka Doolow iyo Balad xaawo waaxana ka mid ahaa xafiisyada uu agaasimaha kormeeray.

1) Xaafiiska Socdaalka xadka ee Beledxaawo.

2) Xaafiiska bixinta baasaboorka Dooloow.

3) Xaafiiska Socdaalka ee  xadka dooloow.

Agaasimaha ayaa saraakiisha ka howlagasha xafiisyadaas kula dardaarmay in ay bulshada si hufan ugu adeegaan isla markaana ay ilaaliyaan habka-ka lagu bixiyo Basaboorka iyo Kaarka Aqoonsiga Soomaliya sidoo kale in ay si taxadar leh ula socdaan dadka isaga gudbaaya xadka labada dal ee Soomaliya iyo Kenya.

Wafdigii Dowladda Soomaaliya ay dirtay oo guda galay xal ka gaarista xaaladda Baladxaawo+Sawirro

0

Waxaa magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ka dhacay kulamo looga hadlayo xal u helida  xisadaha ka taagan degmadaasi,kadib markii Dowladda Kenya ay bilowday in derbi ay halkaasi ka dhisto,taasi oo keentay kacdoon ay sameeyaan dadka deegaanka ah.

Waxaa ka qeybgalaya kulamadaasi xaqiiqo raadinta ah  wafdi isugu jira Wasiirka Arrimaha gudaah XFS ,xildhibaano,Madaxda Dowlada Goboleedka Jubbaland,gudiga xuduudaha iyo guddiga Difaaca iyo amniga ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay ujeedka socdaalkooda ee Gobolka Gedo.

“Waxaan meeshaan ku tagnay wafdi isugu jira Wasiiro,xildhibaano iyo Madaxda Jubbaland,ujeeda socdaalkayna wuxuu yahay sidii aan ugu kuurgali lahayn, xaaladaha ka taagan magaalada Baladxaawo,waxaan marka hore ka degnay Doolow si fiican ayaa nalaku soo dhaweeyey,hadana waxaan joognaa Baladxaawo,waxaan tagnay meesha derbiga laga dhisayo,arin kale ma ahan waa inta u dhexeysa labada magaalo,si farsamo ah ayaa lo galayaa xaqiiqda ayaa la ogaanayaa,waxaana jira guddi farsamo”, ayuu yiri Wasiir (Juxa)

Waxaa uu sheegay Wasiirka in rajo wanaagsan ay ka qabaan in arrintaasi xal laga gaaro,isagoo xusay in shacabkuna ay ku qanceen dadaalka xaqiiqo raadinta ah oo ay wadaan mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhawaan degmada Baladxaawo waxaa ka dhacay banan baxyo rabshado watay,kuwaasi oo looga soo horjeedo derbiga Dowladda Kenya ay ka dhisayso inta u dhexeysa halkaasi,taasi oo soo dedejisay qeylo dhaanta shacabka iyo jawaabta ka soo baxday Dowladda Soomaaliya.

Horjoogayaal ka tirsan Alshabaab oo iska dhiibaya deegaanada K/Galbeed

0

Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaabka iyo horjoogayaashooda ayaa iska dhiibaya Maamulka Degmada Buur hakaba ee Gobolka Baay,kadib markii ay ka soo goosteen argagixisada Shabaab.

Guddoomiyaha maamulka Degmada Buur Hakaba ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo lahadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay isku soo dhiibeyn Saraakiil sare oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo ku sugnaa deeganada K/Galbeed.

Maxamed Ibraahim Aadan guddoomiyaha Degmada Buur hakaba ayaa intaasi ku daray in degmada Buur-hakaba ee gobalka Baay ay iska soo dhiibayn Labo horjooge oo ka tirsanaa  Al-Shabaab,wuxuuna sheegay in ay haatan Gacanta ugu jiraan Ciidamada ammaanka Maamulka Degmada.

“Waxaa ay iska soo dhiibeen ragaan mel degmada Buur-hakaba u jirta Khayaas ahaantii 45 KM,way nala joogaan,waxayna ka soo bexeen fikradii khaldanayd ee shabaabka,runtii firxadka Shabaab,iyo howlgalada socda waxay waxbadan ka tareen amniga degmada iyo deegaanada hoostaga’, Ayuu yiri guddoomiyaha Buur-hakaba.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in maleeshiyadkan ay ku sugnaayeen dhulka Buuraha ah ee ku yaala deegaanada hoostaga Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay,waxayna ka faaidaysanayaan fursadaha ay siiyeen madaxda Dowladda Soomaaliya ee ah in ay ka soo laabtaan aragtida khaldan ee Xagjirnimada.

Tan ayaa u muuqata in ay ka dhigantahay in ay sii dabar go’ayaan maleeshiyada Alshabaab,iyadoo horeyna ay jireen horjoogayaal iyo maleeshiyaad kale oo isku soo dhiibay Dowladda.

