Home Blog Page 1318

Ra’iisul Wasaare Khayre oo xalay kormeerey uu ugu kuurgalayay amniga ku tagay gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho

Muqdisho(SNTV) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kahyre oo ay wehliyeen Wasiirka Amniga,guddoomiye kuxigeenka dhanka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir,saraakiisha Booliska iyo Asluubta ayaa xalay kormeeray qaar ka mid ah  saldhigyada Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo kantarooladda maagaaladda,iyagoo u kuurgalayay xaaladda guud ee amniga caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa warbixino ka dhageystay saraakiisha laamaha ammaanka,iyadoo la soo bandhigay Baco lagu soo xirey Baaruud loo ekeysiyay waxyaabo qarxa,kuwaasi oo xalay ka dhacay Muqdisho,si dhagarqabayaashu ay shacabka u qal qalgeliyaan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Bashiir Cabi Maxamed ayaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya warbixin ka siiyay amniga iyo wixii xalay dhacay ee Baaruudda ahaa.

“Abaaro halsaac iyo bar laga bilaabo waxaa la soo tuuray waxyaabo ku jira baco oo baaruud ah 5 Xamarweyne ayaa lagu soo ridey,2 Waaberi,2  degmada Wadajir,majiraan wax khasaare ah oo ka dhashey,waxaa ladoonayay oo kaliya in lagu qal qalgeliyo shacabka”.Ayuu yiri Taliye Bashiir.

Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin guud ka bixiyay ujeedka kormeerkan oo uu hoggaaminayay Ra’iiul Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Caawa waxaa kormeer shaqo aan ku tagnay Saldhigyada  waxaana hoggaaminayay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,waxaan ka soo bilownay Kaaraan,ilaa Galgalata,Suuqa Xoolaha,waxaan ku soo geba gebeynay ilaa magaalada Daafaheeda,si aan u ogaanno sida ay ciidamadu ay u sugayaan amniga Muqdisho,shacabka waxaan doonaynaa in ay ku kalsoonaadaan dowladooda,waxaana ka codsanaynaa in shacabku ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka”. Ayuu yiri Wasiir Islow.

Dowladda Soomaaliya ayaa sameysay ciidamo isku dhaf ah oo loo diyaariyay in ay sugaan amniga caasimadda,kuwaasi oo howlgalo ballaaran ka wada gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho.

Jubaland oo laga hirgaliyay adeegyada Garsoorka

Wafti uu hoggaaminay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda oo maanta  gaaray Magaaladda Kismaayo ayaa xariga ka jaray Dhismaha Maxkamadaha  iyo Xeer ilaalinta Jubbaland oo ka  kooban Maxkamada sare, tan Gobalka, Racfaanka, Xafiiska Xeer ilaalinta waxaana dhismahan hirgaliyay Mashuurca gaarka ee Horumarinta Gobaladda SFF ee hoos yimaada Wasaaradda Maaliyaadda Dowladda Soomaaliya.

Dadka reer jubbaland ayaa maanta waxaa ay uga dhigan tahay hergalinta mashruucan  mid muhiimad gaar ah u leh,

Cali Xaaji Aadan oo ah maaareyaha Mashuuca SFF ee Wasaaradda Maaiyadda ayaa tilmaamo ka baxinayo qaabka oo ku guuleystay mashrucuan iyo qeybaha uu ka kooban yahay

Waxaan Mashruucan  wax wayn u yahay Maamulka jubaland sida uu sheegay Walalkeey Cabdishakuur Waxuu ka kooban Maxakamada Gobalka, Racfaanka, Xeer ilaalinta, iyo Maxkamada sare, holal gaaray afar oo loogu talagay shirarka  iyo dadka dacwooyinka lagu soo oogay, waxaan sidoo kale dhisnay koobaha ay ku shaqeyn lahaayeen Shaqaaalaha maxkamaddaha, waxaan u mahadcelinayaa Qaramadda Midowbay oo dhismahan hirgalintiisa qeyb ka ah” ayuu yari Cali Xaaji.

Wasiir Ku_xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Dowladd Gobaleedka jubbaland ayaa sheegay in Bahda Garsoorka ahmiyad wayn uga fadhiso arintan.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Prof Cabdulaahi sheikh Cali oo xariga ka jaray dhismahaan oo ku baxay qaraashad aad u fara badan, xarunta bahda garsoorka uu ku wareejiyay maamulka jubaland ayaa tilmaamo u noqon doono in la helo garsoon wanaagsan.

