Ciidamada Xasilinta oo ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan hub sharci daro ah iyo dadkii watay

Date:

Muqdisho(SNTV) Iyadoo ay sii kordhayaan howlgalada lagu xaqiijinayo amniga caasimadda ayaa Howlgal ballaaran oo ay Ciidamada Ammaanka ka sameeyeen xaafadda Xamar Bile ee degmaad Warta Nabadda ku soo qabtay hub sharci daro ah iyo ragii watay.

Hubkaasi iyo dadkii watay Waxaa lagu soo bandhigay Saldhigga Degamda Warta-Nabadda iyadoo uu halkaasi ay ku sugnaayeen Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax iyo guddoomiyaha Degmada Wartanabadda iyo saraakiil ciidan.

Seynab Xaabseey Guddoomiyaha degmada Wartanabadda ayaa faah faahin ka bixisay qaabka howlgalkaasi uu uga dhacay degmadeeda.

“Halkan waa degmada Warta nabadda,howlgal ay ka sameeyeen halkani ciidamada Xasilinta waxaa ay ku soo qabteen abaaro maqribkii labo nin oo hubaysanaa,xaafadda Xamar Bile,mid hubkiisa ayuu tuuray wuuna cararaya ciidanka ayaa ku daba jooga,midka kalena waa la qabtay iyo hubkii,waxaan u mahadcelinayaa ciidamada howlgalka fulinaya”. Ayaay tiri guddoomiye Seynab.

Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa ammaanay wadashaqeynta shacabka,maamulka iyo laamaha ammaanka.

“Runtiina amniga wuxuu kujira wada shaqeyn haddii aan lala shaqeynin ciidamada keligooda waxba maqaban karaan,marka waan ku ammaanayaa guddoomiyaha degmada taliyaha iyo ciidamada wadashqeyntooda,iyo sidoo kale shacabka degmada degan,intaasi kadib waxaa guud ahaan degmooyinka Muqdisho ka socda howlgalo wax looga qabanayo dadka dhibaatooyinka amni darada ah geysanaya”. Ayuu yiri Tuulax.

Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya howlgallo ballaaran oo ay wadaan ciidanka Xasilinta,si looga hortago falalka amni dari ee lagu dhibaateynayo bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...