Ra’iisul wasaare Kheyre maamul wanaaga aan gaarnay waxay sababtay in dunidu usoo jeesato maalgashiga soomaaliya.

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa wareysi uu siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay Hormarka ay ku talaabsatay Xukuumadda intii ay dhisneyd.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in mudada ay Xukuumadda dhisan tahay in ay muuqato rajo wanaagsan oo qof kasta oo Soomaali ah ku jirta Mustaqbalka, sidoo kale dhamaan shaqaalaha dowlada in la siiyay Mushaarkooda, keyd dhaqaalana uu dowlada u yaalo.

“waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed anagu waxaan dalka joognaa in ka yar sanad, sanadka intii ka yareyd waxaa muuqata rajo ah in qof walbo oo Soomaaliyeed ay rajadiisa wanaagsanaan doonto Mustaqbalka,sanadka iyo intii ka yareyd aan joognay qof kasta Mushaarkiisa wuu qaatay, anagoo bixinay mushaarka oo dhan hadana dhaqaalo gaaraya 20 milyan ayaa dowlada u yaala”. Ayuu yiri Kheyre.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa dhinaca kale ka hadlay sida dunida diyaar ugu tahay inay xukuumada Soomaaliya kala shaqeyso hormarka dalka dhinac kasta, isagoo sheegay inay ku guuleysteen saxiixida Mashaariicyo waa weyn.

“Anagoo joogna sanad ka yar ayay dunida na leedahay waxaan idin kala shaqeyneynaa sidii dhaqaalaha loo kobcin lahaa, anagoo joogna sanad ka yar ayaa 200 oo Milyan la saxiixanay dowlada Qatar, anagoo joogna sanad ka yar ayaa dowlada Mareykanka la saxiixanay 300 oo Milyan, anagoo joogna sanad ka yar ayaa Midowga Yurub waxay nagu soo wareejiyeen inaan saxiixno heshiis kasta oo aan geli karno oo iyagu aanay go’aan inoo gaari Karin”.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in la dagaalanka Musuq maasuqa uu yahay markasta ahmiyadooda koowaad, isagoo xusay in Sharciga la dagalaanka Musuqa ay horgeeyeen Baarlamaanka sidoo kalena la sameynayo Guddi Madax banaan oo la dagaalanka Musuq maasuqa ah

“anaga ka xukuumad ahaan dowlada hada jirta la dagalaanka musuq maasuqa wuxuu inoo yahay sidaan idin sheegay Falsafadii koowaad sida Dhaqaalaha Soomaaliya uu yahay midka koowaad ee laga fekero ayuu Musuq maasuqana u yahay in laga fekero, Baarlamaanka Soomaaliya ayaan u gudbinay sharciga la dagaalanka Musuq maasuqa, hada waxaan rajeyneynaa haduu ilaah yiraahdo golaha markii ay dhameystireen in aqalka sare iyaguna ay soo dhameystiraan, hada waxaan xooga saareynaa inaan dhisno guddi madax banana oo la magac baxay guddiga la dagaalanka Musuq maasuqa, Maalintii dhibibada loo taago guddigaas madaxa banaan oo xukuumada ka madax banaan oo isaga fuliya wax kasta uu u baahan yahay oo ka hor taga musuq maasuqa ah, waxaan aaminsanahay dalka inuu talaabo weyn hore u qaadayo”. Ayuu yiri Ra’iisul wasaare Kheyre.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ku amaanay doorka muuqda ay ku leeyihiin hormarka dalka, isagoo ugu baaqay inay sii laba jibaaraan si hormar balaaran uu dalka u gaaro.

Madaxwaynaha Maamulka Hirshabelle oo amar ku bixiyey Hawlgal lagu ciribtirayo Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

0

Degaano hoos taga gobolka Shabellaha hoose oo ay hawlgalo ka sameyeen Ciidaanka Xogga Dalka ayaa waxaa uu Dagaal ku dhexmaray Maleeyshiyaadka  Al-Shabaab.

Hawlgalkasi ayaa lagu so qabtay rag ka tirsaan maleeshiyaadka Al-Shabaab ee hataan naf laa cariga ah  ee ku ganbanya degaankasi.

Ciidaanka ayaa hataan wada siday ugaa sifayn lahayeen goobaha ay ka joogan Gobolka Shabellada  hoose Maleeshiyaadka cadaystay dhibateynta shacaabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Maamulka  Hirshabelle Maxamed Cabdi Awaare ayaa amaar ku bixiyay sidi lo soo afjari laha  haraadiga  Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee qaska ka wadah  degaankasi hoostaga Maamul.  wareysi uu siyay Radio Muqdisha Guddoomiye ku xigeenka Amniga

iyo siyaasada Maamulka  Hirshabelle Abuular Aadan Caleey Balcad ayaa sheegay

in ay ku sii daba jiraan firxadka Argagixiisada Al-Shabaab ee ka caraaray hawlgalada ciidaanka Xogga Dalka.