“aniga ahaan ahmiyad  wayn ayaan u argaa in maamulka Jubballand aad heysataan xarumo cadallada lagu kala baxo, sidoo kale waxaad  haystaan dhismahan quruxda badan waxaan idinka rajeynaa inaa xafidaan waxaana tahiin dad dhalinyaro  ah waan dareemi karaa  in masuliyadda wayn ayaa idin saran, aniga waxaan idinku dhiira galinyaa shaqdiina waxaana idinka doonayaa in u diyaaarisaan  jiilka idinka danbeeya”.

Bishii July ee Sand kii hore ayaa la dhagax dhigay Xarunta  maanta   la daahfuray, waxa ayna qeyb ka qaadanaysaa horumarinta adeegyada Bulshadda ee Dowladd wanaaga.

War-murtiyeed:- Shir-weynaha Qaran ee Dastuurka oo soo xirmay

Muqdisho (SNTV), Shirweynaha Qaran ee Daahfurka Dib-u-Eegista Dastuurka oo ay ka soo qayb galeen qeybo kala duwan ee kala matatalaya Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Garsoorka, Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka, Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir, Dhallinyarada, Haweenka, Bulshada Rayidka, Ururadda Xirfadleyda, Culumaa’udiinka, Qurba-joogta Soomaaliyeed, Dadka Baahiyaha gaarka qaba, Odayaayasha Dhaqanka iyo xubnaha beesha Caalamka waxay ku kulmeen Hotel Royal Palace taariikhda 13ka – 15ka Maajo 2018, Muqdishu – Soomaaliya.

  • Iyadoo maanka lagu hayo muhiimadda ay leedahay xal u helidda dhibaatooyinka ka aloosan wadankeena gudihiisa;
  • Iyadoo si daacad ah la isula meel dhigayo waqtiga kama dambeysta ah ee dhamaystirka Dastuurka si ka madaxbannaan dano shakhsi iyo kuwo kooxeed;
  • Iyadoo ay ka go’antahay Shirweynaha in lagaaro deganaansho iyo nabad waarta oo ku dhisan Dastuurka;
  • Iyadoo la tixgeliyo hiigsiga iyo dareenka dhammaan dadkeena;
  • Iyadoo la bogaadinayo dareenka wanaagsan iyo daacadnimada ka dhaxaysa ka qayb galayaasha shirka taasoo horseeday wadar-ogol;
  • Iyadoo la rumeysanyahay niyad wanaagii horseeday heshiisyadii horay loo gaaray in ay aas-aas u noqon karaan in la gaaro heshiiyo hor leh inta lagu gudo jiro dib-u-eegista Dastuurka;

Shirweynaha Qaran wuxuu diiradda saaray doodaha quseeya arrimaha hoos ku xusan:

  1. Mabaadi’da guud ee hagaysa dib-u-eegista dastuurka
  2. Hannaanka loo marayo heshiis siyaasadeed ee la xiriira dib-u-eegista dastuurka
  3. Hannaanka loo marayo Waxbarashada Madaniga, Wacyigelinta, La-tashiyada dadweynaha iyo horumarinta ka wada qeyb qaadasho loo dhanyahay
  4. Horumarinta qaab-dhismeedyo wadajir ah oo wax ku ool ah
  5. Nooca Federaalka ku haboon Soomaaliya
  6. Caqabadaha imaan kara inta lagu guda jiro dib-u-eegista Dastuurka iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa

Iyadoo la bogaadinayo hogaaminta xil-kasnimadu ku dheehantahay ee Wasaaradda, Guddiga Lasocodka iyo Guddiga madaxabannaan ee hawlaha dib-u-eegista dastuurka;

Iyadoo ay ka go’antahay Wasaaradda, Guddiga Lasocodka iyo Guddiga Madaxabannaan dib-u-eegista Dastuurka in diiradda la saarayo hortabinnada soo socda:

  1. a) INTA LAGU GUDO JIRO 2018:-
  2. Sixitaanka dhammaan khaladaadka farsamo ee dastuurka;
  3. Qodobada Dastuurka ku meel gaarka ee u baahan in dib-u-eegis lagu sameeyo, sida wax ka badal, wax ku daris ama wax ka tiris;

III. Qodobada u baahan wada xaajoodka siyaasadeed waa in ay ka gaaraan heshiis Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federalka.

