Madaxda dalka oo ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed bilashada bisha Ramadaan.

Date:

Muqdisho (SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guddoomiyaha aqalka Sare  &Ra’isulwasaaraha Jamahuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed bilashada bisha  barakeysan ee Ramadaan oo ay maalintan tahay maalintii 1-aad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay  in la iscafiyo oo la isku naxariisto islamarkaana la is caawiyo.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay  kuwa wax haysta in ay afuriyaan bishan barakeysan ee Ramadaan kuwa kale ee aan waxbo haysan.

Dhanka kale Guddoonada labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul wadaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa hambalyo ku aaddan dhalashada bisha barakaysan ee Ramadan u diray Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...