  1. In qodobo Dastuuri ah loo badalo heshiisyada ay gaaraan Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka; iyo
  2. b) Muddada lagu gudo jiro kalfadhiyada Baarlamaanka ee 2019ka waa in la ansixiyaa dhammaan cutubyada dastuurka ku meelgaarka ah oo ay ku jiraan qodobada u baahan wadaxaajoodka siyaasadeed;

Shirwaynaha Qaran wuxuu ku baaqayaa in mabaadi’da soo socota ay saldhig u noqdaan Dib-u-Eegista Dastuurka:

  1. Lahaanshaha Dastuurka: hannaanka dib-u-eegista dastuurku waa in uu noqdaa mid ay Soomaali leedahay Soomaalina hogaaminayso.
  2. Waqtiga: Geedi socodka Dib-u-Eegista Dastuurka waa in lagu soo gabagabeeyaa ugu danbayn Diseembar 2019.
  3. Sii ambaqaadis: Waxaa laga sii ambaqaadayaa warbixinadii Baarlamaankii 9aad uu soo sameeyay iyo xulashooyinkii saddex ahaa.
  4. U wada dhamaansho: waxaa lagama maarmaan ah in hannaanka dib-u-eegista Dastuurka ay kawada qayb qaataan dhammaan daneeyayaasha heer Federaal, Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Bulshada Rayidka.
  5. Daahfurnaan iyo isla xisaabtan: hannaanka Dib-u-Eegista Dastuurka waa inuu noqdaa mid ku salaysan daahfurnaan iyo isla xisaabtan.

Haddaba intaa ka dib, waxaan ku heshiinay:

  • In laga digtoonaadaa dib u dhac ku yimaada dib-u-eegista Dastuurka;
  • In Dib-u-Eegista Dastuurka uu noqdo middadka Soomaaliyeed leeyihiin ayna hogaaminayaan;
  • In dhameeystirka Dastuurku uusan noqon mid ay garwadeen ka yihiin siyaasiyiin koobanoo keliya, balse waa inuu noqdaa mid ay si ballaaran uga qaybqaataan Soomaalida oo dhan.

Bogaadin:

Shirwaynaha Qaran ee Dastuurka wuxuu mahad ballaaran u jeedinayaa dhammaan ka qeybgalayaasha wuxuuna si gaar ah u bogaadinayaa taageerada beesha caalamka.

Ugu dambayn, dhammaan ka qeybgalayaasha Shirwaynaha Qaran ee Dastuurka waxayxaqiijiyeen ka go’naashaha iyo kawada qeyb qaadashada hannaanka Dib-u-Eegista Dastuurka si loo helo Dastuur dhamaystiran oo loo dhanyahay la iskuna waafaqsanyahay.

 

Madaxweyne Farmaajo “Waa in dagaalka Tuka-raq degdeg lagu joojiyaa”

0
Faafin degdeg
15ka May, 2018

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka walaacsanyahay dagaalka saaka kasoo cusboonday deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, kaasoo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Madaxweynaha waxa uu ugu baaqayaa Madaxda, Odayaasha Dhaqanka, Culumaa’diinka, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo Dhallinyarada in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaallada haatan socda.

“Waxaa nasiib darro ah in uu dhiig daato, waliba xilli loo diyaar garoobayo gudashada acmaasha bisha barakeysan ee Ramadaan.”

“Waa in dagaalka Tuka-raq si degdeg ah oo shuruud la’aan ah lagu joojiyaa, wax walbana loo maraa dariiqa wadahadalka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu sidoo kale, baaq u diray beelaha walaalaha ah ee maalmihii lasoo dhaafay ay dirirtu ku dhex martay deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag.

Madaxweynahu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyoday Tuka-raq iyo Ceel Afweyn, wuxuuna Alle uga baryayaa inuu dhaawaca degdeg u bogsiiyo.

 

Madaxweynaha Jamuuriyada soomaaliya oo hambalyo u diray Dhallinyarada soomaaliyeed

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 15-ka May.

Madaxweynaha ayaa ku dhiirigeliyey Shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan horumarinta iyo xasilinta dalkooda.

” Hambalyo dhallinyarada Soomaaliyeed oo maanta xusaya sannad guuradii 75-aad ee aasaaskii Ururkii gobonnimo doonka ee SYL. Soomaaliya waxa halkan soo gaarsiiyay waa dadaal dhallinyaro, mana jirto maalin uu dalkeenna idinkaga baahi badanyahay, Gacmaha isqabsada.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay u istaagaan dalkooda oo ay badbaadiyaan mustaqbalkooda iyo midka jiilka soosocda.

Wasiir Beyle oo Kormeeray Xaruntii Wasaaradda Lacagta oo Dib loo dhisay

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Cabdiraxman Ducaale Beyleh ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Dhismaha Wasaaraddii Lagacta oo hada ay dib u dhis ku sameysay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Dhismahan oo hadda gabo gabo ah ayaa waxa uu faa’iido badan u yeelan doonaa shaqada Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo halkaasi ugu adeegi doonta Bulshada Soomaaliyeed, dib u dhiska xaruntana waxaa Soomaaliya ugu deeqday Dowladda Sweden.

Wasiir Bayleh ayaa warbixin ka dhageystay Engineerada ku howlan shaqada dhismaha, isagoona ka dalbaday sida ugu dhaqsiyaha badan inay ku soo gaba gabeeyaan howsha dhismaha si Wasaaradda ay u baahiso howlaha Bulshada loo qabanayo.

Xildhibaan Soomaaliyeed oo loo doortay Xoghayaha Joogtada ah Baarlamaanka Afrika

Kalfadhiga Baarlamaanka Afrika oo ay ku mideysan yihiin xildhibaano matalaya Baarlamaanada Afrika oo todobaadkan ka socday xaruntooda ku taala magaalada Johannesburg ayaa waxaa lagu qabtay doorashooyinka guud iyo kuwa guddiyada xildhibaanada Baarlamaanka Afrika.

Waxaaa Doorashada guud ee Madaxweynaha Baarlamaanka Afrika mar kale kursigiisa kusoo laabtay  H.E. Hon. Roger Nkodo Dang oo hore u ahaa Madaxweynaha Baarlamaanka Afrika.

Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ku matalaya Baarlamaanka Midowga Afrika ilaa shan Xildhibaan oo ku kala jira ilaa shan guddi oo ka tirsan Guddiyada Baarlamaanka Afrika sanad walba yimaada si ay u muujiyaan kaalinta Soomaaliya ay kaga jirto dalalka Afrika.

Xildhibaan Ludfi Shariif Maxamed Cumar oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Afrika iyo kan Soomaaliya ayaa ka mid noqday Masuuliyiinta cusub ee kusoo biiray xilalka isbadalka ku yimid waxaana loo doortay Xoghayaha joogtada ah ee guddiga Kheyraadka Baarlamaanka Afrika.

Mudanayaasha Baarlamaanka Afrika ayaa sanad walba ilaa afar xilli ku kulma xaruntooda dalka Koofur Afrika waxaana kulamadooda diirada lagu saaraa xaalada Qaarada Afrika isbadalada siyaasada, qorshooyinka dowladaha ku bahoobay midowga Afrika iyo horumarada la damacsan yahay in qaarada Afrika ay ku talaabsato.

Suuqyada Muqdisho oo laga dareemayo soo dhaweynta Bisha Ramadaan

0

Iyadoo ay fooda nagu soo hayso bisha barakeysan ee ramadaan  oo noogu  harsantahay  maalmo  kooban ayaa waxaa  bulshada soomaaliyeed  diyaar garow ugu jiraan  soo dhaweynta bisha barakeysan ee ramadaan  waxaana suuqyada magaalada muqdisho laga dareemayaa diyaar garowga bisha ramadaan oo ah bil aad u kheyr badan

Dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada  muqdisho ayaa waxaa ay ku mashquulsanyihiin  iibsiga raashiinka noocyadiisa kala duwan taasi oo ay ugu diyaar garoobayaan soo dhaweynta bisha barakeysan ee ramadaan.

waxaana mashquul xoogan laga dareemayaa qeybaha kala duwan suuqyada magaalada muqdisho  hadii ay ahaan laheyd qeybaha  qudaarta, oo bisha ramadaan ay aad u isticmaalaan bulshada  iyo qeybta timirta, oo ah mida  ay dadku si weyn u isticmaalaan  bisha barakeysan ee ramadaan  waxaana sidoo kale ay dadku u iibsanayaan  hilibka oo  dadku ay u isticmaalaan siyaabo kala duwan inta lagu guda  jira bisha barakeysan ee ramadaan.

Sidoo kale waxaa sarakac laga dareemayaa qiimaha raashiinka  noocyadiisa kala duwan  sida  bariiska, burka,  timirta , caanaha,  hilibka, salliida  iyo qudaarta noocyadeeda kala duwan

Qaar ka mid ah ganacsatada qudaar iibisa  ayaa ka hadlay soo dhaweynta diyaar garowga bisha barakeysan ee ramadaan ay ugu diyaar garoobayaan.

” xilliyada ramadaanka ee roobka da’ayo ayaa ugu badan in maciishada sare noqdo, taas waxaa u sabab ah in beeraleyda qaaliyeeyaan wax soo saarkooda iyadoo sii dheer tahay qiimaha gaadiidka uu wax ku soo qaado ” ayuu yiri mid ka midaa ganacsatada soomaaliyeed.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca arimaha bulshada  ee degmada xamar weyne maxamuud dheere  ayaa ka hadlay ka maamul ahaan dowrka ay ugu qeyb qaadan karaan  bisha  barakeysan ramadaan, isgoona ugu hanbaliyay bilashada bisha ramadaan.

Madaxda Dalka oo ubax dhigay Tallada Syl

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayey Maalinta Dhalinyarada ee 15-ka May oo ku beegan 75 guuradi kasoo wareegatay Aasaaskii Ururkii xurnimo doonka Soomaaliyeed ee SYL oo loosoo agaasimey si ka duwan hab maamuus-yadi hore, waxaaba lagu qabtay taalada u taagan halgamayaasha ee 15-kii dhalinyaro ee SYL.

Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay Munaasabadan waxaana goobjoog ahaa Wasiirka Dhalinyaradda Khadiijo Maxamed Diiriye, Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobalka Benaadir, Saraakiil Ciidan, Qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha Gobalka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa markii uu soo gaaray goobta ay Munaasabada ka dhaceysay Salaan ka qaatay Ciidamada qalabka sida iyo kooxda Banda Miyuusikada, wuxuuna intaa ka dib Fiyoore lagu xusaayo Aabayaashi Halganka Xoriyada aan ku naalooneyno dhigay Taalada SYL.

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay meel sare uga jiraan xil walba horumarinta dalkooda, gaar ahaan waqtigii xornimo-doonka iyo hadda oo dalka uu soo kabanayo. Isagoo xusay in maalintan ay xusuusineyso dhalinta Soomaaliyeed sida loogu baahan yahay in midnimada laga shaqeeyo si looga dhabeeyo riyadii geesiyaashii SYL.

“15-ka May waa maalintii Halganka iyo Midnimada Dhalinyarada Soomaaliyeed ee u istaagay sidii ay waddankan iyo shacabkiisa looga xorreyn lahaa gumeysiga, caawana waxaan halkan u joognaa si aan u muujino taariikhdaas qiimaha badan iyo doorkii waddaninimo ee ay muujiyeen dhalinyaradii SYL“. Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Sanad kasta bisha May 15keeda waxaa Dalka Soomaaliya laga xusaa Aasaaskii Xisbigii gobanimo-doonka ahaa ee SYL,waxaadna moodaa in  sanadkan Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaalia inay si ka duwan sanadihii hore ugu diyaar garowday.

Raa’iisulwasaare ku xigeenka XFS oo la kulmay dhigiisa Turki

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar), oo safar shaqo ku jooga magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa waxa uu kulan la yeeshay dhiggiisa Dalkaas, Dr Recep Akdag.

Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) iyo Dr Recep Akdag ayaa ka wada hadlay wanaajinta xariirka qotadda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

“Waxa aan Ankara kula kulmay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga, Dr Recep Akdag. Waxaana ka wada hadalay xiriirka labadda dal ee dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha Ganacsiga iyo waxbarashada ee Soomaaliya iyo Turkiga”  ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Dawladaha Turkiga ayaa waxa ay kamid tahay dawladaha xariirka dhaw la leh Dawladda Federaalka Soomaaliya.